Skip to main content

Tuesday 22 October 2024

Feker

Hiddamaamule: Sida Habdhaqankaaga iyo Deegaanku u Saameeyaan Hiddasidahaaga

9 October, 2024
Image
Epigenetic
Epigenetic/Hiddamaamule
Share

Marxaladda dhallaannimadu waa mid aad muhiim ugu ah caafimaadka jidheed iyo maskaxeed ee qofka. Waxa lagama maarmaan ah in aan wax khalkhal ah oo saamayn raagta yeesha aannu ku iman ilmaha koraya. Carruurta nolosha qaxarka iyo saxariirka ah kusoo koraa – noocay doonto ha u ekaatee – waa ay ka caafimaad liitaan kuwa kale, hadday mid jidheed noqoto iyo hadday mid maskaxeed noqotaba, maskaxdoodu way ka garaad yar tahay oo waxbarashada iyo nolol maalmeedka kaleba way ku adkaadaan, waxaanay aad ugu nugul yihiin cudurrada maanka ee qarowga, qulubka, welwelka, balwadda iyo hurda xumidu kamid yihiin. Sidoo kale cudurrada jidheed sida macaanka, dhiigkarka iyo kuwa wadnahaba way uga nugulyihiin dadka kale, badanaana, celcelis ahaan labaatan sanno ayay ka cimri gaaban yihiin dhiggood.

Qoraalkan bal waxaynu ku eegaynaa saamaynta tirada badan ee ay jidhka ku yeeshaan deegaanka iyo habdhaqanku korriinka qofka, habkaas oo loo yaqaan Epigenetics. Ereygaa wali lama Soomaaliyayn, waxa ugu dhawna waxay ila tahay waa [hiddamaamule], oo sida aynu arki doonno Epigenetics waa cilimiga barashada qaababka uu jidhku u maamulo hiddasidayaasha.

Waxa aynu wada ogsoonnahay in dhammaan unugyada jidhkeenna ay bu’dooda ku jiraan hiddasidayaal aynu waalidkeen ka dhaxalnay, hiddasidayaashaasi waa kuwa maamula ee haga wax kasta oo qaab-dhismeedka iyo shaqada jidhkeennaba ku saabsan. Haddaba, waxa isweydiin mudan, mar haddii unugyada jidhkeenna hiddasidayaashoodu isku mid yihiin oo aynu dhammaan waalidkeen ka wada dhaxalnay, maxaa qaabka iyo shaqada unugyada jidhka kala duway, si dhow, maxaa unugyada isha ee ilayska dareema, unugyada lafaha, iyo kuwa dubka aadka u kala duway. Jawaabtu waa hiddamaamulayaasha; oo iyadoo dhammaan unugyada jidhku sed isku mida oo hiddeside ah wadaagaan ayay haddana ku sii kala duwanyihiin sida ay hiddasidahaas u isticmaalaan. Oo tusaale ahaan unugyada dubka ee dhakadaada ku yaalla waxay isticmaalaan oo hawlgaliyaan hiddasidayaasha timaha soo saara, halka unugyada dhuuntaadu aanay hiddasidayaashaa isticmaalin oo ay hawlgab yihiin, bal suurayso timo dhuunta kaasoo baxa, ama dhakadaadoo soo daysa dheecaannada wax dheefshiida ee caloosha.

Laba qaab baa ugu caansan qaababka unugyada jidhku u maamulaan hiddasidaha, mid waxa lagu magacaabaa DNA-Methylation oo waa hab hawlgalnimada lagaga qaadayo hiddasidaha qayb kamida iyadoo dusha lagaga dhajinayo maaddada Methyl Group, qaabka kalena waxa hiddasidaha qaybaha aan loo baahnayn lagu maraa oo lagu guntaa barootiinka Histone. Si fudud hiddasidaha qabyta aanay Methyl Group ka dhagsanayn sidoo kalena barootiinka Histone ku giijisnayn ayaa unuggaas hawlgal u ah oo uu adeegsadaa. Khalkhal dabiici ah oo da’da la socda iyo mid deegaanka ka yimaadda sida cadceedda oo kale ayaa badanaa sababa in isbeddel ku yimaaddo hiddasidayaasha hawlgalka ama hawlgabka u ah unugga. 

Deegaanka ku hareeraysan inta aanu dhalan qofku xitaa, ayaa mararka qaar saamayn raagta ku yeesha, oo tusaale ahaan si uu uurjiifku si sax ah ugu maamulo hiddasidihiisa, oo uu qaarna hawlgal uga dhigo qaarna hawlgab, waxyaabaha uu u baahan yahay waxa kamida maaddada Folate oo cunnooyinka qaar laga helo, hooyada aan in ku filan qaadan maaddadanna ilmaheedu wuxuu ka kasbadaa hiddaside si khaldan u hawlgala/gaba kaasoo ku keena cudurka Spina Bifida. Jiirarka shaybaadhada lagu diraaseeyay-tusaale ahaan eeg diraasadaha Feng C. Zhou, 2009 ee iyagoo uurleh alkohool la siiya

Saamayntaasi uurka kuma koobna ee dhalashada kaddib ayaa hiddasidayaashu isbeddeli karaan. Michael Meaney iyo kooxdiisa jaamacadda Mcgill University, diraasadaha ay sameeyeen mid kamida ayaa waxa ay Jiir markaa dhashay ka qaadeen hooyadii dhashay oo aan dhogortiisa leefin-Jiirka dhasha ah waxaa lagamamaarmaan u ah fayaqabkiisa in hooyadii dhogortiisa leefto-waxa ay u geeyeen hooyo ilmaheeda dhogortooda leefta, iyagoo kaga beddelanaya ka ay dhashay iyadu, tani waxa ay muhim u tahay bal in la ogaado saamaynta uu degaanku ku leeyahay/yeelan doono nolosha Jiirka iyadoo aan loo aabbayeelayn hiddasidaha uu wato, oo hooyadaa dhogorta leefaysaa ee ilmo aanay dhalin isla jeerkaana hiddasideheeda wadan lagu wareejiyay, waxa saamayntiisa la eegayaa markaa, waa dhogorleefkaa, taasaana saamaynaysa shakhsiyaddooda mustaqbalka iyo bedqabkooda maan.

Natiijadu waxa ay noqotay isbeddello waaweyn oo ku yimi qayb maskaxda kamida oo lagu magacaabo Hippocampus-oo masuul ka ah samaysanka iyo qaabaynta xasuusaha, iyo sidoo kale ka falcelinta dheecaannada welwelka. Marka uu Jiirku/qofku welwel dareemo, dheecannada welwelka ee la soo daayaa waxay qabsadaan oo hawlgaliyaan anteenno unugyada Hippocampus guudkooda ku yaala, taasoo sababta in Hippocampus uu barootiinno kaga falceliyo, barootinnadaasi sida ay u socdaan waxay tagaan qanjidhada Adrenal ee soo daaya dheecannadaa welwelka, iyagoo amar ku bixinaya joojinta dheecannadaas, isla jeerkaana welwelka. Haddaba, sida la ogaaday, Jiirarka aan dhogortooda la leefini, waxa khalkhal ku yimaaddaa hiddasidayaasha ka masuulka ah samaysanka anteennadaas unugyada guudkooda ku yaala, maqnaanshaha anteennadaasina, sida aynu soo aragnay, waxay ka dhigantahay Hippocampus oo aan ku baraarugin in dhecaannada welwelku jidhka dhex qulqulayaan, taasoo keenaysa in aan la joojin ama la xaddidin qulqulkoodaa, natiijaduna waa welwelka joogtooba.

Intaa kadib, Meaney iyo kooxdiisu waxa ay diraaseeyeen maskaxaha 36 qof oo geeriyooday, 36-kaa, 12 kamid ahi waxa ay ahaayeen dad isqudhgoyn u dhintay isla markaana yaraantoodii silic iyo dayac soo maray, 12 kalena waa dad is qudhgooyay balse aan xog laga hayn inay yaraantoodii silic soo mareen, 12-ka kalena waa dad si caadi ah u dhintay. Cilmibaadhayaashu waxay diiradda sii saareen isla meeshii ay hore u diraaseeyeene Hippocampus, waxay ogaadeen, in si lamida jiirarka aan dhogortooda la leefin, dadka yaraantoodii silica soo maray uu khalkhal ku yimaaddo hiddasidaha ka masuulkaa samaysanka anteennadaas, carruurta silica ku korta, silicaasi maskaxdooda wuxuu kaga tagaa raad iyo saamayn raagta oo noloshooda oo dhan la socota, oo sida muuqata welwel joogto ah bay la noolaadaan, welwelkaasoo laga yaabo in uu isqudhgoyntoodaa sababta 1aad u yahay. 

Taa waxa sii dheer, in daraasadaha qaar ay sheegeen in dadku jugta maan ee soo gaadha iyo beddelka ay jugtaasi beddesho hiddamaamulayaashooda ay u gudbin karaan oo ubadkoodu ka dhaxli karaan, arrin ay baadhayaashu u bixiyeen; “Jugta jiilasha isaga gudubta” (Intergenerational trauma). Tusaale ahaan diraasad lagu sameeyay hooyooyinkii uurka lahaa xilligii uu socday xasuuqii ruwaanda 1995, ayaa waxa la ogaaday in hooyooyinkaas, marka la barbar dhigo dhiggooda iyaguna uurkasiday balse aan dalka joogin xilligaas ee dibadda ku maqnaa, uu jidhkoodu ka soo dayn yaryahay dheecaanka Cortisol, xaddi yar oo dheecaankaas ahna waxa lala xidhiidhiiya jirrada maan ee PTSD, oo badanaa qofka ku timaadda marka ay jugi maanka ka soo gaadho, si kale haddii loo dhigo ubadkaasi waxay hooyooyinkood ka dhaxleen jugtii kasoo gaadhay xasuuqii Ruwaanda.

Daraasadahani waxay ina tusinayaan sida dhacdooyinka nololeed ee qofku soo maro, gaar ahaan dhallaanimadiisa ay u beddelaan qaabdhismeedka hiddesidihiisa taasoo saamayn raagta ku yeelata shakhsiyaddiisa, habfekerkiisa, garaadkiisa iyo dhan wal oo maankiisa kamida, iyo sida uu ubadkiisa ugu sii gudbin karo, taasoo haddii aan laga hor tagin meerto aan dhammaanayn noqonaysa. 

Qoraallada kale ee qoraaga