Thursday 21 November 2024
Ibraahin Yuusuf Axmed 'Hawd' waxa uu si dhab ah ugu tilmaaman yahay: suugaan yahan dhabsheeg ah oo nuxurka iyo dhumuc-abbaarka qoraalladiisa waxaa laga arkayaa sadaro baraarrug iyo dhab-abbaar wada ah. Kaalintiisa indheergaradnimo ee Geeska iyo bulshadiisa isaga oo ka soo dhalaalaayo misana afkooda wax ugu sheegaayo/qoraayo ayuu hortooda dhigay: sheekagaaban, mid dheer, maqaallo dood abuur ah iyo tixo kooban. Waxqabaydiisa sheekagaabanta ahi waxay abla’ableeyaan qofka, deegaanka, qoqobka iyo dhaqamada bulshada. Waxaa xusid mudan oo u baahan in si gooni ah la isu dultaago oo uu qoraalkaani fallanqaynayaa nuxurrada sheekagaabannada ka warramo: Colaadda iyo Takoorka. Nuxurradaasi waxay falkinayaan gaboodfalka bulshada Soomaaliyeed ay isku la kacday iyo waxyaabaha gunnimada leh ee dadka iyo deegaanka ka dhacay iyo sida ay sheekogaabantiisu u soo bandhigayso silica, wareerka qofeed, haybsooca bulshada kadhex jiro, diifta, duruufaha adag iyo uurkutaallada. Sheeko kastana waxay sawiraysaa hummaag dhabsheeg ah, shakhiyad kastana waxay matalaysaa bulshada iyo axwaasheeda.
"Waxa Geeska Afrika laga haqabla yahay waa hub, gaajo iyo dhimasho" Sheekada 'Dookhu Waa Balaayo'. Ibraahin Hawd.
Hubka waa waxa sida fudud looga dhex helaayo deegaannada Geeska Afrika, qiica iyo dhawaqa baaruudda waa ogsajiinta uu nuugo iyo muusiigga ku dhaco dhegaha naflayda ku nool deegaanka–taasina waa nuxurka laga dhadhansanaayo sheekada "Dookhu Waa Balaayo", oo si gooni ah shubaalka sheekadu kaga warramayso dhallaan la koraayo kagacal uu u qabo hubka iyo qiica baaruudda. Sawirkaasina waa ka billowga horeba aynnu ka helaynno sida hubka looga jecel yahay deegaanka, si fududna garabka loogu wada sito. Bulshada sidaas u jecel hubka waxay la daalladhacaysaa gaajo, iyo cudurro—se waxaa sheekada "Dooku Waa Balaayo" laga dhex arkayaa sawir ah: sida uu qofku tacabkiisa ugu iibsanaayo hub uu wax ku laayo ama isaga gallaafta. Sawirkaasina waxa uu hummaagaynayaa waxkasta oo ka fog dadnimada—oo ah dhac, dil iyo dugaagnimo. Waxaa hummaag xooggan ka bixinaayo gaajada ay bulshadu isku laynayso sheekada "Dhagartii Oogle"–oo tabinaysa dhac iyo dil loo gaysanaayo marxuun xoogaa lacag ah ka soo qaatay xawaalad. Sawirka ay sheekadu ka bixinayso dhaca iyo dilka uu gaysanaayo shakhsiga sheekada hormuudka u ah (Oogle) waxaa laga arkayaa sida isaga oo masaajid marxuunka ku la tukaday, uu isla jeerkaasna haddana nafta u dhaafinaayo si uu uga dhaco lacag. Sawir si dhabsheegnimo leh u sawiraayo dhabta dhextaalla deegaanka ee cibaadada ka dib xitaa la isruugaayo ayuu hummaagga sheekadaasi sawirayaa. Oogle, falka dugaagnimada leh ee uu ku kacaayo iyo sida uu nafle ay isla soo cibaadaysteen nafta u dhaafinaayo, ilmo u agoominayo, gabdhna aseey ugu saaraayo marka laga soo tago waxaa isdultaag u baahan in uu shakhsigu (Oogle) falkaas oo dhan u gaysanaayo si uu lacag u helo. Dabcan, bunduqa uu lacagta ku dhacaayo ee uu ku xabaalaayo nolol qofeed ayaaba ah qarashaad uu gaadajada kaga bixi karo. Nuxurka ugu wayni waxa uu muujinayaa "deegaan aanay noloshu qiimi ka lahayn."
Sida oo kale marka xagal laga eego colaadda iyo dagaalka sokeeye waxay sheekagaabanta Ibraahin Hawd, saldhig uga dhigtaa: aargudashada (aanada). Bulsho isu ciilqabto iyo shakhsiyado la nool aano ayay sawiraysaa sheekagaabanta "Laba gelin". Sheekada nuxurkeedu waa in lagu gummaado qofka fal aannu isagu lahayn fulintiisa oo shakhsiga sheekada hormuudka u ah ayaa loo dilayaa fal dil ah uu walaalkii gaystay. Shakhsiyadda ay sheekadu ku socoto, waxbarasho ayay soo dhammaysanaysaa, han guur aya lee dahay oo waxa ay dib ugu noqonaysaa miyigii bal se waxaas loo ciqaabayaa fal aanay iyadu fulin. Wuxuushnimada iyo bahalnimada intaas la eg iyo bulshadu siday isugu ciilqabto oo ay nolosha isugu diidayaan ayay sheekadu sawiraysaa.
Abla'ablaynta iyo sawirada ay bixinayaan sheekooyinka colaadda ku saabsani waxay si gunta hoose ah u darsayaan bulshada gummaadka dhexdooda ka jiro, sida la isugu ciilqabo iyo sida ay bulshadu noloshu isagu diidayso. Runtaasina waa ta qadhaadh ee ka jirto deegaannada Soomaalida, iyada oo ay bulshadu isla nooshahay ayay isla kol kalena isduugaysaa. Sadar si qoddadheer uga dhab sheegaayo sida ay bulshadu u ka la maarmin iyo isla kol kale sida ay isuruugayso ayaa dhex ahaaday sheekagaabanta "Meel Xil Leh"—kaas oo ah:
"Qofka soomaaliga ahi noole aan soomaali ahayn wehelnimo ka ma helo dhabna uguma nefiso, haddana isla soomaaligaas ayuu eedaa. Inta la iskaashado in la eg ayaa la isku jabaa."
Soomaalidu sida ay wehel isugu yihiin oo ay wax isu taraan si la mid ah ayay waraabayaal isugu noqdaan oo ay isu gummaadaan. Gaajada, qiica baaruudda iyo aanada waa kuwa deegaanka ka dhigay inay ku noolaadaan bulsho qaataanimada iyo qudhgoynta ku tilmaaman, oo ay bulshadu ragnimada ku sifaynayso hubqaadnimo–taasina waa ta laga dhex arkaayo sheekada "Dooku Waa Balaayo." Nabad in laga dhex abuuro bulshada waxay qaadanaysaa fadhiyo badan, in la abuuro deegaan xasiloon waxay qaadanaysaa waqti, bal se in deegaanka laga dhex abuuro colaad waxay qaadanaysaa in keebka lagu dhego oo ay baaruuddo qaraxdo.
"Sibaa loo dhalliilaa haddana ruuxna may dhibine"
Maansada ‘Dhul Gariir’—Maxamed I. W. ‘Hadraawi’.
Bulshadu waxay isu takoortaa: dhaqan, farsamo iyo waliba deegaan–waxa takoorkaasina isku la kacaayo waa ummaad meel qudha wada dega. Sida oo kale waxaa bulshada ka dhex jiro sooc gooni ah oo la isku la kaco kaas oo ah: haybsooc—qofkana lagu soocaayo haybta uu ka soo jeedo iyo tirsi odoyeedka. Bulsho iyada dhexdeeda takoor daran uu ka dhex ololsan yahay iyo isgumadayn ayaan ka dhex helaynaa sida oo kale sheekogaabantiisa 'Jacaylkii Barni Seed' (2005). Sida ay Barni u tahay dhammays iyo sida aabbaheed oo kabatole ah ay u eedayso misana dadka tuulada deggani u haybsoocayaan qoyska kabatole Seed iyo inantiisa quruxda badan ee Barni ayaa ah nuxur dhab-abbaar ah misana uurkutaallo badan. Sida bulshadu u yasayso kabatole (qof) xirfaddiisa ku shaqaysanaayo iyo sida aannay dadku u farsamaysan karin kabahooda oo nin kabo madhan, aanan lahayn xirfadda kabatolista ayaa takoor ku la kacaayo qof isaga xirfad dheer. Sida haybsooca iyo tirsiga odayada caqliyadda bulshada u hagaasiyeen oo ay caqabad ugu noqdeen habnololeedka bulsho wada deggan ayaa dhinaca kale laga dhex arkayaa sheekagaabntaan.
Kabatole Seed, waxaa lagu takoorayaa oo dadka tuulada oo dhan looga gaar yeelayaa xirfaddiisa oo isla kol kalena looga dhigayaa dhimaal uu lee yahay isaga oo aannay bulshada tuulada deggani ka maarmin waxgalnimadiisa—se takoorkaasi waxa uu ka qaadayaa cudurro nafeed isaga oo qabbatimaayo takoorka, iyo caayda la caynaayo shakhsiyaddiisa iyo qoyskiisaba.
"Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacaye." Maansada ‘Dhul Gariir’—Maxamed I. W. ‘Hadraawi’.
Seed Warfaa, ugaadhsiga ayuu ku wacan yahay oo uu dadka uu u shaqaynaayo kaga warramaa sheekooyin ku saabsan ugaadhsiga. Qoyskiisu waa ka takooran yahay qoysaska kale ee tuulada dega, isla kol kalena wuu ka fadli badan yahay qoysaska kale—sababta oo ah waxa rag tuulada joogo indhaha ayay ku hayaan aqalka qoyska illayn waxaa ku nool bilcaanta quruxda loo dhammeeyay ee Barni ahayd.
Barni waxaa lagu sheegi karaa: 'macaan iyo qadhaadh meel qudha ku wada yaal'—ama 'dhammaysnimo iyo dhimaalnimo isutolan.' Shakhsiyadda Barni waxaa laga dhex arkayaa sida ay u tahay dhammays iyo haddana sida loo dafiraayo jiritaankeeda, oo waxkasta ay mudan karto loo duudsiinaayo: quruxda ay lee dahay waxaa loo arkayaa wax lagu kadsoomay— "Dhulka lagama soo qodin dadkee Aadan baa dhalaye Adigiyo hablaha dhinaca kale waysu dhigantaane.” Maansada ‘Dhul Gariir’—Maxamed I. W. ‘Hadraawi’.
Warsame Geeddi iyo Barni waxaa ka dhaxeeyo dareen jacayl se waxay labadoodu matalayaan laba dabaqadood oo ka la ah: dabaqadda maamuusan—oo qoyska Warsame Geeddi waa laga qaddariyaa tuulada, halka dabaqadda takooran ay matalayso Barni Seed. Labadooda dareennada kalgacal ee laabahooda ku beeran waxaa hagaasiyay oo caqabad ku noqday abkasoogaadhnimada—illayn Warsame waxa uu ku abtirsanayaa qoys sharfan halka ay iyaduna ku abtirsanayso qoyska takooran. Kagacalkooda waxaa dabray dhaqanka soojireennimada, oo waxa uu Warsame ku guuldarraysanayaa in uu dhaqankaas jabiyo oo uu gacalladiisa Barni uu aqal la dhisto. Kol danbe oo ay Barni iskaga guurtay tuuladii, aynna dhisatay qoys oo ay shan dhal noqotay ayuu Ayaanle—oo ay saaxiib ahaayeen booqanayaa. Waxa uunna kaga warramayaa in aannu Warsame Geeddi weli guursan. Iyaduna waxay qiraysaa in uu u jeclaa sida ay u jeceshahay si ka daran bal see uu ku guuldarraystay in uu jebiyo dhaqanka takoorka waxaynna lee dahay erayo qoddadheer oo ah:
"Haddii uu geesi yahay dhaqan gaboobay uma dabrannaadeen."
Nuxurka u danbeeyo ee sheekada waxaa laga dhadhansanayaa in dabarka takoorka lagu jari karo tacliinta—oo marka uu Ayaanle booqdo guriga Barni Seed iyo caruurteeda waxaa dhexmaraayo wadasheekaysi qoddadheer kaas oo laga dhadhansanaayo sida uu Ayaanle uga biyadiidaayo takoorkii dadka tuulada ku la kaceen qoyskii Seed Warfaa. Waxa ay tacliintu baddeshay hab-araggiisii isaga oo tacliinta ka dib qaatay mabd'a ah: "Ma rumaysni in ay laba qof dhalashada ku ka la nasabsan yihiin. Qof walba waa waxa uu yahay qof ahaan iyo waxa uu kasbado."
Sida oo kale marka si qoddadheer loo eego oo la isdultaago hummaagga tuulada ay sheekadu ka dhacayso waxaa loo dhigi karaa shaacsane ah in tuuladu ay matalayso Soomaaliya, dadkuna ay matalayaan Soomaalida iyo takoorka dhexdooda ka dhaca. Runta qadhaadh iyo sida ay dadna wax u dulminayaan, dadna loo dulminaayo ayaa dhex ahaaday deegaanka Soomaalida oo uu mar qudha gabbalku u soo wada baxo, una wada dhaco—oo abaar iyo aaranba wadaaga. Isla sida shakhsiyadda Seed Warfaa ay u qabbatintay caayda iyo takoorka si la mid ah waxaa la arkayaa in ay jiraan dad sidaas u qabbatimay. Sida labada dabaqadood ay sheekadu u cabbirayso oo ay dadku u ka la sarreeyaan iyada oo lagu xidhaayo dhaqan abkasoogaadhnimo ku dhisan si la mid ah ayay bulshada uga dhex jirtaa.
Ugu danbayn sheekogaabanta Ibraahin Hawd, waa dugsi si gooni ah looga darsi karo uurkutaallada bulshada iyo nuxurro dhab-abbaar ah kuwaas oo laga dhex helaayo sadarrada dhacdooyin ka warramaayo nuxurro tiro badan. Marka la doonayo in la darso: dhibaatada Soomaaliya ka dhacday waa in la akhriyaa oo loo dhugmayeeshaa nuxurka sheekagaabanta: 'Madxafkii Xanuunka'. Nuxurku sheekadaasna waxa uu yahay: dhibaatada Soomaaliya ka dhacday haddii la rabo in la darso horta waa in la eego oo loo dhugmayeeshaa qofka Soomaaliga ah: jidhkiisa dhaawacyada ku yaallo, xabbadaha naafeeyay iyo in qofku yahay ba madxafka shaqaaqadii dhacday. Isla kol kale marka la doonayo in la eego gaajada iyo aanada oo saldhig u ah colaadda waa in la darsaa oo la isdultaago sheekagaabannada: "Laba gelin", "Dhagartii Oogle", iyo kuwa kale oo mudnaan leh. Mar kale haybsooca ka dhex jiro bulshada iyo isgumadaynta dhexdooda ahaatay waa in la akhriyaa oo loo dhugmayeeshaa nuxurka sheekogaabanta: 'Jacaylki Barni Seed' (2005). Waa in loo kuurgalaa shakhsiyad kasta, dhacdo kasta iyo wadahadal kasta si looga dhurto nuxurrada ay xanbaarsan yihiin. Sheeko kasta waxay mudan tahay in si iskeeda ah loo dul istaago, la faaqido oo nuxurkeeda si qumman loogu beego barta ay ka hadlayso. Sida oo kale waxaa lamahuraan ah in la akhriyo oo la isdultaago: sheekada dheer ee 'Aanadii Nageeyee' oo uu qoraagu kaga warramay nuxurro uu kaga warrami lahaa boqollaal sheekagaaban ah si loo fahmo maangodlinta iyo farriimaha uu tooshka ku ifiyo qoraagu.