Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Sheeko

Riyadii Wacneyd

19 August, 2024
Image
Khartuum
Share

Saddexdii bilood ee u dambeeyay waxa uu ku sugnaa magaaladan sannadihii dagaalka labada janaraal ka soo kabanaysa. Sida ay u camiran tahay kobaca degdegga ahina uga socdo magaalada, waxa aad moodi lahayd haddii aannay taarikhda waxba kaaga baxsanayn in aan weligeed dagaal ka dhicin.

1821-kii, ayaa taariikhda magaaladan laga soo bilaabaa. Xilligii boqortooyadii Maxamuudiyadda oo hoos imanaysey xukunkii Cusmaaniyiinta. Ibraahin Baasha oo uu dhalay ninkii xukumayay Masar iyo Suudaan oo wakiilna uga ahaa Cismaaniyiinta ayaa dib loogu celiyaa ka sheekaynta sooyaalka midabada badan ee ay leedahay magaaladani. 

Intii uu fursadaha maalgashi ee xawaaraha ku socda wax ka raadinayay waxa sidoo kale uu ogaadey xogo badan oo ku saabsan magaaladan tagtadeeda. Aqoonta, dhaqanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha gobalkan ay ku taalo ka tilmaaman, saamayn weyna ku leh dhaqdhaqaaqooda.

Waxa sida oo kale uu ogaadey, magaca Khartuum in uu ka yimid erayga Carabiga ah ee Khurtum oo la macno ah “Gacanka Maroodiga”. Sababaha loogu nisbeeyo magacaasna ay tahay qaabka goobta ay labada webi ee niilka buluugga iyo caddaanka ahi ku kulmaan.

Jiinka webiga Niil ayaa ah meelaha uu ugu jecelyahay inuu culayska shaqada iyo nolasha ee aan sina looga baxsanayn, isaga fudaydiyo. Badanaa keligii buu meel cidhif ah fadhiistaa oo weheshadaa xasuusihiisa iyo quruxda dabeecadda baaxaddaweyn ee hortiisa wadhan. Ku dhex lumida quruxdaas iyo fiiqsiga jabanaha qadhaadhi waa xasuus maguurto ah oo ay magaaladani ku yeelan doonto. 

Waxa uu xilliyada uu waqti dheer ugu soo talogalo fadhiga goobtan uu raaciyaa inuu dhegta u raariciyo fannaaniin isaga u soocan, dhegaysigoodana lagu tilmaamikaro inuu heer ku walfid ah ka gaadhay. Kuwaas oo ay ka mid yihiin: Maandeeq, Cismaan Xuseen, Cabdilxamiid Xaafid iyo Xidigtii reer bari/Ummu Kaltuun.

Galabta, galbihii hore wuu ka faraxsan yahay oo dhoolacaddeyntu way ka soo horreysaa. Waxa ay shirkadiisu ku guulaysatey qandaraas dhismayaal degsiimooyin ah oo ay bixinaysay dowladda hoose ee Khartuum. 

Markuu salka dhigey kursi cidhifka midig yaalla iyo waxa isku beegmay, gashaanti indhacadcad geestiisa u soo gantey oo leh “Ma Soomaali baad tahay?”. Qosal aan laabta jirin intuu iska keenay buu si kaftan aannu ka madhnayn ugu yidhi, “Mayee, reer Hargeysa ayaan ahay”. Qosal ay isku wada dareen ayaa madashii la la wada dhacay, siduu ugu jawaabey darteed. 

Salmi waa lix iyo labaatan jir maariin ah oo qurux u dhalatay. Haddii sheeko idin dhex martana aad judhiiba ogaaneyso in da’deeda ay garaad ahaan ka korran tahay. Waa qof aan agteeda caajiska laga aqoon.

Awoowgeed ayaa dalkan yimid isaga oo cilmi doon ah oo Azhar ku wejahan. Se markuu dabciga dadka dhulkan u boggey buu deggay. Magaalada Qadaarif ayuu shaqaale ka noqdey, muddo ka dibna ganacsade sheegan oo meheradihiisa socotada iyo dadka deegaankuba ku xisaabtamaan ka noqday. Halkaas buu ku guursadey oo uu ku tarmey. 

Xilligii dagaalada ayaan dib ugu qaxay dhulkii awoowgey oo Af Soomaaliga xoogaa ah ka soo bartey se mar walba qalbigaygu halkan buu joogay. Salma ayaa sidaas u sheegtay iyadoo waayaheeda uga warramaysa, isna sidii arday sheekhiisu dardaaran u miisayo ayaa uu u dhegastay. 

Xasuusaheedii dhallaannimo oo badankoodu halkan ka unkamay ayay si dareen leh uga sheekaysay Salmi. Suugaanta guud ahaan iyo gaar ahaan heesaha Suudaanta waxa ay u qabtaa jacayl dhuuxa raacay. 

Waxa uu la qaatay in heesuhu xaaladaha caalwaaga ah ee dhanka caadifadda ay baanno nafsadeed u yihiin. Waa halkii ay Soomaalidu kaga maahmaahday, “Hilib bir baa goysa, hadalna guddoon”. Salma si weyn ayay hadalkaas ugu raacdey. Sidii aad moodo inay xaaladdaas oo kale waayo tegay ka soo doogtay. 

Nolasha halkan taal iyo duruufaha dhaqaale ee waddankan sida ay isku beddeshay ayay in cabbaar ah ka sheekaysteen. Marar badan waxa aan ku celcelin jirey sannado tegay, halkan (Afrika) nolal ayaa muhiim ah, sida loo noolaanayaa muhiim ma aha. Hadda se, fursaduhu waa bad oo hal'abuur iyo karti haddii aad la timaaddo wax badani waa suurtagal. Weedhaas Salma niyadda ayuu uga boggay maxaa yeelay isagaba baadigoob fursad maalgashi ayaa Koonfurta Ameerika ka keentay. 

Sida ay aqoontu qofka ugu jirto inta ay wax isweydiintu u jirto, ayay sidoo kale fekradaha ganacsi ee guulaystaa astaan u tahay doonistaadu inay noqoto mid bir ka adag oo aan khatarta ka baqan ayay sii raacisay Salmi. 

Hoos ayuu isku leeyahay, arag wanaagga waxa u dheer hadalka macaan ee aad moodo waayeel khibrad nolaleed la ciirciiraya oo ay aftahamo sare u raacdey. Garyaqaansanaa ma Ina Sanweynaa!

Ballan dambe iyo goobtan ayay isla qaateen. Ilaa ay sii libdheysay indhaha kama uu qaadin. Is araggaa kadiska ah ee dareenkiisa aadka u xaradhaamiyey ee labada saacadood qaatay, waxay ula muuqdeen labaatan daqiiqo oo keliya. Malaha daqiiqad wanaagsani haddii ay noloshiisa jirtay, ta uu Salma la qaatay baa ugu wacnayd.

Ayaamaha gaabiska ahina dheeraa oo socod gaabanaa. Maxaa xikmad ah ee ku jira degdegga iyo gaabinta labada waqti mise waa ismoodsiis dhankayga ah uun talow? Mooyi. Intaasba hoos ayuu iskula faqayay.

Waxa ay ahayd caweys ay neecaw qaboobi dhacayso oo jawiguna uu deggan yahay. Saxansaxada iyo udgoonka rayska ee ka soo kacaya dhanka webiga Niil ayuu si qotodheer sanka ula raacayay. Jawiga degganna waxa dhadhan dheeraad ah u yeelayay codka halaasiga ah ee Cismaan Xuseen oo heestiisu u baxaysay. Moobilka ayuu ka shitay oo weliba codka dalacay.

‎ياليتنا عدنا ... أو عادت الأيام

‎إن أنسى ما أنسى ... ذكراك يا سلمى

Midhahaas beerqaday isaga oo ku celcelinaya ayay Salmi goobta soo gaadhay. Markiiba waxa ay ku bilowdey si yaryar baynnu isku dookh u soo noqoneynaa malaha. Caawa heestaydii baa kuu baxaysa. 

Saaacadda moobilka ayaa mar qudha dhawaaq dheer cirka ku shareertay.  Waxa uu ka toosay riyadii wacneyd! Mise waxa uu jiifaa sariirtii xumeyd, qolkii xumaa iyo habeenkoodii xumaa!