Friday 22 November 2024
Somaliland xeerarkeedu way dhawrayaan xorriyadda saxaafadda. Laakiin madaxdeedu way ka dul tallaabsataa.
Kolkii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, bishii Meey 1991, qodobbada ugu waaweyn ee dadka maankooda ka guuxayay ee cid kastaa u heellanayd waxa ka mid ahaa in laga raysto kelitalisnimadii iyo cabbudhiskii xadhkaha goostay ee uu Soomaalida baday taliskii Siyaad Barre. Ra’yiga in si xor ah loo cabbiro, in qofku xilliga uu doono seexdo ama soo tooso, in dadku isu iman karaan marka ay doonaanna kala tegi karaan, in qofku aanu u werwerin shaqadiisa iyo mushaharkiisa haddii uu sheego ama ka fekero wax madaxdiisu diiddan tahay. Waxay u ekayd in qof kastaa haabka ku hayay sidii uu mar uun uga dhabayn lahaa meerisyadii Cali-Dhuux Aadan ee, “hadalkii la tuugaysan jiray waa ka togannaa dheh / ninna i ma taxaabee anaa tay ku meel mara!”
Hasayeeshee marar badan waxa muuqata in dhabbaha cidda talada haysaa qaaddaa uu lid ku yahay kii loo hanqal taagayay. “Somaliland si qunyar-qunyar ah ayay u dib ugu gurmaysaa, taas oo sahashay in talamaroorsigu ku baaho oo liqo haayadihii dawladda,” ayaa lagu yidhi warbixinta xaaladda xuquuqda insaanka ay ka soo saarto Xarunta Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Insaanka ee Hargeysa, oo si sannadle ah uga soo warranta xadgudubyada xuquuqda insaanka—oo ta saxaafadduna ka mid tahay—ka dhanka ah ee Somaliland ka dhaca.
Warbixinta xaruntan ee cusub, oo khusaysa sannadkii tegay ee 2023, oo keli ah haddii aynu ka duulno, waxaynu ka marag kacaynaa odhaahdaa gogoldhigga warbixinta lagu dhigay. Cadaadiska iyo duudsiga ka dhanka ah aragtida sida furan loo cabbiro, oo ta saxaafadduna ka mid tahay, waxa ka muuqata janjeedhsi loo jandheedhsamay mid ka mid ah talamaroorsiyada qallafsan oo aan ahayn wixii shacabku niyadda ku hayay.
Dastuurka Somaliland qodobkiisa 32(3) wuxuu dhigayaa: “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi-dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabbudhinayo.” Sidoo kale, Xeerka Saxaafadda (Xr. 27, 2004), ayaa sii faahfaahinaya waxyaabaha reebban in lagula kaco saxaafadda; Qodobka 3 (farqadaha b iyo c) wuxuu dhigayaa: “saxaafadda cabbudhin lagula ma kici karo; waxa reebban wax kasta oo loo qaadan karo faafreeb (censorship).” Isla qodobkan (farqaddiisa a) waxa ku xusan: “Xorriyadda saxaafadda waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday dastuurka…waxayna ixtiraam iyo xushmad ka mudan yihiin dalkan Somaliland.”
Haddaba, kolka aynu seeskaa adag eegno, waxa la filanayaa in loo hoggaansamo oo la dhaqangeliyo. Xarunta Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Insaanku waxay diiwaangelisay in, sannadkii 2023 oo keli ah, gudaha Somaliland lagu xidhay 19 weriye, oo aan wax amar maxkamadeed ah loo haysanin. Sannadkii ka sii horreeyay ee 2022, waxa tiradaasi ay ahayd 48 saxafi, halka sannadkii ka horreeyay ee 2021 ay tirada saxafiyiinta ah ee la xidhay ay ahayd 19. Saxafiyiintaa la xidhay sannadkii 2023, waxa laga maxkamadeeyay weriye keli ah oo lagu qaaday Xeerka Habka Ciqaabta oo ka mid ah xeerarka ay Somaliland ka dhaxashay nidaamkii kelitaliska ahaa ee qudhiisu ka dhaxlay gumaystihii dalka.
Sidoo kale, muddadii la hurinayay colaaddii Laascaanood, xukuumadda Somaliland waxay soo saartay go’aan ku xadgudbaya dastuurka iyo xeerka saxaafadda u yaalla, iyo sidoo kale xeerarka caalamiga ah oo dastuurku dhigayo in uu waafaqsan yahay. Wasaaradda Warfaafintu waxay dabayaaqadii bishii kowaad ee 2023 soo saartay go’aan ay ku faafreebayso in saxaafaddu ka soo warranto ama ra’yi-ururin ka samayso xaaladda Laascaanood. Qiilka ugu weyn ee war-saxaafadeedka Wasaaraddu arrintaa u maraysay wuxuu ahaa in la adkeeyo “midnimada umadda,” lana ilaaliyo “jiritaanka qarannimada,” iyo in aan “looga sii darin” xaaladda. Hasayeeshee, sida Xarunta Madaxa Bannaani ku warbixisay, amarkani wuxuu u jid banneeyay xukuumaddu in ay gebi ahaanba saxaafadda madaxa bannaan ka xarrinto in ay arrintan ka warramaan, isla markaana ay ka mamnuucdo in ay helaan xogta sugan ee ay dhankooda uga baahdaan (arrinkan oo ka hor imanaya Xeerka Saxaafadda, qodobbadiisa 3aad iyo 8aadba).
Xaruntu waxay sidoo kale warbixinteeda ku dartay in cabbudhintan xeeladaysan saxaafadda loogu geysto iyadoo lagu qaadayo xeerar aan saxaafadda iyo warbaahinta toos ula xidhiidhin, sida waxa lagu sheego “dacaayad ka dhan ah qaranka” oo uu dhigayo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo laga adeegsado maxkamadaha Somaliland.
Sidoo kale, sannadkii u danbeeyay waxa soo kordhay in markii kowaad taariikhda Somaliland ay dhacday in qof saxafi ah la horgeeyo Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida. Sida Dastuurka Somaliland dhigayo, “Maxkamadaha ciidamadu waxay gaar u yihiin dhegaysiga dembiyada ciqaabta ee lagu oogo xubnaha ciidamada Qaranka, xaaladaha nabadda iyo dagaalkaba.” Horraantii sannadkan 2024 ayaa, haddaba, Maxamed Cabdi “Ilig” oo maamula telefishanka MM Somali TV, la horgeeyay maxkamad militari oo ku taal Hargeysa. (in kasta oo kolkii danbe Kuxigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee SL uu soo saaray go’aan burinaya in la horgeeyo maxkamad ciidan, aakhirkiina bil ka dib xorriyaddiisii loo soo celiyay).
Horraantii sannadkan, markii Somaliland iyo Itoobbiya ay kala saxeexdeen is’afgaradka badda, ayay dawladdu goosatay in ay cabbudhiso warbaahinta si aan wax duwan looga sheegin ama aan loo faaqidin nuxurka heshiiskan hordhaca ah (oo ilaa hadda aan dadweynaha iyo golaha barlamaanka toona la hor geyn si loo arko qodobbada uu ka kooban yahay). Taa awgeed, ayay xukuumaddu u xidhay afar weriye oo uu Maxamed-Ilig ka mid yahay (saddexdii kale waqti yar gudihii baa lagu soo daayay, Maxamed se muddo ayaa la sii haystay), xarunta telefishanka MM TV-na inta xoog lagu galay iyadoo kamaraduhu duubayaan ayaa hawlwadeennadii lagu qasbay in ay wareejiyaan qalabka, si loo joojiyo dood ay warbaahintani ku qabatay barta X/Twitter oo ku saabsanayd faa’ido iyo khasaare waxa is’afgaradkan ku jira. Isla maalmahaa, waxa Berbera lagu xidhay weriye ka hawlgelayay telefishanka Horyaal TV iyada oo eed looga dhigay qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay, taas oo tirada saxafiyiinta ee bishii Jeenaweri oo keli ah la xidhay ka dhigaysa shan.
Sannadkii 2022, dadka feker ay cabbireen loo xidhay waxa lagu diiwaangeliyay 278 qof, oo saxafiyiin, dad bannaabaxayay iyo xubno xisbiyada mucaaradka ah isugu jira. Waxyaabaha maadda leh waxa ka mid ah, xarumaha warbaahinta ee shaqada laga joojiyay waxa ka mid ah telefishanka CBA TV, oo xukuumaddu ay sheegtay in uu jebiyay “qodobka 45aad” ee Xeerka Saxaafadda. Laakiin, xeerkan saxaafadda ee ay tixraacaysaa gebigiisuba waa 32 qodob, oo ma laha “qodobka 45aad!” iyo ka 33aad midna!
Ururka caalamiga ah ee Saxafiyiinta aan xuduudda lahayn (Reporters sans frontières) wuxuu Somaliland ku tilmaamay “dawladda sida ugu daran u cadaadisa saxafiyiinta.” Waxayna xukuumadda Somaliland muujisataa “in aanay dulqaad u lahayn doodaha siyaasadeed iyo isweydaarsiga fekerka,” sida uu hoosta ka xarriiqayMuthoki Mumo oo Guddiga Ilaalinta Saxafiyiinta (CPJ) u qaabbilsan mandiqadda Afrikada Saxaaraha ka hoosaysa. Taasna waxa keenay, ayuu ururka Saxafiyiinta aan xuduudda lahayni ku daray, xadhigga iyo handadaadda isdabajoogga ah ee weriyayaasha iyo haayadaha warbaahinta loo geysto oo, sida Xarunta Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Insaanku sheegtay, “sannadba midka ka danbeeya ka sii daraya.”
Maanta oo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda, waxa habboon in aynu isku baraarujinno, masuuliyiinta Somaliland ka talisana aynu xasuusinno, sida uu Xeerka Saxaafadda Somaliland-ba dhigayo, gartana ah, saxaafaddu denbi ma aha! Waxana qumman in cidda talada haysaa ay u hoggaansanto shuruucda khusaysa dammaanadqaadka ra’yi-cabbiridda iyo xorriyadda hadalka iyo warbaahinta, ayna ogaato in aanay sumcaddeeda iyo danta dawladnimada toona u fiicnayn cagajuglaynta iyo cabbudhisku.