Skip to main content

Friday 20 September 2024

Feker

Hadyaddii Dawadhaqameedda Shiinaha

31 March, 2024
Image
Youyou
Sawirka: Marwo Youyou Tu oo ku jirta hawsha shaybaadhka
Share

Sida bulsho kasta oo dunida ku nooli u leedahay caadooyin iyo dhaqamo uu facba fac u soo gudbinaayay, ayay sidoo kale u lahaayeen dawadhaqameed guun ah oo ay kula tacaalaan qofkooda uu xanuun gudeed ama dhaawac jidheed haleelo. 

Wax uu aadaamuhu ku soo tamariyo qaabkaasba, waxa la soo gaadhay in caafimaadka iyo dawooyinkaba si cilmi (Scientific) ah loo barto, la iskuguna daweeyo, taas oo meesha ka saartay ku-tiirsanaantii dawadhaqameedda in badan oo ka mid ah dunida. 

Haddaba, dalka Shiinaha oo hodan ku ah dawadhaqameed qarniyo badan dadkiisu isu soo gudbinayeen, ayaa kontamaadkii qarnigii hore bilaabay mashruuc dawadhaqameeddooda lagu diraasaynayo. Sidaa awgeed, waxay hindiseen mashruuc loogu kuurgalayo dawadhaqameedda, iyada oo laga faa’idaysanayo aqoonta casriga ah ee caafimaadka. Cilmibaadhayaal caafimaad ayaa la siiyay tababarro iyo aqoon ku saabsan dawadhaqeeddooda, halka taa beddelkeedana dadkii aqoonta u lahaa dawadhaqameeddana la baray casharro ka mid ah aqoonta caafimaadka ee casriga ah. Arrintan ayaa looga dan lahaa in la horumariyo guud ahaan nidaamka dawaynta ee Shiinaha, taas oo loogu yeedhi karo ‘Saynisaynta dawaqadhameedda’. 

Waa halkaas barta ay ka soo baxayso marwo To Youyou, oo ku guulaysatay in ay dawadhaqameedda Shiinaha ka soo dheegto dawada ugu fiican ee cudurka duumada lagu dabiibo. 


Bilawgii Nolosheeda iyo Waxbarashadeedii

Magaalada Ningbo oo ku taalla xeebta bari ee Shiinaha ayay To Youyou ku dhalatay sannadkii 1930-kii. Qoyskeeda oo sooyaal ahaan ahmiyad weyn siin jiray waxbarashada carruurta awgeed, To Youyou waxay fursad u heshay inay ka looxjiidato dugsiyada ugu fiican ee gobolka, ilaa laga soo gaadhayay sannadkii 1946-dii, markaas oo xanuunka Qaaxadu haleelay. Sababtaas awgeed ayay laba sanno uga hadhay dugsigii, oo ay daawada qaaxada guriga ku qaadanaysay. 

Intaa ka dib, 1948-kii kolkii ay soo kabatay waxbarashadeedii ayay halkii ka sii ambaqaadday. Dugsiga sare ayay bilawday, muddo saddex sanno dabadeed ahna waa ay ka qalinjabisay. Xanuunkii ku dhacay awgii, marwo To Youyou waxay go’aansatay inay caafimaadka dhigato. 

“Haddii aan barto isla markaana aan yeesho xirfad caafimaad, kaliya maan ilaalin lahayn bedqabka naftayda, ee sidoo kale waxaan dawayn lahaa bukaanno kale oo badan” ayay tidhi To Youyo, iyadoo tilmaamaysay sida ay ugu weynayd inay noqoto xirfadle caafimaad. 

Sababtaas awgeed, Machadka Caafimaadka ee Jaamacadda Peking ayay codsatay, gaar ahaan kuliyadda farmasiyaha (Department of Pharmacy) taas oo laga aqbalay. Sannadkii labaad kolkii ay maraysay, 1952-kii, ayaa Machadkii Caafiimaadka dib u habayn lagu sameeyay, iyadoo loo bixiyay Beijing Medical College, markaas oo maalgalin weyn lagu sameeyay iyo isbeddel dhanka manhajka ahba. Taasi waxay u saamaxday To Youyou inay kulliyaddeeda ka hesho waxbarasho tayo sare leh, iyo waliba tababarro manhajka ka baxsan oo iyaguna kaabis u noqday. Ugu dambayn 1955 ayay ka qalinjabisay jaamacadda. 


Hayaankii Shaqada 

Si dawadhaqameedda Shiinaha loo diraaseeyo, isla markaana sahamin joogto ah loogu sameeyo, iyadoo la adeegsanayo tignoolajiga iyo waxbarashada casriga ah, badhtamihii qarnigii labaatanaad waxa dawladda Shiinuhu asaastay Akadamiyadda Dawadhaqameedda Shiinaha. Waa halkan barta ay To Youyou shaqadeedii koowaad ka bilawday 1955-kii.

Sida ay sheegtay, Youyou, shaqada akaadamiyaddu waxay fursad u siisay inay si buuxda u hawlgaliso, una adeegsato aqoonteedii, xirfaddeedii iyo waliba khibraddeediiba.
Judhiiba waxay hore ka bilawday diraasaynta dawodhaqameedka, iyadoo cilmbibaadhisteeda koowaad ku diyaarisay geed ay Shiinuhu dawo ahaan u isticmaali jireen oo la yidhaahdo ‘Lobelia chinensis.’

Dhawr sanno ka dib, Youyou waxay fursad u heshay inay ka mid noqoto barnaamij ay Wasaaradda Caafimaadku soo agaasimtay oo lagu baranaayay dawadhaqameedda Shiinaha, kaas oo loogu talagalay xirfadlayaasha aqoonta caafimaadka ee casriga ah leh (1959-1962). 

Baadigoobkii Dawada Duumada 

Xanuunka duumada oo ay faafiso kaneecada Anoofalis, waa mid ka mid ah cudurrada ugu dilaasan ee sooyaalka aadamaha la soo gudboonaaday, iyadoo ilaa maantana meelo ay Afriki ka mid tahay ay la leelleelayaan. Dhammaadkii qarnigii 19aad ka dib, kolkaas oo la ogaaday xanuundhaliyaha ‘Plasmodium’ inuu keeno cudurkan, waxa la hindisay dawooyin ay ka mid tahay kaloorakuwiin (‘chloroquine’), taas oo xakame u noqotay faafitaankii, iyo halistii xanuunkaba. 

Si kasta ha ahaatee, lixdamaadkii qarnigii hore ayuu dib u soo laba kacleeyay cudurkii duumadu, iyadoo la ogaaday in jaad ka mid ah xanuunkani uu iska caabbinaayo daawooyinka. Waddamada dhaca koonfur bari Eeshiya ayay sadhadu si xoog ah ugu faaftay. Xilligan waxa socday dagaalkii Fiitnaam iyo Maraykanka, sidaa awgeed xukuumaddii Fiitnaamta Waqooyi oo uu si ba’an u waxyeeleeyay xanuunku cududdii ciidankeeda iyo fayaqabkii dadkeeda, ayaa 1964-kii dawladda Shiinaha ka dalbatay inay ka caawiso la dagaallanka cudurkan. “Xallinta dhibaatooyinkiinnu waxay la mid tahay xallinta dhibaatayada” ayuu kaga jawaabay codsigaas hoggaamiyihii Shiinuhu, Mao Tse Tung. 

Dhibku reer Fiitnaam keli kuma ahayn, ee sidoo kale ciidamadii Maraykanka ee ku sugnaa gobolka ayaa khasaare badan uu soo gaadhsiiyay xanuunku, dawladda Maraykanka oo aan u dedaal yaraysan sidii ay u heli lahayd dawo ay ku xakamayso jirradanina wax natiijo ah ma keenin. 

Isla sannadkiiba Milatariga Shiinuhu waxay bilaabeen cilmibaadhisyo qarsoodi ah oo Malaariyada lagu samaynayo, si looga guulaysto. Sannadkii 1967-kii ayay mar kale dawladda Shiinuhu dhaqaajisay barnaamij weyn oo ay ku magacawday ‘523’, si loo xakameeyo duumada. Muddo laba sanno gudahood ah waxa la tijaabiyay ilaa 1967 iskudhis, laakiin midkoodna dawo uma noqon xanuunkan. 

Masuuliyiin ka socda barnaamijka ‘523’ ayaa 1969-kii booqday Akadamiyadda Dawadhaqameedda Shiinaha, si uu akaadamigu uga caawiyo gaddii dawadhaqameedda Shiinaha looga raadin lahaa dawo cusub. Haddaba, iyagoo ka falcelinaya dalabkaas ayaa maamulka Akaadamiyaddu To Youyou u magacaabay inay hoggaamiso isla markaana samayso koox cilmibaadhayaal ah, oo qayb ka noqon doona barnaamijka ‘523’. 

Sida la wada garan karo, waa layli culus iyo shaqo nafhurnimo u baahan, gaar ahaan To Youyou oo masuuliyadda ugu weyn la saaray. Sidaas oo ay tahay, Youyou waxay bixisay dedaalkii ugu cuslaa, iyadoo faraha ka qaadday wax kastoo kale. Qoyskeedii, iyo labadeedii gabdhood ee abaydinka ahaa, gu’ jir, iyo 4 jir, ayay ka soo dhaqaajisay. 

Si aan ugu go’o diraasadda, waxaan inantaydii yarayd kaga tegay waalidkay, inantaydii weynaydna waxan u diray dugsiga carruurta, iyadoo la noolayd qoyska macallinkeeda, tan iyo intaan guriga uga maqnaa hawshan ” ayay tidhi To Youyou, oo sharraxaysay sida ay wax kasta faraha uga soo qaadday, shaqadan mooyee. 

Sidaas ayay sannado dhawr ah kaga maqnayd carruurteeda, jeer ay illaaweenba hooyadood. “Inantayda yari way i aqoonsan weyday markii aan saddex sanno ka dib booqday waalidkay, halka mar aan Biijiin ku soo noqday inantayda weyni ay iyaduna macallinkeeda iga ga daba dhuumatay markan is idhi sare u qaad” ayay tidhi To Youyou. 

Markiiba hore ayay ka bilaabeen hawlgalkoodii cilmibaadhista Youyou iyo kooxdeedii. Kow, waxay dib ugu noqdeen qoraalladii dawadhaqameedda Shiinaha laga qoray, iyada oo qaarkood la qoray kun sanno ka hor dhalashadii nebi Ciise. Intaa ka dib waxay soo ururiyeen ilaa laba kun oo shay, kuwaas oo ay ugu dambayntii ka soo reebeen 640-kii ay u tuhunsanaayeen in ay si uun astaamaha duumada wax uga tari karaan, oo isugu jiray dhir, xayawaan iyo macdano kaleba. 

Kolkii ay mid walba si gaar ah u baadheen, wax natiijo togan ah lagama helin, marka laga tago in yar oo rejo abuuri karaayay, ilaa laga soo gaadhayay badhtimihii 1971-kii. Tijaabooyin badan iyo guuldarrooyin ku lammaanaa ka dib, To Youyou iyo kooxdeedu waxay dib ugu noqdeen qoraalladii gaboobay ee Shiinaha. Kolkan waxay heleen geedka ‘Qinghao’ oo ah geed-gaab ka tirsan bahdhireedda loo yaqaanno ‘Asteraceae’. Tijaabadii koowaadba waxa la arkay inuu xayiray dulinkii duumada sababayay, rejo badan ayaana abuurantay. Laakiin nasiibdarro markii ay ku celceliyeen natiijooyin isku mid ah oo lagu go’aanqaato waa lzga arki waayay. 

Halkaa marka ay xaaladi marayso, To Youyou waxay dib ugu noqotay qoraalladii iyadoo kolkan si gaar ah u baadhaysa meelaha lagu xusay geedkan, iyo sida uu u daweeyo qaar ka mid ah astaamaha duumada. Ugu dambaynna tuducan ayay ka heshay buugga ‘Prescriptions for Emergencies’ ee uu qoray ‘Ge Hong’ (284-363) Ciise Hortii,: “Sacab geedka Qinghao-gaha ah ku dhex radi laba litir oo biyo ah, muudka kolka aad ka wada saartana laac.”

Waa hadalkan halka ay ka heshay sirta ay tijaabooyonkeedii hore ee geedkani u guuldarraysteen, sababtoo ah heerkul aad u sarreeya ayay adeegsanaysay xilligii diyaarinta, sida badi 

dhirqamadeedda kaleba loo farsamayn jiray, laakiin hadda iyadoo tixgalinaysa qoraalkan, waxay hoos u dhigtay heerkulkii, si aanay u burburin maaddada xanuunka wax ka taraysaa. 

Ugu dambaynna afartii bishii Octoobbar 1971-kii ayay To Youyou iyo kooxdeedi ku guulaysteen inay sameeyaan dawo 100% dawanaysa xanuunka duumada, taas oo laga soo dhambalay geedka Qinghao. Dhawr sano oo dambe ayaa laga shaqaynayay, sidii loo baadhi lahaa dawada, iyadoo ugu dambaynna bilowgii siddeetamaadkii dawladda Shiinuhu si toos ah u hirgalisay dawadan, waxaana loo bixiyay artemisinin ama qinghaosu. 

“Artemisinin waa hadiyad dhab ah oo inooga timi dawadhaqameedda guunka ah ee Shiinaha” ayay tidhi To Youyou oo tilmaamaysay muhimadda iyo dheefta loo wada aayay ee laga helay dawadhaqameedda Shiinaha.

Xilligan dunida kale, Afrika iyo Eeshiya ha u badnaadaane, waxay la tiicaysay xanuunka duumada, gaar ahaan kan dawada iska caabbinaaya. 

Iyada oo ay sidaas tahay, hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay ku qaadatay labaatan sano inay u aqoonsato dawadan difaaca koowaad ee duumada. 

Sannadkii 2015-kii ayay To Youyou ku guulaysatay biladda Nobeesha ee Daawada (Nobel Prize in Physiology or Medicine). Sidaa si la mid ah, tobannaan abaalmarinood oo caalami ah ayaa la guddoonsiiyay iyada iyo kooxdeedii. 

“Mar kasta waxaan dareemaa in aanay jirin abaalmarin ka weyn xaqiiqada ah in dawada artemisinin ay bedbaadisay nolosha bukaanno badan oo duumo haysay,” ayay tidhi To Youyou, si ay inoo dareensiiso in abaalgudka dhabta ahi uu yahay in aad nolosha aadmiga bedbaadiso

 

————————

Xigashooyin

 

  1. The Secret Project That Conquered Malaria – and Led to a Nobel Prize; https://www.usnews.com/news/articles/2015/10/06/project-523-behind-tus-nobel-prize-win-for-malaria
  2. Tu Youyou: Biographical; https://www.nobelprize.org/prizes/medicine/2015/tu/biographical/
  3. Artemisinin, the Magic Drug Discovered from Traditional Chinese Medicine; https://www.sciencedirect.com/science/article/pii/S2095809918305423

Qoraallada kale ee qoraaga

Fan

Fan Jirraday