Friday 22 November 2024
Maaya Anjelow waxa ay ahayd hal-abuur hibo dheeraad ah u leh maansada iyo qoraalkaba. Intaas uun ma aha, ee waxa ay ku tiiqtiiqsan jirtay fagaare ka hadalka iyo jilliinka. Codkarnimada waxa u dheerayd dhiirranaan, waxaanay ahayd carroog u taagan, una doodda xuquuqda dadka madow, oo aanay xaalad kasta iyo duruuf kasta oo ka hor timaadda ka gabban jirin, kana tanaasuli jirin. Waxa ay caan ku ahayd farshaxanka ereyada qoran, maansoodka, iyo mabaadi’ aan salguurin.
Buuggeeda ‘Waan garanayaa sababta shimbiraha shabaqa ku jiraa u heesaan’ oo soo baxay 1969 wuxuu taariikhda ku galay buuggii ugu iibsiga badnaa ee ay qorto gabadh madow ahi. Maansooyinkeeda xuduudaha ka gudbay waxaa ka mid ah ‘Still I Rise: Weli waxa aan ahay kor’ ‘Phenomenal Woman: gabadh caqiibo leh’ iyo ‘On the Pulse of Morning: Jabaqda Subaxnimo’ kaas oo ay ka jeedisay xafladdii soo dhawaynta madaxtinimada Bill Clinton, sannadkii 1993.
Maaya waxa ay ku dhalatay magaalada St. Louis, ee gobolka Missouri ee dalka Maraykanka sannadkii 1928. Hooyadeed Iyo aabbaheed markii ay kala tageen (is fureen) ka dib, Maaya waxa ay waajahday waayo carruurnimo oo cadaab ah. Waxa ku dhacay kufsi markii ay ahayd toddobo jir, kufsadihiina waxa toogtay adeerradeed. Dhacdooyinkan iyo kuwa kaleba waxa ay qaadsiiyen argagax, waxaanay ka galaafteen hadalka muddo shan sanno iyo dheeraad ah.
Sannadihii kontomeeyadii ayaa la bartay Maaya, waxaana lagu bartay jilliin iyo fannaanimo heer sare ah. Judhii ay bilawday halgankeedii u qareemidda xuquuqda dadka madowna, waxa ay kulmeen, oo wada shaqayn dhowi dhex martay, Martin Luther King, oo isna ahaa xiddig u taagan xuquuqda dadka madow.
Lixdameeyadii Maayi waxa ay u safartay waddamada Masar iyo Gaana, waxaanay bare ka noqotay Kulliyadda Muyuusiga iyo Riwaayadaha Jaamacadda Gaana. Intii ay ku sugnayd Gaana, waxa ay is barteen Malcom X, oo isna u dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqda madaniga ah, una doodi jiray xaqa dadka madow. Waxaanay Malcolm ka caawisay asaaska ururkiisii midaynta madowga Maraykanka.
Haddii aynu is nidhaahno wax ka hollada suugaanteedii caqiibada lahayd, runtii qoraal sidan oo kale u kooban kaga gayoon mayno. Tusaale ahaan: Maansadeeda ‘Still I Rise’ oo ay yar tahay cidda aan garanayn, ayaa ka mid ah suugaanteeda mudh baxday, ee ilaa maantana malaayiinka qof saamaynta ku reebay. Tixda ‘Still I Rise’ waa maanso dhinac kasta hodan ka ah oo ujeeddada ay u curisay marka laga yimaaddo, qof kastaaba macaansanayo dhadhanka ereyada iyo awoodda hal’abuur ee ku jirta. Iyada oo maansadani si gaar ah u tibaaxayso ama uga hadlayso takoorka, haddana waa tix jaadgooni ah, oo sidaad u dhex mushaahaxayso aad ashqaraarayso farshaxankeeda iyo hodantinimada suugaaneed ee ku duugan. Kalsoonideeda, ku qanacsanaanta midabkeeda iyo dumarnimadeeda, ayaa sidoo kale laga dhandhansan karaa maansadan.
Qurubyo ka mid ah maansada oo si aan suugaanaysnayn u turjuman:
English
Soomaali
You may write me down in history
Waa laga yaabaa in aad taariikhda ku qorto
With your bitter, twisted lies,
Beenahaaga qadhaadh ee dhalan geddisan
You may tread me in the very dirt
Waa laga yaabaa in aad dhulka wasakhda ah i jiidjiiddo
But still, like dust, I'll rise.
Balse sida dhaska, ayaan kor soo marayaa
Did you want to see me broken?
Ma waxaad doonaysay in aad i aragto aniga oo jajaban
Bowed head and lowered eyes?
Madaxa iyo indhaha hoos u dhigay
Shoulders falling down like teardrops
garbuhu sida illinta hoos u dhacayaan
Weakened by my soulful cries
Oo ayi diciifisay ilmadayda ruuxiga ahi
Does my haughtiness offend you? -
Ma sarrayntayda ayaa ku dhibaysa
Cause I laugh like I've got gold mines
waayo waxaan u qoslaa sidii oo aan dahab ku haysto
Diggin' in my own back yard
Oo aan ka qodayo duddada beertayda
You may shoot me with your words, -
Waad igu toogan kartaa ereyadaada
You may cut me with your eyes,
Waad igu qali kartaa indhahaaga
You may kill me with your hatefulness, -
Nacaybkaagana waad igu dili kartaa
But still, like air, I'll rise.
Haddana sida hawada oo kale, ayaan kor soo marayaa
Nuxur ahaan maansada haddii aynu si suugaamaysan u dhigno waxa ay u ekaanaysaa sidan:
Taariikhdaa laygu xusi
Tabtaad doontan u dhiga
Haddaad doontaan turxaan
Tudhaalena hayla hadhin
Tumaatida waxaan hubaa
Inan toosoon ka kaco,
Dadaalkan taabo dhigay
Muxuu kuu taabtay adi?
Haddaan cirka tiigsadoo
Tusalaha meel fog dhigay
Sidaan ahay taajir baxay
Cirkiyo xiddigaha u tagay
Tolmino ururkiyo laxaha
Taageerada dayaxaan raba
Dadka toogoodan rabaa
Tallaabada In ay wadaan
Tiigsiga meel dheer dhigaan
Tumaatida waxaan hubaa
Inan toosoon ka kaco,
Haddaad rabtay Tiihayaw
in aan turunturoodo an dhaco
oon aan kici waayo tiro
Tuhunka luquntayda rido
Indhuhu oohin tiigsadaan
Eberna ruuxdaydu tagto
Wallee taasaan mar dhicin
Taagnanaa wallee ma heshid
Wallee tacab baanan dayn!
Maaya maansooyinkeedu midba mid ayay ka darantahay. Dadyow badan oo afka Ingiriisida ku gabya waxa ay qireen in ay iyadu u tahay lafdhabar suugaantooda. Suugaanta Maaya jaamacado badan oo dunida ah baa lagu dhigaa, mana dhici waydo in lagu soo hadal qaadi’waayo golayaasha suugaanta lagaga faaloodo.
Dhinaca kale buuggeeda taariikhda galay ee ‘Waan garanayaa sababta shimbiraha shabaqa ku jiraa u heesaan’ waxay kaga hadlaysaa khibrado nololeed oo ka soo bilaabma dhallaanimo, dhallinyarnimo ilaa qaandhgaadhnimo. Waxay ka warramaysaa dhacdooyin shaqsi ah oo iyada ku dhacay oo midba mid ka xannuun badan yahay, kuwaas oo laga dheehan karo noloshii qallafsanayd ee dadyowga madowga ahi ku noolaayeen waayadaa. Waxa aan dhacdooyinkan ka maqnayn takoor joogto ah oo ay la kulmi jirtay.
Waxa la sheegaa Maaya in ay guursatay dhawr jeer. Wax carruur ah hal wiil bay dhashay, kaas oo isna noqday gabyaa caan ah. Maaya intii ay noolayd waxa ay heshay abaal marino, billado iyo aqoonsiyo tiro badan. Waxa ugu mudan billadda loo yaqaan ‘Presidential Medal of Freedom’ oo u guddoonsiiyay Madaxweyne Baraak Obaama sannadkii 2010. Maaya waxa ay geeriyootay sannadkii 2014 iyada oo 86 jir ah.
Tixraacyo:
Maya Angelou I know why caged birds sing. Random House, 2009.
Biography of Maya Angelou, https://www.biography.com/authors-writers/maya-angelou, 2024. Waqtiga la furay May 10, 2024
Turjumidda Maansada: Muna Axmed
Maansada Suugaanta ah: Nasra Daahir