Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Maxay Erertariya u joojisay duulimaadyada Diyaaradaha Itoobbiya?

13 September, 2024
Image
Addis Ababa
Rakaab saaran diyaarad Itoobbiyaan ah oo ka baxaya madaarka Addi Ababa kuna wajahan Asmara, (Sawirka: Maheder HAILESELASSIE TADESE / AFP)
Share

Hay’adda Duulimaadyada ee Eretariya ayaa go’aan ay soo saartay ku amartay shirkadda duulimaadyada ee Itoobbiya in ay joojiyaan duulimaadyadooda Asmara laga bilaabo 30-ka Sebtembar, balse, shirkadda Duulimaadyada ee Itoobbiya ayaaba ka hormartay oo joojisay duulimaadyadeedii Asmara saddexdii bisha, sida ay ku sheegeen warbixin ay dhawaan soo saareen.

Go’aankani, waxa uu muujiyay heerka uu gaadhsiisan yahay khilaafka labada dhinac ee bilaha soo taxnaa; go’aankan ayaa Hay’adda Duulimaadyada Eretariyi ku sababaysay hab dhaqanka liita ee shirkadda duulimaadyada Itoobbiya, xatooyada alaabada macaamiisha, dib u dhaca joogtada ah ee duulimaadyada iyada oo aan magdhaw laga siin macaamiisha iyo kor u kaca qiimaha duulimaadyada. Halka dhankooda shirkadda duulimaadyada ee Itoobbiyi ku eedaysay Eretariya in ay ku soo rogtay xaalad adag oo aan lagu shaqayn karin. Sababtu waxa ay doonto ha noqotee, go’aankan lagama dhex saari karo xaaladda cakiran ee uu cago dhigay xidhiidhka labada dal, tan iyo markii Jabhada Xorraynta Tigreega iyo xukuumada federaalka ee Itoobbiyi wada saxeexdeen heshiiska nabadda Noofembar 2022, kaas oo Eretariya ku tilmaantay in uu yahay khiyaanno uu u gestay Abiy Axmed oo ay dagaalka jabhada ka dhanka ah xulafo ku ahaayeen.

Qaabka uu ku yimid go’aanku

Khilaafku waxa uu dibadda u soo baxay ka dib markii ay shirkada duulimaadyada ee Itoobbiyi 24 Julaay ay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in ay ogeysiis ka heshay Hay’adda duulimaadyada Eretariya, kaas oo dhigayay in laga bilaabo 30 Sebtembar laga joojinayo shirkadda duulimaadyada ee Itoobbiya safaradii ay ku aadi jirtay Caasimadda Eretariya ee Asmara. Bayaankoogani waxa uu dabasocday warqad ogeysiisa oo hay’adda duulimaadyada ee Eretariyi u dirtay shirkadda Itoobbiya 12-kii Julaay. Sidoo kale Hay’addu waxa ay ku wargelisay dhammaan socotada diyaaraddaa adeegsanayay in ay safaradooda ka danbeeya 30 Sebtembar raadsadaan shirkado kale oo u suurageliya. Waxaa ogeysiiska ku xusnaa in uu go’aankani ku yimid; “Ka dib markaanu aragnay adeeg xumada shirkad duulimaadyada ee Itoobbiya, xatooyada, dhaca iyo burburinta  joogtada ah ee qorshaysan ee lagu hayo alaabada macaamiisha, dib u dhaca muddada dheer, magdhaw la’aanta khasaaraha ay soo gaadhsiiyaan macaamiisha iyo kor u kaca qiimaha duulimaadyada iyo gefaf kaleba, ka dib markii ay iska dhego marisay shirkaddu baaqyada joogtada ah ee aan ugu sheegayno in ay ka waantoobaan gefafkaas, waxaan go’aansanny…”

Go’aankan ka dib, afhayeen ku hadlay magaca shirkadda duulimaadyada ee Itoobbiya ayaa u sheegay wargeyska Reuters, “waxa yaabka iyo murugada ku ah shirkaddayadu waa in 15 cisho uun ka hor, Julaay 8-deedii in aan ka helnay warqad codsi ah oo ay Hay’adda duuliimaadyada Eretariyi nagaga dalbanayso in aan kordhinno duulimaadyada toddobaad laha ah ee aan Asmara ku gaadhno, kolkii hore waxa ay ahaayeen 10 ee in aan ka dhigno 15”.

Balse, go’aan kale oo ay Eretariya qaadatay ayaa lagu xannibay akoonadii ay shirkadda duulimaadyada Itoobbiya ku lahayd bangiyada Eretariya, taas oo ku riixday in ay awooddi waayaan bixinta mushaharaadka shaqaalaha iyo kharashka hawlgalka oo ay dabadeed xilligii loo qabtay ka hor joojiyaan duulimaadyadoodii ay Eretariya ugu kicitami jireen.

Tan oo kale waxa ay dhacday Juun 2023-kii, ka dib markii xukuumada Erertaiya ka hor istaagtay shirkaddu in ay dibadda u xawisho faa’ido lacageed oo gaadhaysay 2.5 milyan oo doolar, taas oo ay ku sababaysay yaraanta isku beddelka lacagaadka qalaad. Iyada oo aan shirkadaha kale ee ajaanibka ahi la kulmin mushkilad caynkaas ah, taas oo ku tusinaysa beegsiga loo qasdiyay ee shirkada ka dhanka ah.

Xidhiidhka Eretariya iyo Itoobbiya waxa uu ku sugnaa tan iyo markii heshiiska nabadda ay wada gaadheen jabhadda xorraynta Tigreega iyo xukuumada Addis Ababi xaalad cakiran se qarsoodi ah, heshiiskan ayay Eretariya diiday iyadoo cadaawad ba’an u haysa Jabhadda Tigreega, dagaalkii ka dhanka ahaa Tigreega waxa ay ciidamada Tigreegu ka barbar dagaallamayeen ciidamada Itoobbiya iyo maleeshiyaadka Amxaarada. Balse, xaaladu waxa ay sii xumaatay ka dib hadalkii uu jeediyay Raysal wasaaraha Itoobbiya ee daarnaa in ay ka go’an tahay xoog iyo xeelad ba in ay rug badda cas ka helaan, kaas oo Eretraiya u aragtay in uu dabasocdo qorshe Itoobbiyi ku rabto in ay qabsato dekada Casab.

Si guud, iyo gaar ahaan tan iyo markii horraantii sannadkan ay saxeexdeen is afgaradkii muranka badan dhaliyay Soomaalilaan iyo Itoobbiya gobolka Geeska Afrika waxaa ka jira isbeddelo siyaasadeed oo degdeg badan. Iyadoo, isfahankani dabada ka riixayo waxaa dib u soo laabtay oo xidhiidh xoogan dib u yeeshay Eretariya iyo Masar, ka dib muddo dib u gurasho ah, 2018-kii kolkuu xilka yimid Abiy Axmed waxa ay xidhiidh dhaw yeesheen Afawerki, ilaa ay markii danbe wada galeen dagaalkii ay isku seegeen ee ka dhanka ahaa Tigreega.

Maxaa ka dhalan kara

Go’aankan cawaaqib badan oo waxyeelayn doonta shacabka labada dal ayaa ka iman karta, shirkadda duulimaadka ee Itoobbiya toddobaadkii waxa ay samaysaa 44 duulimaad oo caalami ah, halkaa oo ay saddex meelood meel wax ka badan ku aado Asmara; waa 15 duulimaad. Go’aankani ma aha mid la xidhiidha shirkad maxali ah oo suuq loo sameynayo oo Hay’adda duulimaadyada ee Eretariya waxa ay leedahay hal diyaarad oo kaliya, taas oo kharaab ahayd muddo sannado ah, xataa iyaga oo soo kiraystay dhawr diyaaradood oo kale ma laha awood ay kula tartami karaan diyaaradaha Itoobbiyaanka.

Shirkadaha kale ee u kicitima madaarka Asmara, waxa ay kala yihiin; shirkadda duulimaadyada ee Masar, Falaay Dubaay, shirkadda duulimaadyada dadka iyo Turki Airlines, sidoo kale waxa gaadha duulimaadyada Jeju iyo Starlink. Waxaa jira duulimaadyo toos ah oo ka soo baxa Asmara kuwaas oo dhawr bartilmaameed taga sida madaarada; Addis Ababa, Qaahira, Dubaay, Jidda, Istanbul, iyo BoortSuudaan, waxaa sidoo kale jira duulimaadyo bartilmaameedyo kale u kaca se aan joogto hayn.

Dadka safarka ah ee ka soo baxaya ama u socda Asmara waxaa caqabbad ku noqon doonta, in ay dib u helaan lacagtii tikidhada iyo in ay helaan diyaarado kale oo safarka u qorshaysan u suuragaliya, taas oo ah arrin ay laba si u kafaalo qaadi jirtay shirkaddu, in ay ku wareejiso diyaarad kale iyadoo aan kharash dheeri ah ka qaadayn, ama in ay lacagta tikidhka u soo wada celiso. Cawaaqibta la hubo ee ka dhalan doonta go’aankan waxaa ka mid ah, in uu qiimaha tikidhku kordho, taas oo keenaysa isla wixii ay hay’adda duulimaadyadu ku qoonsatay shirkadda Itoobbiyaanka wax ka mid ah, qiime korodhka.

Loolan siyaasadeed oo cusub

Waxa aan cidna rumaysan karin in sababaha la sheegay yihiin kuwa dhabta ah ee ka danbeeya go’aanka Eretariya, waa arrin aan looga baran xukuumada Eretariya in ay ka shaqayso danaha iyo wanaaga shacabkeeda. Sidoo kale madaarka Asmara laftiisa ayaan lahayn awoodda iyo kartida looga baahan yahay madaar caalami ah oo safarka ku habboon, waa sida ay sheegeen mareegaha qiimeeya madaaraduye.

Dhankaa haddii aynu ka soo eegno, waxa ay u badan tahay in sababta ka danbeysa go’aankani tahay mid siyaasi ah, taas oo sii xoojinaysa khilaafka labada dal, waxa aynu aragnay in Asmari  Muqdisho ku taageertay loollankeeda ka dhanka ah Itoobbiya, waana caasimadihii ugu horreeyay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh booqday ka dib markii ay isafgaradka wada saxeexdeen Soomaalilaan iyo Itoobbiya.

Taas oo lagu daray sida labada dal isugu khilaafeen dagaalka Suudaan, oo Asmari waxa ay u janjeedhaa ciidanka Suudaan oo ay ku taageersan tahay dagaalkooda ka dhanka ah maleeshiyada birmadka (dacmi sariic), halka dadka dagaalkan sida dhaw ula socdaa u arkaan in Itoobbiya qaadday tallaabooyin ka fog ciidanka Suudaan. Khilaafkan oo uu asaas u yahay xaaladda gobolka Tigreega, kaas oo ay Asmari u aragtay in Addis Ababi uga baxday dagaalkii Tigreega, ka dib markii ay heshiis la gashay Jabhadda Xorraynta Tigreega, taas oo caqabbad ku noqotay damacii Eretariyi ku rabtay in qaadato deegaanno ay sheegato oo gobolkaa dhaca.

Asmara hadda waxa walaaca u weyn ku haya in Addis Ababi si rasmi ah u codsato in ciidamada Eretariya laga saaro gobolka Tigreega, waana dalab Ameerikaanka soo dhaweyn ka heli lahaa, oo waxaa loo arkaa joogitaanka ciidamada Eretariya ee gobolka Tigreega caqabadaha ku gudban in uu si buuxda u hirgalo heshiiski Biritooriya. Sidoo kale Asmari ma ogola isbeddelada Raysal wasaare Abiy Axmed, kaas oo isagoo dagaal kula jira Jabhadda Tigreega, la heshiiyay, jabhada Amxaarada ee Faano oo ay xulafo ahaayeena dagaal ku qaaday, oo waxa ay u arkaan in isbeddeladani salka ku hayaan damaca Itoobbiyaanku ku rabaan in ay badda cas rug ka helaan.

Gunaanadkii, go’aankan ka dhanka ah shirkadda duulimaadyada ee Itoobbiya waa mid ka turjumaya xurguf hoose oo labada dal ka dhaxaysa, taas oo xidhiidhka labada dal dib ugu celisay xaaladdii uu ku sugnaa heshiiskii 2018 hortii, markaas uun bay ahayd marka dib loo furay isku socodka duulimaad ee labada dal, taas oo ka mid ahayd guulaha heshiiska laga gaadhay.

Gobolka Geeska Afrika dhawaanahan waxaa ka jiray qodobbo xasillooni darro abuuray, kuwaas oo ay keeneen khilaafaadka siyaasiga ah ee sii ballaadhanaya, faragalinta dawladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo korodhka suurtagalnimada in ay qarxaan colaado. Markaa way adag tahay in go’aankan la fahmo iyadoon lagu eegin xaalada siyaasadeed ee cakiran ee gobolka ka taagan.

Qoraallada kale ee qoraaga