Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Fan

Waad is Dhaantaane isu dhiiba baa la yidhi: Falanqaynta Qasiido Guun ah

19 July, 2024
Image
Sitaad
Koox dumar ah oo Sitaad ku tumanaysa magaalada Ceerigaabo, Sanaag.
Share

Waxa ay ahayd galab Jimce ah. In badan baannu qorshaynaynay in aannu nimaadno goobtan, balse, maanta ayay noo suurogashay. Marka laga yimaaddo munaasabado gaar ah, keliya Jimcaha iyo Isniinta ayaa la furaa, inta kale ee toddobaadkana way xidhan tahay. Waa guri qaddiimi ah. Waxa uu ka kooban yahay qol weyn oo loogu talo galay in la fadhiisto, kijo iyo barande. Qolka weyn waxa afarta koone kaga xidhan daahyo, waxaana ku xardhan odhaahyo diini ah. Dhexda waxa sudhan calan weyn oo cagaar ah, waxaana ku qoran:  ‘لا اله الا الله محمد رسول الله’. Cidhifka koonfureed ee qolka waxa ku dhegsan boodh weyn oo ay ku qoran tahay: Xadrada Hooyo Diran.

Sida ay noo sheegtay gabadha goobta masuulka ka ahi ka hor intii aanay bilaabmin xadradu, goobtani waxa ay hoy iyo guri u ahayd ayeeydeed, iyadaana masuul ka ahaan jirtay. Markii ay dhimatay waxa masuuliyaddii la wareegtay inanteedii, imikana iyada ayaa maamusha oo Diran ay ayeey u tahay. 

Illaa soddomeeyo dumar ah ayaa fadhiyay markaanu soo galnay. Waxa ay dumarku u fadhiyeen qaab goobo ah. Dhexdu way bannaanayd waayo waxa loogu talogalay in lagu ciyaaro. Meel ku beegan badhtanka waxaa fadhida gabadha durbaanka tumaysa waxaana hor yaalla laba durbaan oo waaweyn. Waxa kale oo dhinac yaalla girgire uu foox ka baxayo. Waxa meel aan iyada ka fogayn taalla sallad yar oo qofkii soo galaaba lacag yar ku ridayo. (Lacagta waxa lagu maamulaa goobta oo nadaafaddeeda iyo kolba wixii loo baahan yahay ayaa loo isticmaalaa. Sidoo kale waxa laga bixiyaa sadaqo oo kolba qofkii la arko in uu u baahan yahay ayaa la siiyaa).

Waxoogay yar kadib illaa dhawr dumar ah oo kale ayaa ku soo biiray. Waxaana si toos ah u bilaabantay xadradii. Gabadhii durbaanku waxa ay kaga dayaamisay durbaankii iyo qasiido ay ku qaadaysay luuq aad u heersarraysa. Dumarkii kale ee goobta fadhiyay waxa ay ka daba jiibiyeen iyagoo sacabkana hal mar isla wada helaya. Waxaa hal mar la isla wada helay jiibta iyo jaanta. Qasiidooyinkiina midba mid ayaa lagu xigsiiyay illaa dumarka qaar muraaqoodeen oo gariireen isla markaana dhulka ku dhaceen. 

Qaddar markii jewigaa lagu jiray ayaa la galay nasasho yar oo kooban. Shaah ayaa la qaybiyay. Gabadh walba iyada oo neeftuuraysa ayay dib u fadhiisatay oo koobkii shaaha ahaa fiiqsatay. In yar kolkii la nastay ayaa islaan da’ ah oo fadhiday halka kadinka xigaa hal mar ku dhufatay qasiido aan is idhi way ku dheertahay. Markii ay bilawday waa la wada aamusay oo waa la wada dhagaystay. Qasiido aan is idhi qiyaastii way jeceshahay ayay ahayd markii aan dhagaystay ayaanan ogaaday sababta ay ku jeclaatay waayo aniga laftirkaygii ayaa jeclaaday. Waxa ay ahayd qasiido aannan waligay hore u maqal haddana markiiba maskaxdayda degtay illaa maantana aannan garanayn mid ka qiimo badan oo aan barbardhigo. 

Qasiidadan waxa qiimaha gaarka ah u yeelay nuxurka ay xambaarsan tahay iyo luuqda lagu qaadayo oo ah mid aan dhegahaagu ka xiiso goynayn. Waxa ay ku bilaabmaysaa qaab sheeko ah oo waxa ay ka warramaysaa dardaarankii uu Nebi Muxammad (NNKH) siiyay inantiisa markii uu qarka u saarnaa geerida. Waxa tuducyada hore oo dhan ka warramayaan dardaarankaas. Haddana inta dhexe waxa ay xoogga saaraysaa dardaarankii ay Faadumo Bintu Rasuul siisay dumarka Islaamka ah meel kasta oo ay jooggan. Qasiidadu guud ahaan waa baraarujin, wacyigelin, isu caqli celin, waano iyo wax sheeg. Qaybta u danbaysa ee qasiisadu waa duco. 

Qasiidadan mar dumarka way boorrinaysaa oo wanaagga ayay faraysaa. Mar waxay ku adkaynaysaa in ay dhexdooda is taageeraan oo isu naxariistaan. Mar waxa ay u iftiiminaysaa adduunka macno darradiisa iyo sida geeridu u tahay lama huraan. Mar kale waa duco, oo waxa ay u ducaynaysaa in qabriga iyo geerida Rabbi u fududeeyo. Laxanka iyo qaabka loogu luuqaynayo ayaa qayb weyn ka ah qasiidada. 

Yaanan qoraal idinku daalin e waa kuwan qurubyo yaryar oo ka mid ah qasiidadii maalintaa qalbigayga taabatay:

‘Maalintii mawdka loo keenay Maxamed Sharaf,

Markii uu la dardaarmay inantiisii u jeclaa

Adduunka nin joogayaa Faadumooy ma jiro

Qudhaanjo kol ay ku tahay waa la qabanayaa

Wuxuu ku dardaarmay, (aabbo yaan salaad la dayn)’

Intan waa bilaw qurux badan oo tilmaamaysa dardaarankii Nebi Muxammad (NNKH). Intan waxa lagu soo celcelinayaa tiraba dhawr jeer iyada oo halka u dardaaranka uun la beddelayo. Markan aynu tusaalaha u soo qaadannay waa ‘Yaan salaad la dayn’ waxa kale oo ku jira ‘Aabbo diintu yay xumaan’; ‘Aabbo yaan agoon la dilin’

Tuducyada xigaa waa Faadumo-Sahra oo toos ula hadlaysa haweenka. 

Isu samroo isu miciinay Sahri ina tidhi

Naa waa is dhaantaane, isu dhiiba baa la yidhi

Oo tiinna gaajoota u garaaba baa la yidhi

Naa tiinna kici wayda kaalmeeya baa la yidhi

Naa tiinna taagta daran taageera baa la yidhi

Naa tiinna xaaska ah ku xurmeeya baa la yidhi

Middiina dhali wayda u dhabreeya baa la yidhi

Dhallaankiina u diroo dhawra baa la yidhi

Oo naa waa is dhaantaane, isu dhiiba baa la yidhi’

Waanadani waa mid dhinacyo badan taabanaysa. Isku xidhnaanshaha, is taageeridda, is xurmayn iyo is kaalmayn. Tuducyada xiga waxa ay xoogga saaraysaa xusuusin micnaha adduunyada iyo aakhiro xisaabta taalla. Waxa ay tuducyada soo socdaa soo hadal qaadayaan geerida, xabaasha, qiyaamaha waxaana ku jira dardaaranka ah in loo diyaargaroobo. 

Xabaaleey xaalufeeyaya xanjada ahow

Naa meel aan laan la hadhsadiyo laas biya ah lahayn

Oo meel aan midigtaada mooyee miciin lahayn

Laga gaboobaynin, baa layna gaynayaa.

Lama ridhoo reer adduun raasamaalba ma leh

Ballami maysaane, waa kala baqoolaysaan

Minkaaga oo buuxa waxa laga baxaa madhnaan

Adiga oo diirran baa dawga lagu marshaa

Qasil la qooshiyo biyaa lagugu qoynayaa

Adiga oo qaawan baa qayd laguu xidhaa

Adiga oo qudhiya waxa lagu dhigaa qabriga

Adiyo camalkaaga cidladay isku mudanaysaan’

Badanka isu imaatinka Sitaadka waxa lagu soo gabagabeeyaa duco. Sidaas si la mid ah ayay qasiidadanina ugu soo xidhmaysaa duco. 

‘Qabriga labadiisa dhaban way isu dhawyihiin

Allahayow kala dhufooy, maalintaan dhex galo’

Qasiidadani ciddii samaysay lama yaqaan si la mid ah sida aan loo aqoon badanka suugaanta Suufiyada iyo Sitaadkaba balse waxa la sheegaa in ay tahay qasiido la sameeyay waa hore oo fog. Waa mid ka mid ah qasiidooyinka naadirka ah ee micnaha weyn xambaarsan ee jiilba jiil ka dhaxlay. Taas baana qiime gaar ah u yeeshay. Waxa ay qasiidadani ku tusaysaa kaalinta ay dumarku kaga jiraa wacyigelinta dhexdooda ah iyo mid ka mid ah suugaanta ay adeegsadaan marka ay isla dardaarmayaan. Waa mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee Sitaadka. Waa goob wacyigelin diimeed oo dumarku isku baraarujiyaan. 

Qoraallada kale ee qoraaga