Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Sheeko-baraleyda Qori-ismariska iyo Kala-shakiga Ummadaha Geeska Afrika

6 February, 2024
Image
warehyena
Share

Qoraalkan Ingiriisigiisa waxa lagu faafiyay  Atlas Obscure, OCTOBER 27, 2020, waxana turjumay Maxamed Buux (Xuquuqda sawirka: W. Staehle/Unusual Co.)

Qori-ismarisku wuxuu u taagnaan karaa wax walba oo laga cabsi qabo oo dhab u jira ama ah wax la suureystay. 

Tuulada Atuuga oo Itoobiya dhacda, habeennada dhammaadka bisha Oktoobar, bulshada beeralayda ah ee tuuladu waxay ku dadaalaan in ay xoolahooda ku hubsadaan xeradooda gabbaldhaca ka hor. Meheradaha waa la xidhaa, waalidkuna carruurta ayay bannaanka ka soo hoyaan, iyagoo codkooga uu ku dheehan yahay dareen degdegsiinyo ah.

“Ma guriga tumaalkaad ku ag ciyaaraysay?” ayaa dhacda in hooyadu carruurteeda weydiiso iyadoo u tilmaamaysa inay gudaha galaan. “Miyaanan kuu sheegin inaadan ka ag wareegin?” Carruurtu madaxa ayay ruxayaan. 

In kastoo magaalada ugu dhaw tuulada Atuuga ay u jirto afar kiiloomitir oo kaliya, haddana waxaad mooddaa inay tuuladu tahay gobolkeeda gaarka ah. Gabbaldhaca ka dib waxa isqabsanaysa shanqadh la’aan ku dhego tiraysa; waxaa tuulada ku nool dad ka yar 200 oo qof, dhismayaasha tuuladu uma eka kuwo dulsaar ku ah samayska dabeecadda dhulka oo magaalow tilmaamaya, oo waxaad mooddaa inay ku milmeen oo qayb ka mid ah noqdeen buuraha iyo dhirta deegaanka. 

Gabbaadka guryahooda iyagoo ku jira dadka tuuladu waxay maqli karaan jabaqda astaanta u ah buuraleyda Geeska Afrika: xiinka cayayaanka ee aan doorsamayn, cida fiinta iyo waraabaha hadba mar cida dheer ku dhufanaya oo looba qaadan karo ruux hadba mar qosol dillaacaya. Iyagoo ay codadku argagax galiyeen ayaa hooyooyinka, oo carruurtooda seexinayaa uga digaan qori-ismariska habeenkii bahalka noqda ee carruurta inuu cuno jecel.

Sida sheeko-xariirada lagu soo tebiyo, qori-ismarisku waxay muddo dheer faro-ba’an ku hayeen deegaannada la midka ah Atuuga ee geeska Afrika sida Itoobiya, Soomaaliya iyo Suudaan. Carruurta wareegta gabbaldhaca ka dib halis ayay ku jiraan. Dadka socotada ah il gaar ah ayaa la iskaga eegaa. Codkaa aad ku dhaaran karto inuu cod dad yahay, ee magacaaga meel dheer kaga soo dhawaaqayaa, waa qori-ismariskii. 

Si ka geddisan sheeko-baraleyda la jaadka ah ee khuseysa ilma-adeerrada qori-ismariska ee yeey-dadawga (werewolves), qori-ismarisku waxay noqon karaan dad caadi ah ama waraabe isu ekaysiinaya dad. Sidoo kale, si ka geddisan yeey-dadawga, qori-ismariska waxaa laga aaminsan yahay inay rabitaankooda isku doorin karaan iyagoo isticmaalaya qori sixir ah ama isku sayrinaya dambas. Mararka qaarna si ay isu dooriyaan waxaa ku filan urta hillibka dadka oo kaliya. 

Marka si loo eego, asalka sheeko-baraleyda qori-ismarisku waa mid macquul ah: Qori-ismariska iyo dadka waxa ka dhaxaysa taariikh dheer oo cadaawadeed oo dib ugu noqonaysa bilawgii u horreeyay ee dadka ee Afrika. Qarniyo badan, bahalladan habeenkii ugaadhsadaa, inta ay habeenkii iyagoo bulxamaya isa soo urursadaan ayay buulasha tuulooyinka u dhacaan oo carruurta cunaan, xoolahana laayaan. Siduu u dhigay Marcus Baynes-Rock, oo ah baadhe ka tirsan jaamacadda Norte Dame, kaas oo baadha xidhiidhka xayawaanka iyo dadka ka dhexeeya; “Beryahan danbe dadku waxay isu arkaan inay yihiin kuwo gabi ahaanba maamula deegaankooda. Balse, marka la joogo baadiyaha Afrika, weerarrada dhurwaagu ma aha kaliya shil musiibo ah, ee waa xaqiiqo nasiibdarro ah oo nolosha ka mid ah. Waxay bulshooyinkani yaqiinsan yihiin inaynaan ahayn ugaadhsatada ugu halista badan ee jirta.”

Taas waxaa ka dhashay in loo arko qori-ismariska Afrika marka la joogo kuwo u taagan dhammaan halisaha degellada dadka u soo dhukusaya. Qori-ismarisku si la mid ah ilma-adeerradii ilma dhurwaa waa gooni socod, balse lagu yaqaan ugaadhsi wadareedka, waa kuwo xoog badan, oo cirweyni ku astaysan, laguna yaqaan inay dadka ka soo duufsadaan guryahooda. Hooyooyinku waxay sheeko-baraleyda qori-ismariska u adeegsadaan inay carruurtooda uga digaan halisaha la yaqaan ee meeraysiga habeenkii ka dhasha iyo kuwo aan la garanaynba.

Sheeko-baraleyda qori-ismarisku waxay isbeddel cajiib ah muujinaysaa markay noqdaan kuwo u taagan cidda kale ee cid ka soo horjeeda. Noolahan oo loo yaqaanay inay yihiin kuwo ku nool qarafsasho (tilmaantani ma aha mid sugan maadaama oo dhurwaaga oo iyaga la mid ahiba uu yahay mid cuntadiisa badankeeda ku hela ugaadhsasho), bahalkan kaliya looma arko bahal cadaw ah, balse waxaa loo arkaa inuu yahay fuley liita oo gun ah. Waxaa jirta sheeko-baraley qadiim oo asal ku leh Ivory Coast, taas oo sheegaysa, mar uu dhurwaagu isku dayay inuu xayawaanka kale oo dhan ku qanciyo in la dilo Xaawo iyo Aadan. Balse, nasiib wanaag ey baa u soo digay Xaawo iyo Aadan, oo fashilinaya shirqoolkii dhurwaaga, sidaana ku badbaadiyay bini’aadamka. Si la mid ah sheeko-baraleyda dhurwaaga, ta qori-ismarisku waxay ku wareegaysa aragtida ah inayna kaliya ahayn bahal halis ah, balse ay yihiin sidoo kale noole xun oo liita. Gobollada qaar sheeko-baraleyda waxaa loo adeegsadaa in lagu sii faquuqo bulshooyinka la takooro.

Sheeko dhaqameedka Itoobiyaanka, tusaale ahaan, waxaa qori-ismariska loo yaqaan bouda, oo la macne ah cawrida ama qumaynimada. Sooyaalka Amxaarada waxay dib ugu noqonaysaa ammintii abuurka. Sheeko-baraley ayaa tidhaahda, Xaawo waxay lahayd 30 carruur ah, ka dib maalin baa ilaahay ka codsaday inay tusiso carruurteeda. Iyadoo ka shaki qabta ujeeddadiisa, Xaawa waxay qarisay 15 carruurteeda ka mid ah. Markuu ilaahay ku war helay caasinnimadeeda, wuxuu ciqaab ahaan ku nacdalay 15-kii carruur ahaa ee ay qarsatay inay bouda/qumay noqdaan. Muddo ka dib, weedhu waxay la macna noqotay dabaqadda hoose ee aan wax baran ee xoogsatada ah, gaar ahaan tumaalka. Muddo dheer, dhaqanka Itoobiyaanka waxaa tumaallayaasha oo dhan laga aaminsanaa inay yihiin bouda ama qumayo il kulul, kuwaas oo awooddooda cawrida u isticmaali kara si ay isugu dooriyaan qor-ismaris. (Aaminaadda jiritaanka bouda ama inay jiraan dad qumay ah oo cawri kulul ilaa hadda way ka jirtaa Itoobiya, si ka koobanna waxay sidoo kale uga jirtaa Suudaan, Tansaaniya iyo Marooko).

Tumaalnimadu waxay ahayd mihnad ay sooyaal ahaan qaban jireen Yuhuudda Itoobiya, kuwaas oo ah koox laga tiro badan yahay oo dalka joogay muddo dheer oo dib ugu laabanaysa ilaa quruuntii dhexe. Yuhuuddan Itoobiya oo sidoo kale loo yaqaanay “Beta Israel” oo afka Giiska ku noqonaysa tafiirtii Israa’iil, waxaa la aaminsan yahay inay ka soo jeedaan beesha Daan, oo ka qaxay dagaalkii sokeeye ee ka dhex qarxay boqortooyadii Israa’iil, dagaalkaas oo u dhexeeyay wiilkii Solomon ee Rehoboam iyo wiilkii Nebaat ee Jeroboam. Yuhududa Itoobiya looma oggolayn inay dhul yeeshaan ama aadaan dugsiyada badankooda. Tani waxay u soo reebtay tumaalnimada iyo xirfadaha la kala dhaxlo ee aan u baahnayn waxbarasho toos ah.

Doon Siimaan oo ah buuni ku takhasusay diimaha iyo barashada Yuhuudiyada ee jaamacadda Emory, wuxuu aaminsan yahay ku shaanbadaynta Yuhuudda inay yihiin bouda ama qumay inay tahay “nooc ka mid ah faquuq aydhiyoolajiyadeed, oo xidhiidh laga dhaxaysiinayo qumaynimada iyo farsamada gacanta, xidhiidhkan oo ah mid ku salaysan sheeko-baraley waa mid bulshooyinkan ka faquuqaya oo gooni uga saaraya bulshada inteeda kale.” Sidoo kalena bini’aadamtinimada ka saaraya. Sheeko-xariiro ayaa sheegta inay Yuhuuddu habeenkii waraabe isu dooriyaan oo dadkii maalinka la aasay xabaalaha kala soo baxaan, iyagoo hilbahooda cunaya lafahoodana feenanaya. Siifadda qadhmuun ee cadka qudhmay ayaa la sheegaa in ay tahay mid lagu sooci karo qori-ismariska dib isugu dooriyay qof aadane ah.

Xidhiidhka qori-ismariska iyo Yuhuudda Itoobiya waa sheeko soo dhammaatay. Yuhuudda Itoobiya badankooda waxaa lagu khasbay inay diinta Kiristanka qaataan qarnigii 19aad ilaa kii 20aad, ama waxay u qaxeen Israa’iil, iyadoo lagu qaaday qorshayaal ay wadday dawladda Israa’iil 1980-nadii.

Afrika inteeda kale sheeko-baraleyda qori-ismarisku astaame kale ayay qaadatay. Marka Soomaaliya la joogo, qori-ismarisku gabbaldhaca ayuu qori is mariyaa si uu isu dooriyo. Suudaan sheeko-baraleydeeda qusaysa qori-ismarisku waa mid cunfi badan oo waraabe-dadawgani wuxuu habeenkii weeraraa lammaanaha is jecel. Marooko waxaa la aaminsan yahay in qori-ismaris oo dhami habeenkii waraabe noqdaan maalinkiina dad caadi ah ku soo noqdaan.

Sheeko-baraleydan oo dhami hal dhufsane yare ayay wadaagaan, kaas oo ah ka-shakiga dadka kale, iyo awoodda dabeecaddu u leedahay inay nolosha ka carqaladayso kuwa aan qaddarin awooddeeda.

Aaminaadda sheeko-baraleyda qoris-ismarisku ilaa maanta waa mid ka jirta baadiyaha Geeska Afrika, gaar ahaan tuulooyinka la midka ah Atuuga ee dabeecaddu wali gacanta sare leedahay. Halkaas, oo hooyooyinka wali carruurtooda uga sheekeeyaan habeenkii marka ay sii seexanayaan sheeko-baraleyda qori-ismariska, oo uga digaan haddii ay maqli waayaan in ay eedi doonaan.