Thursday 21 November 2024
Horraantii 1970kii ayuu ku soo biiray filim samaynta Cabbaas Kiyorastaami, isaga oo noqon doona filim sameeye Iiraani ah oo mar-la-arag ah. Waxa uu soo gudbiyey filimo waaqica xidhiidh adag la leh. Awood buuxda ayuu siiyey dhab ahaanta dhacdooyinka, sahlanaantana mudnaanta koobaad buu ka dhigtay. Wuu iska ilaaliyey wax walba oo ka mashquullinaya daawadaha in uu dhab ahaanta xidhiidh la sameeyo. Nolosha maalinlaha ah ayuu duubay. Waxa uu ku dhex duubay baabuur uu aad u jeclaa. Waxa laga hayaa in uu yidhi: “Haddaanan filim sameeye noqdeen, waxaan jeclaan lahaa baabuurta xamuulka in aan kaxeeyo.” Gaadhigu mar walba waa u astaan filimadiisa. Waxa uu u arkayey in uu u sahlayo isaga oo meel qudha yuurura in uu ku noolaan karo meelo badan.
Waxaad kolkaba ka dheehan kartaa filimada Cabbaas habdhac gaabinaya iyo dhacdooyin aad u kooban isla markaana leh wada sheekaysi dhaadheer. Cabbaas oo ku dhashay Dahraan (1940). Waxa uu jaamacadda Dahraan ka bartay sawir xardhidda, waxa uu uuga sii gudbay sawir qaadista oo uu ku shaqayn jiray warbaahinta. Kadib waxa uu ku biiray asaaska Ururka Waxsoosaarka Shaneemada, kaas oo ii ka gaysatay gacan wayn soo saarista filimo badan oo Iiraani ah.
Cabbaas waxa uu ka tagay in ka badan 40 filim oo isugu jira kuwo gaagaaban iyo kuwo dhaadheer, iyo kuwo kale oo uu qorayba. Indhaha dunidana waxa ku soo jeediyey saddexlaydiisa Kukor oo gaadhsiiyey heer cusub soosaaristiisa filimada. Mee Guriga Saaxiibkay? (Where Is the Friend’s House? 1987) waa filimka u horreeya saddexlayda Kukor. Waxa uu ka ga sheekeeyey wiil isku illaabay buugga saaxiibkii. Waxa uu ku qasbanaanayaa in uu u celiyo intaysan maalintu dha,maan, haddii kale saaxiibkii ku ciqaab mudanayo. Guriga saaxiibkii ma garanayo; waa goob ka durugsan gurigooda. Waxaynu la raadinaynaa guriga wiilkaas nasiibka xun. Sidaas bay u sahlan tahay sheekadu, se waxa macnaha wayn u yeelayaa waa dareenka carruurnimada iyo masuuliyadda wayn ee uu abuurayo wiilka yari.
Noloshuna Way Soconaysaa (And Life Goes On, 1992) isna waxa aynu baabuur la raacaynaa filim sameeyaha Farhad iyo wiilkiisa oo ku socda tuulo uu dhulgariir ka dhacay. Waa filimka labaad ee seddexlayda Kukor. Waxa ka saddexaad ah Marista Geedaha Saytuunka (Through The Olive Trees, 1994) oo uu ku soo qaadanayo soosaare filim oo samaynaya qayb ka mid ah filimkii (Noloshuna Way Soconaysaa). Xidhiidhka noocaas ah ayey leeyihiin saddexlaydaasi, se mid walbaaba sheekadiisa gaarka ah ayuu wataa.
Filimadiisa kuwa ugu caansan waxa ka mid ah Ku Dhow (Close Up, 1990). Waa sheeko dhab ah oo uu u duubay qaab dhukumantari ah: Xuseen isaga oo bas ku dhex akhrinaya sheeko uu leeyahay Mohsen, ayuu la kulmayaa gabadh u sheegaysa in ay la dhacsan tahay shaqooyinka soosaare Mohsen. Waxa uu u sheegayaa in uu soosaaraha yahay doonayana in uu dhawaan sameeyo filim. Way soo dhawaynaysaa kuna qaabbilaysaa gurigeeda, se kolkay runta ogaato way xidhaysaa. Cabbaas jaaniskaas buu qabanayaa oo Xuseen filim ka samaynayaa, una soo bandhigayaa Xuseen in uu isagu is matalo.
Filimadiisu mar walba waa kuwa haysta haybta Iiraan. Xad bay leeyihiin aan laga gudbi karin: kama hadlo arimaha qoyska oo sida uu u arko suuro-gal ma aha in si waafi ah looga niqaasho. “Marka laga hadlayo nin iyo xaaskiisa waa in aanu ninku dhib u arag inuu muuqdo timaha xaaskiisu,” ayuu yidhi. “Waxa aan rabaa in aan u soo gudbiyo sidii runta ahayd ee aan ugu noolaaday. Hadday noqon waydo se kolkaa waxa la qaatay in aan faraha ka qaado, waayo nolol aan garanayo ma aha.” Waxa uu soo saaray tiro laba filim oo ka baxsan Iiraan: Mid waxa uu ku duubay Talyaaniga oo waa Nuqul Lagamagarteen Ah (Certified Copy, 2010). Waxa uu ka sheekaynayaa qoraa Ingiriis ah oo Talyaaniga imanaya si uu u suuq geeyo buuggiisa cusub, halkaas oo uu kula kulmayo Juliette oo Talyaaniga kula nool wiilkeeda. Saxaafadda ayey ka shaqaysaa, buugtana way xiisaysaa. Waxa ay u soo bandhigaysaa in ay qaataan gaadhiga oo ay ku soo wareegaan magaalka, isna wuu ka aqbalayaa.
Ka kalena waa Sida Qof Jacayl Ku Dhacay (Like Someone in Love, 2012) oo uu ku sameeyey Jabbaan. Gabadh jidhkeeda ka ganacsata oo isku masruufta jaamacaddana iskaga bixisa shilimaadkaas ayay arintaasi kulansiinaysaa oday ahaan jiray barofeesar oo hadda hawlgab noqday. Sheekadu waxa ay xadka ka baxaysaa kolka uu isku arko ninka u mahersan gabadha.
Cabbaas isaga ayaa qoran jiray filimadiisa. Kolka hore waxa uu qorayey shan iyo toban bog oo kaliya, wada sheekaysigana waxa uu ka diyaarinayey kolka la duubayo filimka muddo kooban ka hor isaga oo ka dheeganaya waaqaca hodanka ah. Taasi waxa ay fursad u siisaa in badi filimku noqdo mid deelqaaf miidhan ah, saaxad ballaadhanna siinaysa jilayaasha.
Dhadhanka Cinabka (Taste Of Cherry, 1997) waxa uu ka mid yahay filimada ugu caalimasan. Waxa uu ku guulaystay abaalmarino badan oo ta u wayni tahay Palme d'Or ee Cannes taas oo si sannadle ah loogu qabto Faransiiska. Filimkaa badi dhacdooyinkiisa sida caadada ah gaadhi dhexdii baa lagu duubay. Bilawgaba Badiic baad arkaysaa isaga oo gaadhigiisa wata, raadinaya qof shaqo u qabta lacagna uu ku siiyo, se shaqadu mid fudud ma aha: in uu is dilo ayuu rabaa ciddii aasi lahayd buu raadinayaa. Filimku waxa uu leeyahay wada-sheekaysi falsafadeed oo qoto dheer. Ogaan maysid marnaba xaaladda caaddifadeed ee uu ku nool yahay Badiic se dhanbaal dareen baad ka qaadanaysaa in culays badani uu hayo. Wada-sheekaysiyo dhaadheer baad dhegaysanaysaa iyada oonad badanaa arkayn shakhsiyaadka hadlaya, baabuur buur fananaya uun baa lagu tusaya. Wuu lunsan yahay baabuurku, meel cayimanna uma socdo sida shakhsiyadda Badiic. Waxa uu ka yidhi Cabbaas: “Fikradda wareega baabuurku waa dhambaal ka mid ah filimka, in wareeg lagu socdo, si qumaati ah waxay ula mid tahay in aan goob cayiman la aadin, in bilaa yool loo guuro, si aad meel u gaadho waa in aad meelba meel uuga guurtid. Haddaba socdaalkani waxa uu bidhaaminayaa sugnaansho, wax walba oon dhaqaaqinna ma kobco, oo ma waynaado, oo ma hormaro; waa bukaan waxa uu ku xukuman yahayna dhimasho.”
Cabbaas waxa uu ahaa farshaxan gacmeed iyo sawirqaade iyo waliba gabyaa. Shaqooyinkiisii u horreeyey waxa ay ahaayeen filimo gaagaaban. Kiisii u horreeyey waa filim aad u gaaban oo uu ka sameeyay wiil u soo qaadaya qoyskooda rooti, waddadii uu guriga u mari lahaana uu ey u fadhiisanayo. Tab iyo xeelad uu ku dhaafo ayuu raadinayaa baqasho ba’anna wuu ka qabaa. Wiilka yar ee filimka matalayaa ma laha xirfad jilliin, eygana hadalkiisa daa. Halkaas bay ka bilaabantay in uu caadaysto adeegsiga jilayaal aan xirfad jilliin lahayn. Waxa uu sheegay kolka uu doonayo shakhsiyad door gaar ah u matasha, in uu raadiyo qof wajigiisa ay ku sawiran yihiin astaamaha uu rabaa.
Waxa uu badanka adeegsadaa dhacdooyin kooban se leh macno mug wayn. Waxa uu isku dayaa in uu sawiro xaalad ama xaalado kooban oo la soo darsaya shakhsiyado taas oo mar walba yeelata ugu danbaynta saamayn caaddifadeed. Inta aad la noolaanayso shakhsiyad walba waa muddo kooban, waxba kama ogid tagtadooda mana ogaan doontid timaaddadooda. Waxa uu kugu qasbayaa in aad ku barato muddadaas kooban noloshooda oo dhan.
Filimadiisa kuma maqlaysid wax muusig ah, jabaqda dhabta ah ayaad mar walba maqlaysaa. Dhacdooyinku iyaga ayaa is wadaya iyagoon wax kaabis ah u baahan.
Cabbaas waxa uu ka tagay dhaxal taariikhi ah oo lama’illaawaan ah, kaas oo mar walba lagu xasuusan doono shaneemada Iiraan. Waa kii ku sifaynayey soosaarihii waynaa ee Faransiiska ahaa Jean-Luc Godard: “Shaneemadu waxa ay ku bilaabmtaa D. W. Griffith, waxa ayna ku dhamaataana Cabbaas.”
Cabbaas Baariis buu ku geeriyooday sannadkii 2016, isaga oo 76jir ah. Halkaasna waxa ku soo idlaaday waxqabdkiisii se dhaxalkiisu wuu sii jiri doonaa. Scorsese oo ka hadlay baroordiiq loo qabtay ayaa yidhi “Waxa uu ka hadli jiray (Cabbaas) filimada laftooda, waaya’aragnimada lafteeda, nuxurka ku jira filimka laftiisa, kaas oyna waxba dheerayn; kaligii baa qotoma. Runtii waa dunida aan u baahannahay, kaliya ma aha filimada gudahooda, se nolosha dhabta ah ayaynu uga baahannahay.”