Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Xilliga Xalane: Beesha Caalamka iyo Gobannimada Soomaaliya

23 May, 2024
Image
Xerada Xalane
Sawir meel ka durugsan laga qaaday Xerada Xalane ee Muqdisho (Sawirka: Sally Hayden)
Share

Soomaaliya ayaa horraantii bisha Meey 2024 dalbatay in albaabbada la isugu dhufto Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya ee UNISOM. Xafiiskan oo magaciisa iyo waajibaadkiisaba dhawr jeer la bedbeddalay, waxaa la asaasay bishii Abriil 1992, xilligaas oo dagaallo aad u qadhaadhi ay dhex marayeen Soomaalida, dowladdii militeriga ahaydna ay duntay. Gaajo gaadhay macaluul ayaa guud ahaan geyiga Soomaalida ka qaraxday, taas oo galaafatay dad badan oo Soomaali ah. Waxaa lagu asaasay qaraarka tirsigiisu yahay 751. Waajibaadka xafiiskani wuxuu xilligaa ahaa isku dubaridka iyo agaasinka gargaarka ay dunidu ugu gurmanayso dadka ay dagaalladu halakeeyeen. Kolkii qabqablayaashii Soomaalidu ay carqaladeeyeen gargaarkii bani’aadantinnimo, dagaallana ku qaadeen bakhaarradii kaydka ahaa iyo gawaadhidii gargaarka siddey, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu bishii Diinseenbar 1992–dii ansixiyey qaraar kale oo tirsigiisu ahaa 794. Kaas oo waddamada xubnaha ka ah u oggolaanaya inay isticmaalaan tallaabo kasta oo lagamamaarmaan u ah abuurista jewi suuragal ka dhigaya gurmadka gargaarka bani’aadantinnimada ah—taas oo micnaheedu ahaa in Soomaaliya laga xayuubiyey madaxbannaanidii dowladnimo, dal kastaana uu faragelin karo. Maalintaa tii xigtay, Madaxweyne Buush ayaa si cad u sheegay in ciidamada lugta ee Maraykanka ay ka hawlgeli doonaan Soomaaliya si ay u ilaaliyaan dadaallada caalamiga ah ee halkaa ka socda. Hawlgalkaas waxaa loo bixiyey “Hawlgalkii Reja-soo-celinta.”

Hawlgalkaasi wuxuu dhammaaday Bishii Maarij 4, 1993, kolkaa oo uu Maraykanku hoggaankii nabad ilaalinta dib ugu celiyey UNISOM. Wuxuuna dib Soomaaliya ugu soo noqday, isaga oo madax ka ah isbahaysi cusub oo caalami ah oo loo bixiyey Unified Task Force (UNITAF). Kaas oo ka kooban labaatan iyo afar dal. Ciidamadii shisheeye ee Soomaaliya joogey waxaa xilligaa lagu qiyaasay 37,000 oo askari. Askartaasi waxay ku kala sugnaayeen koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Haddii si kale loo dhigo, waxay gacanta ku hayeen 40% ka mid ah dhulka Soomaaliya. Hawlgalkaa oo hoggaankiisa ay isku warwareejin jireen Maraykanka iyo Qaramada Midoobay waxaa ujeedkiisu ahaa nabad–ilaalin iyo gargaar bani’aadantinnimo. Maarij 26, 1993, Golaha Ammaanka ayaa ansixiyey qaraar tirsigiisu ahaa 814, kaas oo, si waafaqsan Cutubka 7aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, dhigaya in la ballaadhiyo hawlgalka UNISOM oo lagu daro dib-u-soo-celinta dowladnimadii iyo kala-danbayntii Soomaaliya. Soomaaliyana waxaa loo aqoonsaday dal aan dowladi ka jirin oo maamulkiisa la hoosgeeyey Qaramada Midoobay. 

Ka dib, dagaallo badan oo dhex maray iyaga iyo Soomaalida, ciidamadaasina, ugu danbayn, way iskaga baxeen dalka. Maalintaa ilaa maanta waxa is beddelayey waxay uu ahaa dalalka ay ciidamada shisheeye ka kala socdaan, balse siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo talo ahaanba waxaa hoggaaminayey Qaramada Midoobay. AMISOM oo Midowga Afrika ka socota, maaliyad ahaan iyo talo ahaanna hoos yimaadda Qaramada Midoobay oo dalka ku sugnaa ilaa 2007 waxaa loo beddelay ATMIS.  Ciidamada ATMIS oo dabayaaqada sannadkan 2024 la filayo inay baxaan waxaa la hadalhayaa in lagu beddeli doono ciidamo cusub oo ka kala socda waddamo cusub, magac kalana wata! Kuwaas oo sidii caadada ahayd Qaramada Midoobay laga soo ansixin doono. Hawlagalkaasina wuxuu bilaaban doonaa sannadda 2025.

Sababta ugu weyn ee faragelinta shisheeye ay hadba weji u yeelanaysey waxaa lagu sheegi karaa fashil-ka-carar iyo dhuumasho dhabarku muuqdo. Sida muuqata caqabadaha tirabbeelka ah ee ka hor imanayey waxaa lagu xallinayey magac beddel iyo qaraar cusub. Sidaa ayay Soomaaliya ugu dhacday gacanta Beesha Caalamka oo xaruntoodu tahay Xerada Xalane. Xorriyaddii Soomaaliya heshay 1960-kiina sidaas ayay ku lumisay. In dib loo hanto dhawaanahanna ma aha wax suuragal ah, marka la dhugto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, in kasta oo Soomaaliya codsatay in la xidho xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Balse waxaa is wayddiin mudan ma isku filan yihiin Soomaalidu?

Xidhitaanka xafiiskaasi wuxuu Soomaaliya u leeyahay dhib iyo dheef isku dhafan. Soomaaliya isku ma filna, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Mana jiro dadaal muuqda oo muujinaya jidkii lagaga bixi lahaa ku-tiirsanaanta shisheeyaha. Caqliga dadka talada hayaana ma gaadhsiisna inay Soomaaliya ka saaraan marxaladda ay marayso. Tusaalaha ugu yar ee aynu soo qaadan karnaa waa in shisheeyuhu yahay cidda keliya ee maaraysa khilaafaadka siyaasiinta Soomaalida ee kolka ay is qabtaan wada hadalsiisa, isla markaana heshiisiisa—xitaa haddii aanay doonayn inay heshiiyaan. Nasiibdarro iyo nasiibwanaag kii ay noqotana, u hanjabta cidda ka dhega’adaygta hadalladooda. Sidaa daraaddeed, haddii la isu daayo Soomaalida waxaa ka dhalanaya ba’ iyo balanbal aan ka yarayn kii dhacay 1991-kii. Faa’idada uu lahaan karo go’aankani, dhanka kale, waa in Soomaalida laga daayo faragelintii lagu hayey arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Tallaabadaas oo Soomaalida fursad u siinaysa inay aayahooda si dhab ah uga tashadaan oo aanay isku hallayn shisheeyaha iyo dowladnimada ay taageeraan ee hoosaasinaysa. Taas oo ugu danbayn keeni karta in la helo kacdoon weyn oo lagu xaqiijinayo dowladnimo buuxda. Hasayeeshee, faa’idadan si fudud lagu ma heli karo muddada dhow. Waxaana ka sokeeya caqabado badan oo aan si sahal ah looga gudbi karin.

Dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, waxaa Soomaaliya hagayey shisheeye aan ujeedkoodu caddayn. In kasta oo lagu guulaystay in Soomaaliya laga hirgeliyo dowlad magacuyaal ah, taas oo Soomaalidu ku loollanto, marna isku layso,  waxaa maragmadoon ah in Soomaaliya looga talliyo Xerada Xalane. Beesha Caalamka oo fadhigooda rasmiga ahi iminka yahay Xerada Xalane ayaa Soomaaliya laga maamulayey dhawr iyo soddonkii sanno ee ugu danbeeyey. Halkaas ayaa lagu qorsheeyaa, laguna dejiyaa arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda. Madaxda sida maqaarsaarka ah uga talisa Soomaaliyana halkaas ayaa ajandayaasha siyaasadeed looga soo yeedhiyaa. Cidda siyaasiinta Soomaalidu u qabsoontaa ee la xisaabtantaa waa iyaga. Cidda xallisa murannadooda madhalayska ah ee qasab ku wada hadalsiisaa waa iyaga. Cidda u sheegta meelaha ay xoogga saarayaan iyo shaqooyinka looga baahan yahay inay qabtaan waa iyaga. Iyaga ayaa dalka maamula si toos ah iyo si dadbanba. Iyaga la’aantoodna lama soo gaadheen halka la taagan yahay, taas oo nasiibdarro iyo nasiibwanaag, labadaba, noqon karta. Dabarka isku haya Soomaalida ee kolba isu soo dabbaalaa waa Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xerada Xalane. 

 

Sooyaalka dhow ee Soomaaliya wuxuu lahaa shan xilli oo mid kastaa lahaa waayihiisa u gaarka ah: xilligii gumaysiga; xilligii wasaayadda; xilligii dowladaha rayidka ahaa; xilligii kacaanka. Shantaa xilli mid kasta waxaa socday halgan ay dadka Soomaaliyeed hormuud ka ahaayeen oo ay doonayeen in xaaladdaa lagu jiro lagaga baxo, dadka la samatabbixiyo. 

Balse xilligani waxaa uu kaga geddisan yahay jiritaan la’aanta dadaal ku aaddan ka gudbidda marxaladda haatan lagu jiro. Xitaa laguma baraarugsana xilliga la marayo iyo waxa uu u baahan yahay. Dowladnimo maqaarsaar ah ayaa daymada lagu korinayaa, rejana laga dhawrayaa!

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad u muuqata gumaysi cusub. Xilliga Xalane—Xalane oo xeradan loogu magacdaray wuxuu ahaa geesi Soomaaliyeed oo calanka iyo ciidda Soomaaliyeed u godgalay—waa guyaal ku suntan gedgeddoon iyo jahawareer siyaasadeed. Kaas oo ka dhashay kolkii ay Soomaalidu ku heshiin waayeen talada dalka, iskuna dileen in Qaramada Midoobay farageliso, lana wareegto taladii dalka. Waa xilli Soomaaliya ay gacanta ugu jirto Beesha Caalamka. Kuwaas oo leh xumaan iyo samaan wixii dhacayey sannooyinkii la soo dhaafay. Xilligan waxaa loo qaybin karaa laba marxaladood. Marxalad ay, guud ahaan, maamulka dalku hoos imanayey Qaramada Midoobay, iyo marxalad haatan lagu jiro oo ay daaha gadaashiisa ka maamulaan dalka. Marxaladdan danbe, talada dalka waxaa qayb ahaan leh Soomaalida loo doorto madaxnimada dalka. Waxaana la soo farageliyaa kolka la arko inay la anbadeen masuuliyaddii loo igmaday.

Ma jirto guul laga gaadhay geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya. Dalkuna wuxuu ku sugan yahay xaalad silloon oo u dhaxaysa dowlad iyo dowlad la’aan–maamul maqaarsaar ah. Dowladnimadaa kabkabka ah ee labada dhinacba–Soomaalida iyo Beesha Caalamku— aanay daacadda ka ahayn, lagama filan karo wax ka badan tabtaa ay maanta tahay ee aanay jirin haayado dowladeed oo dhismay dhowr iyo soddonkaa sanno. Hannaanka loo maray dibudhiska Soomaaliya, haba yaraatee, ma ahayn hilin toosan oo ku ridaya yoolkii la doonayey, waa haddiiba yool jiray e. Eeddaas Beesha Caalamku ma laha ee Soomaalida ayaa tuurta ku qaadanaysa oo iyagaa dayacay kaalintii kaga aaddanayd aayahooda. Sida muuqatana, masuuliyaddii ka saarnayd dalkooda ayay u igmadeen cid aanay waxba ka gelin. Waxaana ayaandarro ah in ilaa maanta ay Beesha Caalamku tahay cidda keliya ee danaynaysa, isla markaana dabada ka riixaysa, dowladnimada Soomaaliya. Haddii maanta ay Beesha Caalamku joojiso taageerada dhinacyada badan leh ee ay Soomaaliya siiso ee Ciidamada ATMIS ka midka yihiin, waxaa Soomaaliya ka dhacaysa sidii ka dhacday Afganistaan oo u gacangashay kooxaha Islaamiyiinta ah. Dhawaanahan waxaa muuqda ifafaale muujinaya inay xoogaysanayaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama dalka.

Soddon sanno ayaa lagu meeraysanayey giraantaa. Si kasta oo kumannaan ciidan u joogaan Soomaaliya, dhaqaale badanna loogu bixiyo, waxaa masuurtowdo noqotay dowladnimo ka hirgasha Soomaaliya iyo nabad lagu noolaado.   Ciidamo baxa, marna soo gala, iyo xafiis la xidhaa xal waara uma noqon karaan arrimaha isku murugsan ee ku xeeran dowladnimada Soomaalida. In kasta oo ay u badan tahay in aan la xidhi doonin xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya oo keliya la dhimi doono waajibaadka uu iminka ku hawlgalo. Run ahaantii, in nabad iyo dowladnimo la helaa waa wax ku xidhan Soomaalida ee ma aha shaqo u taalla adduunka. Ilaa inta laga helayo Soomaali u diyaar ah arrinkaana waxaa la taagnaan doonaa bartaa la taagan yahay.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Gumaysiga Cusub ee Afrika

Aragti

Maxaynu Qornaa!

Aragti

Lacagta iyo Sicirbararka

Buug

Falsafadda Dagaalka