Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Dhaqan

Taraaglannimadu Soomaalida Qurbaha waxay ula mid tahay reer-guuraannimo

28 March, 2024
Image
Taraag
Farshaxanka: Wasiima Faarax/Atlas Obscura
Share

Waxa Af Soomaali u turjumay Maxamed Buux

 

Waa cawaysin danbe. Waxaan ku suganahay dukaan qaxwaha gada oo ku yaal Edmonton, Alberta. Cabdi Cali ayaa ku faanaya oo i tusaya taraaglayaasha tirada badan ee ay taleefanka ka wada xidhiidhaan. Cabdi waa 28 jir ka soo jeeda Soomaaliya, hadda se ku nool Ontario. Wuxuu leeyahay oo ku shaqeeyaa gaadhi xammuul 18 taayarle ah, waxaanu tan iyo 2020 isaga kala gooshayay waqooyiga Ameerika. Moobilkiisa wuxuu ka daaray farriin cod ah oo lagu soo diray guruub wada sheekaysi oo ay ku weheliyaan 40 kale oo taraaglayaal Soomaali ah, kuwaas oo ka hawlgala gobollada dalka oo dhan. Badankoodu indha isma ay saarin.

“Asallaamu Calaykum akhiyaarta sharafta leh, aad baan idiin salaamayaa,” ayuu yidhi nin cod weyn, oo farriintiisa codka ah ee 56 ilbidhiqsi ah uga digay guruubka askari xawaaraha hubinaya oo la dhigay jidka Sandy Lake, halkaas oo dhawr taraagle lagu joojiyay. Farriin kale oo cod ah, nin da’ ah ayaa ka warbixinaya geeddigiisa: “Waa 8:13 fiidnimo, dabayshu waa mid xooggan oo baabuurta ridi karta. Waxaan ku socdaa xawaare ah 76 kiiloomitir saacaddiiba. Geedo dhacay baa jidka wadhan. Ciddii halkan ku soo jeeddaa, waa inay taxaddartaa. Eebbe ha idin nabad geeyo.”

Cabdi iyo ragga kale ee ku weheliya guruubkan wada sheekaysigu waxay matalayaan isbeddelka muuqaal ee ku socda suuqa taraaglanimada ee Waqooyiga Ameerika. Hawl sooyaal ahaan ahayd mid ay ka ciidamiyaan caddaanku, oo dhawaanahanna ay ka jirtay shaqaale yari, ayaa qaxoontiga oo Soomaalidu qayb ka tahay buuxinayeen dhimmaalkaa ka jira, dhimmaalkan oo waliba la filayo inuu sii siyaado sannadaha soo socda. In kastoo, hoosudhac ku yimid mushaharaadka, sababo la xidhiidha xeer nidaamiyayaasha oo la yareeyay, haddana Cali wuxuu kaydiyay lacag uu xaaskiisa iyo carruurtiisa guri Muqdisho ugaga dhisay. Suuqa taraaggu wuxuu ku socdaa kal xilliyeed, ku xidhan dalabka iyo daabbulka. Marka la soo afmeero xilliga fasaxa, ee uu rarkuna yaraado, Cabdi wuu iskaga baxsadaa Jiilaalka qabawga badan ee Kanada, si uu waqti ula soo qaato qoyskiisa, intaanu dib ugu laaban nolosha jidka.

Siyaabo badan dirawalladan nolosha taraaglanimaddu waxay ula dhadhan eeg tahay noloshii reer-guuraannimada oo Soomaali badan soo martay. Halka ay xoolaha ka raaci lahaayeen, dirawalladan Soomaalida ahi waxay masuul ka yihiin in ay gawaadhidooda xammuulka ku jiidaan badeecadaha tafaariiqda, alaabta qaydhiin, hillibka iyo waxsoosaarrada kale oo ay meel ka qaadaan meel kalena geeyaan.

Cabdiraxmaan Sheekh waa dirawal 29 jir ah oo ka soo jeeda Rochester, Minnesota. Waxay gaadhi wada wadaan walaalkii, Maxamed. Wuxuu yidhi, saacadaha dhaadheer ee safarku way koobmaan, isweheshigayaga daraaddii. “Run ahaantii maba dareeno in aan shaqaynayno. Kaliya waannu is xaal waraysanaynaa, waqtina wada qaadanaynaa.” Cabdiraxmaan inta uu taraaglaha ahaa mar walba shaqadiisa Soomaali ayaa dhan ka soo galaysay. Labadiisii shaqo ee u horreeyay waxa uu la shaqaynayay shirkado Soomaali leedahay. Mar uu ka shaqaynay makhaayad cunto oo ku taallay gobol aanu hadda xasuusan, ayaa isaga iyo walaalkii waxay si kedis ah ula kulmeen laba oday oo dirawallo ah, kuwaas oo si diirran u soo dhaweeyay, qadanna u qaaday. “Waa martigalintii Soomaalida lagu yaqaannay,” ayuu yidhi. Wuxuu ku tilmaamay inay yihiin adeerradii oo kale; isaga iyo walaalkii waxay ula dhaqmaan sidii oo ay qaraabadooda yihiin, mar kasta oo ay jidka ku kulmaan. Maadaama oo uu leeyahay saaxiibbo badan oo iyaguna dirawallo ah, way iska war hayaan, oo way kulmaan markay alaab geynayaan magaalooyin isu dhow. Dhawaan, saaxiibkii oo dirawal ah ayuu wacay isagoo bariidinaya; kedis uu u riyaaqay ayay noqotay kolkuu ogaaday in ay labadooduba dhawaan xammuul geyn doonaan Colombus, Ohio. Waxay dhigteen qorshe ah inay kulmaan. “Mar walba waanu wada xidhiidhnaa oo ma kala qaloonno taraaglayaashayada Soomaalida ahi.”

Sida caadiga ah nolosha taraagga waxaa loo arkaa inay tahay mid kalinimo ah, balse si taa ka geddisan ayay Soomaalidu u wajahday shaqadan. Waxay samaysteen shabakado wada xidhiidh oo taxan baaxad juquraafi oo aad u ballaadhan. Dirawallada aan haysan walaal ay is weheshadaan, waxay ku tiirsan yihiin baraha bulshada sida Clubhouse, Snapchat iyo Tiktok, si ay ula xidhiidhaan dadka fahansan qaab nololeedkan reer-guuraanimo ee yaabka leh – kala doorashada cuntada jidku waa mid kooban, inaad karsato mid tii dhulka hooyo u dhadhan eeg agabka ayaan saamaxayn, walaaca daaran waxa kaa soo gaadhi kara baraha hakasho ee taraagga, siiba Koonfurta, waqtiga badan ee kaaga lumaya sugitaanka bakhaarrada iyo dekedaha. Barahan bulshada ee dirawalladani adeegsadaan waxay beddel u noqdeen qolalkii fadhiga iyo makhaayadihii shaaha ee bulshaynta caynkan ah lagu aloosi jiray.

Taariikhdooda badankeed, Soomaalidu waxay ahaayeen reer-guuraa raacato ah, kuwaas oo lamadegaanka, hawdka, buuraha iyo bannaanka ku dhex raacda geela iyo xoolaha kale. Xoolaraacatadu waxay ku noolyihiin meerto nololeed iyo mid xilliyeed oo u kala gudubta barwaaqo iyo baahi, abaar iyo aaran. Xoolaraacatadan oo sidoo kalena ah roob-raac, mar bay bulshada Soomaalida ka ahaayeen boqolkiiba 60, in kastoo hab-nololeedkan dhaqanka ahi imika u wiiqmay sababo la xidhiidha cimilo doorsoonka, dagaallo, xasillooni darro siyaasadeed iyo magaalow.

Hab-nololeedka ayaa daruuri ka dhigaya wax wadaagga udub dhexaadka u ah dhaqanka Soomaalida; hab-nololeedka reer-guuraanimadu waxa uu ku dhisan yahay nidaam tolnimo oo xidid adag, kaas oo aanay koobayn goob iyo xuduud uu dhigay gumeyste. Dagaalkii sokeeye ka dib, xidhiidhka tolnimo wuu ka furfurmay oo ka ballaadhay sidii hore, ka dib burburkii dawladda dhexe ee 1991, kaas oo uu ka dhashay qax baahsan oo Soomaalida dacallada adduunka u kala diray. Hadda, Soomaalida qurbaha ku nool waxaa lagu qiyaasaa laba milyan. Qaxan waxa dabada ka riixaya sababaha caadiga ah ee cid walba ku riixda inay dhulkeeda ka hayaanto: raadsashada badbaado iyo ammaan, baaadigoobka nolol iyo mustaqbal wanaagsan. 

Xamse oo ah taraagle reer Seatle, Washington ah, waa asaasaha guruub hadda xidhmay oo Facebook-ga ka jiray oo loogu talagalay Soomaalida qurbaha; guruubkan oo ay qayb ka ahaayeen taraaglayaal badan iyo qoysaskooduba. Xamse waxa uu ka sheekeeyay mar 12 sano ka hor uu gaadhigu kaga jabay Lincoln, Nebraska. Waxay ahayd maalmihii dhammaaadka toddobaadka (Sabti iyo Axad), hagaajintuna ma dhammaanayn ilaa Salaasada. Wuxuu si kedis ah suuq laga adeegto kula kulmay lammaane Soomaali ah, kuwaas oo gurigooda ku casuumay, halkaas oo ay ku martigeliyeen maalmihii baabuurkiisa gacanta lagu hayay. Cunno ayay u karinayeen, gaadhigoodana way u fasaxeen inuu adeegsado. Wuxuu yidhi, “Haddii aad Soomaali tahay qaraabo ayaad tahay. Taasi waa quruxda dhaqankeena. Soomaali in aad noqotaa waa baasaboorka u wanaagsan.”

Xamse waxa uu taraagle ahaa tan iyo 1997-dii, isku buuq ay ku fureen shaqooyinka xoogsiga ah ee macno-darrada ah ka dib, waxa uu go’aansaday in uu raaco dhabbadii aabbihii, oo Soomaaliya ku lahaa shirkad taraag. Wuxuu sheegay, “inuu shaqadan hibo u leeyahay”. Markuu bilaabayay 1990-nadii, waxay ahayd “shaqo ninka cadi ku kaliyaystay” ayuu yidhi. Qaar ka mid ah dirawalladan caddaanka ah ayaa foomiyaha gaadhiga u soo marin jiray aflagaaddo cunsurinnimo ah. Balse, wuu u dhabar adaygay, maantana wuxuu goobjoog u yahay isbeddelka ku dhacay suuqa taraagga. Waxa kaloo uu xaadir u yahay welwelka iyo xiisaha jiilka cusub ee qaxoontiga taraaglayaasha ah, iyo cadhada iyo kahashada jiilka hore oo caddaan u badan.

Cabdiraxmaan waxa uu ka sheekeeyay daymada quudhsashada ah ee isaga iyo walaalkii la kulmaan, mararka qaar, markay joogaan baraha hakasho ee baabuurta taraagga, ama ay kaalin shiidaal istaagaan iyagoo gashan dhar isboortis ah oo fudud, halka jiilka hore iyagu ku lebbistaan shaadh iyo surwaal dhexda dhuuqsan. Kala duwanaanshahan waxa sii muujiyay cudurkii safmarka ahaa ee carqaladeeyay isu-socodka badeecadaha adduunka. In kastoo hubanti li’i weyni ka jirto mustaqbalka suuqa taraagga, Xamse uma muuqato inay yaraanayso tirada ragga Soomaalida ah ee suuqa soo galaya.

Xoola-raacatada Soomaaliya badbaadadoodu waxay ku xidhan tahay aqoonta durugsan ee ay u leeyihiin dhulka iyo tolkooda. Aqoontani waa biirsiga khibradaha shaqsiga ah iyo sooyaalka afka la isugu gudbiyo. Kumannaan mayl meel ka fog isagoo jooga Cabdiraxmaan waxa uu hindisay aqoontiisa u gaarka ah ee ku saabsan dhul aad uga ballaadhan Soomaaliya – Maraykanka. Wuxuu sheegay inuu sannadka badankiisa jidka ku qaato, qiyaastii 75% sannadka oo dhan. Imika haba yaraatee ma habaabo umana baahdo GPS si uu jidka saxda ah u garto. “Jidweyne kastaa halka uu tago waan garanayaa,” ayuu yidhi. “Haddaan qaado jidweynaha gobollada isku xidha ee 70-aad intuu Philadelphia iga kaxeeyo ayuu i geynayaa ilaa Grand Junction. Jidka I-90 isna intuu Minneapolis iga kaxeeyo ayuu i geynayaa ilaa Seattle.” Intaanuu ka tagin Maraykanka way kooban tahay. Aragtidiisa, jidka ugu halista badan waa kan mara buuraha Pacific Northwest.Colarado sidoo kale way quruxsan tahay, halisteeduna way badan tahay.

“Dalkani waa mid aad u qurux badan,” ayuu Xamse yidhi, isagoo dareenkan sii gocanaya wuxuu ku daray, “muddo markaad sidaa u dhex gooshto, waxaad xaqiiqsanaysaa inay Ameerika guud ahaan isku mid tahay.” Kala duwanaanshaha kuula ekaan kara inuu aad u ballaadhan yahay, ee leh muuqaallada qaab dhismeedka dhulka ee aadka u kala taggan, ee leh kala duwanaanta cimilo, xataa, kala duwanaanshaha siyaasadeed ee dalka u kala qaybinaysa gobollo cas iyo kuwo buluug ah, marka lagu eegaya indhaha taraaglaha waa kuwo aan sidaa u sii weynayn. 

Aqal dhaqameedka reer-guuraaga waxaa loo qaabeeyaa hab yagleelkiisa iyo furistiisuba sahlan tahay, marka la furo waxaa lagu raraa rati hayin ah, waxa qoyska reer-guuraaga ahi noloshooda ku dabbaraan oo dhan waa intaa ratigaasu qaaddo. Geela waxaa loo yaqaan markabka saxaraha, baabuurta taraagguna waa maraakiibta dhaqaalaha Ameerika. Baabuurta taraaggu waxay daabbulaan lahashada shacabka Ameerika, rarka caadiga ahi inuu noqdo ayaa laga yaabaa biyo mooyasaxo ah ama mashiinno Xboxes ah oo qiimahoodu yahay malaayiin doolar.

Siciid Saalax Ahmed oo ah maansayahan, kaydiye dhaqan iyo filim sameeye Soomaali ah ayaa ku qeexay sababta raacatadu ay qoorta ugu sudhaan geelooda koorta inay tahay si ay ugu yabaq raacaan. Kooruhu waxay ku kala geddisan yihiin jabaqda ay samaynayaan taas oo ka dhigaysa kuwo u shaqaynaya sida GPS-ka, una saamaxaysa raacatadu inay jabaqdaas ku aqoonsadaan geelooda meel dheer ka jira. Burburkii dawladda dhexe iyo dagaalkii sokeeye ee daba socday wax walba waa lagu waayay, aan ka ahayn koorta, ama ugu yaraan dareensigeeda, iyo sida ay isugu xidhaan dadka iyo xoolahooda gooshaya dhul baaxad weyn. Soomaalida taraaglayaasha ah waxa koorta uga dhigan miyuusigga dhawaqa dheer ee ka baxaya baabuurtooda, iyo golaha Clubhouse-ka ee iyagoo buuqaya oo aan is dhagaysanayn ay hadalka ku kala boobaan. Way u riyaaqeen in ay wehel isu yihiin, sidoo kalena haystaan nolol u dhadhan eeg tii dalka hooyo, iyo amminta walaaltinimo ee gaaban ee ay dareemaan kolka ay ku kulmaan jidka.

Markaanu dhulka hooyo lahayn muuqaal dhisme oo qeexaya, xuduud dawladeed, summadaha dal lagu aqoonsado, waxaa laga helaa oo lagu dheegtaa meelo aan laga filanayn – sida suuqyadda waaweyn ee magaalooyinka, baraha hakasho ee gobollada u dhaxeeya, soonayaasha rarka ee cidhiidhiga ah. Waraysi ay la yeesheen xarunta baadhista ee taariikhda qaxa ee jaamacadda Minnesota ayuu Axmed ku yidhi, “Soomaalida qurbaha anigaa koorta u haya, si aan ugu adeegsanno hab u eeg sidii raacatadii waagii hore. Soomaalidu dacallada dunida ayay ku baahday, aniguna waxaan koorta uga dhawaajinayaa si aan dib isugu soo celiyo.”