Skip to main content

Tuesday 22 October 2024

Feker

Dagaalka Qasa iyo Marinhabaabinta Dhaxalkii Frantz Fanon

30 September, 2024
Image
Frantz Fanon
Share

Wargeyska the New York Times ha ka akhrin wax ku saabsan Frantz Fanon, mufakirkii Afro-Kareebiyanka ahaa, kana soo jeeday Martinique, haddii aad akhrididna, hubsiimo badan ku dar. Waxa muuqda in ay wargeyska ka go’antahay marinhabaabinta fikradihii Fanon iyo in ay ka dhigaan qof dhinac u xagliya, si ay u dhabeeyaan in aan xornimodoonka Falasdiin soo qaadan hadallada mid ka mid ah dadkii ugu waaweynaa kacdoonka gumaysi la dirirka iyo dabarjarka gumaysiga. Sida ay la tahay, waa in Falasdiiniyiinta xornimadooda u halgamaya loo arko “mayeedhaan qalfoof aadame leh” oo aan xaq u lahayn xornimo, sida uu yidhi mid ka mid ah masuuliyiinta Israa’iil, amaba loo arko “mayeedhaan aan suurad aadame xitaa lahayn”, sida uu yidhi safiir hore. 

Falasdiiniyiintu marka ay sameeyaan gacan ka hadal, waa in falkooda lagu sababeeyaa in ay argagixiso yihiin, ee aan loo arag dad sabab sharci ah u halgamaya, kuna sal leh aragtiyaha kacdoon ee ugu macquulsan wakhtigan la joogo, oo ah in ay soo ceshadaan dalkooda laga dhacay. 

Haddaba, maqaal dhawaan lagu faafiyey wargeyska the New York Times, qoraaga maqaalku waxa uu dadka baraha bulshada adeegsada, ee taageersan qaddiyada Falasdiin, ku tuhmayaa in ay “odhaahaha Fanon ee ay soo qaadanayaan macnahooda ka duwayaan”. 

Marka koowaadba, qoraaga maqaalku waxa uu akhristayaasha u caddaynayaa in hormuudkii gumaysi la dirirku, sida Kwame Nkrumah oo Gaana u dhashay, Jawaharlal Nehru ee Hindiya u dhashay iyo Frantz Fanon ba, ay carruurnimadiisii u ahaayeen geesiyaal uu ku daydo, ilaa haddana hormuud u yihiin fikirkiisa. Balse ay ku adagtahay in uu fikradahoodii iyo halgankoodiiba u fahmo qaabka maanta looga hadlo gumaysiga, gaar ahaan marka la rabo in la kala sooco cidda dhulka asal u lahayd ee degganayd iyo cidda gumayste dool ku yimi ah, marka la joogo Israa’iil iyo Falasdiin. 

Is weydiintu waxa ay tahay, halkee murugsanaantu kaga jirtaa qaddiyada Falasdiin oo qofku aanu fahmi karin? Falasdiiniyiintu (oo diin ahaan, Yahuud, Kiristaan, Muslimiin iyo kuwo kaleba isugu jira), dhammaantood, waa dadkii dhulkaas lahaa ee loogu yimi. Balse, Israa’iil waxaa la aasaasay iyada oo ah gumaysi deegaamayn raba, si la mid ah Faransiiskii Aljeeriya, Biljamkii Koongo ama Ingiriiskii Koonfur Afrika. Waa wax sidaas cad ee fudud u kala soocan, oo aan fahankeedu adkayn. 

Waxa ay u muuqataa in qoraagu ku doodayo in hormuudkii gumaysiga la diriray, sida Fanon, aanay wax xidhiidh ah la lahayn halganka Falasdiiniyiintu ugu jiraan dalkooda. Sababma? Waxa muuqata in arrinku la xidhiidho kala fogaynta qoraagu ku wado mawqifkii uu Fanon ka taagnaa gacan ka hadalka iyo iska caabbinta hadda Falasdiiniyiintu wadaan. Fanon, buuggiisa “Looma’ooyaan” waxa uu ku qoray: “Gacan ka hadalku waa awood sifayn ah. Waxa uu muwaaddinka dhulka leh ka daweeyaa liidashada, is dhiibidda iyo quusta. Waxa uu ka dhigaa qof dhiirran, kasloonidana waa uu u soo celiyaa”. 

Marinhabaabin

Si qoraagu maqaalku uu jid ugu helo dooddiisa kala fogaynta gacan ka hadalka Fanon xusayo iyo iska caabbinta Falasdiiniyiinta, waxa uu soo xiganayaa qoraa kale oo Maraykan ah, waxaanu yidhi: “Qoraaga Adam Shatz ee qoray buugga ‘The Rebel’s Clinic’ oo ah taariikh-nololeedka Fanon, waxa uu ku doodayaa in ereyga ‘sifayn’ uu yahay tarjumaad khaldan. Tarjumaadda Ingiriisiga ah ee la saaray odhaahda Fanon ee ahayd ‘la violence desinqoxique’ ee ah ‘gacan ka hadalku waa awood wax lagu sifeeyo’ waa tarjumaad khaldan, oo tilmaamaysa in si kama dambays ah looga takhalluso cidda ku gumaysanaysa. Ereyga uu Fanon doortay waa uun tilmaan in qofku uu hurdada ka kaco oo aanu is dhigan”. Hadalkani waa marinhabaabin cad, oo uu qoraagu ku doonayo in uu Falasdiiniyiinta ugu baaqo in aanay gacan ka hadal samayn, bulshada uu sidaas ugu baaqayaana waa dad Israa’iil u xasuuqayso si naxariis darro ah. Ma wax ka xun baa jira in dad la xasuuqayo aad kula talisid in ay gacmaha laabtaan? 

Waxa aad loo hadal hayaa Yahuuddii 7-dii Aktoobar la laayay, balse sida Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterrs yidhi, maalinkii Israa’iil dishay 700 oo Falasdiiniyiin ah, gacan ka hadalku maalinkaas ma bilaabman, ee Falasdiiniyiinta waxa la xasuuqayay 56 sanno oo dalkooda la haystay. Dadka ka faallo dhiibanaya xaaladduna, ma eegaan tobanaanka kun ee reer Falasdiin ee ay Israa’iil sida naxariis darrada ah u laysay iyo malaayiinka kale ee guryahooda laga qixiyey. 

Fanon lagama dhigi karo qof dhinac u xagliya. Waxa uu ahaa mufakir kacdoon doon ah, dadka la gumaystana ka kaalmeeyey arxandarrada gumaysiga, oo ah waxa hadda Qasa ka socda. Fanon isla buuggaas waxa uu ku leeyahay: “Gacan ka hadalka ay bulshadu samayso, hoggaamiyayaashooduna qorsheeyaan, waxa uu indhaha u furaa dadka”. Haddii aan gacan la qaadin, keliya wax aan is yeelyeel ahayni ma jirayo. Haddaba, hadalkiisan kale ee uu muhiimadda gacan ka hadalka marka gumaysiga la iska kicinayo kaga hadlayaa ma tarjumaad khaldan baa? 

Waa tan sida uu Shatz leeyahay: “Waa run in Fanon taageeray halganka hubaysan ee gumaysiga lagaga hortagayo, balse gacan ka hadalka waxa uu ula jeedaa uun baraarug, ee maaha sifayn. Fahanka uu Fanon ka haystay gumaysi la dirirku waa sida fahanka dhakhtarka xanuunnada nafsiga, oo raba in xanuunka meesha laga saaro, beddelka halkii dawo loo qori lahaa. Side ku suurawdaa taasi? Gacan ka hadalka uu Fanon dhiirrigelinayaa waxa uu jawaab u yahay bahalnimo iyo ciqaabta ka daran ee gumaystayaashu wadaan, si cad ayaanu u tilmaamayaa in lagama maarmaan tahay in qofku wax iska dhiciyo. Ciqaabta gumaystuhu qofka uu gumaysanayo ku hayaa waa sida uu Jean-Paul Sartre tilmaamay: “Ciqaabta bulshooyinka la gumaysto lagu hayaa keliya maaha in dadkaas la fogeeyo, ee waxa laga siibayaa dadnimada. Waxa dedaal kasta loo galayaa in dhaqankooda la masaxo, afkooda ka gumaysiga lagu beddelo, aqoontooda la masaxo iyada oo aqoon kalena la siinayn”. Dhaqammadani waa waxa qarnigii u dambeeyey xasuuqa Israa’iil ku wado Falasdiin, waana baabi’in iyo isir sifayn, waa xaqiiqo laga yaabo in ay hoos marto akhristayaasha Fanon. 

Jilliin heersarreeya

Baraarujinta Shatz ee ah in turjumaadda Ingiriisiga la khalday, markii odhaahda asal ahaan Faransiiska ah ee Fanon la rogayay, waa marinhaabin. Waa ku ciyaarid dhaxalkii Fanon, iyo in aragtidiisii kacdoon laga dhigo mid dhinac ah, mawqifkiisii gacan ka hadalkana lagu doodo in aanu la jaanqaadayn ka Falasdiiniyiintu dalkooda ugu halgamayaan. Sideedaba, iska caabbinta Falasdiiniyiintu kamay shidaal qaadan Fanon, waxbana soo kordhin mayso qaabka loo turjumo kacdoonka uu Fanon aaminsanaa, oo marka Ingiriisi loo turjumo loo ekaysiiyo in aanu Fanon aaminsanayn gacan ka hadalka dhabta ah. Dadka dunida jooga oo dhamina, dhaxalka Fanon waxa ay ku akhriyaan Faransiiskii uu wax ku qoray iyo turjumaadaha luuqadaha kale; Carabi, Faarisi, Turki, Isbaanish amaba Hindi. 

Maxay soo kordhinaysaa in turjumaadda Ingiriisiga ah oo kaliya la dado, aragtidii kacdoon ee Fanon ee dhiirranaydna la afduubo oo macno nabadgalyo la siiyo, meeshana laga saaro mawqifkiisii ahaa in gacan ka hadalka dhabta ahi yahay jidka gumaysiga la iskaga kor qaadi karo? Sababmaa turjumaannadii qoraalka Fanon aqoonta u lahaa looga shakin turjumaaddooda? Balse, xitaa haddii fasirkaas kale loo helo odhaahda Fanon, wax miyaa ay ka beddelaysaa in ay Falasdiiniyiintu iska caabbiyaan xasuuqa ku socda, dibna miyaa ay uga laabanayaan iska caabbintooda? 

Sideedaba, Fanon keli kuma ahayn aragtida u ololanaysa in qofka la gumaysanaa gacan wax iskaga dhiciyo, halgan hubaysanna la galo cadawgiisa. Ka soo bilaw Che Guevara, Aime Cesaire, Karl Marx, Hannah Arendt iyo kuwo kale oo badanba waxa ay aaminsanaayeen in gacan ka hadalku xal yahay marka xalalka kale soo idlaadaan, qofkuna wax iska caabbiyo oo halgan hubaysan uu galo. Sidaas darteed, fasir la saaro odhaah Fanon lahaa, laguna doodo Fanon gacan ka hadalka xal uma arkayn, ee in la baraarugo uun buu codsanayay, maaha mid wax ka beddelaysa halganka reer Falasdiin. Malcom X hadalladiisa uu Maraykanka Madaw ugu baaqayo wax iska dhicin iyaguna ma tarjumaad khaldan baa la saaray? 

Iska caabbinta Falasdiiniyiintu inta badan waxa ay jawaab u tahay xadgudub toos ah oo joogto ah oo Yahuuddu wadaan wax qarni ku siman, waxaana u dambeeyey xasuuqa lagu laayay wax ka badan soddon kun oo qof, oo carruur ku jirto. Sidaas darteed, inta odhaahaha Fanon la afduubayo, waxa habboon in taxliilinta lagu saleeyo waaqaca jira. Gumayste Yurubiyaan ah ayaa ku duulay dhulka Falasdiin, gumaysatay oo dadkii degganaa ka qaadday, waa xaqiiqada uu Fanon arkayay, waana xaqiiqo ay tahay in ay ogaadaan dadka qoraalladiisa akhriyaan. 

Xadgudubyadii gumaystayaashii hore kuma ay soo dhammaan niyad wanaag gumaystayaasha ka soo go’day, amaba in Mahatma Gandhi si dhibirsan uga codsaday in ay xadgudubka joojiyaan. Xadgudubyadaas gumaystayaashu waxa ay ku istaageen iska caabbintii dadka la gumaysanayay. Waana casharka fudud ee ay tahay in ay bartaan akhristayaasha Fanon ee cusub ee reer Maraykan.

 

Waxaa laga soo turjumay halkan.

Qoraallada kale ee qoraaga