Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Waraysi

Guugi wa Tiyaango: La-sheekaysiga Tiirriga Suugaanta Afrika

14 September, 2024
Image
Guugi
Ngugi Wa Thiong'o, African Keniota writer, Milano, Italy, 17th May 2015. (Photo by Leonardo Cendamo/Getty Images)
Share
GOGOLDHIG

Aktoobar horraanteedii waxa aan u safray Ifiriin si aan u la kulmo sheekafalkiyaha weyn Guugi wa Tiyaango[1]. Hore waxa aan dhawr toddobaad ku soo qaatay maamulgoboleedka Aywa, oo ay galaabixinaysay dabayl qabow. Se halkan waxaa is helay fallaadhaha qorraxda iyo diirrimaadkii Kaalifoorniya, waxaana unkantay neecaw carfoon. Si deggan ayaa aan u saldhigtay kursiga dambe ee tagsiga. Waxaa bannaanka meel kasta maraya taraagyada Ameerikaanka. Waxaa i gu geedaaman carafta neecowda ka soo kakamaysa badweynta. 

Guugi wa Tiyaango, waxa uu xeeldheere ku yahay wax ka qorista Afrika. In Guugi sidayda oo kale yahay Kiinyaanna, runtii micne weyn ayaa ay ii lee dahay. Waxa uu ka la qaybqaatay Ejebbe[2] iyo Sooyinka[3] jaadsuugaaneedkii soo ifbaxay kontomeeyadii ilaa lixdameeyaddii, oo ahayd goortii uu guumaystuhu ka kacaamayay Afrika badankeeda. Haddii Ejebbe uu ahaa soo tebiyihii u gu horreeyay ee si qoddadheer u tibaaxay xaaladda murugsan ee ka dhalatay falalka silloon iyo barakicinta kadhanka ah guumaystaha,  Sooyinkana ahaa indheergaradka fiirada dheer ee iskudayay faaqididda isdiiddooyinka u dhaxeeya dhaqanka Afrikaanka iyo reer Galbeedka, iyo waxa mid kastaa u yaqaan xorriyadda; Guugi waa halgamaa soomajeeste  ah. Qoraalladiisu waa ay caddaayeen, ujeeddadiisana daah ku ma gudbana. 

Wax kasta ka hor, buugtiisu waa hub la gu la dagaalo guumaystaha, marka xigtana waa waxqabad ku gadoodaya guurtida fasaadka u illan.

Lix sanno mise toddobo sanno ayaa aan ahaa kolkii ii gu horraysay ee aan akhriyo buug-carruureed uu Guugi qoray, oo yaallay maktabadda dugsigeenna. Kolkii aan tobanjirsadayna, waxa aan si lamafilaan ah aan ku arkay maktabadda awoowgay rafafkeeda nuskhad baalliyowday oo ahayd masraxiyaddii Maxkamadayntii Diidaan Kimaasi[4], ee ay wada qoreen Guugi iyo Mugo Githae Mugo. Dhawr mar ayaa aan akhriyay, oo aan ku celceshaday aniga oo aad u la dhacsan sheekada ku saabsan hoggaamiyaha u halgamaya xoraynta Kiinya, ee wax kasta ka jecel in uu dhinto intii ay xukumi lahayd maxkamad guumayste. Kimaasi, u gu dambayntii waxaa la gu xukumay dil, oo ay ku xukuntay maxkamaddii guumaytihii Ingiriis.

Guugi, suugaantiisa waxa aannu ku dhiganaynay dugsiga sare. Adeerkay, oo ahaa akaadeemik, waxa uu buug ka qoray Guugi. Waxa aan akhriyay kol aan kuray ahaa—oo wax sidaas muc u leh ka ma fahmin. Buuggu waxa uu ku saabsanaa mudaaharaad uu hoggaaminayay Guugi, oo ka dhacay Jaamacadda Nayroobi dhammaadkii lixdamaadkii. Kacdoonkaasi waxa uu suuragaliyay in meesha la ga saaro kulliyaddii barashada diraasaadka Suugaanta Ingiriiska, beddelkeedana la yagleelo kuliyadda diraasaadka Suugaanta Afrikaanka ee qoran iyo ta aan qorraynba. 

Muddo ka dib, Guugi, waa uu joojiyay sheekasuugaaneedyadii uu ku qori jiray luuqadda Ingiriisida, oo waxa uu doorbiday in uu halabuurkiisa faneed iyo suugaaneedba uu u adeegsado luuqaddiisi uu ku soo barbaaray, ee Giikuuyu[5]. Waa aan u riyaaqay tallaabadaas Guugi uu qaaday iyo sida uu u gu halgamay Suugaanta Afrikaanka. Dhacdadaas markii ay muddo ka soo wareegtayna, waxa aan bilaabay Jaamacadda Nayroobi, oo aan ku takhsusay kuliyaddii uu u halgamay Guugi. Xilligaas, 2010-kii, waxa soo baxay sheekasuugaaneedyo iyo masraxiyado badan oo uu qoray Guugi. Waqtigaasna jaamacaddu in aannu faallooyin ka qorno waxqabaddadaas Guugi ayaa imtixaan ahaan la innoo ga qaadday. 

Nolosha Guugi in badan oo ka mid ah waxa ay ka cokan tahay dhacdooyinkii u gu muhiimsanaa qarnigii labaatanaad. Waxa uu dhashay waxyar ka hor Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo xilli weli Kiinya ay u gu gacanjirtay guumaystihii Ingiriiska. Dhallaannimadiisi waxa ay ku beegnayd dagaalladii la gu lee’day ee xornimodoonka. Waxa uu jaamacad u tegay dalka Yugaandha goor ay Afrika oo dhammi la daalaadhacaysay kacdoonno siyaasadeed iyo suugaaneed. Qaangaadhnimadiisuna waxa ay la kowsatay madaxbannaanidii Yugaandha ee 1962-kii iyo Kiinya 1963-kii. Sanooyinkii xigayna waxa uu la amakaagsanaa sida ba’an ee hankii bulsho loo burburiyay madaxbannaanidii ka hor.  Xukuumaddii Kiinya ayaa jeelka dhigtay Guugi, sababo la xidhiidha qoraalladiisa. Kolkii la soo daayayna halkii ayaa uu ka sii waday dhaqdhaqaaqyadiisi siyaasadeed iyo qoraalladiisiba isa ga oo jooga Kiinya, mararkii dambena Landhan. U gu dambayntiina waxa uu saldhigtay Maraykanka, halkaas oo uu ka noqday bare suugaaneed muddo ku astaysan soddonkii sano ee la soo dhaafay. Ka dib magac weyn ayaa uu yeeshay oo aan ku koobnayn sheekafalkiye uun, oo waxaa loo tixgeliyay dibueege iyo faaqide ku xeeldheer xaaladaha Afrika, guumaysigii ka dib. Xul waxqabaddadiisa ka mid ah sida “Xoraynta Maanka[6]”—oo ah naqdi adag oo boorrinaya is ka moosidda luuqadaha guumaystayaashii Ingiriiska iyo Faransiiska—waxaa la ga dhigay nas ay tahay in jaamacad walba oo adduunka guudkiisa ah la gu dhigo.

Is ku soo xoori oo, kolkii aan u soo dhawaaday hoyga Guugi ee ku yaalla Kaalifoorniya welwel ayaa i mirtay. Wadnahaa xoog ii garaacmay.  Waxa aan bilaabay jarayn iyo in gacmahayga iyo dhammaan jidhkaygu yara hashkadeeyo. Qoshuhuna waxa weeye in aan ka soo diyaariyo warbixin tifaftiran qoraaga da’diisu ku sii siqayso siddeetan iyo afar sano—oo uu  gudbay marxaladdii u gu dambaysay ee noloshiisa.

Guugi, waxa uu ii gu la taliyay in aan u martiyo inta aan Ifiriin joogo ee aan waxbixinta ka diyaarinayo. Sida oo kale, warrankiisa waxaa ka mid ahaa in xaaladdiisa caafimaad ay liidato, oo uu dhawaan gelayo qalliin, oo haddii aan la meel joogo, ay fudud dahay in aannu iswaraysanno. In aan u martiyo munaasib ku ma aha shaqadayda saxafnimo. Haddana waxaa i gu lammaanaa rabitaan ah in aan ka reebo macluumaadka u gu waxkuoolsan inta karaankayga ah, arrinkaas oo lagamamaarmaan ka dhigaya in waqtiga u gu badan aannu wada joogno. Waxaana ay ka maarmi weyday arrintu, in aan sidaas yeelo oo, waa anigan ardaaga gurigiisa soconaya ee ku wajahan gurigan lebenka cas ka samaysan ee ku yaal dhammaadka waddada agtiisa ku dhammaata, ee taabtay gambaleelka gurigiisa.

 

KEENISTII ISTIRAASHOOYINKA:

Weligay la ma kulmin Guugi. Hal mar ayaa aan arkay waqay, xilligaas oo ahayd 2017-kii goor uu yimid kulan ay soo agaasintay Jaamacadda Nayroobi oo daarranaa mashruuc turjumis. Se hadda waakan i ag taagan. Kulankaas hore waxa uu ka hadlayay warbixinno ku saabsan Noobasha,[7] iyo sannadkii hore xilligii la filanayay in uu ku guulaysan doono Noobasha Suugaanta sidii ay koox saxafiyiin ahi u gu soo jarmaadeen kadinka gurigiisa. Kolkii uu ku guulaysan waayayna, sidii isa ga iyo xaaskiisu ay shaaha u gu sooreen saxafiyiintii soo jarmaaday. Maanta waxa uu gashan yahay garan, surwaal, beer dacasyo ah iyo hu’ga qubayska. La ma yaabin dharkiisa, oo maxaa aan filan lahaa in uu gashanaan doono nin aan sagaalkii subaxnimo aan u gu imi hoygiisa? 

Waxa uu i gu casuumay in aan ku la quraacdo miiska cuntada, oo uu markaas arrimo shaqo ku dul hayay. Agagaarkayaga iyo wax waliba waxa ay ku dahaadhnaayeen midabbo kaaki iyo qalin ah: Gidaarrada, fadhiga, kuraasida iyo roogagguba. Waxa aan dareemay in aan joogo deegaan aad u fayadhawran. 

Inta aannaan wada hadal, waxa uu ii sheegay in uu jeclaan lahaa in uu wax badan i ga ogaado shakhsi ahaan iyo waxa aan u socdo. Waxa uu i weyddiiyay qoraalladayda. Waxa aan u ga warramay dhawrka maqaal ee aan qoray iyo sheekafaneedda aan ku hawlla nahay dhawrkan sano. 

― “Kolley mowduucyada ay sheekadaydu lafagurayso waa uun siyaasadaha iyo diinta, sida sheekooyinkaaga oo kale,” ayaa aan ku idhi. 

Waxa aan u ga dan lahaa uun in aan Guugi ku baraarujiyo in aannu is ku wax xiisaynno. Ka ma uusan halcelin taas ee beddelkeeda waxa uu i weyddiiyay in aan wax ka tabcado qoraallada aan qoro. Waxa aan u gu jawaabay: “Haa.”

― “ Waa si wanaagsan! Weligay waxba ka ma tabcan,” ayaa uu i gu jawaabay.

Wadahadalkii waxa inna gu badhgooyay gambaleelka guriga. Waxaa soo galay labo qof oo guriga ka qabta nadiifinta, adeegga iyo cuntakariska. Waxa kale oo uu ii gu wargeliyay in ay u iman doonto kalkaaliyihiisa caafimaad saacado gudahood, si ay hubin guud u gu samayso. Da’da iyo gabowga waxaa Guugi u weheliya khalkhal caafimaad. Sannaddii 1995-kii waxaa la ga helay kansarka qanjaha, se waa uu ka badbaaday—in kasta oo warbixiyayaasha caafimaadku u sheegayeen warar dhiillo ah iyo in uu sii noolaan doono muddo aan ka badnayn saddex bilood. Diiseembar, 2019kii waxa uu galay qalliin wadnaha ah. Is la sannaddaasna waxaa uu la ildarnaa hawlgab kilyaha ah—oo ahayd xaalad uu u dhintay mid ka mid ah walaalihiis. Waqtiga aan u tagay ma uusan awoodin in uu guriga dhaafo, marar aan ahayn ballamaha loo qabtay si kilyaha loo gu dhaqo saddex jeer toddobaadkii. 

― “ Ma bixi karo bukaannimadayda aawadeed. Sidii boqorka ayaa aan amar ku gu siiyay in aad ii timaaddo,” ayaa uu i gu yidhi.

Cunfigu, waxa uu geedamay in badan oo nolosha Guugi ka mid ah. Se hadda nolol deggan ayaa uu ku nool yahay, oo uu u gu nool yahay meel ka mid ah waddanka Ameerika. La ga soo bilaabo 2002-dii, waxa uu barafaseer dhiga Suugaanta ka ahaa Jaamacadda Kaalifoorniya, Ifiriin. Sida oo kale, waxa ay is ku meel ka shaqeeyeen xaaskiisa Najeeri. Waxa uu dhalay sagaal carruur ah—lix ka mid ahi ay dhashay xaaskiisi hore. Sida oo kale waxaa jira carruur badan oo uu awoowe u yahay. Dhammaan qoykiisana waxa uu la lee yahay xidhiidh joogto ah, oo maalinle ah. 

Maalinkiisa waxa uu ku dhammaystaa guriga, akhris, xidhiidhinta qoyskiisa iyo barashada luuqadda Isbaanishka oo ay ka caawiyaan shaqaalihiisu. Sida oo kale, dhawrkii biloodba waxa uu ku guulaystaa abaalmarin.

Taleefankiisa ayaa soo dhacay, shaqaalihii ayaa qabtay. Waxa ay ahayd in uu Guugi kulan dhijital ah la qaato aqoonyahanno Koonfur Afrika ka soo jeeda si ay u gorfeeyaan waayihii ka dambeeyay madaxbannaaniada. Guugi waxa uu caawiyihiisi u sheegay in ay mushkilad yar ka haysato rukumashada barnaamijka kulanku ka qabsoomayo.

―  “Se mid dhallinyaro ah ayaa i la jooga. Baraka ayaa i ga caawinaya mushkiladdan,” ayaa uu yidhi, oo uu ii dhiibay taleefanka. Shaqadii la ii igmaday ayaa aan u gudagalay sidii barbaar xariif ah oo ka caawinaya oday siddeedtan iyo afar jir ah adeegsiga tikniloojiyadda.

Waxa aan u dhiibay laabtoobkii Guugi. Waxa uu ka cudurdaartay daahitaanka ku yimid kulanka. Waxa uu i ga codsaday in aan u keeno dhawr xabbo oo istaraashooyin ah, si uu is ka ga masaxo dhididka. Waxa uuna aqoonyahannadii ku la kaftamay:

― “La ma dhididayo weyddiimihiinna ee Kaalifoornaya ayaa kulul.”

CAADIYAYNTA DHIILLADA:

Ka dib kolkii uu kulanka ka soo dhammaaday, waxa aan u daaray Guugi hees aad ber yahan loo ga dheegaysto Kiinya, ka dib doorashadii 2022-kii  dhacday. Heesta Vaida waxa ay ku qoran tahay luuqadda Lunyore—oo ah luuqad midkaayona aanu ku hadal. Sidaas oo ay tahayna, markiiba waxa uu bilaabay qoobciyaar, madax ruxis iyo garbo dhaqaajin. Waxa uu ii sheegay in xilligiisi aysan suuragal ahayn in hees Afrikaan ay sidaas oo dhan u faafto, oo ay guul waddaniyad ay soo hoyso. Waxa uu i gu yidhi isa ga oo arrinkaas ii sharraxaya: “Xilligayagii haddii aad maqasho hees Afrikaan oo ka baxaysa raadyowga waxaa ku faran in aad baqtiiso. Sababta oo ah waxa aad sugaysay Jiimi Rodges.”

Arrinkaasna waxa uu u gu yeedhay “caadiyaynta dhiillada” oo ah xaalad timi guumaysigii ka dib. Guumaystihii waxa uu qaatay luuqaddoodii, luuqaddii guumaystahana laguumaystayaashii ayaa boos u bannaystay.

― “Ka warran Ingiriisida Kiinyaanka ama Ingiriisada Nayjeeriyaanka?” ayaa aan weyddiiyay

―  “Miyaa aanay ahayn iminka luuqado deegaamoobay?” ayaa uu i gu halceliyay isa ga oo ii soo dayaya si la yaab ka muuqdo. Waxa uu yidhi isa ga oo hadalka sii wata: “Arrinkaasi waxa uu ka dhigan yahay sidii in aannu ku faraxsan nahay in la inna guumaystay. Ingiriisidu ma aha luuqad Afrikaan. Faransiiskuna ma aha. Isbaanishku sida oo kale. Ingiriisida Kiinyaanku ama Nayjeeriyaanku ma aha luuqad Afrikaan. Waana tusaalaha cad ee innoo caddaynaya caadiyaynta dhiillada. In laguumaystuhu is ku tolo luqadda guumaystaha, waa uun muujinta in uu guul uun ka taransaday guumaystuhu, guumaysigiisi. Waana wax la ga yaxyaxo runtii!”

Indhaha ayaa uu is ku qabtay isa ga oo hadalkiisa sii wata: “Waxa aan akhriyay qoraal uu qofkii qoray ku andacoonayo in uu luuqadda Faransiiska wax u gu qoro si uu u kharribo. Aniguna waxa aan niyadda is ka idhi in ka kharribani yahay is la qofkaas.”

Kolkii uu dhammaystay hadalkiisi, yaxyax ayaa i gu jabay. Waxa aan isweyddiiyay waxa Guugi ku dhaliyay in uu runtaas ii sheego! Ma in aan Ingiriisi wax ku qoro? Mise, aniga oo ah qoraa Kiinyaan ah, oo u jooga in aan wax ka qoro noloshiisa si loo gu daabaco wargeys Biritish ah? Waxaasba ka kaalay oo, hadda ma waxa aan ka mid ahay tusaalayaasha nool ee caddaynaya guusha guumaystaha?

LIMUURU, KOBTII AY WAX KASTA KA BILOWDEEN:

Maalin maalmaha ka mid ah, dhawr sano ka hor, waxa aan ku sugnaa meel ay ka dhaw dahay bartii Guugi uu ku dhashay, kuna barbaaray. Waana deegan ka fog Nayroobi siddeed iyo toban mayl. Qabowgu waxa uu toos u abbaarayay wajigayga. Ciidda casina waxa ay ka hoose sanqadhaysay jaanta buudhkayga. Ninkii deegaanka i ka la barayay ayaa joogsaday isa ga oo leh: “ Dhulkaas oo dhan ma aragtaa? Waa dhulkii awowgay lahaan jiray.”

Hareeraha barta aan taagan nahay waxaa ku teedsan dhirta shaaha oo danayn badani ka muuqato, la joogona xilligii la jari lahaa. Waxa aan su’aalay in ay soo ceshadeen dhulkoodi. Waxa uu ii sheegay in ay iskudayeen, se ay u babacdhigi kari waayeen awoodda dawladda oo aad u ga soo horjeedday doonistoodaas. Dhulku waxa uu ku yaallay boos muhiim u ahaa dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad siyaasadda Kiinya, oo ahayd kolkii uu Ingiriisku ka aasaasay halkaas maxmiyad. Kiinya waxaa loo sawiray in ay tahay xuduud iyo maxmiyad Ingiriis, oo waxaa joogi jiray Yurubiyaanka hantida leh, oo sida uu doono u gu noolaan jiray duurka Afrika. Limuur oo kale, waxa ay ahayd dhulkii uu Ingiriisku ka xoogay shacabka Afrikaanka ah, si uu u gu adeegsado beerista shaaha iyo kofeega, iyo dhammaan waxsoosaarka dheefta leh. 

Guugi, sannaddii 1938-kii, waxa uu u dhashay qoys beeralay ah, oo ku abtirsata beesha Agikuy oo ah beesha u gu weyn beelaha Kiinya deegaanka ku ah. Shacabka Kiinya boqolkiiba labaatan waxa ay ku abtirsadaan beesha Agikuy. Qoyska Guugi dhaqaale ahaan waa uu liitay, waxaana cakiray noloshii qoyska Ingiriiskan marba dhul ka soo barakicinaya reeraha. Guugi aabbihii kolkii albaab kasta ka soo xidhmay waxa uu miciinbiday khamrada, oo ka dhigtay qof cadow ku ah xaasaskiisa iyo afar iyo labaatanka uu dhalay. Guugi hooyadii, Wanjiku[8] waxa ay ahayd qofka keliya ee carruurta ku dhiirrageliya aadista waxbarashada iyo dugsiga—xataa afartameeyadii oo ahayd goor dagaal ba’an la gu la jiray Ingiriiska,.

Sheekada Dhul iyo Ciidankii Xorriyadda[9]—se magaca la gu yaqaan uu yahay Mau Mau oo uu Ingiriisku bixiyay—waa seeska ay ku dhisan yihiin waxqabaddada Guugi ee u gu muhiimsan. Xataa in qoyska Guugi ka tirsan waxa ay ka mid ahaayeen LFA—oo ahayd dhaqdhaqaaq iskacaabbineed oo Limuuru la gu difaacayay, in kasta oo ay qaar la jireen guumaystaha. Guugi walaalkiisa ka weyn, Guudh Waalees[10], xubin ayaa uu ka ahaa xarakada. Walaalkiisa kale, Kaabbaay[11], waxa uu u dagaallami jiray guumaystaha oo uu u gu dagaallami jiray deegaanka Mayanmaar[12] xilligii la gu gudajiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Sida oo kale waxa uu la diriri jiray LFA, oo dhanka guumaystaha ayaa uu ka safnaa. Walaalkiisa kale, Tuumboo[13], waxa uu ahaa dable sirdoon ah. Walaalkiisa kale, Giitooggo[14], oo dhagool ahaa, waxaa dhabarka ka toogtay guumaystaha goor uu fulin waayay amar ka soo fulay guumaystaha; xilli la gu gudajiray baadhitaan la gu raadjoogo dagaalyahannadii LFA, ee Limuuru.

Maalin maalmaha ka mid ah, beri uu Guugi ahaa kuray, isa ga iyo saaxiibkiis waxaa qabtay askarta xilli baadhitaan la waday. Subaxii, sirdoonayaal ay la socdaan ciidammo ka socda guumaystaha iyo koox ka mid ah ciidanka la yidhaahdo Hoom Gaadh[15] —oo ah koox shabbahda guuto ciidan oo ay horjoogayaal ay u yihiin sarkaallo dhallinyar ah—ayaa waddooyinka xuuraama iyaga oo wajigu u qarsoon yahay se indhahooda la arkayo. Waxa ay si juujuub ah u qabtaan cid kasta oo ay waddada ku la kulmaan, iyada oo aan loo eegayn da’da. Sarkaallada uu wajigu u duuban yahay ayaa ka la sooci kara xubnaha LFA iyo dadka caadiga ah, iyaga oo ku ka la garanaya ruxista madaxooga. 

Guugi iyo saaxiibkiis waxaa warbixin ka qaaday guumaystaha, se u gu dambayn waa ay is ka sii daayeen. Iyaga oo xataa ka fogaaday bartii waraysiga loo ga qaaday, midkoodna ku ma dhiirrin in uu dib eego, oo waxa ay hore u gu soo taagnaayeen dhawaaq rasaaseed iyo baroor dad ay dil ku xukumeen sirdoonnadu, ka dib markii ay diideen in ay wax qirtaan ama diidaan ka jawaabista weyddiimaha. 

Bilooyin ka dib, sannaddii 1955-kii iyo ka dib kolkii uu ku biiray dugsi boodhin ahaa oo la odhan jiray Iliit[16] oo badanaa ay qoyskiisu ku murmi jireen cidda bixinaysa fiigiisa―ka hor inta aan la gu abaalmarin deeq waxbarasho—Guugi waxa uu dib u gu soo laabtay tuuladiisi kolkii teeram soo dhammaystay. Waxa uu la kulmay arrin lamafilaan iyo u qaadanwaa ku noqday. Waxa uu ku qoray xasuusqorkiisa:

Waa aan joogsaday. Sanduuqii aan sitay ayaa aan dhulka ku tuuray, oo aan hareerahayga baalladaymooday. Dhirtii aannu beernay waa sideedii. Se dhirta dabadeeda waxaa ii ga muuqada burburka gurigayagii. Dhoobadii, cawskii iyo qoryihii uu ka samaysanaa oo shufbeelay. Waxaa la burburiyay hoygii hooyaday, kii walaalkay iyo kaygii oo aan ka maqanaa saddex bilood. Maba mooddid in aannu halkan ku noolayn, dhisme aannu dhitaysannayna uu ka qotansanaa. 

Ingiriiskii waxa uu gebi ahaanba uu dhulka la simay tuuladii dhammayd, oo uu u barakiciyay dadkii meel kale oo aad u ilaalo adag, oo si adag loo la socdo dadkii tuulada degganaa. Xeradu ma aysan ahayn xabsi caadi ah, oo dadka waxaa suuragal u ahayd in ay meesha is ka ga tagaan gebi ahaan. Se sida uu Guugi qoray waxa ay u dhignayd:

 ― “ Shaqada meesha ka socota waxa ay  ahayd in la tiro waxa ka la duwaya xabsiga, xerada iyo tuulada in meesha la ga saaro.” 

Habeennadii kolka ay gaadhona, reer tuuleedka waxa ay u kaxayn jireen dhanka tuulada si ay waraysi u ga soo qaadan, ka ay ka dareemaan in uu la shaqeeyo LFA, bartiisaas ayaa ay ku dili jireen.

JAYMIS IYO GUUGI:

Guugi, taariikhdiisa mihnadeed laba marxaladood ayaa ay soo martay. Marxaladda koowaad, waa shaqadiisi qoraa ahaaneed ee uu ka ga hawlgeli jiray Jaamacadda Makerere ee ku taal dalka Yugaandha dhammaadkii kontomeeyadii ilaa dhammaadkii lixdameeyadii. Berigaas waxaa loo gu yeedhi jiray Guugi Jaymis[17], waxaana uu wax ku qori jiray luuqadda Ingiriisida. Sheekasuugaaneeddadiisu waxa si xeeldheerinnimo ka muuqato ay badanaa u ga hadli jireen siyaasadda iyo naqdinta guumaystaha. In kasta oo ay ka muuqato shakhsiyaadka sheekooyinkiisa saamaynta uu guumaystuhu ku reebay, haddana  waxa ay haysteen fiiro ah: in aqoonta reer Galbeedka loo isticmaali karo aalad la gu qaawin karo maanxumada guumaystaha. In kasta oo uusan guumaystuhu duullaan ku ahayn diinta Kiristanka, ha se ahaatee waxa ay buunbuunin jireen oo ay u dhigi jireen dhaqammadooda sida u gu quruxda badan.  Se u gu dambayntii waa ay u caddaatay in ay laf cad toobin ku hayeen.

Marxaladda labaadina waxa ay bilaabantay toddobaatannadii. Guugi waxa uu ka tanaasulay magaciisi Ingiriiska ahaa, sida oo kalena waxa uu suugaaantiisi ka reebay in ay ku dhiganto luuqad guumayste. Saamayntaasina waxa ay ka dhalatay ka dib kolkii uu daalacday buugaagtii Maarkis iyo Faanoon. Intaas ka dibna waxa uu si halkaraannimo ah u ga qaybqaatay dhammaan dibudhiska noloshii guumaystaha ka dib―oo ay u gu mudan tahay nidaamka waxbarasho. Sheekasuugaaneeddiisi Ubax Xinjiro leh[18] ayaa soobaxday 1977-kii, oo uu aad u gu weerarayay guurtida cusub ee siyaasadda Kiinya, ka dib gobanimadii. Waa sheekadii u gu horraysay ee uu magaciisa saxda ah ku qoray ee Ngũgĩ wa Thiong’o, iyo sheekasuugaaneeddii u gu dambaysay ee uu ku qoray luuqadda Ingiriisida. Sheekadan, fiirada ay qabtay ma ahayn in aqoontu tahay aalad loo isticmaali karo gobonnimada; markan guurtida waxbaratay ayaa ah kuwa dhabarjabiya shacabka. Waxa ayna ahayd markii u gu horraysay ee uu carrabka ku dhufto naaqidkii weynaa Niikal Saafal[19]:

Guugi, waxa uu ku jiraa waqtigiisi u gu adkaa, oo waxa uu naqdiyayaa burjuwaasiyiinta Kiinyaanka ah iyo caadooyinkooda nasakhan ee dib u abuuraya caalamkii uu guumaystuhu u dhiteeyay laguumaystayaasha, isa ga oo u isticmaalaya ulahooda ay ku dheelaan goolfka. 

Jaymis Guugi waxa uu aad u gu falnaa qoraalka. Waa uu ka warramay habqoraalkiisa: meesha eraygu ku habboon yahay iyo meesha odhaahdu ku habboon tahay. Waxaa haldoor qoraaleed u ahaa Jooseef Konoraad.[20] Waxa uu qoray isa ga oo arrinkaas ka hadlaya:

Qoraa soo kacaamaya maaddaama oo aan ahay, in uu i gu yimaaddo khalkhal qoraal waxa aan isa ga dhagaysiga laxannada hordhaca u ah albamada Bayd’hoofen, iyo akhrisashada safxadaha hordhaca u ah qoraallada uu dhigo Konoraad ee sida xeeshadheer u xardhan.

Guugi faaqidaadihiisa siyaasadeed marka la ga yimaaddo waxa uu sida oo kale  habqoraalku u lahaa muhiimad. Aalaaba qoraalladiisu waxa ay aad u dhaleecayn jireen diinta reer Galbeedka, hannaankooda waxbarasho, luuqadda, iyo khiyaamada hoggaamineed ee la gu la kacay Kiinya gobonnimadii ka dib.

Nuskaddii koowaad ee sheekafaneeddii Guugi ee Hadhuudh[21] waxa uu dib u gu noqday tifaftiriddeeda muddo dheer ka dib. Waxaa sheekada ku jirtay in halgamayaal LFA ka tirsan ay weerareen shicib Ingiriis ah, oo LFA shicibkii Ingiriiska ahaa ay ku la kaceen falal kufsi. Se mar dambe waa uu ka tiray “kufsashadii” sheekada, LFA-na waxa ay u muuqdeen halgamayaal falalkoodu eel la’ yahay. Kolkii aan weyddiiyay waxa ku kallifay in uu dib-u-tafaftirkaas ku sameeyo sheekadiisa waxa uu ii gu jawaabay:

― “La ma sheegin, taariikhdana ku ma taal ruux caddaan ah oo la gu kufsaday Kiinya iyo fal sidaas ah oo ay geysteen halgamayaashii LFA. Sidaas daraaddeedna waxaa i la qummanaan weyday in aan been ka sheego taariikhdii iyo halgankii gobonnimadoonka ahaa ee Kiinya.”

LUUQADDA:

Waxaa yimi kalkaaliyihii caafimaad ee Guugi  duhurradii xilli ay ahayd. Run ahaantii sas ayaa aan ka qabaa wax kasta oo ku saasbsan ama la xidhiidhi caafimaad iyo dhakhtar. Sidaas daraaddeed ayaa aan u sarajoogsaday si aan  u ga durko, aniga oo iyaga u muujinaya in aan u bannaynayo masaaxad ay hawshooda ku qabsan karaan. Guugi waxa uu se ii tilmaamay in aan meeshayda is ka fadhiyo. Welwel ayaa aan is la xejin la’ ahay oo waxa aan garawsaday in uu doonayo in aan ka ag dhawaado inta hawshu socoto. Guugi waa uu ii sheekaynayay, halka aan anigu indho baqsan ku daawanayo cududda weeraaminaysa irbadda ee kalkaalidasada oo taatuu u taagan shakhsiyad kartuun ku xardhan tahay. 

Ka dib kolkii ay dheelmatay, ee ay naftu i gu soo noqotay, aniga iyo Guugi waxa aannu wada cunnay cuntadii. Cuntadiisu aad ayaa ay u cuddoonayd, oo milixdu u gu yarayd. Waxa ay ka koobnayd qadadu hilib dooro iyo khudrad cagaaran. Isa ga oo faallaynaya cuntada waxa uu yidhi:

— “Cuntadan oo kale ayaa jidhkayga hayn karta.”

Wada sheekaysigayagu waa uu socday, se sidii aan u soo qosheeyay in waraysigu u dhaco ma ahayn. Waxa aan rabay in aannu ka wadahadalno guumaysiga, luuqadda iyo fanka, se wadahadalka inna dhexmaraa waa uu is ka koobnaa.

Kolkii uu cunteeyay, waa uu ka kacay miiskii cuntada, oo waxa uu aaday qolkiisi jiifka. Guugi, dhererkiisi waxaa dhawr taako ka dhimay soogodnaantiisa oo caqabad ku ah in uu caadi u socdo. Si isdabataal tallaabada u ma qaadayn, oo waa uu dhutinayaa, gacmihiisuna waxa ay kaabayaan dhabarkiisa. Waxa uu adeegsadaa baakoorad ka caawisa dheellitirnaanta habsocodka, mararka qaarna labo ulood. Waxaa muuqata in uu joogto u xidho garammada Kitenge, oo ay fudud dahay is ka saariddeedu—kolka la ga beddelayo tuubbada caloosha ka ga jirta. 

Guugi, codkiisu waa gaaban yahay oo xabeeb yar ayaa ku jirta. Waxa uu ku hadlayaa lahjad luuqadda Gikuyu ah, oo Ingiriisi uu bartay intii uu joogay Landhan ku qasan yahay. Badanaa hadalkiisa waxaa u dambeeya weedh ah “Ilaahayow,” oo uu badanaa isticmaalo kolka uu la yar yaabo fiiro maalaayacni is ka ah. Se waxa uu awoodaa in uu wax ku gu diido, isa ga oo aan muujin qallafsanaan. Waxa uuna kaa la hadli karaa mawqif adag, isa ga oo aan ku aamusin. Aad ayaa uu u qosoldhaw yahay, oo kolka uu qoslayo, waxa uu ku qoslaa wax isa ga aad u la macne yar. Dhabanka iyo calaacasha ayaa uu isa saaraa kolkaas, isa ga oo ku celcelinaya “Ilaahayow,” isa ga oo ku cabbiraya sida uu waxaasi uusan macne u gu la fadhin. Kolka uu ku qoslayo waxa ka qosliyay, dhakadiisa ay bidaartu leeftay ayaa uu ku gacalsalaaxaa gacantiisa, in kasta oo uu markaas is illowsan yahay, kor u qaaditaanka gacantaasina ay damqayso. Mararka qaar, qosolkaasi waxa uu u sababaa qufac isadabajoog ah, oo damqa caloosha dhawrka mar qalliinlka la ga ga sameeyay.

Dhawr saacadood ayaa aannu miiskaas wada fadhinnay Guugi, barafaseerka jecel in uu ka hadlo madowduucyada uu daneeyo sida luuqadda iyo dabaqadaha bulshada. Isa ga oo arrinkaas ka hadlaya, oo innoo tusaalaysanayana waxa uu yidhi:

— “Anigu ka ma eego caalamka daaqadda cirqiga iyo midabka. La ga yaabee in cirqigu yimaaddo kolka dabaqado la is ku qaybiyo. Ka sooqaad qaaddiga maxkamadda sare ee caddaaladda ee waddankan Maraynkanka, Kalarans Toomas.[22] Sidayda oo kale ayaa uu madow yahay, se xukun kasta oo ka soo fula isa ga waxa uu lid ku yahay dadka madow. Ma aha madowga dabaqadda dhexe ah, ee waa dabaqadda xoogsatada.”

Dibadda, waxaa is fidiyay gudcurkii, oo Kaalifoorniya qorraxdii waa ay ka galbatay. Guugi, isa ga oo ka ga sanqadhinaya miiska waxa uu yidhi:

— “Luuqadda Gikuyu, goortan waxaa la dhahaa Mitha. Xaggee ayaa ay ku la tahay in eraygaas la ga soo ergaystay?” 

Waxa aan u gu jawaabay:

— “ Sawaaxiliga.” 

Waxa uu i weyddiiyay:

— “ Halkee ayaa uu ka keenay Sawaaxiligu erayga?” 

Ma aan garanayn jawaabta.

Guugi waxa uu i gu yidhi:

— “Luuqadda Burtuqiiska weeye asalkeedu. Waa sida ay luuqaduhu u shaqeeyaan. Wax bay ka la amaahadaan oo ka la ergaystaan.”

Waxa aan weyddiiyay:

— “Macquul miyaa ay tahay in aad lahaato dhawr luuqadood oo hooyo? Sababta oo ah waxa aan aaminsa nahay haddii aan si wacan u gu hadlayo Ingiriisida, Sawaaxiliga, Shengiyada iyo Dhooloda ba[23] in ay yihiin luuqadahayga.”

Waxa uu ii gu halceliyay:

— “Haddii aad sidaas is lee dahay, been ayaa aad isu sheegaysaa.”

NIN KAARI LA YIDHAAHDO:

Kiinya dadkeedu sida caadada ah waxa ay ku wada hadlaan saddex luuqadood. Ingiriisida iyo Sawaaxiliga, oo ah labada luuqadood ee dastuurka, siyaasadda iyo waxbarashadaba loo adeegsado. Waxaa soo saddaxaysa luuqadda Sheng, oo aniga iyo badanka dhallinyaradu ku wada hadasho. Waxa ay ka kooban tahay iskuqas iskugujira Ingiriisi iyo Sawaaxili. In kasta oo ay ii afarayso luuqad afaraad, oo Dhoolo la dhaho, oo ay ku hadlaan beesha aan ka dhashay—Luo.

Qoraayada Afrikaanka ah ee aan aqaanno, badankood waxa ay wax ku qoraan luuqadda guumaystaha. Laakin, kol kasta oo ay wada kulmaan laba qoraa, waxa uu midba ka kale  weyddiiyaa in ay suuragal tahay in wax la gu qoro luuqad Afrikaan. Waa aan u ga warramay welwelkaas haysta qoraayada Afirkaanka ah, oo aan weyddiiyay Guugi in uu hore sidaas oo kale u welwelay. Waxa uu ii sheegay kolkii uu bilaabay in uu luuqaddiisa wax ku qoro, in uu dareemay xorriyad ballaadhan oo aysan siin luuqadda guumaystuhu. Se sida caadiga ah, Guugi ma ahayn qofkii u gu horreeyay ee si xeeldheerinnimo leh wax u gu qora luuqadda Gikuyu, se waxa jaadgoonniga ka dhigay waa in uu horraantii guul ka soo gaadhay waxkuqorista luuqadda guumaystaha, ka dibna uu ku soo guryanoqday luuqaddiisi hooyo.

Sheekasuugaaneeddiisa Ubax Xinjiro leh ka dib markii uu qoray, sheekasuugaaneeddadiisi xigay waxa ay ku dhignaayeen luuqadda Gikuyu. Dabadeed waxaa loo rogay Ingiriisi wixii uu ku qoray luuqaddaas. Waxa aan u sheegay in aan dhawaan arkay buug uu faafiyay beri hore, oo uu ku dhignaa magaciisi hore ee uu ka tanaasulay, Jaymis Guugi. Waxa uu ka ga falceliyay qosol iyo:

— “Ilaahayow! Kolkaas oo kale khajilaad ayaa i saaqda tin ilaa cidhib. Se faa’idada keliya ee aan ku qabo magacaas waa marka aan rabo in aan ka maadaysto guumaystaha, waxa aan ka maadaystaa magacaas iyada oo aanay cidinna i ga cadhoon.” 

Intaas ka dib, waxa uu Guugi i weyddiiyay waxa magacayga Ingiriisiga ahi uu yahay.

— “Kaari,” ayaa aan ku idhi.

Waxa uu i gu yidhi:

— “Maahee! Haddaba waa in aad ka tanaasusho magacaas.”

Magaca “Kaari” waxaa watay nin Ingiriis ahaa oo la gu magacaabi jiray Edwaard Kaari Fraansiis[24] oo ka mid ah shakhsiyaadkii u gu muhiimsanaa hannaankii waxbarashada guumaytaha ee Kiinya. Waxa uu ahaa Fraansiis bare xisaabeed oo wax ka dhiga Kaambirij.[25] Barenimadiisi waxa uu ka tagay sannaddii 1928kii, oo uu ku biiray jamciyad tabshiiriyiin Ingiriis ah, oo loo soo diray Kiinya, bare ahaan. Isa ga, ayaa labkii ku noolaa Kiinya loo gu magacdaray. Se sida dhabta ah, aniga la ii gu ma magacdarin ninkaas, se aabbahay waxa uu ii sheegay in uu ka qoomameeyay magacaas uu ii baxshay maaddaama uu magacu taariikhdaas lee yahay.

Fraansiis, horraantii waxa uu bare ka ahaa dugsiga Maseeno, ee galbeedka Kiinya dhaca, halkaas oo uu durtabadiiba u dallacay maamule. Waxa uu aamminsanaa in waajibkiisu yahay in uu soosaaro arday mudiiciin ah oo dheganugul, oo hannaankaas halkiisa ka sii wada. Ardaydiisa waxaa ka mid ahaa arday la odhan jiray Oginga Odinga—oo waa dambe isa guna xisaabta ka dhigijiray is la dugsigaas. Xasuusqorka Odinga, waxaa ku qornaa isafgaranwaagii dhexmaray isa ga iyo barihiisa, se hadda ah maamulihiisa. Xeerarka Fraansiis waxaa ka mid ahaa, in ardayda Afrikaanka ah iyo bareyaashoodaba ay xidhaan surwaallo jooga ruugagga, beddelka surwaalkii dheeraa—si ay maanka u gu hayaan sida uu guumaystuhu u arko.  Odinga waa uu ka biyadiiday arrinkaas, oo beddelka dabagaabyada waxa uu xidhan jiray suudh. Loo ma oggolayn Afrikaanka meesha wax ka dhiga in ay qaabbilaan soo booqdayaasha habeen iyo maalin imanaya goobta. Afrikaanka waxaa loo oggolaa keliyata in ay gataan tigidhada tareenka ee qaybta saddexaad. Kolkii uu Odinga uu gatay tigidhka qaybta labaad ee tareenka, Fraansiis arrinkaas waxa uu ka ga falceliyay in uu dhirbaaxo Odinga. Odingana waa uu is ka ga tagay shaqadii. Mar dambena ma aysan wada kulmin labadoodu. Kamadambaystiina, Odinga waxa uu noqday Madaxweyne Kuxigeenka Kiinyaada xorta ah.

Sanaddii 1940-kii, Fraansiis waxaa maamule loo ga dhigay dugsiga sare ee Allaayans.[26] Mansabkaas waxa uu ku shaqeenayay ilaa 1962-kii. Allaayans waxa uu ka dhisnaa meel u dhaw Limuuru, oo waxaa loo gu talagalay in la gu carbiyo xayn yar oo uu guumaystuhu u oggol yahay in ay qayb ka noqdaan xukuumaddooda. Dugsigaas Guugi waxa uu galay isa ga oo ah toddobo iyo toban jir. Ardayda dugsigaas waxaa gebi ahaanba la ga indhasaabi jiray cunfiga uu guumaystuhu falo. Balcaddooda, ayaa u ahayd gabbaad uu ciidanka guumaystuhu ku garto in ay yihiin kuwa la carbinayo, oo waxba ku ma aysan samayn jirin. 

Waa sidii uu ku qoray Guugi sheekafaneeddiisa Hoygii Turjumaanka[27]:

Barbaarta waxaa loo carbiyay waqti iman doona.

Guugi, waxa uu u ahaa ardaydii dhigan jirtay dugsiga Allaayans tusaale doorran. Wixii u gu horreeyay ee uu qoray, waxaa la gu daabacay wargeyska dugsiga sannadkii 1957-kii. Waxa uu ahaa qoraal uu u gu mahadnaqayo guumaystaha iyo hannaankiisa waxbarasho iyo sida uu u gu faraxsan yahay in uu yahay Kiristan. Waxa uuna u gu mahadnaqay guumaytaha “saamaynta xaddaaraddooda” sida ay Gikuyu u ga xoraysay sixirkii iyo qudhunkii ay aamminsanaayeen. Intii uu dugsiga ku jiray waxa uu ku heesayay “Allow maganyeel boqoradda,” halka walaalkii ku la dirirayay kaynta cabsidii ay beereen boqoradda askarteedu.

Kolkii u gu dambaysay ee Guugi uu arko Kaari waxa ay ahayd 1964-kii, hal sano ka dib kolkii ay xorowday Kiinya. Markaas ayaa ay daabacaadda ka soo baxday sheekafaneeddii u gu horraysay ee uu qoro. Maalinkaasna hadaljeedin ayaa uu ku lahaa Guugi dugsiga sare ee Nayroobi. Waxaa ardayda maalinkaas la fadhiyay Kaari Fraansiis, oo markaas si bare ahaan ah u ga hawlgala dugsiga. Waxa uu dhagaysanayay hadaljeedinta Guugi, dabadeedna isa ga iyo ardayduba ay weyddiinayeen su’aalo ahaa: Waa maxay talada aad siinayso arday walba oo jecel in uu noqdo qoraa? Sidee ayaa uu qoraagu isu gu dheellitiri karaa male’awaalka iyo waxa la rabo in ay wax ka beddelaan siyaasadda? Guugi waxa uu la dhoollacaddeeyay xasuuso ku soo dhacay. Waxa uu ii sheegay in taasi Fraansiis ku ahayd cillad uu xal u la’aa iyo in uu ahaa shakhsiyad isburin og. Aad ayaa uu u gu adadkaa waxbarista ubadka Afrikaanka ah, oo hadafkiisu waxa uu ahaa in uu soosaaro arday aan weligood ka shakiyin nidaamka guumaystaha. Hore ardaydu waa ay u ga biqi jirtay, kolkii la joogay dugsigii Allaayans. Se maalinkaas uu joogay dugsiga Nayroobi, si isdhuldhig leh ayaa uu u la fadhiyay ardaydii Kiinyaanka ahayd.

Fraansiis waxa uu godgalay 1966-kii. Waxaa la gu duugay ardaaga dambe ee dugsiga Allaayans. Raggii ka soo qaybgalay aaskiisa, dhammaantood waxa ay fure u ahaayeen siyaasadda dalka Kiinya. Sagaal ka mid ah mas’uuliyiintii xornimada ka dib, waxa ay ka soobaxeen dugsiga Allaayans. Waxa ay isu gu jireen mas’uuliyiin u sarreeya Bangiga Dhexe ee dawladda, jeneraallo iyo taliyayaal booliis.

Waxa aan Guugi  weyddiiyay in uu jiri karo guumayste wanaagsan.

— “Ilaahayow,” ayaa uu yidhi. Inta uu qoslay ayaa uu hadlkii sii watay:

— “Guumaysigu, waa nidaam. Muhiim ma aha haddii uu guumaystuhu wato Baybal ama hub. Waa uun guumayste. Haddii ay doorasho uu arrinku noqon lahaa, dabacan ka Baybalka sita ayaa aan ka doorbidi lahaa ka wata hubka. Se labaduba waa is ku ujeeddo.”

KULANKII:

Sannadkii 1959-kii, Guugi waxa uu yimi Yugaandha, caasimaddeeda Kambaala. Waxa uu u yimi si uu u ga bilaabo barashada luuqadda Ingiriisida Jaamacadda Makerere, oo ah jaamacadda u gu wanaagsan Bariga Afrika. Guugi, imaashihiisa Kambaala waxa ay u ga dhignayd sidii in waxyi ku soo degay. Waa arrinkii ka dambeeyay in uu qoro weedha ah:

Waxa aan imid magaalo casriyaysan, oo uu ka taliyo madowgu.

Waqtigaasna, Kambaala waxa ay ahayd caasimadda suugaanta, oo fadligaas waxaa leh Makerere oo soosaartay qoraayo miid ah. Waxa ay kulmisay Guugi, naaqidkii weynaa Biitar Naasayras, gabyaagii Kiinyaanka ahaa Jonosan Karaara, qoraagii Yugaandhiiska ahaa Joon Naageendda oo ay mar dambe is guursadeen Alfiiniya Sayramo oo ay ku kulmeen is la Jaamacaddaas.[28]

Juun, 1962-kii, jaamacaddu waxa ay agaasintay kulan aan daarranayn oo kaliya Guugi, se loo ga hadlayo mustaqbalka Suugaaneed ee Afrika. Waxa uu ahaa kulankii u gu nidaamsanaa, ee ay isu gu yimaaddaan dhammaan qoraayada ka ka la yimid qaaradda nawaaxigeeda. Guugi aad ayaa uu u gu faraxsanaa in ay fadhi wada yeeshaan Ejebbe, Sooyinka, Joon Bebber Kalaark, Isiikya Mafaahliili—illaa gabyaagii Ameerikaanka ahaa Lanagaston oo qudhiisu ku cusuunnaa kulanka Kambaala ka qabsoomay.[29]

Fiidkii, qoraayadu waxa ay tamashleenayeen magaalada. Naageendda isa ga oo habeenkaas kawarramaya waxa uu ku qoray wargayska Transition, in uu habeenkaas dhagaystay sheeko gaaban oo uu qoraa kor u akhriyay, oo ku saabsanayd oday wiilkii uu awoowga u ahaa beerkiisa cunaya. Waxa uu ku tilmaayay sheekadaas in ay ahayd sheeko uurkutaallo ah. 

Kolkii uu kulanku soo gebagaboobay, dhammaan qoraayadii waxa ay u kacaameen kalaab Top Life la dhaho, oo ragga adeegaya ay ku labbisan yihiin suudh, dumarkuna goonnooyinka saamaleylka. Waxaa dananayay muusig heersare ah, oo ahaa ruubiyaan Kongoniis ah, ama Jazz sida loo yaqaan.  Sooyinka waxa uu ka ga yaabsaday qoraayadii kale hab-jaaskiisa iyo sidii uu Giitaarka u la tumayay kooxdii muusigga tumaysay.

Oroortii waxaa la isu gu yimi ka doodista qaddiyad weyn oo ah soo afmeeridda guumaysiga Afrika. Sida oo kale waxaa miiska saarnaa: booska uu ka ga habboon yahay arrinkaasi Suuganta Afrikaanka. Suuragal miyaa ay tahay in qoraagu uu wax ka qabto silloonaanta siyaasadeed, isa ga oo aan ku ladhin farriintiisaas suugaan? Horraantaba, ma jiraa wax la dhaho qoraalka Afrika, mise waxaa jira uun qoraalka Yugaandha, qoraalka Gaana, qoraalka Koonfur Afrika… IWM?

Bilowgiiba kulanku waxa uu noqday muran. Waxaana keenay iskudayada la gu qeexayay Suugaanta Afrikaanka, ee aan waxba la ga weyddiinin abwaannada iyo sheekafalkiyayaasha muddooyinka ka shaqaynayay waxkaqabashada luuqadaha Afrikaanka, sida Sawaaxilga, Igbooda, Zulu iyo Amxaarigaba. Waxa uuna la kulmay kulankaasi naqdiyadii u gu adkaa ee uu soo jeediyay naaqidkii Nayjeeriyaanka ah Oobi Waali.

Oobi Waali waxa uu ku qoray majaladda Transition 1963-kii, in Suugaanta Afrikaanku ay ku qornaan karto luuqad Afrikaan. Fiiradiisu waxa ay tibaaxaysay suugaan kasta oo aan ku qornayn luuqad Afrikaan, taas oo micnaheedu yahay suugaanta Afrikaanka la ga qoray, ee ku qoran luuqad guumayste; ay tahay uun laan yar oo ka mid ah Suugaanta Yurubiyaanka. Waxa uu qoray Waali:

Ardayga Yuruba, tusaale ahaan, ma haysto masraxiyad ku dhigan luuqaddiisa Yuruba. Halka qoraaga  u gu halabuurka wanaagsan Nayjeeriya, ee Sooyinka, uu aamminsan yahay wax ku qoritaanka luuqaddaas in aysan muhiim ahayn.

Halkaas kolkii ay maraysay, waa ay soo jawaabeen kasooqaybgalayaashii kulanku. Mafaahliili waxa uu ku dooday in luuqadda guumaystaha loo adeegsan karo hub la gu jabiyo dulmiga guumaystaha. Sooyinka isa guna waxa uu qoray:

Dharaar kasta wax baan ka bartaa afkaartayda. Daahqaad cusub ayaa ay ii ahayd ‘in aanan munaasib u arkayn luuqaddayda Yuruba’ in aan ku qoro masraxiyaadkayga. Laakin, Igbooda ka warrama iyada? Ma ogaan karaa waxa uu u sameeyay Waali luuqaddaas? Mise ma u turjumay luuqaddaas masraxiyaadkayga ama luuqadaha uu yaqaanno mid ka mid ah?

Guugi aad ayaa uu u la dhibtooday naqdiga Waali. Xilligaas waxa uu bilaabay in uu ka shaqeeyo sheekafaneeddiisa saddexaad, ee Hadhuudh. Muddo kooban ka dibna waxa uu ku guulaystay deeq waxbarasho oo uu ku deeqay Golaha Ingiriisku. Waxa uu heerka labaad ee jaamacadda ka bilaabay carro Ingiriis iyo Jaamacadda Leeds, si uu cilmibaadhis u gu sameeyo kolka uu sii gunaanadayo waxbarashadiisa qoraaga reer Barbadoos ee Joorj Lamiing.[30] 

Waxa uu ku qoray buuggiisa Xoraynta Maanka:

Waali, waa uu i la murmayay xataa aniga oo Jaamacadda Leeds jooga. Waxa aan ku jiray xaalad iskudhexyaac. Waa aan garanayay cidda aan wax ka qorayo, se ciddee wax u qorayaa?

Guugi isa ga oo ka duulaya kulankii maanta, waxa uu garawsaday muhiimaddiisa qoraa ahaan, oo u gu yaraan mihnaddaasi waa sababta ka dhexdhalisay xidhiidhka dhaw isa ga iyo  Ejebbe—ninka qoray sheekafaneedda Talo Faro ka Baxday[31], ee la daabacay markii u gu horraysay 1958-kii, ee uu Guugi aadka u la dhacay. Guugi mar waxa uu la wadaagay Ejebbe sheekafaneeddiisi Igaarkow Jooji Oohinta[32], Ejebbena waxa uu u diray madaxa daabacaadda soosaarta waxqabaddadiisa ee ku taalla Ingiriiska, William Heinemann. Sheekafaneeddaasina waxa ay ka mid noqotay toddobada sheekafaneed ee loo gu magacdaray African Writer Series, oo guulo badan xaqiijiyay.

Sanooyin dhawr ah ka dib, xidhiidhkii ka dhaxeeyay Guugi iyo Ejebbe waji kale ayaa uu yeeshay, gaar ahaan xilligii uu Guugi la saftay Waali oo uu bilaabay in uu luuqad Afrikaan wax ku qoro. Ejebbe waxa uu ka mid ahaa raggii uu Guugi ku canaananayay buuggiisa Xoraynta Maanka in ay weli wax ku qoraan luuqad guumayste. Guugi oo arrinkaas ii ga warramaya waxa uu yidhi:

― “Ejebbe waxa uu i gu yidhi ‘luuqadda Ingiriisidu waa hadyad.’ Aniguna waa aan ku diiday. Anigu si shakhsi ah u ma aan weerarin i ga mana ahayn. Sababta oo ah aad ayaa aan u jeclaa waxqabadkiisa qoraannimo iyo ka sheekafalkiyeba. Waxa aanna ku gartay in uu i ga xanaaqsan yahay, buug ka mid ah buugtiisa, daabacaadda koowaad odhaah aan lee yahay ayaa uu xigtay. Se daabacaaddii labaad gebi ahaanteedba waa uu ka masaxay.”

Si kasta oo ay ahaataba, Guugi, caqabadda luuqadda Ingiriisidu qaraw ayaa ay ku ahayd. Isa ga oo arrinkaas ka hadlaya waxa uu yidhi:

― “Sheekafaneedyadaydii hore kolka aan ka fikirayo, niyaddayda had iyo jeer waa ay ku lammaanayd caqabadda luuqaddu. Sidee shakhsiyado Afrikaan ah inta aan abuuro, luuqaddooda u ga dhigi karaa Ingiriisi?”

Codkiisi ayaa yara gaabtay:

― “La ga yaabee in dhibtu aniga tahay. La ga yaabee in anigu aan khalda nahay.”

Cabbaar ayaa uu yara aamusay:

― “Maya! U ma malaynayo in aniga wax i ga khaldan yihiin.”

CODAD AAN LA MAQLAYN, WEJIYO TEGAY:

Habeenkii xigay, waxa aannu wada fadhinnay miiska cuntada. Waxa aannu ka wada sheekaysanaynay qoraayadii ay Makerere wax ka wada barteen. Waxa uu i gu yidhi:

― “La ga yaabee in adiga ay ku la tahay taariikhwarran. Se aniga shalay ayaa ay i la tahay.”

Waxa uu shiday laabtoobkiisi, oo ag yaallay. Googlaha ayaa uu geliyaa marba qoraa magaciisa—Joon Naageendda, Biitar Nasaares, Jonasan Karaara iyo Alfiina Sayrimo—isa ga oo u ga dan leh in uu helo warbixinnadooda iyo waxqabaddadooda. Madaxiisa ayaa uu u leexleexiyay si murugo leh. Wax badan ayaa uu ka illaabay noloshii jaallayaashiisi. 

Waxa aan male’awaalay berigii ay dhigan jireen Makerere, iyaga oo da’yar ah oo dheeh leh. Giddigood, ay ku wada hammiyayaan in ay noqdaan qoraayo. 

Toddobaaddo ka hor, ayaa ay ahayd kolkii saaxiibkay uu ii ga warramay sheeko aan aad u ga xumaaday oo ku saabsan Karaara, oo ah gabyaa aan gabayadiisa ku dhigtay kulliyadda. Hadda, kolkii aan arkay Guugi oo ka baadhaya ninkaas Wikibiidhyaha, waxa aan fahmay in murugadaasi ay si is ku mid ah innoo taabatay.

K6,77:

Subaxii xigay, kolkii aan ka soo baxay qolkayga hurdada, waxa aan u imi Guugi oo soojeeda oo fadhiya miiska cuntada. Waraaqo ayaa agtiisa yaacsan, laabtoobkiisa oo daaran ayaa ag yaalla, khadka taleefankana waxaa ku jira mid carruurtiisa ka mid ah. Kolba goorta uu midi ka baxo khadka, mid kale ayaa soo galaya. Waxa ay ku wada hadlayaan luuqaddooda, Gikuyu. Maaddaama oo xaalku sidaas yahay, waxa aan bilaabay in aan isu adeego, oo aan quraacdayda diyaarsado. Kolkii aan diyaarsadayna, waxa aan miiska la soo fadhiistay Guugi.

Waxa uu i su’aalay mowduuca ay tahay in aannu maanta ka wada hadalno. Waxa aan u sheegay, in maanta uu mawduuceennu daarran yahay Joomo Kenyaata. Madaxweynihii u gu horreeyay ee Kiinya, gobonnimadii ka dib. Guugi kolkii uu barbaarka ahaa, waxa uu u ga dhiganaa Joomo Kenyaata helyay. Sababta oo ah waxa uu u dagaallamay soocelinta dhulkii la ga faramaroojiyay Gikuyu. Se kolkii uu madaxweynaha noqday, wixii u gu horreeyay ee uu falay waxa uu ahaa ku ballanfurka wacadkii uu la galay Gikuyu, oo in uu soo celiyo dhulkii maqnaa is ka daa ee dheeraad ayaa ay ku darsadeen isa ga iyo isamadhaantadiisi.  Guugi oo arrinkaas ka hadlaya waxa uu yidhi:

― “Keenyata, xorriyaddu, waxa ay u ga dhigan tahay in uu jiro boqor madow, taliye boolis oo madow iyo xukuumad ay ka taliyaan dad madoobi.”

Sanadkii 1977-kii, Guugi waxa uu daabacay sheekafaneeddiisi Ubax Xinjiro leh, oo ahayd weerar cad oo uu ku qaaday xukuumadda Kenyaata. Se sannadkaas qoraalka la gu xidhay ma ahayn kaas. Sida oo kale, ma ahayn masraxiyaddii uu ka qaybqaatay qoraalkeeda ee Ngaahika Ndenda, oo ahayd naqdigii u gu adkaa ee la gu naqdiyo dabaqadaha kaladuwan ee xukuumadda. Se farqiga labadaas sheekafaneed u dhaxeeya ayaa muhiim ahaa, sida uu Cabdirasaaq Gurnah qoray: 

Masraxiyaddu waxa ay ku qornayd luuqadda Gikuyu, oo shacabka caadiga ahi uu fahmayo. Sidaas daraaddeed, waxa loo arkay masraxiyaddaas mid ‘qarandumis’ ah. 

Guugi, waxaa la gu xabbisay jeelka ilaallada adag ee Kaamiito. Waxa ay meel ku wada xidhnaayeen Guugi siddeed iyo toban maxbuus oo u xidhan arrimo siyaasadeed. Guugi waxa uu ku qoray xasuusqorkiisa:

― “Halkan magacayga la ii gu ma yeedho. Waxa aan lee yahay magac tiro ah: K6,77.”

Halkaas ayaa uu ku qoray sheekafaneeddiisi u gu horraysay ee ku dhigan luuqadda Gikuyu isa ga oo adeegsanaya tiishashka istijada,  Caitaani mũtharaba-Inĩ/Iblays wata Saliib.[33] Kolkii ay soobaxdayna, Guugi isa ga oo ka hadlaya daruufaha sheekadaas ka soo maray waxa uu ku yidhi waraysi ay ka qaadday majaladda Baariis Rifiyuu[34]:

Hawl adag ayaa ay ahayd waxkuqorista luuqaddayda Gikuyu. Sababta oo ah waxa aan la qabsaday luuqadda Ingiriisida.

Isa ga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi:

Mushkiladda kale waxa ay ahayd shayaaddiinta yar ee ii iman jiray ee ku labbisan jilbaabka Ingiriiska. Taasna waxaa sabab u ahayd maaddaama oo uusan jirin dhaqan-qoraaleed oo u kaydsan Gikuyu, luuqaddoodana ku qoran. Sida cadna aad ayaa aan u la silcay waxkuqorkeeda iyo eraybixinteedaba, oo caawa kolka aan weedh qoro, ee aan berri subaxii akhriyo, waxa aan arkaa in micnihii isbeddelay. Kolkaas oo kale ayaa ay isa soo xaadiriyaan shayaddiintii Ingiriis iyaga oo i gu beerlaxawsanaya ‘maxaa aad u dhibtoonay anna ga oo joogna.’ In kasta oo uu i gu lammaanaa dareenka isdhiibiddu, se waxa aan ka ladi waayay codka i gu la hadlaya luuqaddayda ee ii sheegaya in ay faral i gu tahay u silica luuqaddaydu.

BOQORKII QALCADA:

Sidii caadiga ii ahayd ber yahanba, waxa aan ku gudajiraa shaqooyinkayga mihnadeed ee ah waxkaqorka Guugi. Se in aan ahay Kiinyaan da’yar, Guugina yahay oday Kiinyaan ah oo gaboobay, sidaas oo ay tahayna meel wada jooga, waxaa isbeddelay doorkii aan meesha u joogay iyo ujeeddadii aan u imid. Waxa aan noqday maalmihii aannu wada qaadannay Guugi, gacanyare hawlkar ah. Waxa aan baro dhaafay gacanyarayaashiisa caadiga ah, oo waxa aannu u wada dhaqmaynay inan iyo awoowgiis. 

Maalinkii labaad ee aan joogay guriga Guugi, waxa ay ahayd maalin uu la lahaa ballan dhakhtarkiisa keliyaha. Ku dhawaad barqada, waxaa u imanaya kalkaaliyihiisa caafimaad, oo gaadhigiisa u gu kaxaynaya ilaa cusbitaalka. Guugi waxyaabaha uu xanuunkiisa ku necbaa waxaas ayaa ka mid ah, in uusan kaxaysan karin gaadhigiisa oo uusan tegin karin meel allaale meesha uu rabo.

Kolkii xilligii ballanta la gaadhay, ee kalkaaliyihii yimi, waxa uu farta i ga saaray furihii guriga, oo uu i gu yidhi: “Hadda, adiga ayaa ay dusha kaa saaran tahay mas’uuliyadda gurigu. Saacado kooban ka dib ayaa aannu is arki doonnaa.”

Hadda waa kaligay. Aniga ayaa ka tiliya qalcadda, oo boqorkeeda ah. Maktabadda guriga ayaa aan dhexsocday, aniga oo faraha la raacaya buugtiisa. Waxa aan ag fadhiistay biyaanada taalla qolka fadhiga, oo aan yara tumay. Waxa aan qaatay buug yaallay maktabaddiisa, oo aan u la baxay beerta ku taalla ardaagiisa dambe  aniga oo salka dhigay kursiga ku jeeda cadceedda. Waxaa ii ga muuqda daaqadda kijadiisa ubax sii dhimanaya. Se dhirta iyo ubaxa ka beeran beertiisan, aad ayaa ay u bilcoon yihiin oo u udug yihiin. Waxaa kale oo ka beeran beertiisa ubaxyo midabbo kaladuwan: basali, cagaar iyo haruudba leh. Waxaa masaafo dhawr tallaabo ah ii ga muuqda gallay qaydhiin weli. Muuqaalka beertaas, waxa aad mooddaa qayb Kiinya ka mid ah, oo Kaalifoorniya loo soo raray. Muuqaalkaasi waxa uu i gu beeray hillow iyo in aan u boholyoobo waddankaygii Kiinya.

HOOLKA KAARNIIJ:

Galabnimadii kolkii uu soo noqday Guugi, waxa uu guriga soo galay aniga oo biyaanadii tumaya. Waa uu hakaday, oo istaagay, maqalkana u sii daayay muusigga. Guugi waxa uu bilaabay barashada tumista muusigga saddex sano ka hor. Sababta oo ah xaaskiisa Najeeri ayaa u xiistay muusiggii ay ciyaalkeedu tumi jireen—oo waa ay ka niyadxumaatay biyaanadan aan dib loo tumi doonin.

Guugi, isa ga oo warqad ka akhriyaya habdhaca muusigga, waxa uu tumay muusigga heestii Morning Mood ee uu lahaa Gireeg Biir.[35] Kolka uu tumayo muusigga, khaladaad ayaa uu samaynayaa, oo qaarkood dhacayaan baararka dhexdooda. In uu saxo khaladkiisa ayaa uu iskudayaa. Se khaladkii uun baa soo noqda. Se u gu dambayntii waa uu la keenay, oo uu la dheelay habdhaca muusigga. Aniga oo kaftamaya waxa aan ku idhi:

“Kolka aad ku guulaysato Noobasha, malaha dadku waxa ay ku weyddiin doonaan kolka aad Giraamidana[36] ku guulaysan doonto?”

Guugi oo dib ii soo eegaya, oo ka gudbaya luuq gurigu lee yahay oo cidhiidhi ah waxa uu i gu  yidhi: 

― “Sida dhabta ah waxa aan rabaa in aan muusig ka tumo Hoolka Kaariinji.[37]

Samada waxaa ka soo laalaadda su’aal aan rabo in aan weyddiiyo Guugi, se aan ku dhaci la ahay. Sababta oo ah, dhaqanka Kiinyaanka ayaa dhigaya xeer ah: in aadan weyddiin dadka da’da ah noloshooda guur. Se waxa aad mooddaa in Guugi uu rabo in uu arrinkaas ii fasiro, oo si bilaa sabab ah waxa uu ii yidhi:

― “Waa aan og ahay in aan u ekahay doob, se ma ahi.” 

Hadda, isa ga iyo xaaskiisu waa ay isfureen. Se ka hor furitaanka iyo kalatagga, waxa ay ku noolaan jireen agagaarka Jaamacadda Hills, faraceeda Ifirin. Badanka dhismaha jaamacaddu, waxa uu ku dhawaa xeebta. Badanaa waxa uu gaadhigiisa u soo wadan jiray dhankaas iyo xeebta, si uu u daawado badweynt Baasifigga. Xataa buuggiisa Sagaalkii Dhammayska ahaa[38]  fikraddiisu waxa ay ku soo dhacday goor uu sidaas oo kale uu ku socday xeebta. Se hadda waa uu ka fog yahay, oo maanta ma hayo badweyntii iyo neecawdeedii baasifigga, toonna. 

Guugi waxa uu u luuday dhankii miiska cuntada isa ga oo sidiisi dhutinaya, tallaabadana hakinaya. Guugi waxa uu ku guulaystay in uu la qabsado dhibaatooyinka jidhkiisa, se weli la ma qabsan illowshiyaha. Isa ga oo arrinkaas ka hadlaya waxa uu yidhi: “Waa aan cabsoodaa kolka aan dareemo in xasuustaydu soo gaabatay. Se sina loo ga ma baxsanayo.”

FILITAANNO:

“Lamafilaan ayaa ay ahayd in Guugi uu ka soo muuqdo liiska musharrixiinta Noobasha. La ga yaabee in aannu qalad samaynay. Kuwa sharraxan oo dhammi u ma dhigmaan, waxa aannuna ka baqanynnaa in uu abaalmarinta helo Guugi.”

Ladbrokes, Aktoobar 2010

“Haddii ay saaka khamaardhigashadu sax tahay, Guugi dhawaan ayaa Istook’hoolm loo ga yeedhayaa.”

The Atlantic, Sibteembar 2013

“In kasta oo ay saddex casho ka hadhay ku dhawaaqista guulaystaha Noobasha Suugaanta, haddana Haaruuki Murukaami iyo Guugi wa Tiyaango waa murashaxiinta u gu sita. Waxaa la filayaa in midkood ku guulaysan doono abaalmarinta la gu karaameeyo suugaanyahanka u gu wanaagsan caalamka.”

The Guardian, Aktoobar, 2014

“Sheekafalkiyaha Jabbaaniiska ah ee Ladbrokes ay ku dhaadato ee Haaruuki Murukaami, waxaa kufsaday suugaanyahanka Kiinyaanka ah  Guugi wa Tiyaango.”

The Guardian, Aktoobar 2016

“Guugi wa Tiyaango, waa suugaanyahanka u gu wanaagsan ee u sharraxan abaalmarinta Noobal—mar kale.”

— The Johannesburg Review of Books, Aktoobar 2017

“In uu ku guuldarraysto abaalmarinta Noobasha Suugaanta Guugi wa Tiyaango, waa wax loomaqaataan ah.”

— BBC News Pidgin, October 2019

“Guugi wa Tiyaango, oo siddeetan iyo laba jira ah, oo in badan la filanayay in uu ku guulaysto abaalmarinta maaddaama oo waxqabaddadiisu darsaan nolosha dadka madow iyo dhaxalkii guumaysiga, waxaa lamahuraan ah in uu sannadkanna ku guulaysto.”

Newyork Times, Aktoobar 2020 

“Murugo ayaa u sugnaatay akhristayaasha jecel waxqabadka Guugi wa Tiyaango oo aan ku guulaysan abaalmarinta Noobasha Suugaanta, halka uu ku guulaystay qoraa Faransiis ah.” 

The Daily Nation, Aktoobar 2022

AKAADIIMIYADDA NOOBASHA EE ISWIIDHAN:

Akaadimiyadda Iswiidhan ayaa garanaysa sababta uu Guugi u gu guulaysan waayay abaalmarinta Noobal. La ga yaabee qaladkiisu yahay in uusan gadhka u la bixin sidii kuwii ka horreeyay, Sooyinka iyo Cabdirasaaq. La gana yaabee in waxa gaalaftay Guugi uu yahay kacaan-qoraaleedka uu sameeyay iyo murankii uu dhaliyay. Waxa, waxaas, sababayna waa sheekafaneeddiisa Iblays wata Saliib, ee badanka daabacaadaha Maraykanku diideen faafinteeda. Tifaftiraha Norton waxa uu ku qeexay Guugi iyo sheekafaneeddaas:
Aad ayaa uu u aaminsan yahay fiirooyinkiisa siyaasadeed. Waxa uuna si xeeldheerinnimo aysan ku yarayn u adeegsadaa habka hadaljeedinta siyaasadda ee Brechtian, oo uu u adeegsado soo bandhigista qodobbada uu rabo in uu u caddeeyo jumhuurtiisa daneeya horumarka hadda ku socda Suugaanta cusub ee Afrikaanka iyo fikirka Maarkisiga ah.

 Sida  oo kale, waxaa  jira qaar  is ku  waafaqsan: Guugi   iltisaamaadkiisa siyaasadeed waxaa yara wiiqay mihnaddiisa qoraaleed, oo naaqidka Nayjeeriyaanka ah ee Adewale Maja-Biiras waxa uu qoray:
 

Waxaa hubaal ah, in Guugi uu waxwalba u huray go’aanka ah: in uu luuqaddiisa u adeegsado qoraalkiisa. Sahal ma aha in uu ka guuro luuqad uu ku muujiyay fankiisa iyo sheekafalkintiisa, oo uu u ga guuro waxyaabo la xidhiidha arrimo siyaasadeed oo meesha u gu xun maraya.

Sida oo kale qoraayadda Yugaandhiisadda ah Jenifar Makumbi[39] waxa ay ii sheegtay in Guugi u ga dhiganaa uun in uu u guuray suugaanta la ga ga soo horjeedo guumaystaha iyo arrimaha siyaasadeed ee gobonnimadii ka dib. Iyada iyo jaallayaasheed waxa ay si isu gu waafaqsanaayeen in masraxiyaadka uu qoro Guugi ay galaafan karaan. Iyada oo arrinkaas ka hadlaysa waxa ay tidhi:

Waxqabadkiisu ka ma aysan qaybqaadaan buunbuuninta barubogaandada.

Maalin ka hor, maalinka la bixin doono Noobasha 2022, waxa aan wacay Guugi oo aan weyddiiyay in uu ku fikirayo/ka fikiray abaalmarintaas. Waxa uu ii sheegay in uusan maankaba ku qaban abaalmarintaas. Sababta oo ah, akaadimiyaddu ma danayso cidda wax ku qorta luuqad Afrikaan, oo isa ga iyo inankiisa Mukooma—oo qudhiisu ah sheekafalkiye—waxa ay ku faalleeyeen abaalmarintaas ka dib guddoonsiintii 2022:

Waa in loo beddelo Noobasha Suugaanta, Noobasha Suugaanta Yuribiyaanka iyo Kaaliyaashooda.

QALLIINKII:

Berri qalliin ayaa uu u lee yahay Guugi. Waa maalinkii saddexaad ee aan la joogo, waqtiguna waa xilli dambe. Waxa aannu wada fadhiisannay miiskii cuntada, hadalkayaguna waxa uu daarranaa qoraalka oo aannu aad u gu fogaannay, in kasta oo aysan waafaqsanayn tusmadii la ii qosheeyay in aan raaco, kolka aan ku gudajiro diyaarinta waraysiga. Si weyn ayaa uu u gu xiisaqabay qalliinka uu berri gelayo, ee loo gu dhaqayo kilyaha maaddaama oo qalliinkani u saamaxayo ku guryanoqoshada Kiinya oo ay u gu dambaysay 2019-kii. Isa ga oo ka beddelaya balastarka tuubbada caloosha ka ga jirta—oo aan aad indhahayga u ga dhawrayay in ay colooshiisa ku dhacaan—waxa uu ii yidhi: “Saaddambe ayaa waxan ii gu dambaysa.” 

Waxa aannu dib u gu noqonnay liiska ay ku qoran yihiin waxa ay tahay in uu sameeyo ka hor qalliinka. Guugi waxa uu wacay yarka uu awoowga u yahay ee Miringu, si uu berri xilli hore gaadhiga uu u gu kaxeeyo. Waxa uu wacay inanta uu awoowga u yahay Najiina, oo uu u sheegay kolka uu ka soo baxo qalliinka in uu xilli kasta iman karo Atalaanta. 

Saaka xilli hore ayaa uu jarmaaday Guugi. Kolkii uu soo qubaystay waxa uu aad u la silcay in uu labbisto, gacmihiisa oo gariiraya aawadood. Waa aan caawiyay, kolkaas oo ay saacaddu ahayd shantii subaxnimo. Waxaa kadinka ku sugayay Miringu. Kolkii uu u diyaargaroobayay, waxa uu ku heesayay heestii uu qaadi jiray waayihii uu Allaayans dhigan jiray:

“ Aabbahayow ii maydh, aan u caddaado sidii barafkiiye.”

QARSOONI:

Sidii la rabay ayaa uu qalliinkii u fulay. Ma ahayn qalliinku arrin ku qasbaya Guugi in uu ku jiro cusbitaalka, oo kow iyo tobankii subaxnimo kolkii ay ahayd ayaa uu Miringu keenay guriga. Guugi waxa uu rabay in uu cabbaar ku laydhsado jardiinkiisa oo uu qorraxda isu dhigo, se Miringu ayaa ku la taliyay in uu nasto oo uu qolkiisa jiifka is ka la bixiyo. Ma uusan diidin Guugi, oo waa uu ka yeelay. Goortaas ayaa uu i soo wacay Guugi, oo uu i gu yidhi: “Hadal intii hore ka gundheer ayaa innoo yaalla, ee ii kaalay.”

Run ahaantii waa uu damqanayay, oo uu sariirtiisa duljiifay. Waxa uu wacay mid ka mid hablihiisa oo dhakhtarad ahayd. Kolkii uu taleefanka ka dhigay, waa uu hiinraagayay oo neefasashada ayaa ku cuslayd. Gacantiisa midigna waxa ay dusha ka saarnayd meeshii qalliinka la ga ga sameeyay. 

Waxa uu i ga dalbaday in aan xasuusiyo meeshii uu wadahadalkeennu ku joogay. Ka dib waxa uu bilaabay in uu ii ga warramo urur qarsoon oo uu xubin ka ahaa kolkii uu joogay Kiinya, toddobaatannadii. 

Ururka Diisambar Laba iyo Toban (DTM)[40] waxaa la gu aasaasay kulan ay qabteen Maarkisiyiin Lininistiyaal ah[41] oo ka qabsoomay Nayroobi. Ururkaasi waxa uu lahaa xeerar kakan, oo loo ga gol lee yahay in la gu carbiyo xubnaha, oo in la gu eryo waxaa kaa xigta adiga oo ka soo dibdhaca shirarka. Guugi oo ka hadlaya xeerarkaas waxa uu yidhi: “Sababta oo ah waxa aannu dhexda u gu jirnay nolol iyo geeri.”

Hubka ay ku dagaallami jireen DTM waxa uu ahaa aqoonyahannada iyo daabicista suugaanta la gu weerarayo xukuumadda. Sida oo kale waxa uu Guugi ii sheegay sheekadiisi keentay in la xidho, waxa ay ahayd mashruuc ay DTM lee dahay, oo ay ku diyaariyeen isa ga iyo qoraayo kale fadhigooda ku yaal Limuuru.

Kolkii uu dhintay Kenyaata 1978-kii, kuxigeenkiisi Daanyeel Moy ayaa qabsaday xukunka, oo soo daayay waxa alla wixii u xidhnaa arrimo siyaasadeed. Waxa uu ahaa iskuday daciif ah, oo uu u ga gollahaa taageere shacab. Se iyada oo aan waxba la joogin, ayaa ay xukuumaddiisu noqotay mid fadhiid ah oo aan waxba dhaamin tii Kenyaata, oo 1982-kii waxaa jiray iskudayo inqilaab. 

Waxa aan weyddiiyay Guugi in inqilaabkaas ay ku lug lahayd DTM. 

Waxa uu yidhi: “Maya! DTM waxa ay aamminsanayd in siyaasaddu hoggaamiso qoriga, qorigu se aanu hoggaamin siyaasadda.” 

Waxa ay qabtay DTM isbeddel midhadhal siyaasadeed leh waxaa horseedi kara waxqabad shacab, ma aha waxqabad kornayl.

Ka dib afganbigii dhicisoobay, waxaa si wadar ah loo soo xidhay dhammaan xubnihii DTM. Kolkaas Guugi waxa uu ku sugnaa Landhan, oo waxaa daabacaadda ka soo baxaysay sheekafaneeddiisi Iblays wata Saliib. Waxaa loo ga digay in uu dib u gu soo laabto Kiinya, oo ay suuragal ahayd in la gu dili karo. Halkaas ayaa uu ku negaa sannadiihii xigay. 

1986-kii waxa uu faafiyay sheekafaneeddii Matigari, oo ahayd sheekafaneeddii qudha ee uu qoray intii uu ku sugnaa Ingiriiska. Waxaa sheekafaneeddaas ku jirtay shakhsiyad wadata magaca madaxweyne deedafeeyay riyadii waddankiisa, oo aan Moy la ga garan. Moy waxa uu amray in la soo xidho Matigari, oo uu u haystay shakhsiyad jirta. Se markii uu ogaaday in shakhsiyaddu tahay maleawaal, waxaa gebi ahaanba la mamnuucay sheekafaneeddii. 

Sanaddii 1989-kii, Guugi waxa uu u guuray carriga Maraykanka si uu martabadda bare jaamacadeed u ga soo qaato Jaamacadda Yale, u gu dambayntiina ay la noqotay in uu halkaas is ka ga negaado. 2002-dii ayaa uu ku biiray barayaasha Jaamacadda UC, ee Ifiriin. Sannadkaas ayaa uu soo gebagebooway xukunkii Moy. Sannadkii 2004-tii ayaa uu soo booqday Kiinya, oo uu daabacay sheekafaneeddiisi Mũrogi wa Kagogo.

Laba toddobaad kolkii la ga joogay booqashadiisi, dablay hubaysan ayaa soo weerartay gurigiisi, xaaskiisina kufsatay. Isa ga oo arrinkaas ka hadlaya waxa uu yidhi:

— “Ma ahayn weerar la rabay uun in xatooyo la innoo gu geysto. Waxa uu ahaa weerar abaabulan, oo ay soo maleegeen xubno ka tirsanaa xukuumaddii hore, ama kuwo ka tirsan dawladda haatan. Ujeeddaduna waxa ay ahayd in la inna dulleeyo haddii aysan karayn in ay inna ga takhallusaan.”

Iyada oo ay sidaasi dhacday, haddana ka ma uusan qoobqaadin Kiinya iyo ka hadalka siyaasaddeedaba. Aad ayaa uu u gu adadkaa jinsiyaddiisa iyo dhardhaqameedkiisa. 

Isa ga oo ii wada ka hadalka DTM, ayaa uu u qufacay si damaqday. Aniguna waa aan daayay, si uu u yar nasto.

WEYDDIINTII LUUQADDA OO HALKEEDII KA SII SOCOTAY:

Bilihii xigay iyo ka dib kolkii aan ka imi hoygii Guugi, ee aan maskaxdaydii ka maydhay xasuusihii ku saabsanaa xaaladda caafimaad ee Guugi; waxa aan ka fikiray sida uu u akro dhaxalka uu ummadda u ga tagayo. In kasta oo uu guul ku xaqiijiyay buuggiisa Xoraynta Maanka, haddana ka ma uusan daalin in uu si joogto ah u boorriyo waxkuqorista luuqadda Afrikaanka. Arrinkaas waxa uu qirtay 2017-kii: “Ka dib kolkii aan qoray buuggii Xoraynta Maanka, waxaa loo soo dhaweeyay mawduucaas uu daarranaa si sharfan oo akhlaaq leh, se la ma dabbaqin.” 

Kolkii aannu ka wada hadlaynay qoraayada, waxa aannu ka fikrnay mas’alada luuqadda. Waxa uu soo qaatay mid ka mid ah saaxiibbadiisa qorayaasha masraxiyaadka ah, iyo quusashadiisi uu ka quustay in uu ka maarmo waxkuqorista Ingiriisida, oo ku maarmo luuqaddiisa Dagbaani. Waa luuqad ay ku hadlaan in yar oo reer Gaana ah, haddii uu wax ku qorona cidiba akhriyi mayso waxqabadkiisa. Caqabaddaas waxaa uu u sababeeyay, maaddama oo san weli jirin seeska luuqaddiisa. Kolkii aan damcay in aan tusaale u soo qaato Guugi, waxa uu si degdeg ah ii yidhi: “Guugi, waa Guugi uun. Se ma anigu dhiggiisa.”

Mihnadda suugaanyahannimadu, qoyska Guugi waa ay ka dhexjirtaa. Afar ubadkiisa ah-Tii Guugi, Wandooko Guugi, Waanjiiko Guugi, Mukoma—waa sheekafalkiyaal Ingiriisi wax ku qora. Tii, isa gu waxa uu ku nool yahay Kiinya, inta kalena Maraykanka. 

Waxa aan Guugi weyddiiyay in ujeeddadii buugga Xoraynta Maanka uu guuldarraytay. Diidmo, ayaa uu ka ga jawaabay. Waxa uuna yidhi: “Dhibaatadu weligeed waxa ay ahayd quudhsiga xukuumadaha Afrikaanku ay ku la kacaan luuqadda shacabkooda, iyo dadka wax ku qora luuqaddaas oo aan wax muhiim ah ba aan loo arkayn.”

Iminka waxa aan ku fakarayaa dib-u-daalacashada buugta Guugi. Kolka aad akhriyayso sheekafaneeddadiisa, waxa aad dhaadaysaa in micnuhu uu dulhoganayo atooraha sheekada—oo badanaa ku matala aqoonyahan raba in uu mideeyo shacabkiisa. Ama raadkaali raba in uu kacaan abuuro. Waxa ay wadaagaan halyeeyadaasi waa in dadaalladoodu noqdaan hal bacaad la gu lisay. Shacabka ayaa diida, badankana shacabkii uun baa ka takhallusa. Se qoraa radkaali ah, buugtiisuna u badan tahay siyaasadda radkaaliga ah, badanaa rejo ka ma qabo kamadambaysta shakhsiyaadkiisa. 

Subaxdii aan tagi lahaa kolkii ay bariday, waxa aan qolka ka soo baxay Guugi oo sidii caadada u ahayd fadhiya miiskiisi, laabtoobkiisina uu ag yaallo. Waxa uu i weyddiiyay in uu yimi gaadhigii aan dalbaday, aniguna u sheegay in uu daqiiqadaha soosocda i soo hayo. Waxa uu i weyddiiyay in ay ii dhan tahay hawshii aan u socday. “Haa,” ayaa aan u gu jawaabay. 

— “Ha moogganaan weligaa in aad wax ku qorto luuqaddaada Dhoolo. Waa aan og ahay in ay adag tahay. Se wuxu waa iskudayga.” Ayaa uu ii gu dardaarmay.

Farriin ii ga socota gaadhigii aan dalbaday ayaa i soo gaadhay. Qolkaygii ayaa aan dib u gu laabtay, oo aan shandaddaydii ka soo qaatay. Waxa aan dib u gashtay jaakaddii aan u baahan saddexdii maalmood ee hore. Waa aan nabadgelyeeyay Guugi, oo aan ilbaabkii is ka furay. Halkaas ayaa aan ka ga soo baqoolay gurigii suugaanyahankii weynaa, ee duqa Kiinyaanka ah.

 

[1] Ngũgĩ wa Thiong’o

[2] Chinua Achebe 

[3]Wole Soyinka

[4] The Trial of Dedan Kimathi

[5] Gĩkũyũ 

[6] Decolonising The Mind

[7] Nobel Prize

[8] Wanjikũ wa Ngũgĩ

[9] Land and Freedom Army

[10] Good Wallece

[11] Kabae

[12] Myanmar

[13] Tumbo

[14] Gitogo

[15] Home Guards

[16] Elite

[17] James Ngugi

[18] Petals of Blood

[19] Nikil Saval

[20] Joseph Conrad

[21] A Grain of Wheat

[22] Clarence Thomas

[23] English, Kiswahili, Sheng’ and Dholuo.

[24] Edward Carey Francis

[25] Cambridge

[26] Alliance High School

[27] In the House of the Interpreter

[28] Peter Nazareth, Jonathan Kariara, John Nagenda, and Pio and Elvania Zirimu.

[29] John Pepper Clark Ezekiel Mphahlele and Langston Hughes.

[30] George Lamming

[31] Things Fall Apart

[32] Weep Not, Child

[33] Devil on the Cross

[34] Paris Review

[35] Grieg Peer 

[36] Grammy Award

[37] Carnegie Hall 

[38] The Perfect Nine

[39] Jennifer Makumbi

[40] The December Twelve Movement

[41] Marxist-Leninists

 

Waxaa Guardian ka soo Turjuma Maxamed Shariif