Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Geerida Ma La Dhadhamin Karaa?

28 October, 2024
Image
‘waaya-aragnimada geerida agteeda – Near Death Experience.
Sawirka: ‘waaya-aragnimada geerida agteeda – Near Death Experience. (Istock, Getty Images)
Share

Geeridu waxa ay ka mid tahay siraha ugu adag uguna yaabka badan ee aanay dadku ka gungaadhin intii ay jireen, si kaste oo ay aqoontooda iyo waaya-aragnimadoodu u horumaraan. Sidaa awgeed, kama ilbaxaan yaabkeeda iyo cabsideeda, oo mar kaste oo ay soo foodsaarto asbaabta geeridu waa kuwii argagaxa, haddii ay haleesho qof ay garanayaan ama u dhawna waxa ay ku saameeshaa cabsi iyo murugo. Dadka qaar waxa ay yidhaahdaan cabsi oo dhani waxa ay ka dhalataa geeri oo wax kaste oo uu qofku ka cabsado waxa ku lammaan cabsida geerida, si uu dareemi karo iyo si aanu dareeminba. Metalan, cabsida uu qof ka qaado goobta dagaalku waa mid toos ah oo uu geerida ka cabsanayo, laakiin cabsida uu ka qabo in uu jacaylkiisa waayaa waa mid aan toos ahayn; maaddaama oo ay maskaxdiisu isku lammaaneysay naftiisa iyo qofka uu jecel yahay, waxa uu dhab ahaan ka cabsanayaa waa keliyoobid, sida uu qof kaste uga cabsado xaaladaha wehel la’aanta iyo cidlada oo u nugleeya sababaha geerida. 

Geeridu waa sir aad u weyn sababta oo ah lama tijaabin karo. Haddii la tijaabiyana lagama soo warrami karo. Waa dalluun gun dheer oo mugdi ah oo aan juuq iyo jabaq lahayn oo ciddii ku shalwataa aanay warbixin ka soo celin karin. Sidaa awgeed, waxa keliya oo fasiriddeeda looga dambeeyay diimaha, intii ay aadanuhu jireenba. Diimaha ayaa ka warrama waxa ay geeridu tahay, sida ay u dhacdo iyo waxa ka dambeeya dhimashada. Maaddaama oo aanay aadanuhu isku wada diin ahayn, lagama sinna in badan oo ka mid ah sida loo macneeyo iyo aragtida laga haysto.

Kolka la joogo caafimaadka ama guud ahaan aqoonta baayolojiga, dhib badani kama taagna qaabka ay dhimashadu u dhacdo. Si fudud, dhimashadu waxa ay ka soo horjeeddaa nolosha. Habka ay noloshu ku socoto oo ah ‘wada-shaqeynta xubnaha iyo hababka jidhka’ ayaa isu roga hawl-gab iyo wada-shaqeyn la’aan. Tusaale ahaan, waxa hawl-gab dhammeystiran galay wadnaha, sambabka ama jirridda maskaxda, ama sabab kaste oo kale oo ugu dambeyn lumin doonta wada-shaqeynta xubnaha seeska u ah nolosha. Xubin kaste kolkii ay waydo oksijiin waa ay sirirtaa, ka dibna dhimataa, haddii ay xaaladdaasi jidhka ku baahdana qofka ayaa dhinta. Qof dhintay, si fudud, waa qof ay xubnihii muhiimka ahaa ee jidhkiisu joojiyeen wada-shaqeyntii iyo is-quudintii nafaqo iyo iska-warhayntii dareen. Sidaa darteed, waxa shuruudaha dhimashada ee ugu muhiimsan ka mid ah in aanu qofku miyir ahaan soojeedin lana kicin karin, in aanu wax neefsi ah lahayn iyo in aanu wadnihiisu wax garaac ah sameynayn. Dhakhaatiirtu waxa ay ku hubiyaan in bu’da labada indhood ee qofku u ballaadhatay si joogto ah, arrintaas oo muujinaysa in jirridda maskaxda oo ah qaybta xukunta xubnaha aasaasiga ah isla markaana ah qaybta maskaxda ee ugu adkaysiga badani ay dhimatay. Kolkaas, qofku waa uu dhintay, si guud. Ha se ahaato e, xubnihiisa jidhku waxa ku socota dhimasho socon doonta in muddo ah. Qaybtan dambe kolkii la eego, dhimashada jidhku ma aha wax hal mar wada dhaca. 

Xubinta maskaxda ayaa haddaba ah tan ugu yaabka badan; waa midda ay ku arooraan kana soo fulaan dhammaan dareennada ku saabsan geerida iyo wax kaste oo kale. Waa xubinta ka masuulka ah cabsida laga qabo dhimashada, fahanka iyo macneha laga haysto dhimashada oo xitaa marar go’aamin karta in uu qofku doorto ‘dhimasho’ – nafhurnimo halgan iyo isdilka la xidhiidha xaaladaha dhimirka. Weyddiinta ugu weyni kolkaa waxa weeye ‘sidee ayaa uu dareemaa qofka dhimanayaa? Sidee ayaa uu se uga baxaa nolosha?’ Si kale, ‘Sidee ayaa geerida loo dhadhamiyaa?’ Waa weyddiimaha aan marna la tijaabin karin, maaddaama oo aanay jirin cid dhimatay oo warrantay. 

Quus ayaa weligeed laga joogay in uu qof dhintay innoo warramo. Ha se ahaato e, qof dhiman gaadhay ma laga warreystay? Qofka gaadhay marxalad wax badan la wadaagta dhimashada, haddana ka soo waabtay! Tusaale ahaan, qof uu wadnuhu istaagay, ka dibna uu jidhkiisa oo ay maskaxdu ku jirtaa uu waayay oksijiinta oo ay ka joogsadeen; garaacii wadnaha, neefsigii iyo dareenkii maskaxda ee baraarugsanaantu. Waa xaalad adag oo ay tiro aad u yari ka soo kabtaan. Dadkani waxa ay arkeen ugu yaraan, wax badan oo geerida ka mid ah, haddii aanay tijaabinba waaya-aragnimada dhimashada oo dhan. Kolkaa, dadkan laga warreystay, waxa ay ka warrameen dhacdooyin ay arkeen oo wadartooda loo bixiyay ‘waaya-aragnimada geerida agteeda – Near Death Experience. Dad badan oo xaaladdan maray ayaa waxa ay ka warrameen wixii ay ku arkeen geerida duleedkeeda. Dhab ahaan, waa waxa laga yaabo in uu qof kaste dareemo aminta uu dhimanayo. Waaya-aragnimooyinka dadkani waxa ay isugu jiraan dareenno dhawr ah oo ay ka mid yihiin; xaalad degganaan buuxda ah oo ay qofka is daayaan cabsida iyo xanuunka, dareen ku saabsan in uu qofku ka dhex baxayo jidhkiisa oo uu kor uga kacayo isaga oo raacaya ileys yar oo uu mugdi ku meersan yahay (dalool iftiin ah), iyo in ay dib isugu soo noqdaan jidhkiisa, kolkii ay dib u noolaanayaan (ee uu wadnuhu dib u shaqeeyay). Dadka qaar ayaa sheegay in ay dusha ka soo eegeen jidhkoodii oo ay wadwadaan dad nolol ka sugayaa, sida adeegeyaal caafimaad, in ay arkeen dad iftiin ah oo aanay hore u arag, iyo in ay dib u daawadeen noloshoodii oo dhan. 

Sheekooyinkan oo daraasooyin door ahi ka soo shaacbaxay, waxa ay noqdeen waaya-aragnimada ugu dhaw ee ay dad kaga soo warrameen geerida ama sida aan hore u tilmaannay, duleedka geerida. Waxa ay arrintani noqotay xog la yaab leh oo ay ciddiba meel ula kacday; in badan oo ka mid ah dhacdooyinkan waxa ay is waafaqeen fasiraadaha diiniga ah qaarkood. Waxa lagu dooday in waxa kor uga kacaya jidhku ay tahay naftii ku jirtay (ruuxdii), dadka uu qofku la kulmayo waxa ay qaar ku macneeyeen malaa’iigtii … inta kalane sidaas oo kale ayaa loo macneystay.  Bulshooyinka ku tiirsan cilmiga, iyagu waxa ay isku dayeen in ay sii qodaan una raadiyaan fasiraad aqooneed oo lagu fahmi karo dareennada qofka iyo waxyaabaha uu arko kolka uu dhimanayo. Iyada qudheeda meelo kala duwan ayaa loo la kacay; kasmo nafeedda, shaqada iyo hab-dhiska maskaxda, sooyaalkii korriin ee qofka (tadawur) iyo aragtiyaha bulsheed ee qofka ayaa intaba fasiraad laga raadiyay. Waxa la isku raacsan yahay, sida aan kor ku tilmaannay, in maskaxdu ay tahay xubinta innoo macnaysa wax kaste oo ay dareemeyaasha waaweyni u gudbiyaan sida aragga, maqalka, urta iyo dhadhanka ama taabashada iyo wax kasta oo ay u gudbiyaan dareemayaasha dahsoon oo intaa xog ku guraya maskaxdeenna sida kuwa joogtada ugu gudbinaya cadaadiska dhiigga, heerka maaddooyinka kimisteri ee jidhka iyo iwm. Ma aha, keliya, in maskaxdu ay macneyso xogta loo gudbiyo e, waxa kale oo la og yahay in ay abuuri karto xog jeebkeeda ah oo ay xaaladaha qaar hordhigi karto qofka xaqiiqooyin ismoodsiis ah. Tusaale, qofku waxa uu arki karaa, maqli karaa, aamini karaa ama si kale u dareemi karaa waxyaabo aan sal iyo raad ku lahayn dunida ka baxsan maskaxdiisa. 

Weyddiinta dhextaalka ahi, mar kaste, waxa weeye; maskaxdeennu maxaa ay sameyn kartaa xilliyada aan waajahno khatarta lama-xammilaanka ah? Xaaladaha ay khatari jirto, waxa ay maskaxdeennu sameyn kartaa falcelinno kala duwan, heer ahaan iyo ujeeddo ahaanba. Metalan, waxa ay inna dareensiisaa xanuun, werwer iyo cabsi, si uu qofku u qaato falcelin uu kaga hortagayo halista sida in uu addinka la baxsado, in uu goob ka baxsado ama in uu isu diyaariyo dagaal. Haddii aanu qofku wax falcelin ah oo ‘samatabax’ ku saabsan sameyn karin, waxa ay maskaxdu ka shaqeysaa dejinta xaaladda. Metalan, haddii uu qofka ku yaallo dhaawac culus oo aad u xanuun badan waxa ay maskaxdu sii daysaa dheecaanno kiimikeed oo xanuun-biiye ah, waxa ay ka shaqeyn kartaa in ay qofka miyirkiisa dhaafiso xaaladdan culus ee uu ku jiro oo ay dafirto ama ay geyso xaalad dareen oo ka wanaagsan midda uu dhab ahaan ku jiro. Waxa aan in badan aragnaa qof qaba dhaawac lafo jab ah oo xanuunka uu dareemayaa ka yar yahay midkii laga filayay, qof uu ka dhintay qof qaali ku ahaa oo diiday in uu aqbalo warkaas, iyo qof xaalad caafimaad oo culus ku jira oo bilaabay in uu ka warramo wax aanay la arkayn dadka ku meersani. Waxaas oo dhan, iyo in kale oo daraasooyin lagu wadaba, waxa sameysa maskaxdeenna iyada oo ka jawaabaysa ama ku shaqeynaysa duruufaha kala duwan ee culeyska ah – stress.

Haddaba, kolka uu qofku dhimanayo waxa suuragal ah in ay maskaxdu ka damiso dareenkii cabsida ee argagaxa lahaa, waxa suuragal ah in ay dib ugu daarto diiwaankii noloshiisa, waxa suuragal ah in ay xaaladda adag ugu beddesho jamashooyinkiisii iyo muuqaalladii uu ka haystay nolosha geerida ka dib, waxa suuragal ah in ay waqtiga iyo goobtaba ka beddesho si uu dareen ahaan uga sara-maro xaaladdiisa jidheed ee rafaadsan, waxaana suuragal ah in ay tusto muuqaallo iyo dareenno kale oo cusub. Waxaas oo dhan waxa ay maskaxdu uga dan leedahay in ay sida ugu sahlan ee ugu nabdoon ku dhaafiso qofka xaaladda ugu adag ee uu mari karo oo ah dhimashada, sidii uu aaminsanaa intii uu noolaa. Arrintani waxa ay daaran tahay weyddiin ah ‘ma laga yaabaa in ay maskaxdu ka shaqeyso in uu qofku u dhinto si naxariis leh – euthanasia oo laga yaabo in ay fasirayso waxyaabo badan oo uu qofku arko ama dareemo aminta uu dhimayo?’ Mise waxa ay tahay natiijo ka dhalatay khalkhalka ‘maskax sakaraadaysa’? Dadka qaar ayaa dhankooda ku macneeyay in amminta dhimashada ay maskaxdu u naqtiinto qofka xaaladdii dhalashadiisa oo ay ka saarto dhabbadii ilmo-mareenka ee cidhiidhiga ahayd, una gudbiso duni ay ka buuxaan muuqaallo cusub iyo cid cusub, sida dunida uu soo galo ilmaha dhashaa. Si kasteba ha ahaato e, dhimashadu waa waaya-aragnimada u sirta iyo mugdiga badan, maskaxduna waa xubinta kaalinta ugu weyn ka ciyaarta qaabeynteeda. Geeridu waa sir aan si buuxda loo tijaabin, loona tijaabin karin, ilaa hadda, waaya-aragnimada geerida agteeduna ma aha biyo-kama-dhibcaan, laakiin waa bidhaamin wax laga saadaalin karo, qofka xaaladdaa marana la iskuma raacsana in uu geeri dhadhamiyay iyo in uu geeri nuskeed dhadhamiyay, kollay se wax ka dhadhami.