Skip to main content

Tuesday 22 October 2024

Feker

Heerarkii kala Duwanaa ee Sahyuuniyadda iyo Xasuuqa Qasa

21 October, 2024
Image
Berghe
Share

Shirkii koowaad ee Sahyuuniyada oo qabsoomay sannadkii 1897-kii, waxa lagu baaqay in Yahuudda dal looga sameeyo Falasdiin. Theodore Herzl ayaa ahaa asaasaha iyo hoggaamiyaha ruuxiga ah ee siyaasadda Sahyuuniyada. Hore ayaa uu ugu fikiray in dalalka Arjantiin, Kanada ama Yugaandha Yahuudda looga dhigo dal, beddelka Falasdiin, hase ahaatee, ugu dambayn waxa uu doortay Falasdiin, sababtoo ah dawladda Yahuudeed ee halkaas laga sameeyaa “waxa ay Yurub u noqon doontaa gabbaad ay ka waajahdo Eeshiya”, Yahuudduna waxa ay “xuddun xadaaradeed u noqon doonaan gobol dad badaw ah ku nool yihiin”. Maalmo ka dib ayaa uu Nachman Syrkin, oo ah mid ka mid ah dadkii asaasay Sahyuuniyada Hantiwadaagga ahi, ku dooday in ay waajib tahay in “Carabta laga qaxiyo Falasdiin”.  

Juun, 1938-kii, oo ah toban sanno ka hor markii lagu dhawaaqay Israa’iil, David Ben Gurion, oo xilligaas ahaa hoggaamiyaha Yishuv-ka (bulshadii Yahuudda ee Falasdiin degganaa Israa’iil ka hor), waxa uu caddeeyey in ay waajib tahay in dadka Falasdiiniyiinta ah si qasab ah loo tarxiilo, isaga oo hadalkiisan ku daray, in aannu falkan u arkin mid anshaxa wanaagsan ka hor imanaya. Julaay, 1938-kii, waxyar ka dib markii Austria lagu soo daray Jarmalka, dawlado iyo maamullo Yurubiyaan ah oo ku dhow soddon ayaa ku kulmay magaalada Evian ee Faransiiska ku taalla, waxaanay ka doodeen in ay habboontahay in dalalka Yurub qaabili karaan qaxoonti dheeraad ah oo Yahuud ah iyo in kale. Dooddani waxa ay werwer gelisay Sahyuuniyada, Ben Gurion-na waxa uu ka cabsaday in damiirka aadamuhu keeno in Yahuudda meelo kale la geeyo, oo ay meesha ka baxdo baahida loo qabo “Falasdiin Sahyuuniyad qabsato”, balse werwerkiisaasi meesha waa uu ka baxay, oo dal Yurubiyaan ah oo rabay in uu qaxoonti dheeraad ah qaataa ma jirin.  

Isla markaas ayaa uu Ben Gurion ogaaday in cadaadiskii Naasigu ku hayay Yahuuddu uu noqon karo caddayn iyo xujo munaasib ka dhigaysa samaynta dal Yahuudeed. Aktoobar, 1942-kii, Ben Gurion waxa uu caddeeyey in “xeeladda Sahyuuniyaddu ku jirto, garashada qaabka dhibaatada looga faa’idaysto, halkii quus iyo kala daadasho laga qaadi lahaa”. Sidaas darteed, Sahyuuniyada “waxa ay dani ugu jirtay in ay cadaadiska Hitler uga faa’idaystaan dhismaha dal u gaar ah”. Ben Gurion, waxa uu cadaadiskaas Yahuudda lagu hayay ku tilmaamayaa “dhibaato faa’ido u lahayd, oo markasta oo ay dhibaatadu sii badato, awoodda Sahyuuniyaduna sii weynaanaysay”. Ben Gurion, soddonaadkii qarnigii labaatanaad ayaa uu oddorasay, in guusha Naasigu noqon doonto “awood shidaalisa Sahyuuniyada”.  

Kala filiqsanaan ayaa ka wanaagsan hodantinnimo 

Horraantii sannadkii 1937-kii, ragga hormuudka u ah Sahyuuniyada ee Yishuv-ku waxa ay ku mashquulsanaayeen ka fikirka waxa ay waajib tahay in lagu sameeyo Falasdiiniyiinta, marka halkaa laga sameeyo dal Yuhuudu leedahay. Ben Gurion, oo doodahan daadihin jiray, waxa uu soo jeediyey, in Yahuud sooc ah dhulkan yeelato. 10-kii March, 1948-kii, oo ah laba bilood ka hor ku dhawaaqiddii Israa’iil, dooddan ayaa halkii u sarraysay gaadhay, qorshayaashii horena waxa lagu soo daray qorshe cusub, oo la dejiyey ka dib markii wadatashi badan lala yeeshay hoggaanka sare ee ciidanka difaaca, waana qorshaha ah in isir-sifayn lagu sameeyo dhulka la rabo.  

Isla galabtii maalinkaas, waxa amarro lagu soo rogay waaxaha ciidankaas difaaca, si ay u bilaabaan qaxin nidaamsan, awaamirtaasna waa la fuliyey, waxaana la abuuray cabsi iyo gacan ka hadal heersarreeya. Cutub kasta oo ciidanka ka mid ah waxa loo xilsaaray tuulooyin iyo deegaanno ay ka hawlgalayaan. Sidaas ayaa guryo badan lagu gubay, miinooyinna lagu aasay guryaha hoostooda, si aan loogu soo laaban. Lix bilood gudahood, 531 tuulo ayaa dhulka lala simay, 11 deegaanna waxa laga qaxiyey dadkii degganaa. Qaxintan waxa barbar socday xasuuq iyo kufsi dad badan loo gaystay, waxaana la xidhxidhay dad badan oo dhallinyaro ah, oo xabsiyo aad u liita ku xidhnaa wax ka badan sannad. Hawlgalkan, kala badh wax ka badan ayaa Carabtii laga qaxiyey dhulkoodii. 

Beesha caalamku waa ay la socotay dambiyada dagaal ee halkaas ka socda, balse wax tallaabo ay ma ay qaadin. Suurogal maaha in qofku is dhaafiyo fikirka ah in midabka iyo diinta dadkaas dhibbanayaasha ahi kaalin ka qaateen falkan lagula kacay. Ka dib Dagaalkii Labaad ee Dunida, waxa ay dadkii ka samatabaxay xasuuqii masiirkooda ka dhigteen cadaadis ay dunida ku saaraan in ay loogu naxo, aasaaskii Israa’iil ka dib, 1948-kiina, dadkaas xasuuqa ka samatabaxay waxa ay xaabo uga dhigeen dawladda cusub.  

Dhulka Israa’iil  

Xitaa ka hor samayntii dawladda Yahuudda, Sahyuuniyadu waxa ay si isku mid ah u cabsi gelin jireen Ingiriiska iyo Falasdiiniyiintaba. Bilo ka hor intaan lagu dhawaaqin Israa’iil, kolkaas oo Ingiriisku masuul ka ahaa kala dambaynta Israa’iil, kooxaha Haganah (Cibriga ku noqonaysa ciidanka difaaca) waxa ay qaxiyeen tiro aan la soo koobi karin oo Falasdiiniyiin ah. Sannadkii 1948-kiina, cadaadiska Sahyuuniyadu samaysay awgii, dunida kale waxa ay dhulkii Falasdiin siisay Sahyuuniyada, markaas oo Sahyuuniyadu boqolkiiba siddeetan dhulkii Falasdiin qaadatay. Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967-kiina waxa uu sii dhammaystiray mashruucan, oo waxa deegaamayn Yahuudeed laga sameeyey Daanta Galbeed iyo Qasa, labadaba, si nidaamsan ayaana loo ballaadhiyey. Dedaalkani keliya ma ahayn shaqada maamul ee kooxda garabka midigta fog, ee waxa kula socday garabka bidix iyo ururrada kale, si masaladii Yahuudda ee loo maara la’aa Yurub dhexdooda, u soo guurto Bariga Dhexe, qadiyaddii Yahuudeedna isku beddeshay qaddiyad Falasdiin, oo dhibbanayaashii ay ahaayeen ku beddeshaan bulsho dhibbane laga yahay.  

Xeerka soo laabashada 

Sannadkii 1950-kii, Israa’iil waxa ay soo saartay xeerka soo laabashada, oo qof kasta oo asal ahaan Yahuudi ah u oggolaanaya in uu soo laabto, oo uu dego Israa’iil. Xeerkani ma koobsanayo dadkii Falasdiiniyiinta ahaa ee sida kibirka ah dalkooda looga qaxiyey, walaw go’aankii Qaramada Midoobay ee sannadkii 1948-kii u ballanqaaday in ay helaan xaqooda u laabashada dalkooda.  

Xidhiidhka Yahuudda iyo Carabta waxa loo arkaa, berigii hore iyo imikaba, in uu weerar ku yahay samatabaxa isirka Yahuudda, kala guursigana waxa loo arkayay khiyaano qawmiyadeed. Dad badan waa ay ogyihiin dabeecadda takoor ee Sahyuuniyada, balse cidina kuma dhiirrato in ay sheegto, iyada oo laga cabsi qabo in lagu nabo colaadinta Semetiga, balse waa in aynnu garannaa in Yahuudnimada iyo Sahyuuniyadu kala duwanyihiin, colaadinta Sahyuuniyadana aan lagu tilmaami karin colaadinta Semetiga. Sahyuuniyadu waa aydhiyoolajiyad siyaasadeed, Yahuudnimaduna waa diin, dhaqan ama bulsho. Yahuudda oo dhammi ma aha Sahyuuniyiin, Sahyuuniyiinta oo dhammina maaha Yahuud, hase ahaatee, dunidu waxa ay daawanaysaa dhibaatada Falasdiiniyiinta, dawladdan Maraykanku garabsiinayana waxa loo oggolaaday in ay samayso waxa ay doonto, xaaladuhuna waa ay ka sii darayaan, Falasdiiniyiin badanna waa laga qaaday aadamnimadii, waxaana lagu sameeyey xasuuq iyo isir sifayn.  

Kala soocid cunsuriyeysan 

Sannadkii 2002-dii, Israa’iil waxa ay bilawday in ay gidaar ka dhisto daanta galbeed oo dhererkiisu yahay 700 kiiloomitir, taaggiisuna yahay ilaa 10 mitir oo kor ah, waxaana u dheeraa ilaalo adag, goobo baadhitaan, taar iyo hogag ay qodday, ujeeddada gidaarkanina waxa ay ahayd kala soocid iyo in dadka Falasdiiniyiinta ah la fogeeyo, oo laga dheereeyo ehelkooda iyo goobaha biyaha. Sannadkii 2004-tii, Maxkamadda Caddaaladda ee Dunidu waa ay dhaliishay dhaqankan, oo ay u aragtay in uu meel ka dhac ku yahay qaanuunka caalamiga ah. Afartan sano oo haysasho ah ka dib, Israa’iil waxa ay ciidankeeda iyo kumanaan la degaameeyey kala baxday Qasa sannadkii 2005-tii. Tani waxa ay ciidanka Israa’iil u suurogalisay in ay si bilaa dabar ah u weeraraan Ururka Xamaas, iyada oo waxyeellada u weyni soo gaadhay dadka deggan Qasa. Weerarkaasi waxa uu sababay in ugu dambayn isqabsi ka dhex dhaco Falasdiiniyiinta dhexdooda 2006-dii, ka dib markii Xamaas doorashooyinka ku guulaysatay. Qodobkani waxa uu Israa’iil u sahlay in ay cunaqabatayn saaraan marinka Qasa, oo aanay dad iyo alaabo toona geli karin, kana soo bixi karin. Muddadaas Falasdiiniyiintu waxa ay galeen saboolnimo daran, wax kastana gabaabsi ayaa uu noqday, iska caabbin kasta oo reer Falasdiin sameeyaanna waxa lagaga jawaabayay hawlgal millatari oo Israa’iil wax badan ku burburiso. Hawlgalladaas waxa ka mid ahaa hawgalkii Abril, 2002-dii oo qaxoonti badan oo Falasdiiniyiin ah lagu xasuuqay, waxa kale oo ka mid ahaa hawgallo dhawr ah oo 2006-dii oo magaalooyin badan lagu bartilmaameedsaday, waxa kale oo 2008-dii dhacay hawgal ay Yahuuddu ku laayeen dad badan oo shicib ah, xasuuqna ahaa.  

Midawga Yurub iyo Qaramada midoobay waa ay baraarugeen markii dambe, waxaanay dhaliileen “adeegsiga awoodda aan habboonayn” iyo ku xadgudubka qaanuunka caalamiga ah, intii lagu gudojiray hawlgalkii 2008-dii, oo Israa’iil aanay waxba ka tagin; cisbitaallo, dugsiyo, rugo caafimaad, masaajiddo iyo kaniisadaba. Waxa xigay hawgalkii 2012-kii, oo u muuqday in xukuumadda Yahuuddu iskaga jeedinaysay kacdoon gudaha oo lagaga soo horjeeday siyaasadda Israa’iil ee dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada oo fashilmay. Markanna, Midawga Yurub iyo Maraykankuba, sidii dhaqanka u ahayd, waxa ay ku koobsadeen hadalkooda laba wejiilaynta ah ee ah: “Israa’iil waxa ay xaq u leedahay in ay jiritaankeeda difaacdo”.  

  Waxa xigay duullaankii 2014-kii, oo aynnu ku xasuusanno hadalkii taariikhyahankii Israa’iil, Ilan Pappe, ee ahaa: “Waa xasuuq sii kordhaya oo fashil ah”. Sidoo kale, hawgalkii Xamaad ee 7-dii Aktoobar, 2023-kii, waxa uu xukuumadda Israa’iil ee midigta fog ah ku riixay in ay sii wadaan siyaasaddooda xasuuqa ah, iyaga oo aan waxba kala soocin, waxna xeerin. Arrinkan ka hor, Israa’iil waxa ay go’aansatay in kala badh Daanta Galbeed goosato, oo guryaha Falasdiiniyiintana baabi’iso, tuulooyinkoodana meesha laga saaro, laguna beddelo dad la degaameeyey.  

Ka dib xadgudubkii Israa’iil kula kacday Lubnaan sannadkii 1982-kii, mufakirka reer Faransiis ee Alein Flinkielkraut ayaa yidhi: “Sahyuuniyadu isu soo jiidi mayso gefafka Israa’iil oo keliya, ee waxa kale oo ay soo jiidanaysaa foolxumooyinka siyaasadeed ee ay ina barayso, oo aynnu hore usoo samaynay: gumaysiga, takoorka iyo imbiryaaliyada”. Sahyuuniyada oo isu aragtay in ay tahay xalka colaadinta Semetiga ayaaba noqotay sababta u weyn ee weli colaadintaasi usii jirto, haddii xasuuqa cid loo gaystay magdhaw u waajibinayo dhibbanayaashii, marnaba ma aha in xaqooda ay ka raadiyaan xasuuqa shacab kale oo aan waxba u gaysan, xidhiidhna aan la lahayn xasuuqii Yahuudda loogu gaystay Yurub. Waxa kale oo jirta weydiin muhiim ah: sababma ayaa ay suurogal u tahay in xasuuqa bulsho cayiman u keensado xuquuq, aanay keensan xasuuqyo kale, sida xasuuqii Armiiniyaanka, tusaale ahaan? 

Dunida Galbeedka ee indhaha ka laabtay isir-sifaynta ka socota Falasdiin tan iyo 1948-kii, waxa ay Israa’iil u oggolaadeen in ay aaminto in ay qayb ka tahay dunida Galbeedka, macnaha “Dalalka loo arko in ay ilbaxnimo gaadheen”. Israa’iil oo dagaalkan Galbeedka ku meteshana waxa loo oggoladay in ay cagta mariso xuquuqda dadka dhabta ah ee asalka u leh Falasdiin.  

Sannadkii 1970-kii, saddex sano ka dib dagaalkii lixda cisho, Uri Avnery, oo ahaa suxufi iyo xildhibaan Israa’iili ah (1928-kii ilaa 2018-kii) waxa uu qoray: “Waa wax aan suurogal ahayn in meesha laga saaro dagaalka Carabta iyo Israa’iil ka dhexeeya, haddana wax kasta oo dhacay, Sahyuuniyadu Israa’iil waxa ay u aragtaa dawlad u janjeedha Yahuudda Galbeedka iyo reer Galbeedka, waxyaabaha Israa’iil ka dhaxlayso Sahyuuniyada ayaa ah wax ugu khatar badan”. Haddaba, waxa suurogal ah in aynnu is weydiinno: suurogal ma tahay in Israa’iil jirto Sahyuuniyad la’aan? 

 

 

 

Waxa laga soo turjumay halkan.