Friday 22 November 2024
Dhawaan uun bay ahayd markaan maqaalkan idiinka soo gudbinay hogaamiyaha cusub ee Xamaas, kaas oo hogaanka u qabtay ururka ka dib markii Israaiil ay ku khaarajisay gantaal ridada dhaw ah oo meel guriga Ismaaciila Haniya u dhaw laga soo tuuray, isagoo markaa deganaa Dahraan, Iiraan Julaay 31, 2024. Shalay ayaa millatariga Israa’iil xaqiijiyeen dilka Yaxye Sinwaar, oo ahaa hoggaamiyaha Xammaas wixii ka dambeeyey bishii Ogos ee sannadkan. Dilku waxa uu ka dhacay magaalada Rafax. Waxa uu noqonayaa hogaamiyihii labaad ee ururuka ee Israa’iil disho muddo bilo gudahood ah. Bilihii u dambeeyey Israa’iil waxa ay dishay hoggaamiyayaal sarsare oo ka tirsan ururka Xammaas, oo uu ka mid yahay hoggaamiyihii hore ee Xammaas, Ismaaciil Haniyah. Waxa la aaminsanyahay in Yaxye Sinwaar ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii 7-dii Oktoobar, 2023-kii Xammaas ku qaadday Israa’iil, weerarkaas oo lagu dilay 1200 oo qof, 250 kalena maxaabiis ahaan loo kaxaystay.
Maalmahan waxa cirka isku shareeray dirirta iyo colaadda gobolka [Bariga Dhexe] ka dib markii dil qorshaysan lagu dilay madaxii xafiiska siyaasadda ee ururka Xammaas, Ismaaciil Haniya, isagoo ku sugan caasimadda dalka Iiraan ee Tehran, maalin uun ka dib markii la dilay hoggaamiyihii millatariga ee ururka Lubnaan ka dhisan ee Xisbullaah, Fu’aad Shukri, oo lagu dilay dhinaca koonfureed ee magaalada Bayruut. Intaas ka dib ururka Xammaas waxa uu ku dhawaaqay in ay Yaxye Sinwaar u doorteen madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka, Ismaaciil Haniya ka dib.
Ku dhawaaqidda in Sinwaar loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee ururku u qaadanwaa ayaa ay ku noqotay ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee dhacdadan sida dhow ula socday, inkasta oo Sinwaar, oo Israa’iil ku magacawdo xabaal-mari-waa, uu ka mid ahaa saddex qof oo gudaha ururka Xammaas u ahaa saddexda qof ee Ismaaciil Haniya dhaxli kara, sababtoo ah Sinwaar marka horeba waxa uu ahaa madaxa xafiiska Qasa ee ururka.
Muddo ka badan lixdan sano ka hor, 29-kii Aktoobar, 1962-kii ayaa uu Sinwaar ku dhashay xero-qaxoonti oo ku taalla Khaanyoonis, xilligaas oo qoyskiisu usoo qaxeen Qasa, iyagoo ka yimi magaalada Majdal-Casqalaan oo Yahuuddu qabsatay sanadkii 1948-kii. Waxa uu kusoo koray nolol adag, bilawgii noloshiisana waxa uu noqday qof waayo badan nolosha kala kulma. Waa laba iyo lixdan sano oo dhacdooyin badan oo adag ka buuxaan, saxariir iyo rafaadna ku dhan yihiin, oo qoraaga xariifka ku ah sawiridda dhacdooyinku ku guuldarraysanayo in uu sawiro. Waxa ka mid ah dhacdooyinkaas soo maray, mar kuwii xabsiga Yahuudda ku hayay ay ka badbaadiyeen geeri, isagoo si lama filaan ah uga mid noqday maxaabiis lagu sii daayay heshiiskii Gilaad-Shaaliid ee sannadkii 2011-kii, kolkaas oo xaaladdiisa caafimaad aad u xumaatay, oo dhakhtarkii xabsiga bi’r al-Sabca uu ku arkay buro maskaxda kaga taal oo weliba heer halis ah maraysa. Dhakhtarkaasi waxa uu ku taliyey in si degdeg ah cisbitaal dibadeed loogu qaado, isagoo u arka in askari Yahuudi ahi haddii aan la badbaadin uu u malgan yahay. Sinwaar waxa la geeyey cisbitaalka Soroka, halkaasna waxa loogu sameeyey qalliin buradaas lagaga jarayay, balse dadkii gargaarkaas u fidiyey may ogayn in ninkani noqon doono ninka jiritaankooda gilgili doona, mustaqbalka Yuhuudda ee gobolkaasna cidhiidhi gelin doona.
Waxyaabaha isku liddiga ah badanka, ee haddana nolosha Sinwaar kulansatay waxa ka mid ah, in Sinwaarka iska leh aasaaskii unugga dacwadda iyo nabadgalyada, oo ah unug ka shaqeeya in la dabagalo dadka garabka u ah Yahuudda, lana ugaadhsado askarta Yahuudda si loogu beddesho maxaabiista reer Falasdiin, dhinaca kale, uu isla Sinwaarkaasi yahay suugaanyahan leh aftahamo u sahashay in uu qoro buuggiisa al-Shawk wal-Qaranfal, oo uu ku dhex qoray xabsiga. Ninkan, oo ay Yahuuddu u taqaan dhiigyo-cab, Maraykankuna liiska argagaxisada ku daray sannadkii 2015-kii, waxa uu buuggiisaasi soo faqayaa xasuusihiisii dhallaanimo iyo taariikh-nololeedkiisii, balse sheekadu waxay markii dambe noqotay sheekada qof kasta oo Falasdiini ah, waxaanu hordhaciisa ku yidhi: “Dhammaan dhacdooyinka sheekadani waa kuwo dhab ah, dhacdo kasta oo ka mid ahi waxay khusaysaa qof kasta oo Falasdiini ah. Mala’awaalka kaliya ee ku jira sheekadani waa in sheeko-faneed laga dhigay, oo ay dhacdooyinkeeda jilayaan dad cayiman si ay u buuxiso shuruudaha sheeko”.
Saddex iyo labaatan sano ayaa uu xabsiyada Yahuudda ku dhammaystay, ka dib markii la xidhay 1988-kii, muddadaasna waxa laga soo saaray afar xukun oo xabsi-daa’in ah, waxaana lagu tuhmay in uu dilay, oo uu afduubay askar Yahuud ah iyo afar Falasdiini ah oo Yahuudda u shaqaynayay. Balse, sannadahaas badan, ee loo kala wareejinayay xabsiyada Israa’iil iyo godadka cidlada ah, marna aaminaaddiisa ah in gumaysiga la iska kor qaado may leexin.
Ka dib markii kun maxbuus oo reer Falasdiin ah oo uu Sinwaarna ku jiray la soo daayay, ka dib heshiiskii Gilaad-Shaaliid, sannadkii 2011-kii, Sinwaar waxa uu sannadkii 2012-kii ka qayb galay doorashooyinka gudaha ee ay Xammaas qabsato, waxaanu ku guulaystay in uu xubin ka nqodo xafiiska siyaasadda ee ururka, waxa kale oo uu noqday korjeege qaabilsan Kataa’ib Cissudiin al-Qassaam, shaqadiisuna waxay noqotay jaangoynta heerka siyaasadeed ee ururkaas. Sinwaar waxa uu guursaday bishii Noofambar ee 2011-kii oo ah markii la soo daayay, kolkaasna waxa uu jiray 49 sano. Wixii ka horreeyey, halgankiisa iyo xabsiga ayaan u saamixin guur, guurkiisaas ka dibna waxa uu dhalay saddex carruur ah; Ibraahin, Cabdilaahi iyo Ridaa.
Sannadkii 2017-kii Sinwaar waxa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ururka ee magaalada Qasa, isagoo xilkaas uga dambeeyey Ismaaciil Haniya oo xilligaas loo doortay hoggaamiyaha guud ee xafiiska siyaasadda ururka Xammaas. Xilligaas Sinwaar waxa uu tartan adag la galay dad siyaasiyiin ah oo sooyaal dheerna leh. Taliyahii ciidama Israa’iil ee xilligaas, Jaadi Eysankuut waxa uu yidhi: “Doorashada Sinwaar lagaga dhigay madaxa ururka ee Qasa waxay meesha ka saaraysaa soohdintii u dhaxaysay garabka siyaasadda iyo ka millatariga ee ururka Xammaas, Ururkaas Qasa ka jiraana waxa uu bartilmaameed muhiim u noqonayaa ciidanka Yahuudda.
Awoodda Sinwaar u leeyahay go’aan qaadashadu waxay caddaatay xilligii uu xidhnaa, markaas oo uu hoggaaminayay guddida maxaabiista. Xilligaas waxa u suuragalay, isaga oo ay la jiraan hoggaamiyayaal kale, in uu ku guulaysto waxyaabo ay ku guuldarraysteen madaxdii kale ee ururka ee dibadda joogay. Sinwaar oo ay la jiraan hoggaamiye Marwaan Barquusi iyo Axmad Sacdaat oo ahaa xoghaya guud ee Jabhadda Shacbiga ah, waxay ku guulaysteen in ay soo dhiraadhirriyaan heshiiska maxaabiista, oo ay gaadheen sannadkii 2006-dii, iyagoo ku jiray xabsigii Hadaarim ee waqooyiga Israa’iil. Heshiiskaas oo u taagnaa in la isku dhaweeyo ismaandhaafkii ururrada Fatax iyo Xammaas, weliba iyadoo madax badan oo ururka ka tirsani diiddanaayeen arrinkaas.
Markii xabsiga laga soo daayayna, awooddiisaasi waxay ka muuqatay gudaha Xammaas, oo waxa laga dheehanayay siyaasaddiisa iyo taageerada weyn ee uu u hayay garabka millatari ee ururka, awooddaasina waxay u suurogalisay in uu go’aanno badan socodsiiyo, oo kolkii hore u muuqday kuwo aan suuragalayn, sababtuna tahay kala didsanaanta ka dhex jirta wixii siyaasad ah iyo arrimaha millatariga ee ururka.
Sinwaar waxa uu bilaabay fulinta go’aanno laalnaa, oo uu mid mid u fuliyey. Waxa uu fuliyey go’aankii ururku ku dilay hoggaamiye ka tirsan al-Qassaam oo magaciisu ahaa Maxamuud Ishtaywi, ninkaas oo la dilay toddobadii February, 2016-kii. Sidoo kale, afhayeenkii ururka Ayman Daaha, oo ah wiilkii uu dhalay Maxamed Daaha oo ah dadkii seeska u dhigay ururka Xammaas, isagana waxa lagu fuliyey dil aan la aqoonsan cidda fulisay.
Yaxye Sinwaar oo lagu tilmaamo nin aad u mawqif adag, haddana waa isla qof ku tilmaaman furfurnaan siyaasadeed, oo ah wixii u sahlay in uu heshiis dhex dhigo ururka Xammaas iyo Maxamed Daxlaan oo ahaa cadawga halis badan oo uu ururku lahaa, iyadoo dagaallo ba’ani dhexmareen sanadkii 2007-dii, kolkaas oo ururka Xammaas si buuxda gacanta ugu dhigay Qasa millatari ahaan, iyagoo weeraray talisyadii nabad-ilaalinta ee uu Daxlaan madaxda ka ahaa. Heshiiskaasi waxa uu sanadkii 2017-kii ka dhacay Qaahira, iyadoo Masarna korjoogtaynayso.
Ka dib heshiiskaas Qaahira, Daxlaan waxa uu Sinwaar ku tilmaamay: “Qof furfuran, oo ku dadaalaya maslaxadda dalka, oo leh geesinnimo qanaacadiisa ku sal leh”. Heshiiskaasi waxa uu ka dambeeyey dedaallo la mid ah oo uu Sinwaar qabanqaabiyey si loola heshiiyo Masar, si loo soo afjaro madmadow soo kala dhex galay labada dhinac ka dib dhicitaankii xukuumaddii Ikhwaan al-Muslimiinka ee 2013-kii. Heshiiskan waxa ka dhashay in Xammaas ka qayb qaadato ilaalinta nabadgalyada xuduudda Qasa iyo Siinaay, iyo dejinta barnaamij nabadgalyo oo Masar iyo Xammaas ka dhexeeya oo ku aaddan la daggaallanka Daacish oo markaa waqooyiga Siinaay ka dagaallamaysay, waxa kale oo lagu heshiiyey in xubnaha Daacish ee Qasa u dhuumaalaysi taga Xammaas daba gasho.
Muddo yar ka dib markii uu Sinwaar qabtay hoggaanka ururka, waxa uu ku dhaqaaqay tallaabo ay adagtahay in hoggaan kale ku kaco. Waxa lagu dhawaaqay in wax ka beddel lagu sameeyey xeerkii ururku ku aasaasnaa oo loo yaqaanno Xeerkii 1987. Waxa meesha laga saaray qaar ka mid ah qodobbo lama taabtaan ahaa oo xidhiidh adag la lahaa aaminaadda ururka, waxaana ugu horreeya qodobka labaad oo dhigayay in Xammaas tahay qayb ka mid ah ururka Ikhwaan al-Muslimiin, waxaana xeerka ururka laga saaray hal-ku-dhiggii Ikhwaanka. Waxa kale oo xeerka ururka Xammaas laga saaray qodobka toddobaad ee xeerka ururka oo sheegayay dedaallo kooxda Ikhwaan al-Muslimiin ka geysatay qaddiyadda Falasdiin sannadihii 1936-kii iyo 1948-kii. Waa tallaabo ka mid ah isku dayga in la raalli geliyo Masar, oo la muujiyo inay ururka dhab ka tahay in bog cusub la furo oo xidhiidh wanaagsan ah.
Sinwaar waxa uu leeyahay awood uu heshiisyo midha dhala ku gaadhi karo, tan oo caddayd xitaa markii uu ku jiray xabsiyada Yahuudda. Waxa kale oo uu awood u leeyahay isku soo dhawaynta iyo isugu imaatinka meel dhexe oo dhinac kasta dantiisa ka arki karo, awooddaasina waa ta laga bidhaansan karo yididiilo wanaagsan, iyadoo weli laga cabsi qabo in xaaladda taagani ka sii darto ka dib xilkaas uu Sinwaar la wareegay.