Skip to main content

Tuesday 22 October 2024

Feker

"Waan Fekeraa, Sidaa Darteed Waan Jiraa."

19 October, 2024
Image
Getty Images
Caption of the photo: Rene Descartes oo wax u sharaxaya boqorada Iswiidhan Christina (1596 - 1650) (Photo by Stock Montage/Getty Images)
Share

René Descartes waa mid ka mid ah faylasuufyada ugu caansan uguna saamaynta badan taariikhda, weedhiisa/dooddiisa caan baxday ee "Cogito, ergo sum—I think therfore I am"—"Waan fekeraa, sidaas darteed waan jiraa," waa mid ka mid ah tiirarka falsafadda casriga ah. Laakiin waa maxay macnaha weedhani? Sidee buu Descartes ku soo gaadhay gunaanadkan, in fekerkiisu uu caddayn u yahay jiritaankiisa? Si aan u fahanno, aan marka hore wax yar dib u milicsanno sooyaalkii Descartes iyo xilligii uu noolaa. 

Sooyaalkii Descartes: 

René Descartes wuxuu ahaa faylasuuf, xisaabiye, iyo saynisyahan Faransiis ah. Waxaa badanaa lagu tilmaamaa “aabbaha falsafadda casriga ah,” hab-fikirka shakiga baahsan ku dhisan ee uu adeegsaday/yagleelay oo aad u hirgalay saamayn baahsanna yeeshay awgeed. Halka faylasuufyo badan oo ka horreeyey ama la waqti ahaa ay ku salayn jireen fikradahooda soo jireen iyo dhaqan bulsho, Descartes wuxuu xoogga saaray muhiimadda fikirka shakhsiga ah. Wuxuu aamminsanaa in iyadoo loo marayo fikir cad oo nidaamsan, isla jeerkaana shaki baahsan oo wax kasta la is waydiinayo ku dhisan, aan heli karno xaqiiqooyin sal adag oo ku saabsan adduunka iyo nafteenna. 

Descartes wuxuu noolaa qarnigii 17aad, oo ahaa xilli uu socday isbeddel weyn oo  dhanka fikirka ah. Waa xiligii Baraarruga (Renaissance) oo abuurtay  

xiiso cusub oo ku aaddan fanka(gaar ahaan fankii hore ee kalaasika ahaa), sayniska, garaadka, iyo shakiga. Xilligaas, fikradaha, gaar ahaan kuwa diinta iyo sayniska la xidhiidha, waxaa la soo gudboonaaday su’aalo iyo shaki baahsan. Mufakiriintuna waxay raadinayeen sees cusub oo ay ku dhisaan fahamkooda ku aaddan adduunka. Descartes, isaguna, wuxuu doonayay inuu abuuro saldhig adag oo aqooneed—mid u adkeysan kara wax kasta oo shaki ah.  

Raadinta Hubantida aan Shakigu Karin: 

Qoraalkiisa ugu caansan waxsoosaarkiisa, "Meditations on First Philosophy (1641)," Descartes wuxuu bilaabay safar falsafadeed isagoo is weydiinaya: Maxaa si buuxda oo shaki la'aan ah inoo hubsami  

kara? Si uu uga jawaabo su’aashan, wuxuu adeegsaday hab uu ugu magacdaray shakiga baahsan(Radical Doubt)—waa ka shakinta wax kasta oo ay suurtagal tahay in laga shakiyo. Wuxuu ka shakiyey oo dhab ahaantooda is waydiiyay jiritaanka adduunka muuqda, dhab ahaanshaha Xisaabta, iyo xitaa dareennadiisa gaarka ah. Dabcan, dareennadeennu way ina marin habaabin karaan. Tusaale ahaan, haddii ul badh kamida biyo la galiyo waxay u muuqan kartaa in ay qalloocan tahay, laakiin waan ognahay in ay toosan tahay, oo kaliya dareenkeenna aragga ayaa inna marinhabaabinaya, sidaas oo kale dhawaq aan jirin baad mararka qaar maqli kartaa oo yeedhmo magacaaga loo yeedhayo ayaad usoo jeesanaysaa iyadoo aan cidiba kaa ag dhawayn iyo wax kale oo la halmaala.  

Diraasado Lo'da lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in xidhiidh ka dhexeeyo werwerka uu neefka Lo'da ahi qabo iyo mugga caanaha laga lisayo, oo mar kasta oo Lo'da werwer lasoo gudboonaado xaddiga caanaha ay soo saarayaanna hoos buu u dhacaa. Iyagoo aqoontan ka duulaya, ayay beeralay Ruush ahi bilaabeen in Lo'da ay dhaqanayaan, xilliga Jiilaalka oo qabow badani Ruushka ka jiro—qabowga badani werwer buu ku keenaa Lo'da—madaxa u gashaan koofiydaha/muraayadaha casriga ah ee waaqica mala'awaalka ah abuura—(Virtual Reality Headset), koofiyadahani Lo'da waxay tusaan—ku indhasarcaadaan—inay joogaan dhul daaqsin badan xilli Gu' ama Dayr ah, taasoo dhalisa in Lo'du caana badan samayso. Haddii taasi ba jirto, miyaanuu dhammaan waaqiceennu noqon karin wax been abuur ah ama riyo ah?  

Sidee buu Descartes ku Gaadhay Gunaanadka ah: "Waan Fikiraa, Sidaa Daraaddeed Waan Jiraa" 

Descartes gunaanadkiisa caanka ah waxa uu ku gaadhay isagoo afkaartiisa iyo wax kasta oo uu aamminsannaa mariyay hab-fikir ku salaysan shaki baahsan. Buuggiisa "Meditations on First Philosophy," wuxuu ku sharraxayaa sida uu si nidaamsan u baadhay dhab ahaanshaha wax kasta oo uu aamminsanaa. Wuxuu ka shakiyay xaqiiqada adduunka, jidhkiisa, iyo xitaa run ahaanshaha xisaabta. Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu helo wax si buuxda oo shaki la'aan ah dhab ahaantooda loo aammini karo, wax aan su'aal la galin karin, isla markaana sees adag u noqda afkaartiisa  damboo dhan. 

Descartes heer waxa uu gaadhay uu xataa jiritaanka naftiisa ka shakiyo, oo waxa uu suuraystay inuu jiro Shaydaan awood badan oo u maleegay dhammaan waxa ay dareennadiisu soo gudbinayaan, sida Lo'daaba waaqica mala'awaalka ah looga dhaadhiciyay. Oo Shaydaankaasi—sida uu Descartes suuraystay—waxa uu u maleegi karaa jiritaanka adduunka, oo habka kaliyee aynu jiritaanka dunida ku garawsannaa waa dareennadeenna, sidaa daraaddeed miyaanay suurtagal ahayn inuu shaydaankaasi abuuro duni hummaag ah oo dareennadeenna ku quudiyo hummaaggaa, maxaa kala xaqiijinaya in waxa aynu arkaynaa ee araggeennu inoo soo gudbinayaa uu dunida inagu hareeraysan yahay ama hummaag aan jirin oo Shaydaankaasi dareenkeenna aragga  

quudinayo. Mid taa kaba sii daran jiritaanka jidhkeenna maxaa dhab ahaan xaqiijinaya, biluu isla Shaydaankaasi xubnahan jidhkeennu ka koobanyahay inoo sawirayaa oo aanay dhab ahaan u jirin ee indhasarcaad yihiin.  

Wuxuu qoray Descartes, "Sidaas daraaddeed, waxaan suuraysanayaa inuu jiro noole Ilaahay (oo isagu wanaag ah, runtana asalkeeda ah) ka sokow Shaydaan ah, kaasoo tamar iyo xeelad badan isugu geeyay sidii uu ii khiyaamayn lahaa." (Meditations, First Meditation). Tani waxay ku hoggaamisay inuu shaki galiyo wax kasta oo uu hore si biyakamadhibcaan ah u aamminsanaa. Si kastaba ha ahaatee, heer kasta oo uu gaadhsiiyay shakigiisa, Descartes marnaba wuu ka shakiyi kari waayay xaqiiqada ah inuu shakiyay.  Wuxuu yidhi: "Laakiin waxaan ku qancay inaysan waxba adduunka jirin, inaanuu cir jirin, dhul jirin, maskax iyo jidh midkoodna jirin; taasi miyaanay anigana igu qancin in aanan laf ahaantaydu jirin? Maya, taa mid ka fog waxaan dhab ahaan yaqiinsaday inaan jiro, maaddaama oo la i indhasarcaadiyay (indhasarcaadkaa la i indhasarcaadayaaba caddayn u ah inaa jiro), daa (Shaydaanku) ha i indhasarcaadiyo intuu doonee, marna waligii iguma indhasarcaadin karo in aanan jirin(anigoo aan jirinba iima maleegi karo oo iguma khiyaamayn karo inaan jiro) intaan ku fikirayo inaan ahay wax jira" (Meditations, Second Meditation). 

Shakigan baahsan ee uu wax kasta oo uu hore u aamminsanaa ka shakiyay, iyo suurtagalnimada jiritaanka uu jiro Shaydaankaa awoodda iyo xeeladda badan leh baa u horseedday Descartes gunaanadkiisa caan baxay ee: "Cogito, ergo sum"—Waan Fikiraa, Sidaa Daraaddeed Waan Jiraa. 

Oo wax kasta jiritaankooda wuu ka shakiyi karaa balse, jiritaanka naftiisa kama shakiyi karo, isla shakigaa uu naftiisu inay jirto ka shakiyayo ayaaba caddayn biyakamadhibcaana u ah inay naftiisu jirto, oo wax jira isla jeerkaana fekeraya ayuun baa shakiyi kara, sidaa si lamida Shaydaankaa awoodda badani wax kasta jiritaankooda wuu ku khiyaamayn karaa isagoo ku indhasarcaadinaya, balse, jiritaanka naftiisa marnaba kuma indhasarcaadi karo, oo indhasarcaadkaa uu indhasarcaadayaaba caddayn u ah inuu jiro. Shakigu waa nooc fekerka kamid ah, sidaa daraaddeed shakiga(ama fekerka) aad shakiyayso ayaa caddayn u ah inaad jirto, waana xaqiiqada kaliyee biyakamadhibcaanka ah ee aanuu shakigu karin. Waad fekeraysaa sidaa darteed waad jirtaa.  

Gunaanadkani waxa uu sees u noqday afkaarta iyo aamminadaha dambe ee uu Descartes qaatay. Gunaanadkan wuxuu kusii dhisay doodo kale oo xiiso badan oo uu ku doodayay jiritaanka Ilaahay iyo jiritaanka naf ama ruux jidhka ka gaara, sidoo kale, faylasuufkii isaguna caanka ahaa ee Bertrand Russell ayaa gunaanadka dooddan Descartes ku khilaafay, si dhow, Russell waxa uu kasoo horjeestay qaybta danbe ee doodda(Sidaa darteed waan jiraa) oo waxa uu ku dooday suuragalnimada inay jiri karaan afkaaro iskood u taagan oo aan (Noole ama Jire) fekerayn ama kasoo unkamayn, "Waan  Jiraa gunaanad uma noqon karto waan fekerayaa, balse taasi waa maalin kale.