Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Soomaaliya: muranka shaqaalaysiinta qurbajoogta, ee hawlaha dawladda

28 May, 2024
Image
الصومالي الفنلندي أحمد محمد ويهلي، 60 عامًا (يسار) يستمع إلى صديقه عمر جامع، 37 عامًا. يمثل الصوماليون أكبر عدد من المهاجرين غير الأوروبيين في فنلندا. (مصدر الصورة STR/AFP عبر Getty Images)
الصومالي الفنلندي أحمد محمد ويهلي، 60 عامًا (يسار) يستمع إلى صديقه عمر جامع، 37 عامًا. يمثل الصوماليون أكبر عدد من المهاجرين غير الأوروبيين في فنلندا. (مصدر الصورة STR/AFP عبر Getty Images)
Share

Markii ay saldhigtay Soomaaliya 2012, ee la meelmariyay dastuurkii kumeelgaadhka ahaa, sidoo kalena la qorsheeyay doorashooyinkii madaxtooyada iyo baarlamaanka, waxaa dalka ku soo qulqulayay qaxoonti badan oo ka soo noqday dalalkii ay u qaxeen. Sababaha soo ceshay qurbajoogtan iyo yoolasha ay ka filayeen soo noqoshadoodu way kala duwanaayeen: qaarkood baa u socday in ay shaqo ka helaan hay’adaha dawladeed ee dhawaanta dib loo yagleelay, heer federaal iyo heer gobolba. Balse, dib u soo noqoshadani waxay ahayd mid aanay ka raalli noqon qaybo ballaadhan oo ka mid ah muwaadiniintii dalka sii joogay, kuwaas oo u arkayay kuwo kula loollamaya fursadaha shaqo ee kooban.

Arrintani waxay muran weyn ka dhex dhalisay qurbajoogtan oo ku dooday in ay u soo noqdeen si ay khibraddooda ugu biirsadaan dib u dhiska dalkooda, iyo kuwa ka soo horjeeda oo ku eedeeyay in iyagoo ka faa’idaysanaya baasaboorradooda qalaad, fursadaha yar ee jirana ku cidhiidhinayaan muwadiniinta dhibban.

Eedaynaha ka dhanka ah qurbajoogta

Mid ka mid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Buntlaan, oo codsaday in aan magaciisa la carrabbaabin, ayaa sheegay sababta keentay in qurbajoogtu buuxdhaafiyaan shaqooyinka xukuumaddu waa sida sahlan ee ay ku helaan, taas oo ay u sahlayso qodobbo ay ka mid yihiin: oday dhaqameedka oo mansabyada xukuumadda u sharraxa qurbajoogta, oo iyagu si joogto ah uga qayb qaata qaadhaanka beesha, sidoo kalena waxaa laga aaminsan yahay in ay yihiin ilbax dookh sarreeya, kuwaas oo karti u leh socodsiinta shaqada, iyadoo aan badanka la is weydiinayn heerkooda waxbarasho iyo khibraddooda.

Wuxuu intaa ku daray, isagoo Geeska la hadlaya, in qurbajoogtan u soo noqotay si ay shaqooyin xukuumadda uga helaan in ay labo nooc yihiin: qolada koowaad, waa kuwo mar sii horraysa qurbaha aaday siddeetannadii iyo ka hor, kuwaas oo hantay waxbarasho iyo hanti door ah, kuwani mansabyadda xukuumadda waxay u raadsadaan si ay sumcad u helaan, waxayna ka hawlgalaan xafiisyada sare ee xukuumadda, sida wasiirnimo, kuxigeen wasiir iyo in ay iska soo sharraxaan doorashooyinka baarlamaanka. Qolada labaadina ma aha kuwo wax bartay, waana kuwo dalka ku soo noqday iyagoo ka soo cararay culaysyada shaqo iyo nolosha adag ee qurbaha, kuwaas oo qurbaha kaga shaqaysan jiray tagsiilanimo iyo xoogsato.

Wuxuu xusay in ay kuwan danbe markay dalka ku soo noqdaan ay saaxadda siyaasadda ku soo galaan in ay taageeraan musharaxiinta u sharraxan golayaasha sare ee xukuumadda, markuu guulaysto musharaxooduna waxaa loo magacaabaa xilal, taas oo ay ka dhigtaan il ay ka soo ceshadaan lacagtii ay galiyeen musharaxooda, oo ay ku raadiyaan faa’ido shaqsi ah, iyagoo hagardaamaynaya filashooyinka shacabka.

Ingineer Maxamed Cawl wuxuu sheegay in qurbajoogta caynkan ahi dalka khatar ku yihiin, waxaanuu ku sababeeyay in ay “dadkii bareen musuqmaasuq, laaluush, iyo hanti lunsi, dhallinyaradiina suuqa shaqada ku cidhiidhiyeen.” Wuu dhaleeceeyay isagoo leh: “sidee bay ugu suurogashaa qurbajoog dirqi ku helay lacagta tigidhkuu Yurub kaga soo noqday, in uu toddobaad walba Nayroobi ugu safro, ka dib, markuu shaqo ka helo xukuumadda?” Wuxuu Cawl taa ku fasiray in shaqaalaha xukuumadda ee qurbajoogta ahi dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka maalgashadeen hanti maguurto ah oo ay ku maalgashadeen lacag ay qaranka ka lunsadeen, waxaanu ku eedeeyay in ay iyagu sabab u yihiin kala fogaanshaha dabaqadeed ee bulshada ka dhex abuurmay.

Wuxuu Geeska u sheegay in mashariicaha ay maalgaliyaan hay’addaha dawladdu, fulinteeda ay u gacan gasho sharikado ay leeyihiin qurbajoogtani, mashaariicahan oo ay ku helaan ka ag dhawaanshiyahooda madaxda dalka, iyo iyagoo xilal sarsare ka haya dawladda. Dheeraadkan uu xusay Maxamed Cawl, ayuu u arkaa in ay sabab u tahay tahriibka sahrcidarrada ah ee dhallinyarada, waayo waxay u arkaan in bulshadu ay doorbiddo qurbajoogta, oo ay siiyaan mudnaan dheeraad ah, si ay mudnaantaas u helaan in ay u tahriibaan.

Ka qaybqaadashada dib u dhiska dalka

Qaasim Cabdillaahi oo ah qurbajoog Soomaali ah oo ku barbaaray Fiinlaan, oo muddo sannado ah deggan Muqdhisho, kana shaqeeya mid ka mid ah hay’adaha xukuumadda, ayaa u sheegay Geeska in uu dalka ugu soo noqday si uu uga qayb qaato dib u dhiska hay’adaha fulinta, hay’adahan oo sees looga dhigayo dhaqan shaqo oo suubban, loona abuurayo qiyam sarreeya iyo hufnaan. Wuxuuna ka biyo diiday in uu u soo noqday si uu hanti u sameeyo, wuxuu yidhi: “Waxaan wax ka bartay jaamacadaha Fiinlaan, waxaanan mushahar wanaagsan kaga soo shaqeeyay shirkadaha waaweyn ee Helsinki, marna yoolkaan ka leeyahay in aan xukuumadda dalkayga u shaqeeyaa ma aha in aan lacag ka sameeyo.”

Canab Cumar oo 2019 ka shaqaynaysay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Muqdisho, oo dib ugu noqotay Iswiidhan, waxay sheegtay in “ay adag tahay in Soomaaliya laga shaqeeyaa, duruufta amniguna ayna saamaxayn nolosha ay ku taamayaan qurbajoogtu, waayo xaafadaha amnigoodu wanaagsan yahay ee Muqdisho waa qaali, qiimaha maciishadduna waa xad ka bax ah.” Waxay intaa ku dartay in sababta markii horeba soo celisay ahayd in ay ka ag dhawaato hooyadeed oo da’ ah, dabadeedna ay u hawlgashay in ay degto oo shaqo hesho, si ay riyooyinkeeda uga dhabayso. Balse, mushaaharaadka yar iyo shaqada adag ayaa ku riixay in ay Iswiidhan isaga noqoto.

Dhankiisa, hoggaamiyaha xisbiga “Iftin” ee Buntlaan, Cabdirashiid Maxamed, waxa uu qabaa in qurbajoogga wax bartay uu ka helayo Soomaaliya fursado ballaadhan, wuxuu sheegay: “Waxaynu ka faa’idaynaa khibradaha dhanka maamulka ee qurbajoog badan, waayo waa waayo’arag dhugtay sida hay’adaha Yurubiyaanka ahi u shaqeeyaan, waana kuwo soo arkay dhaqanno kala geddisan.” Wuxuu sheegay in qurbajoog badan oo ka soo qabtay xukuumadda xilal sarsare, ay qaarkood tusaale u noqdeen hoggaamintan toosan, qiyamka iyo hufnaanta, qaar kalena ay summad u noqdeen musuqmaasuqa iyo xatooyada hantida guud. Wuxuu intaa ku daray in aan qurbajooggu isku wada mid ahayn, balse ay bulshadu qaddarin dheeraad ah siiso, ereygooduna uu tixgalin leeyahay, oo iyaga ay yihiin cidda la tacaamusha hay’adaha deeqaha bixiya, sidoo kalena iyaga ay tahay cidda la gorgortanta shirkadaha caalamiga ah.

Wuxuu ku sheegay waxyaalaha ay dheer yihiin muwaadiniinta qolqoljoogga ah, in ay tahay; in ay jinsiyado ka haystaan dalalka Yurubiyaanka ah, oo ay ku dheereeyaan afka Ingiriisiga, taas oo u sahlaysa in ay ka qayb qaataan shirarka caalamiga ah oo ay helaan deeqo waxbarasho. Wuxuu Cabdirashiid yidhi: “Waxaa loo baahan yahay in aynu xaqiiqadaas aqbalno, qurbajooggu waa muwaadin. Balse, wuxuu leeyahay mudnaan uu ku kasbaday dedaalkiisa, mana jirto wax aynu ka beddeli karno in aynu waaqacan aqbalno mooyee.” Wuxuu tilmaamay in xukuumaddu mararka qaar doorbiddo qurbajoogta, si ay uga caawiyaan wanaajinta xidhiidhka dalalka ay u qaxeen ee ay jinsiyaddooda sitaan, iyadoo yoolku yahay in laga helo maalgalino iyo deeqo.

Qolqoljoog mise Qurbajoog?

Muwaadinka qolqoljoogga ahi bari’ kama aha eedaha dul hoganaya qurbajoogga kolka ay timaaddo shaqooyinka xukuumadda, mana aha wax qarsoon dareenka taban ee laga qabo qurbajoogga, waayo markii xaaladdu xumeyd ee qolqoljooggu nolosha rafaadka ah ku noolaayeen, qurbajooggu dalka way ka maqnaayeen, dabadeedna waxay soo laabteen markay xaaladdu yara degtay, si ay ugula loollamaan muwaadiniintii soo rafaadday fursadaha yar ee soo baxay.

Haddaba, muwaadinka qolqoljoogga ahi xaq buu u leeyahay in uu naqdiyo qolyaha qurbajoogga ah ee haya shaqooyin ayna u qalmin oo ayna lahayn khibraddeedii, taas oo ay ku heleen sababahaan soo xusnay. Waxaa tusaale u ah kuwan – inagoon xusayn magacyada iyo taariikhda – Buntlaan waxaa mar loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha qurbajoog wata jinsiyad Ameerikaan ah, isagoon lahayn wax khibrad ah oo aan ka ahayn in uu ka soo shaqeeyay shirkad iskubeddalka lacagaha ah, iyo mid kale oo reer Noorway ahaa oo ku iibsaday mansabka Wasiirka Arrimaha Gudaha lacagtiisii hawlgabka.

Sidoo kale qurbajoog macallin dugsi hoose ka ahaa Maraykanka ayaa loo dhiibay Wasaaradda Tarbiyadda iyo Tacliinta, qurbajoog kale oo tagsiile ka ahaa Biritan ayaa kolkuu Soomaaliya ku soo laabtay qabtay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Heer Federaalna, waxaa mar Wasiirka Arrimaha Dibadda ka noqday, qurbajoog Biritan ka ahaa boostaale. Arrinta dhakafaarka lihi waxay tahay in aan cidina kula xisaabtamin qaladaadka ay galaan kolka ay hawlaha qaran hayaan qurbajooggani, markay doonaan ayay qunyar isaga noqdaan dalalka qalaad ee ay jinsiyadaha ka haystaan.

Dhanka xaq u yeelashada hanashada shaqooyinka xukuumaddana, wuxuu sheegay mid ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Maalyadda ee Buntlaan, kaas oo barena ka ah jaamacadda “Green hope,” Maxamuud Cabdilaahi Cali, in ay tahay in uu xaq u yeesho muwaadinka qolqoljoogga ahi, taas oo shardi u yahay in uu noqdo mid leh khibradda shaqada uu xaraysanayo. Waxaanna uu ku sababeeyay in muwaadinka qolqoljoogga ahi kaga mudan yahay qurbajoogga, dhawaanshiyihiisa uu uga dhowyahay ee uu ugana dhuun daloola arrimaha bulshadiisa, iyo kartidiisa xal u raadinta arrimahan. Sidoo kalena waxa uu fahansan yahay hay’adaha xukuumadda ee uu muddada dheer ku soo jiray, waana caksiga qurbajoogga kuwaas oo iyagoo ka soo noqday Yurub iy Ameerika, qabanaya xilalka sare ee xukuumadda, iyagoon dalalkaa ay ka yimaaddeen waxba ka ahayn ee ka ahaa tagsiilayaal, nadiifiyayaal iyo wax la hal maala. 

Dhanka kalena, muwaadinka qolqoljoogga ahi wuxuu la dhaqan yahay qoyskiisa iyo bulshadiisa, kuwaas oo uu wax la qabo, oo aanu wax farqi ahi u dhexeyn, hadday tahay farqi dhaqan iyo mid amni toona, mushaharkiisana qolqoljooggu wuxuu ku maalgashadaa gudaha dalka, halka qurbajooggu mushaharkiisa u horreeyaba uu guri kaga gato Kiiniya. Marka si kale loo dhigana, badanka qurabjoogga shaqaalaha ahi waxay dalka u yimaaddeen si ay hanti uga sameeyaan oo keli ah, in yar oo ka mid ah uun bay waddaniyaddu waddaa oo bulshada la qaba hammigooda.

Wuxuu Maxamuud carrabka ku adkeeyay sida ay laga maarmaanka u tahay in masuuliyiinta xukuumaddu kaga qayb galaan shirarka caalamiga ah baasaboorradooda Soomaaliyeed, ee ayna kaga qayb galin baasaboorrada dalal qalaad, waayo adeegsigooda baasaboorrada qalaadi waa mid dhaawac gaadhsiinaysa madaxbannaanida dalka, waa siduu u dhigaye.

Qoraallada kale ee qoraaga