Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Feker

Doorashada Addoonnimada: Waa Maxay Macnaha in aynnu Dhallanay Innaga oo Xor ah

8 September, 2024
Image
taalo
Taalada Étienne de La Boétie (1892)
Share

“Aynnu u dhug yeelanno farriinta wiilkan lix iyo toban jirka ah”

Baaqan soo jiidashada leh ayaa uu Michel de Montaigne hordhac uga dhigay marka uu soo qaadanayo maqaal dheer oo uu saaxiibkii Etienne de La Boetie qoray, cinwaankiisuna yahay Doorashada Addoonnimada. Sida hordhaca baaqa ku cad, maqaalka waxa uu qoray dhallinyaranimadiisii, isaga oo u hiilinaya xorriyada. Sida Montaigne ina xasuusinayo, maqaalkani waa qoraalka keliya ee La Boetie ka hadhay, waana farriinta keli ah ee uu ina soo gaadhsiiyey ka hor intaanu god gelin. 

Ka hor inta aynnaan u gelin ka sheekaynta maqaalka, waxa muhiima in aynnu waxyar ku hakanno xilligii uu noolaa ee ku dhaliyey in uu farriintan diro. La Boetie waxa uu ku dhashay magaalada Saarlat ee Faransiiska sannadkii 1530-kii. Waa xilli ay Yurub loolanno diineed ka taagnaayeen; laga soo bilaabo Kacdoonkii Fardoolayda, dagaalkii beeralayda ee Jarmalka (1524-kii ilaa 1525-kii), kacdoonkii Dib-u-qaabaynta Kaatoliga ee ka soo horjeeday Borotastanka iyo dagaallo kale oo ku xigay. Marka xaaladahaas taagnaa la eego, waxa dhab ah in La Boetie dhashay xilli qalalaase, qaxarkaasna uu yaraantiisii ka dhaxlay, ilaa ay ugu dambayn dhallinyaranimadiisii ku soo baxday. Xilligan ay dagaallada diineed, loollanada kooxuhu iyo kelitalisnimada boqorradu taagnaayeen, waa waxa ku sababay in La Boetie ku baaqo in madaxbannaanida dib la isu weydiiyo, isagoo isku dayay in qiimaheeda la xaddido, lana garto sida ay aadamaha uga sii farabaxayso. Maqaalka, soddon sano ka dib markii uu qoray ayaa la faafiyey, oo ah xilli uu La Boetie dhintay. Markii hore waxa faafiyey qoraayada Borotastaanka, ka dibna waxa buuggiisa uu maqaallada ku ururiyey kusoo daray Montaigne.  

Xornimo loo dhasho iyo addoonsi la doorto

Sida cinwaanka maqaalku tilmaamayo, La Boetie waxa uu xidhiidh ka dhaxaysiinayaa doorashada qofka iyo is addoonsiga. Waxa cad in uu diidayo in addoonnimadu tahay dhalan qofka ku abuuran, waxaanu ku adkaysanayaa; in addoonnimadu aadamaha uga timaaddo caddaadis, dhaqan ama doorasho. Sidaa si ka duwan, xorriyaddu waa xaq dabiici ah oo noole kaste ku dhasho. Marka hadalka La Boetie la tixraaco, keliya innaga oo xor ah ma aynaan dhalan, ee waxa raaca in aynnu la soo dhalannay difaaca xorriyaddeena. Fahanka xorriyaddu, marka La Boetie hadalkiisa la joogo, waa fahan ballaadhan oo wax badan koobsanaya. In kasta oo xorriyaddu ina tusinayso aadame iyo madaxbannaanidiisa siyaasadeed, haddana waxa ku jira macne intaas ka ballaadhan oo xorriyaddu leedahay. Waa dareen ku abuuran wax kasta oo nool oo dareenno leh. Waxa ay ku caddahay tusaalayaasha uu qoraagu keenay ee tusinaya qiimaha xorriyaddu u leedahay noolayaasha kale, sida duurjoogta iyo dugaagga kale, ee u dhinta difaacidda xorriyaddooda, iyaga oo geeri ka doorbida in ay bahal kale u gacan galaan. Rabitaanka madaxbannaanidu xitaa madmadaw kama gasho noolayaal aynaan u fiirsan. Gabayaagii abu-Calaa al-Macarri ayaa mawqif kan u eg gabaygiisa ku tilmaamaya, isagoo baraarujinaya jacaylka nolosha iyo macaanka xorriyadu u leedahay takfida. Waxa uu yidhi: 

Ina aad gacantaada ka sii daysid tagfi aad qabatay

Miyay ka duwan tahay dirham aad siisay mid u baahan

Ku laabashada xayawaanka waxa ku jira u laabashada tilmaamo sharfan oo uu lahaa aadamihii hore ee aan dhalanrogmin. Kol haddii xorriyaddu ku lammaantahay dabeecadda, dhalanna tahay, is addoonsigu boos kuma laha noloshaas, keliya aadamaha ayaa ah ka dadka inta badan u sandulleeya haqabtirka danaha in kooban. Marka laga yimaaddo ‘xeerka kaynta’ oo xayawaanba ka uu ka awood badan yahay uu baacsado, haddana ma jiraan xayawaanno taagdaran oo isu dhiiba xayawaan ka awood badan; tusaale ahaan ma arkayno dameer-faraw isu urursaday in uu hoos taago libaaxa, xaqiisana uga tanaasulo. Innagoo og sida dameeruhu ugu nugul yihiin dugaagga cuna, haddana markasta in ay bahal kasta ka baxsadaan kama tanaasulaan. 

Marar badan ayaa uu La Boetie soo qaadanayaa tusaalahan, si uu dadka u xasuusiyo dhaqankoodii hore, oo ay tahay haddii ay illaawaan in ay xayawaanka kale eegaan. Waxa uu La Boetiei leeyahay: “Waa in aan idin siiyaa sharafta aad mudantihiin, oo haddii ay suuragasho, aan duurjoogta minbarka saaro, si ay idiin baraan dhaqankiinnii hore iyo sababta jiritaankiinna”. Ku laabashada kayntu waa u fiirsasho, si aadamuhu u kala sooco abuurtiisii asalka ahayd iyo dhaqanka is addoonsiga ee kusoo kordhay, oo ah dhaqan aadamuhu hindisay, aadamahana dadnimadiisa ka kaxaynaysa. 

Ka dib marka uu dabeecadda ka hadlo, La Boetie waxa uu u leexanayaa dhinaca sooyaalka. Waxa uu caddaymo ka soo qaadanayaa dagaalladii Faaris iyo Giriigga. Marka uu dhacdooyinkaas sheego, lama yaabayo guushii Giriiggu ay gaadheen iyaga oo koox yar ah, kana guulaysteen ciidan adag oo laga baqo, oo bad iyo berriba ka dagaal galayey. Waxa uu yidhi: “Maxaa kale oo [Giriigga] uu suurogalin lahaa guusha haddii aanu dagaalka ay Faaris kala hortageen ahayn mid ay ugu hiiliniya madaxbannaanida, gumaysigana iskaga caabbinaya?” Sidaas ayaa uu La Boetie ugu adkaysanayaa in bulshooyinka fahma wanaagga xorriyadda iyo in ay xaq aasaasi ah tahay, aanay marnaba suuragaleyn in la gumaysto ama lagu soo xadgudbo. Bulshadaasi, waxa ay markasta diyaar u tahay difaaca madaxbannaanideeda, oo hub wax ii ay haysato, ciddiyahana ha ahaadeene, isku difaacdo. 

Tusaalayaashaas iyo caddaymahaasi waa gar in ay La Boetie ku riixaan in uu wax iska weydiiyo sababta bulsho ku kallifi karta in ay ka tanaasulaan xaqooda dabiiciga ah ee madaxbannaanida. Waa maxay ujeeddada ay addoonnimada uga doorbidaan xorriyad? La Boetie, waxa uu mid ka mid ah sababaha ka dhigayaa dhaqanka bulsho ku barbaarto. Waa isla sababta uu Shakisbiir, isaga oo hadalka dhexmarsanaya Hamlet, leeyahay: “Dhaqanku waa awood weyn oo garaadka aadamaha burburin kara, dhaqanka ayaanu shaydaanku boqor ku noqon karaa”. Markaas, addoonnimada oo dhaqankii lagu soo koray ku lammaan yahay, ayaa cid kasta oo dhaqankaas ku barbaartay la noqonaysa wax caadi ah oo aan dhibi ku jirin. 

La Boetie waxa uu ka hadlayaa bulshooyinka ku kora kelitalisnimada iyo cagajuglaynta, bilawgana waxa uu u samaynayaa cudurdaar, “kol haddii aanay xorriyad arag, oo aanay maqal”. Balse hadalkiisa waxa uu ka dabagaynayaa, isagoo adkaynaya qodobkii ahaa xorriyaddu waa wax qofka ku abuuran, in dadka qaar fahmaan silica addoonsiga iyo dabarka ku xidhan, iftiin yar oo xorriyad ah oo qofka u baxa ayaana sababi kara in qofku ku dhiirrado in uu u dhaqaaqo difaaca madaxbannaanidiisa. 

Raadinta xorriyaddu, sida La Boetie qabo, waa doonis ka timaadda gudaha qofka. Waa dood adkaynaysa baaqii Socrates ee ahaa in wax ka baridda qofka naftiisa loo dhex maro isla naftiisa. Sida aynnu ku aragno “Wadasheekaysiga Menon”, Socrates waxa uu codsanayaa in mid ka mid ah addoomada loogu yeedho, si uu u hubsado in aanu addoonkaasi wax aqoon ah u lahayn xisaabta iyo sayniska. Inta uu sawiro afar-xagal, ayaa uu ka codsanayaa addoonka in uu sheego labajibbaarka afar-xagalkaas. Bilawga waa uu garan waayayaa addoonku, balse sida uu ula sheekaysanayo Socrates ayaa uu ugu dambayn addoonku jawaabta saxda ah sheegayaa. Socrates waxa uu halkan kala soo dhex baxayaa in aqoontu tahay wax xasuusiya qofka dabcigiisii asalka ahaa ee ku dhex jira. Sida uu La Boetie qabo, sidaas oo kale weeye xorriyaddu, oo marka uu qofku silic ka muto addoonnimada, ayaa uu qofku xasuustaa xorriyaddii ku abuurnayd ee uu ku dhashay. 

Sheekada 1984 iyo Waddada Raadinta Xorriyadda

Waxa aad u layaab leh sida ay isku waafaqayaan qaabka La Boetie xorriyadda usoo bandhigayo iyo qaabka ay xorriyaddu ugu dhex jirto sheekada 1984 ee uu qoray George Orwill. Sheekadan uu xiddiga ka yahay Winston Smith, waxa aynnu ku baranaynaa bulsho saddex hal-ku-dhig leh: dagaalku waa nabad, xorriyaddu waa addoonsiga, aqoon la’aantuna waa awood. Inkasta oo uu Winston ku dhex koray macnayaashan isku lidka ah, haddana abuurtii xorriyadeed baa qalbigiisa ka dhex huraysa. Inkasta oo aanu lahayn awood uu ku baadidoono xorriyaddiisa, horena aanu u arag xorriyadda uu rabo in uu soo ceshado, haddana in ay maankiisa ku soo dhacday oo uu sawirtay awgeed ayaa uu u dedaalay helitaankeeda. Tani waxa ay caddayn u tahay in hal-ku-dhigyo qiyamka lagu dhalin geddiyaa midha dhal yeelan. Haddii la doono in addoonsiga xorriyad loo ekaysiiyo, sidaas fudud isku beddeli mayso. Sida sheekada ku jirta, Winston waxa uu baadigoobayaa xorriyaddiisa, qoraalka ayaana u ahaa qalab uu ku baadho xorriyadda, qalinka ayaanu ku soo ceshaday wax ka mid ah dhadhankii xorriyadda, oo uu iyada oo ka maqan dareemay wanaaggeeda. Waxa uu is weydiinayaa: “Sidee xisbigu u samaystay hal-ku-dhigga ah xorriyaddu waa is addoonsiga, iyadoo xorriyaddii la baabi’iyey?”

Haddii xorriyaddu maqan tahay ama la cabudhiyey, kama dhigna in ay dhimatay. Si kasta oo cabudhinta iyo kelitalisnimadu u weyn yihiin, haddana waxa ay soo dedajinayaan xorriyadda, sababtoo ah xorriyaddu waa lidka wax kasta oo taliska kelitaliyaha ahi yeedhiyo. Xorriyaddu, sida Winston hadalkiisa ku jirta, “waa in aad odhan kartid laba lagu daray laba waa afar. Haddii xorriyaddaas la dammaanad qaado, wax kasta o kale isaga ayaa iskii u imanaya”. Sida taliska kelitaliyaha ahi sheego haddii xorriyaddu tahay, ee ah in shacabku u gumoobaan madaxweynaha, Winston xorriyadda waxa uu u arkaa “in qofku dhinto isaga oo neceb kelitaliyahaas, waa taas xorriyaddu”. Marka aynnu ku laabanno La Boetie, si wanaagsan buu uga sheekeeyey xaaladda uu Winston Smith ku jiro, isaga oo qayb maqaalkiisa ka mid ah ku sheegay in dadka xorriyadda oo ka maqan ku riyoonayaa, ay awoodaan in ay sawirtaan wanaaggeeda oo ay dareemaan xitaa haddii dhulka guudkiisa aanay jirin meel xorriyad lagu hayaa, umana cuntamayso addoonnimadu si walba oo loogu qurxiyo. 

Marka laga warramayo addoonsiga, waxa kale oo habboon ka warranka qofka wax addoonsanaya ee loo gumoobayo. Qofka wax gumaysanaya, oo mararka qaar heer Ilaahnimo is gaadhsiiya, waxa maskaxda qofka uu gumaysanayo ku jirta sawirkiisii ka hor intaannu qasriga gelin. La Boetie waxa uu jalleecayaa sooyaalka buunbuuninta loo sameeyo madaxda, waxaanu sheegayaa in boqorradii Assyria iyo Medes aanay is tusin jarin dadka ay u taliyaan muddo kooban marka laga reebo. Sidaas waxa ay u samaynayeen in dadku shaki galiyaan in boqorradu dad caadi ah yihiin. Boqorro badan ayaa sheegan jiray in ay yihiin carruurtii Ilaahay ama ay yihiin cidda Eebbe u xilsaaray dhulka. Dad hore ayaa aaminsanaa in suulka boqor Iberia Berus uu xanuunadda daweeyo, araggana qofka usoo celin karo. Waxa kale oo aynnu aragnaa sida Walaalka Weyn ee ku jira sheekada 1984 u yahay qof qarsoon oo aan raad laga hayn, oo aan xitaa la hubin jiritaankiisa. Arrinkani waa caddaynta in qofka talinayaa fikrad yahay asalkaba. 

Buunbuuninta kelitaliyaha loo sameeyaa waxa ay u dhistaa qasri weyn, oo awood u siiya in uu xaqiiqooyinkii jiray dib usoo saaro, kana dhigo kuwo isaga u adeegaya. Xilligeenan, warbaahinta oo ah dhuunta ugu weyn ee uu kelitaliyuhu buunbuuninta dhex marsan karo, waxa ay dhegaystayaasha ku dhego barjaysaa sheekooyin indhosarcaad u eg. Kelitaliyuhu waxa uu dhex marsadaa warbaahinta sheekooyinkiisa, xaqiiqooyinka jirana waxa uu ka istaagaa dhinac isaga la qurux badan, isaga oo dardaaranna ugu daraya ka uu gumaysanayo.

Buunbuuninta iyo ammaanta loo sameeyo kelitaliyaha maanta joogaa waa wax ka yimi sooyaal hore, oo horumar badan sameeyey. Waa horumar gaadhay heer uu Milan Kundera ku magacaabo ‘aqoonta awoodda sawirka’. Ereybixintan waxa uu ku sharraxayaa sheekadiisa ‘al-Khuluud’, marka uu Baaris ka sheekaynayo. Waxa uu ka sheekaynayaa deriskiisa oo dabaq la deggan. Deriskaasi wakhtiga intiisa badan waxa uu ku qaataa xafiiskiisa, marka uu gurigiisa kusoo laabtana waxa uu daaraa TV-ga, si uu u daawado waxa dunida ka socda. Marka weriyuhu sheego in Faransiisku kaalinta koowaad Yurub u galay nabadgalyada, ninkaasi waa uu farxaa, Shambaaniyana waa uu ku dabbaaldegaa. Ninkaasi ma oga in saddex dhacdo oo tuugnimo ah iyo laba dil ka dhaceen isla waddada uu deggan yahay. 

Saykoolajiga Kelitaliyaha Dhaawacan

Buunbuuninta iyo ammaanta warbaahintu u samayso kelitaliyaha, qofka ka dambeeya ee aanay indhaha dadweynuhu qaban karin, waa qof gebi ahaanba ka duwan qofka sawirrada iyo hadalladu sheegayaan. Kelitaliyuhu, sida La Boetie sheegayo, ma aha qofka la sameeyey, ee la buunbuuniyey awoodihiisa, sidaa si ka duwan “waa qofka bulshada ugu fulaysan, goobaha dagaalkana aan sooyaal ku lahayn, dirirna aan wax ka tari karin”. La Boetie waxa uu la yaabban yahay in qof tilmaamahan lehi bulshooyin dhan tunjileecsado oo uu ku khasbo in ay isaga u adeegaan, waxaanu leeyahay: “Maxaa ka xun in aynnu aragno dad aan la soo koobi karin oo aan keliya u hoggaansanayn kelitaliyaha ee xitaa u adeegaya!”

Kelitaliyaashaasi waa ay ku kala duwan yihiin heerarka fulaynimada iyo cabsida, haddana waa kuwo wadaaga in ay mar kasta wadnaha farta ku hayaan, qof ka fog iyo mid u dhowna ka shakiyaan. Nero Claudius oo aynnu garanayno kibirkiisa iyo heerkiisii kelitalisnimo, ayaa haddana u barooranaya xilkii uu waayay. Albert Speer oo ahaa wasiirkii Hitler, waxa uu xasuusqorkiisa ku xusayaa sheeko u dhugasho mudan. Hitler ayaa marar badan wasiirkan faray gubidda iyo burburinta Yurub ka hor intaanay qabsan ciidamada isbahaysigu, balse Albert Speer ma uu fulin amarkaas. Waxa uu ka sheekaynayaa waxa uu kala kulmay diidmada amarka ninkii dunida ugu awoodda badnaa markaas. Waxa uu yidhi: “Waan is hayn kari waayay, markaas waxa aan Hitler cod hoose ugu qirtay in aanan waxba burburin oo aanan amarkii qaadan, sidoo kalena aanan doonayn in aan wax sii burburiyo. Ilbidhiqsiyo gudahood, Hitler indhihiisa waxa ka soo socotay illin”. Nero iyo Hitler sawirkan waxa ay u egyihiin ilme yar oo laga qaaday wixii uu ku ciyaarayay, labadooda midna, cabsigelinta iyo gumaynta uma rabaan wax aan ahayn in ay meesha ka saaraan cadaadiska gudahooda ku jira.

Maqaal cinwaankiisu yahay “Arxandarradu waa Hubka Fulaynimada” waxa uu Montaigne sheegayaa in inta khibraddiisa ah uuu arkay, arxandarrada ku jirta qalbiga bani’aadamnimadu ka madhan tahay, ay haddana qalbigaas ku lammaantahay taagdarro. Xaaladdani waxa ay ku dhaboomaysaa sheekadii al-Iskandar, kelitaliyihii magaalada Feeraay. Ninkaasi awood uma lahayn in uu daawado goobaha dadka lagu ciqaabayo, isaga oo ka cabsanaya in dadku oohintiisa arkaan, haddana waxa uu si maalinle ah u ciqaabi jiray dad badan. Montaigne, waxa uu adkaynayaa in arxandarrada kelitaliyaha uu ku lammaanyahay werwer iyo walbahaar gudeed. Kelitaliyuhu waxa uu la daalaadhacaya cabsida uu ka qabo aargoosi ama xorriyadda laabaha dadka hurudda oo ku toosta. Waa xaalad u eeg tii uu ku jiray boqorkii Masadoon ee Filibkii Labaad, waxa uu go’aansaday in uu addoonsado carruurta dadkii uu dilay, si uu uga takhalluso oo uu nabad ugu noolaado. Waa nasiino aan qofka waxba u tarayn, sababtoo ah qofka kulayl badan baa gubaya. Fernando Arrabal buuggiisa “Farriin ku Socota Faraanko” kelitaliyaha uu la hadlayo waxa uu ku yidhi: “Waxa aan aaminsanahay in aad gude ahaan cadaabantahay, keliya qof bahdilan baa raba in uu dadka kalena bahdilo”.

Qaabka loo Sameeyo Kelitaliyaha

Kol haddii sida aynnu sheegnay kelitaliyayaashaasi cabsi badan iyo fulaynimo ku tilmaannaayeen, sidee ku heleen awoodda ay dad badan ku gumaysteen? La Boetie ayaa si fudud ugu jawaabaya: “Dadka u adeega”. Macnaha bulshada badan ee taagta daran ee u hooggaansan iyagoo haddana dhibban. Inkasta oo La Boetie madaxda u qaybinayo saddex: kuwo sida dadku rabaan ugu taliya, kuwo talada awood iyo hub kula wareega iyo kuwo talada dhaxla, haddana kelitaliyayaasha waxa awood siiya bulshada u hoggaansan, haddii bulshadaasi diiddo u hoggaansankiisana waa uu dhacayaa, oo taagdarradiisaa soo baxaysa. 

Marka dhinacan laga eego, eedda waxa leh qofka addoonnimada oggolaaday, ee maaha ka wax addoonsaday, sababtoo ah waxa uu ku xadgudbay xorriyaddiisa, waxaanu isku dhiibay dab marka xaabo lagu ridaba sii holcaya. La Boetie waxa uu qirayaa in xorriyadda oo looga tanaasulo kelitaliye ay furayso albaabo kale oo aan dhergin karin doonista kelitaliyaha. Waxa kale oo uu La Boetie ku doodayaa in bulshada oo madaddaalada iyo raaxada jeclaysataa fududaynayso in la gumaysto, kelitaliyuhuna arrinkaas aad u garanayo. Waa sababta Roomaanku u samayn jiray tobanaan xafladood iyo casuumado kala duwan, si marka shacabku raaxaysto ay ugu dhawaaqaan “ha noolaado boqorku”, balse bulshadu ma oga in raaxadaas koobani geeridooda dedajinayso, boqorkuna kusii dheeraysanayo talada. 

Qirashooyinka Oedipus ee ku jira masrixiyadda uu qoray Tawfiiq al-Xakiim, waxa uu leeyahay: “Bulshadu kuma nefisto in ay hesho doonisteeda, haddii ay heshana waxa ay ku dedaashaa in ay gacangeliso kelitaliye ay geesi u aragto oo ay samaysteen, rejadeeda oo dhanna u gacangaliyeen. Waxa la moodaa bulshadaasi dhibsanayso hanashada doonisteeda, oo aanay ilaashan karayn”. La Boetie waxa uu sheegayaa xaalado tan la mid ah, sida in bulshadu u murugooto dhimashada kelitaliye nolosha ku ciqaabay. Waa kuwii u ooyay dhimashada Qaysarkii Yuulyos, oo xeerarkii laalay, xorriyaddana ku tuntay, waa kuwii u ooyay geeridii Nero, oo wax kasta ku sameeyey, welina dhaqankaas baa taagan. 

La Boetie waxa uu u muuqdaa in uu ku talaxtagayo canaanta uu usoo jeedinayo bulshada, balse maaha canaan ku sal leh nacayb iyo liidid, ee waa canaan qof wax jeceli soo jeediyey, oo doonaya in uu qof badbaadiyo. La Boetie isaga oo canaantaas sii wada, waxa uu ku doodayaa in aanu kelitaliyuhu ahayn ka dhab ahaan xadgudubka samaynaya, balse bulshada oggolaatay ay xaqeeda ku xadgudbayso. Qofka ay sidan oo dhan uga cabsanayaan “waa qof la mid ah, oo leh laba indhood, laba gacmood iyo jidh kooda oo kale ah, oo aan haysan wax ka badan waxa mid ka mid ahi haysto”. Weliba, kelitaliyahaasi ma noqonayo mid laga cabsado ilaa dad isu dhiibaan oo uu ruuxdooda cabsida bulshada kale ku helo. 

Lagama maarmaannimada u Laabashada Baaqa La Boetie

18 bishii August, 1563-kii ayaa uu La Boetie geeriyooday, isaga oo aan da’diisu dhaafin 23 sano. Waa geeri uu Montaigne si weyn uga sheekaynayo, balse baroordiiqdiisa waxa ku lammaan raadka uu La Boetie ka tagay. Waa maqaal uu Montaigne ku tilmaamayo “farriin afkaar wanaagsan xambaarsan oo macno weyn leh”. Shan qarni ka dib qoraalka maqaalkan, waxa baahi weyn loo qabaa cusboonaysiinta baaqan. Inkasta oo ay xilli u gaar ah qoraaga, oo duruuf gaar ahi jirtay ay soo baxday, fasiraado kale duwan la saaray, dhinacyo kala duwanna loola kacay, haddana waxa la moodaa in ay xilligeenan ka hadlayso, sababtoo ah xorriyaddu sideedaba soohdin ma leh, sidaas darteed, farriintan ka hadlaysa addoonnimada la doorto, waa xasuusin ka hor inta aynaan u hoggaansamin kelitaliyaha. 

 

waxa madasha al-Maxadah ka soo turjumay Maxamuud Bulxan