Friday 22 November 2024
Tan iyo intii Madasha Takwiin lagaga dhawaaqay Masar, horraantii bisha [Meey], ololayaasha interneedka iyo warbaahinta Carbeed (gaar ahaan tan Masaarida) ee lagaga soo horjeedaa marna ma ay degin oo ma ay gamashiyin, badina waxay daarran yihiin tuhun madasha iyo cidda waddaba ku eedaynaya in ay u soo xaydxayteen burburinta diin Islaamka iyo tiirarkeeda, iyo in ay dooriyaan caqiidada jiilasha soo socda, dadkana ku dhex faafiyaan gaalnimo, leexsanaan iyo diindarro, iyo tuhunno kale oo la halmaala oo ku baaqaya in asaasayaasha madashani ay toos uga soo dareereen godadka yaahuuda iyo naarta oo Ibliiska Weyni uu u soo diray si ay u dumiyaan akhlaaqda Masar iyo dunida Carbeed. Ololahan madasha ka dhanka ahi wuxuu gaadhay in la boorriyo in la laayo asaasayaasha ama dawladda Masar laga dalbado in ay xidhxidho, heer ay jariirad Masaari ah oo la majeertaa ay qortayba war been ah oo sheegaya in la xidhay asaasayaashii madasha iyo kaqaybgalayaal Masaari ah oo ay ku eedaysay in ay diimaha quudhsanayeen una guclaynayeen burburinta lamataabtaannada bulshada Masaarida. Dabcan warkani runta ayuu ka arradan yahay, oo dawladdu cidna ka ma ay xidhin wax eedo ahna u ma ay soo jeedin, taa beddelkeedana waxaba Takwiin lagaga dhawaaqay Madxafka Masar ee weyn, arrintaas oo wax inooga sheegaysa mooqifka taliska Masar; dawladdu way ka warqabtey madasha yagleelkeedana way fududaysay.
Madasha Takwiin waa “kulan dhaqan iyo feker oo higsanaya xoojinta wadahadalka iyo doodaha ku aaddan mawduucyo kala geddisan oo kuwo hore iyo kuwa taaganba isugu jira oo ku wada saabsan fekerka Carbeed,” sida lagu sheegay qoraallada madasha; waxay sidoo kale “u tabaabushaysan tahay boorrinta in si naqdini weheliso loogu laabto su’aalo diirdiirranna la isaga wayddiiyo haybta iyo cusboonaysiinta fekerka Carbeed iyo dabuubta diineed, iyadoo ay sidoo kale madashu higsanayso in ay dhidibbada u arooriso mabda’a dulqaadka iyo aqbalaadda kaladuwanaanshaha iyo in loo furfurmo doodaha kala duwan ee dunida ka oogan.” Arrimahaas oo dhani waxay u muuqdaan kuwo muhiimad weyn leh oo lamahuraan ah waqtigan ay dunida Carbeed la liicliicayso dhiillooyin jiraalkeeda iyo haybteeda daarran oo qoto dheer, una baahan xalal xididdada abbaaraya aadna u diirdiirran si bal wixii la badbaadin karo loo badbaadiyo, si loo gaadho oo loola qabsado horumarka xaddaaradeed iyo farsamo ee uu caalamku sida xawaaraha sarraysa ugu tallaabsanayo; ama waa iskudday lagu rabo in laabta loogu sii daayo isbeddellada bulsheed iyo xorriyadaha jinsiga iyo caynta (sex and gender) ee dunida taabbagalka ka noqday aadna wax uga beddelay qaabdhismeedkii soojireenka ahaa ee qoysnimada, oo ay ka mid tahay fahanbixinta caynta ee ku salaysan magacuyaalka “isaga” iyo “iyada” in lagu kabo jinsi isku qoofalan oo uyaalkiisu yahay “iyaga”; ama waa mawduuca xorriyadaha guud, dimuqraaddiyadda, xaqa cabbiraadda, iyo xaqa shicibku u leeyahay aaya-ka-talintiisa, gaar ahaan waqtigan uu dagaalka Qasa ku socdaa debadda u soo saaray dhiillada xorriyadda cabbiraadda ee ka oogan dunida Galbeedka. Hasayeeshee, dabcan, Madasha Takwiin u ma dan laha in ay mawduucyo kuwaas oo kale ah dhex gasho, iyada oo ay caddahay sida ay muhiim ugu yihiin bulshooyinkeenna oo ay yihiin waxa xaddidaya qaabka haybteennu yeelanayso mustaqbalka iyo sidoo kale booska aynu dunida maanta kaga jirayno iyo kaalinta aynu ka qaadanayno oo ku dul wareegaysa su’aasha ah: ma waxaynu qaadhaan ku darsan doonnaa wax uun horumar ah, mise waxaynu ku sii shalwan doonnaa dibudhac iyo dibugurasho intan ka sii daran ilaa aynu noqonno wax aan qof ahaan iyo shicib ahaanba u jirin oo aynu xasuusta jiraalkaba ka tirmayno?
Mawduucyada sida kuwan u taagani ka ma mid noqon doonaan ajandaha Madasha Takwiin, maxaa yeelay badi asaasayaasheedu ku ma naaloonayaan madaxbannaanidii iyo xorriyaddii buuxday ee aragti-dhiibashada loogu baahnaa. Inta badan waa dad taageera talisyada Carbeed ee talamaroorsiga ku dhisan ee sababta kowaadba u ah balanbalka bulsheed ee ina haysta. Waana ismiidaamin heer bulsho iyo heer garsoorba ah in la soo hadalqaado mawduucyada xasaasiga ah ee ay ka mid yihiin haybaha jinsiga oo cilmibaadhayaal ama mufakiriin Carbeed ay kaga hadlaan bulshada Carbeed dhexdeeda (haddiiba aynu ka soo qaadno in asaasayaasha Takwiin ay leeyihiin dhiirranada daruuriga u ah in mawduucyo sidan oo kale ah laga hadlo oo la faaqido), maxaa yeelay mawduucaas oo kale waxa loo arkaa in uu weerar ku yahay “qaayasoorrada” bulshada kor u ah ee kelitalisyadu, nooc ay yihiinba, ay gaadhka ka hayaan. Qofina indheergaradka masiirkaas oo kale u ma rejaynayo, maxaa wacay cidhibxumada uu kala kulmi karo ayaan la malayn karin.
Sidaa awgeed, si kasta oo yididdiilo sare ay u abuuraan dhaqdhaqaaqyada sheegta maanfurka iyo cusboonaysiinta, sida Madasha Takwiin, haddana aakhirka natiijada ka dhurawdaa way iska xaddidan tahay, ka mana tagaan raad ka tallaaba dheereeya midka ay abuuraan baraha bulshada ee umadda oo dhan u furan ee mawduucyo iyo aragtiyo kala duwan inta lagu soo hadalqaado oo lagaga murmo, dooddu gaadho heer yooyootan ah oo gebi ahaanba la isku maandhaafo, dabadeed la isku aflagaaddeeyo oo faraha la isku fiiqfiiqo. Baraha interneedka arrintu ma dhaaftaba hanjabaado iyo cay lafjab ah, si kasta oo loogu kala aragti duwanaado masalooyin bulsheed ama diineed oo xasaasi ah. Maxaa yeelay, cid kasta ayaa dunida interneedka ku soo geli karta magac beenabuur ah oo feker dhulgariir ah ku baahin karta, iyada oo ogsoon in aanay cidina toos waxyeelo u soo gaadhsiin doonin, sidoo kalana ay fekerradaasi gaadhi doonaan akhristayaal aad u badan oo dar kasta isugu jira. Taasi shir meelahaa lagu qabtay ka ma suurtawdo, oo dadka ka soo qaybgelaya ee arrintan u dhuundaloola ayaa iska xaddidanba, kasooqaybgashaduna inta badan waa dad aragtida isaga mid ah, taas oo kulannada caynkaas ah ka xayuubisa sifadii dood-dhalinta ahayd ee loogu baahnaa in ay nadaamka garashada gilgisho waxna ka beddesho. Shirarka noocaas ahi wuxuun bay ku oodnaan doonaan xayndaabka aragtiyaha, natiijo wixii ka soo baxdaana ma soo dhaafayso inta yar ee danaynaysa.
Haddaba, maxay Muslimiinta dunida Carbeed (min Masar, Shaam ilaa dalalka Maqaaribta) uga argagaxeen asaasidda Madasha Takwiin, ee keenay in madasha iyo asaasayaasheedaba uu qiyaamahoodu kaco oo afka laga dhigi waayo baraha bulshada iyo saxaafaddana lagu qaadaadhigo, sidii oo ay madashu tahay seeftii Islaamka iyo Muslimiintaba xangullaha ka kala goynaysay, iyada oo ay xaqiiqo tahay in saamayska madashan iyo asaasayaasheeduba uu dad aad u kooban uun ku eg yahay?
Waxay ila tahay, sababtu waa in kulankii kowaad ee madasha lagu yagleelayay lagu qabtay Madxafka Masar ee weyn, oo ah goob rasmi ahaan u hoos tagta taliska Masar, taas oo ka dhigan in maamulka dalku uu ogsoonaa kulanka uuna waafaqsan yahay maaddaama uu u diyaariyay in asaasayaasha madashu ay kulankooda ku qabsadaan goob sida Madxafka Qaranka qiime weyn leh. Maamulka dawladda ayaa inta badan ah cidda kowaad ee diinta ilaalinteeda ku suntan, tobannaankii sannadood ee u danbeeyayna Masar waxa laga yaqaannay in haayadaha garsoorka iyo suldadu ay mar kasta ku adadkaayeen wax kasta oo lala xidhiidhin karo xadgudubyada ka dhanka ah mabda’yada diinta ama qaayasoorrada bulshada ku weyn. Mar keli ah ayay haayadihii dawladeed ee sidaa ahaa noqdeen cidda ayidday in la qabto shirweyne ay dadweynuhu u arkaan in hadafyadiisa ugu waaweynba ay ka mid tahay faafinta allakoodnimada oo asaasayaasha qaarkood aanay taas qarsan, halka qaar kale oo ka mid ahina ay diiddan yihiin wax kasta oo lamataabtaan laga dhigo ayna qabaan in wax kasta oo lamataabtaan laga dhigay ay dood, su’aal iyo muran ka furan yihiin.
Dabadeed, si lamafilaan ah ayaa dawladdii diinta ilaalin jirtay, sida dadweynuhu u arko, ay u noqotay ilaaliyaha cid u soo tafaxaydatay burburinteeda! Sida ay qabaan, burburinta diintu iminka waxayba noqotay arrin rasmi ah oo aan ku koobnayn qoraalladii iyo aragtiyihii dunida interneedka la isku weydaarsan jiray. Kalawareeggan oo dadweynuhu u arko in dawladdu jahaynayso ayaa ku fillaa in uu soo saaro cabsida dubaaqa wadareed ee Muslimiinta ku lingaxan ee ku aaddan wax kasta oo nadaamka jira beddelaya. Waa ta keentay in ay la gilgishaan isbeddelladii waaweynaa ee dhawrkii sannadood ee u danbeeyay ka dhacayay Sucuudiga. Sucuudigu waa cidda debadda u dhoofin jirtay “baraarugga” islaamiga iyo fekerka Wahaabiga, waana cidda maalgelinta la daba socotay in fekerkaas lagu fidiyo dadweynaha magaalooyinka ku yaalla Masar, Suuriya, Ciraaq, dalalka Maqaaribta iyo waddamada kale ee Carbeed. Dhulkii Labada Xaram, Xawaalkii Nebiga, iyo Qiblada Muslimiintu beryahan danbe jahada kale ayuu u jeesanayaa. Arrintaasina waa wax aan ka dhaadhici karin xiska dadweynaha. Dajaallada Telefishannada ayaa umadda u ahaa dacwad-fidiyayaal iyo culimo, hadalladooduna waa wax loogu talagalay in ay hagaan nolosha maalinlaha ah ee dadweynaha, waxayna ku soo shubayeen odhaahyo aanay doodi ka furnayn ama aan xataa su’aal yar ama wax shaki ah la gelin karin. Dadweynuhu wuxuu sidoo kale garwaaqsaday in dacwad-fidiyayaashan cidda ilaalin jirtay ay dawladda ahayd, taas oo ka dhigan in caqiidagelinta dadweynaha lagu akhriyayayna ay tahay wax isla dawladdu dabada ka wadday oo ilaalinteeda u darbanayd. Haddaba, waxa isu qaban la’, sidee bay isla haayadihii dawladeed ee caqiidadaas ilaalin jiray ay maanta u wiiqi karaan, oo ay kulankan oo kale ugu oggolaan karaan goob rasmi ah oo ay iyagu maamulaan?
Madaxyaweynta islaamiyiinta xagjirka ahi maanta halis bay dareemayaan. Khatartaasina, sida aynu xusnay, waxay taallaa isbeddellada waaweyn ee ka dhacay Sucuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka, oo hore u ahaa maalgeliyayaasha fekerka xagjirka oo aanu maanta ka hadhsanayn wax dhaafsiisan nadaamyada ku hoos xididaystay dalalka kale ee Carbeed. Waa arrin xaqiiqo ah, oo fekerka Salafiga iyo xagjirka ayaa qabsaday bulshooyinka Carbeed, heer uuba ka mid noqday nadaamka kala haga garsoorka, laamaha amniga, maamulka iyo siyaasadda bulshooyinkaas, isla markaana uu noqday wax u dheganugul oo gacan siiya talisyada xilka haya oo aan weligood helin cid uga daacadsan haayadaha diineed ee rasmiga ah ama aan rasmiyaysnayn, sidoo kalana aan weligood arag fekrad sida tan xagjirka iyo dibusocodnimada diineed uga jajaban dawladda oo ka caawin og in ay talada isku sii ballaadhiyaan.
Waxa layaabka lihi waa in madaxyaweynta fekerka xagjirka ee ku andacooday in ay talisyada ka soo horjeesteen wixii ka danbeeyay Gugii Carabtu ay yihiin isla kuwa dalbanaya in talisyadani ay ciqaabaan oo sutida u qabtaan dadka ay rumaysan yihiin in ay diinta burburinayaan oo gebigooduba ah mufakiriin iyo indheergarato fara-ku-tiris ah, qayladhaantaas oo gaar ahaan soo ifbaxday kolkii ay madaxyaweyntani ku barriiqdeen wajihidda waxyaabaha ka dhacaya Khaliijka isla markaana ay tahli kari waayeen in ay isbeddelka xawliga ku socda u babacdhigaan oo hakasho ku soo dabbaalaan. Waxyaabaha shaamareerka leh waxa ka mid ah kacaanka dhammayska ah ee aaggaas ka aloosan, iyo sida aanay u fahansanayn sida dhakhsaha leh ee bulshada Sucuudiga iyo Khaliijku ay isbeddelladaas ula jaanqaadayaan. Waxay ka cabsiqabaan in arrintan oo kale bulshooyinka Carbeed ee kalana ay gaadho, taas oo ka dhigan in kaalintoodii iyo awooddoodii ay meesha ka wada baxayso, sidaa darteed ayaanay ugu tafaxaydan yihiin in ay dib u soo celiyaan xidhiidhkii ay la lahaayeen kelitalisyada oo ahaa cidda ay weligood isbahaysiga lahaayeen, waxayna u ruclaynayaan yihiin in ay ka faa’idaystaan cabsida dhaladka ah ee dadku ka qabaan isbeddelka, taas awgeed ayayna kulannada Takwiin oo kale ah uga anfariirsan yihiin. Waxay ku sheegayaan dhagar loo soo maleegay in lagu burburiyo diin Islaamka iyo tiirarka bulshada, aqoondarro ayayna u irkanayaan marka ay dhacdada sida tan kooban ku xidhiidhsiinayaan ee wax ka saarayaan waxyaabaha ka dhacaya Qasa. Waxay rabaan in ay buunbuuniyaan oo ka badbadiyaan, dabadeed dadka ka jeediyaan wax kasta oo kale, oo ay magansadaan in ay dadweynaha ku dhex tuuraan cabsi iyo walaahaw, caaddifad-maalkana ay ka dhaadhiciyaan in lagu soo duulay tiirarkii iyo lamataabtaankii diineed ayna taasi gilgili karto dheellitirankii nafsadeed ee ay ku macaashi jireen ee ku dhisnaa cabsida laga qabo ciqaab iyo cadho Alle.
Kulannada Takwiin oo kale ah iyo qabanqaabiyayaashiisu u ma qalmaan waxan oo wadwad iyo buunbuunin ah ee ay indheergaratada, saxafiyiinta iyo halabuurleyda Carbeed ku wajaheen. Qayladan afka gacanta la wada geliyay ee kulanka ka dhanka ahi wuxuu debadda u soo saaray samayska nafsadeed ee cidda qaylinaysa, oo aan karin in uu go’aamiyo mooqifka ay ka qaadanayaan su’aalaha jiraalka ee adadag iyo masalooyinka xorriyadda qofka, wuxuuna kashifay cabsi lafaha kaga jirtay oo ku aaddan in la taabtaabto waxyaabaha lamataabtaanka laga dhigay, iyo tiirarka ay ka dhimanayaan in su’aal la geliyo.