Skip to main content

Sunday 19 May 2024

Waraysi

Haybdoon

6 May, 2024
Image
Abdourahman Waberi
Share

Waan kaaga sheekayn doonaa lamadegaanka ku soo siqaya hareeraha Jabuuti
— Cabdiraxmaan Waaberi

Aabbe, waa maxay sababta aadan u kaxayn baaskiil, baranboorri-lugeed ugu taraarixin, ama xataa aadan siible-barafeed u sabiibixin? Inanta uu dhalay Cabdiraxmaan Waaberi ayaa subax waydiisay, xilli ay u socdeen iskuulkeeda oo ku yaal waaxda 9-aad ee magaalada Paris. Sababtu way iska caddayd maadaama ay Waaberi ka muuqato naafannimo aan qarsoomayn oo saamaysay sida uu u socdo e, su’aashani waxay gogoldhig u ahayd su’aal kale oo yoolbaadh ahayd. “Carruurtu had iyo jeer way qodqodid badan yihiin, mararka qaarkoodna su’alahoodu aad ayay u adag yihiin.
“Subaxaas waxay si aan gabbasho lahayn ii waydiisay, ‘Aabbe, horta maxaad qoobka uga cayaadhaa markaad soconayso?’”

“Ogow oo toddoba sano oo qudh ah ayaan jiray markii cudurka dabayshu i naafeeyay,” ayuu yidhi Waaberi. Ololoyaal tallaal oo lagu guuleystay ayaa cudurkan dalalka dunida hodanka ah in lagu arko dhif iyo naadir ka dhigay, hase ahaatee, cudurkaasi hadduu mar uun ku daaro wuxuu dhaawac aan laga soo kaban u geystaa murqaha iyo dareenwadayaasha.
“Dhawaan uun ayay ahayd markii aan bilaabay in aan ka hadlo arrintan,” ayuu qirtay, isaga oo noloshiisa intii badnayd naafannimo ku noolaa, cudurkan dartiis. In kasta oo dadka badankiisu ka bogsadaan, isagu hadda wuu heetiyaa, taas oo ah sababta uu tallaabo kasta oo uu qaado aad ugu dheelliyo dhinaca midig.
“Sheekafaneeddaydii dhawaantan dambe soo baxday waxay ka dhalatay arrintaas,” ayuu yidhi, isaga oo hadalkiisii sii wata.

Maxaad Qoobka Uga Cayaadhaa Markaad Soconayso? (Why Do You Dance When You Walk/ Pourquoi tu danses quand tu marches?) waa sheekafaneed nolol dhab ah ku salaysan.
Buuggan waxa uu dib ugu raadraacayaa asalkiisii iyo waddooyinkii gamaarsanaa ee Magaalada Jabbuuti, isaga oo boodhka, cooshadaha meel kasta daadsan, degmooyinka saboolka ah ee isku-raranta ah iyo wax kasta oo meeshaasi leedahay sidooda kuu dareensiinaya muqaalkooda dhabta ahna muujinaya. Laakiin waxaa iyaduna muhiim ah, wuxuu ka sheekaynayaa sidii uu ugu dhacay cudurka dabeyshu, sida uu u la noolyahay saamayntii u ku reebay iyo sida ay taasi u abuurtay qoraanimadiisa. “Kolley kubbadda cagta u cayaari maayo sida carruurtii kale ee aannu wada koraynay,” ayuu yidhi, oo qoslay. Telefoonka ayuu iigu warramayay isaga oo jooga Washington DC, halkaas oo uu Jaamacadda George Washington ka dhigo qoraalka. “Waxaan ka wadaa, kubbadda cagta waan jeclaa laakiin sida carruurta kale u ma aanan ordi karayn, sidaa awgeed ayaan markii aannu xoogaa kornay ka fadhiistay cayaartaa. Halkaa waxaa iiga soo baxay waqti badan oo aan ku fekero. Waxaan u malaynayaa in naafannimadaydu iga dhigtay qof fikiraaddiisu badan tahay.”

1965 ayuu dhashay Waaberi, horraantiina gabyaannimo ayuu ku bilaabay, ka hor intii aanu isku deyin qoraalka sheekafaneedyada. Buugaggiisii hore wuxuu ku tuuntuunsaday sidii uu dunida wax uga tusi lahaa muuqaallo-faneedkii u horreeyay ee dal aan wax badan laga aqoon. Wuxuu [dalku] ku yaal dooxo yar oo si nidaamsan ugu habsatay xeebta Afrika bari u xigta, Jasiirad-la-moodda Carbeedna waxa kali ah ee ka xigaa waa marin-biyood 20 mayl jiidan oo Baab Al-Mandeb lagu magacaabo. “Yemen wayba kaaga muuqan kartaa halkaa,” ayuu yidhi. Dalka waxaa hore u gumaysan jiray Faransiiska, dadkiisuna milyan ayay ku dhow yihiin.
Laakiin ‘… oo horta Jabbuuti asalkeedii maxay ahayd?’ ayuu is waydiinayaa arbaha sheekada Hilinka Ilmada (Passage of Tears/Pasaje de Lágrimas) ee uu Waaberi qoray. ‘Xantoobo jasiirado yaryar oo mucjiso ah oo qarniyo taariikhdu sidii duufaan u damuuminaysay?’
Sida laga garan karo jawaabtiisa aanay qanacsanaantu ka muuqan, dalkaas in la fahmaa ma fududa, in kasta oo ay u badan tahay in buugaggiisu yihiin meel wanaagsan oo laga bilaabi karo.
Sheekada Hilinkii Ilmada waxay ku dul wareegaysaa nolosha laba nin oo walaalo ah; midkood wuxuu u shaqeeyaa shirkad sirdoon oo reer Galbeed leeyihiin, dalkana wuxuu ugu soo laabtay shaqo loo soo diray, iyo mataankiisa ciishoon ee xagjirnimo diineed lagu tashkiiliyay laakiin ka dib xasillooni nabadeed ka helaya qoraallada faylasoofkii Jarmal-Yuhuudiga ahaa, Walter Benjamin.
Sheekada oo magaceedu ka soo jeedo naaneysta marin-biyoodka Baab Al-Mandeb, waxay si kooban u soo bandhigaysaa in ka mid ah xasaradaha lagu yaqaan Jabbuutida casriga ah; dawlad yar oo uu haysto talis dhiigmiirato ah iyo dabaqad madaxyawayn reer Galbeedowday oo ku hamminaysa in ay dalka ka dhigaan Singabuurta Afrika, kuwaas oo xukuma dad badankoodu sabool la fongoray ah oo aan waxba ka dheefin isbeddelladii dalka ka dhacay xorriyaddii 1977 ka dib.

Waaberi wuxuu ii sheegay in uu doonayay in uu “riwaayadaynta figta u sarraysa gaadhsiiyo,” taas oo ah sababta uu u raadgurayay saamaynta casriyaynta, caqiidada, iyo haybdoonka isla hal qoys ka dhex jira. In kasta oo uu, isla markaana, qalinka ku adkaynayo in dabcan xaaladda Jabuuti intaa ka sii murugsan tahay, “Dalku labadaa daw meel u dhexaysuu ku lumay.”

In kasta oo quwadihii hore ee dunidu qarniyo raad ku reebayeen—laga soo bilaabo Cismaaniyiintii ilaa lagu keeno Faransiiskii—maanta dalku waa isku-dhaf af Faransiiska ku hadla oo isugu jira Soomaali, Cafar, iyo Carab. Jabbuuti waxay ka faa’iidaysataa buqcadda qaaliga ah ee ay ku taal oo ay ciidammada quwadaha waawayn ee dunida ka siisay xeryo millitari iyo kuwo ciidan badeed, boqolkiiba soddon maraakiibta caalamka u kala gooshaana waxay maraan marin-biyoodka Baab Al-Mandeb.

Waaberi saddexleydiisii u horreysay—Dal Aan Dugsiimo Lahayn (The Land Without Shadow/ Le Pays sans ombre), Xusuusqorka Reerguuraaga (The Nomadic Notebook/Cahier nomade), iyo Balbala—waxa uu si hufan oo daacad ah u muujinayaa Jabbuuti oo lagu eegayo indhaha qof u dhashay; laga bilaabo muqayilladeeda fadhiya hareeraha waddooyinka cagagubyada badan, sheekooyin-baraleyda iyo khuraafaadka, reerguuraaga iska socda, iyo xidhiidhkii aan loo bogin ee ay la lahayd gumaystaheedii hore.
“Waxaan dareemayay in dalkaygii hooyo dayn igu leeyahay laakiin waxaan isla markaana doonayay in aan dalkayga u hadlo,” ayuu yidhi.

Horraantii 1990-meeyadii, Jabbuuti jaamacado ma lahayn, sida uu Waaberi xusuusto, sidaa awgeedna dadka ku hammiyaya waxbarasho sare waxay ku khasbanaayeen in ay Faransiiska aadaan. Maadaama xilli horaba loo arkay in uu yahay nin dhallinyaro ah oo dedaalaya, dadkii xaafadda ee ay Waaberi jiiraanka ahaayeen ayaa u la iman jiray in uu warqadaha caashaqa ah iyo arjiyada shaqo-doonka u qoro, iyaga oo khidmadda shaqadiisa nacnac ku bixin jiray. Wuxuu ka mid ahaa lodkii u horreeyay ee dhallinyarada ahaa ee Faransiiska u dhoofa. 1985 ayay soo dhoofeen, sida uu sheegay, iyaga oo “talo u go’an tahay” yididdiiladii gumaysi-ka-soodooggana ku naalloonaya. Waxay doonayeen in ay dalkooda ku soo laabtaan iyaga oo xirfadlayaal dhisan ah. Halka in badan oo jiilkiisii ka mid ahaa Jabbuuti ku soo laabteen iyaga oo dhaxalsugayaal ahna dabaqaddii sare ee dalka dhex galeen, Waaberi meel kale ayuu u jihaystay. “Anigu ma lahayn hammi aan ahayn in aan wax qoro ama bare noqdo. In kasta oo aan mar saxafi noqday, Jabbuuuti ma aha meel xirafaddaas lagaga shaqayn karo,” wuu qoslay. Tan iyo waagii uu soo dhoofay qurbaha ayuu ku noolaa kana shaqaynayay.

Waayihii uu qoraannimada ku cusbaa, Waaberi wuxuu dhib ka mutay dawladda kalitaliska ah ee dalka ka jirta. Wuxuu sheegay in uu niyad-dhis ka helay waaya’aragnimada qoraaga Soomaaliyeed ee caanka ah, Nuuraddiin Faarax, oo isagana waxa uu qorayo caqabado kala kulmay dalka jiiraanka ah ee Soomaaliya oo xukun millitari ku jiray ilaa bilowgii 1990-meeyada (tiisihiisii derajada labadaad ee jaamacaddana wuxuu ka diyaariyay [Nuuraddiin] Faarax). In uu is dhiibo waa uu iska diiday. “Anigu ma ahi wasiirka dalxiiska ama qalin-ku-ammaanaha dawladda,” ayuu la soo booday, “shaqadaydu waa in aan dalkayga sheekadiisa sheego, laabqaboojinna waxa ii ahayd in Nuuraddiin uu dhibka i la qabay.”

Waaberi wuxuu koray wax yar ka hor xorriyaddii Faransiiska laga qaatay, 12-jir ayuuna ahaa markii ugu dambayn calankii Faransiiska la dejiyay. “Sidii dhal gumaysi ayaa wax la ii baray,” xusuus dareentaabad lahayd ayuu galay, “Xataa madaxwaynihii Faransiiska, Georges Pompidou, ayaan dalka ku soo dhaweeyay markii aan fasalka koowaad ee iskuulka dhiganayay.”

Wuxuu nac ku saydhay sidii dalka loogu kala sarreeyay waagii uu korayey ee mustawdaniinta Faransiiska ah iyo kuwa dalka u dhashay ee iyaga u shaqeeya oo kali ah loogu oggolaa in ay magaala-waynta Jabbuuti galaan, halka dadka intiisa kale lagu kiisay cooshado iskuraran ah. “Inteenna kale waxa aannu ku noolayn bannaanyaal,” ayuu yidhi. Sida ay yeeleen qoraayo fara badan oo dhallinyaro qaaradda [Afrika] ka soo baxay ahaa, wuxuu u baydhay mabda’a Midnimada Afrika (pan-Africanism), si uu wixii soo maray isaga maydho sheekafaneedyadiisana ugu adeegsado la-legdemidda qaar ka mid ah fekradahaas.

Iskudaygiisii ugu sarreeyay uguna caansanaa ee uu ku doonayay in uu ku wajaho mawduucyadan qaarkood waa buuggiisa sheekafaneeda ah, Qarammada Midoobay ee Afrika (United States of Africa). Sheekadan saamaynta yeelatay oo uu markii hore masrixiyad ahaan ugu curiyay magaalada Bordeaux, waxay noqonaysaa sheekafaneedyadiisa tii loogu turjumidda badnaa. Ka soo qaad uun Wakanda oo qaybta sci-fi-gu aanay sidaa u xoogganayn.
Waaberi waxa uu buuggan ku saadaalinayaa qaarad mustaqbalkeedu ifayo, tiknoolijiyaddu heer sare marayso, barwaaqo ah oo Asmara u tahay magaalamadax dhaldhalaalaysa, taas oo ah calaamad muujinaysa hodantinnimo ku baahsan qaarad-waynta midowday ee lagu magacaabo Qarammada Midoobay ee Afrika. Wax kasta si kajan heer sare ah, laakiin xanaf leh, ayuu madaxooda majo ugu rogayaa, isaga oo adeegsanaya xaqiiqoooyin dunideenna ka jira. Madagaskar waxay horseed u noqonaysaa sahaminta samada, Ururka Caafimaadka Adduunkana waxay xaruntiisu ku taal Banjuul, Gaambiya. Dhallinyaro gadoodsan ayaa ka mudaaharaadaya saydarada Afrika dunida ku hayso, inan caddaan ah oo mudaaharaadayaasha ka mid ah oo halgankeeda loo qirayna waxaa lagu abaalmarinayaa Billadda Carrafaad ee Nabadda oo ay siinayaan madaxyawaynta dhanka libaraalka u janjeedha ee Afrika iyo Aasiya oo ka dhiidhiyaya kalitaliska arxanka daran ee New Zealand ka arrimiya.
Yuribiyaan “Dagaalujoog” iyo “seeflabood” ah ayaa ka qaxaya abaar iyo colaad oo tahriib halis ah kaga gudbaya Badda Cad ee Dhexe (Mediterranean Sea), iyaga oo caawinaado ka helaya hay’ado gargaar oo laga leeyahay Afgaanistaan, Hayti, ama Saaxil [Waqooyiga Afrika], halka jariiradaha Afrika ee ka soo baxa laga bilaabo Nayjeeriya ilaa Suudaan isu jiibinayaan qayladhaan ka digaysa “musiibada cad!”
“Waxaa marba marka ka dambaysa iga cadhaysiinayay sida rakhiiska ah ee Afrika wax looga sheego—wax kasta qabyaalad ama tolaysi baa ka dambeeya, ama xagjirnimo, ama wixii la doono. Waxaan doonayay in aan tuso in Yurubna sidaa oo kale wax looga qori karo,” ayuu yidhi Waaberi oo kaftamayaa.

Waa dunidii khayaalka ahayd ee Karl Sharro malaynayay oo lagu iidaamay galaabageddintii ahayd dagaalmaagganaha luqadeed ee Patrick Gathara iyo maaddii kajanka kululayd ee Aamer Rahman oo buug dhan oo sheekafaneed ah laga dhigay.
Bal suurayso sheeko noocaas ah oo lagu sheegayo afka qof Faransiis cad oo qaxooti ah, Malayka. Waxay ka timid degmooyinka isku-raranta colaaddu dilootay ah ee Paris, dabadeedna waxaa u boogadhayaya dhaqtar Afrikaan ah oo korriimadeeda kafaalaqaadaya.
Wuxuu rumaysan yahay [Waaberi] in ay aad u fududaan lahayd in buuggan qof Afrikaan ah laga qoro, farriinta uu doonayayna aanu gudbin karayn. “Waxay iga noqon lahayd uun qiiro waddaniyad-qowmiyadeed ah, taa oo aanan xiise u hayn.”

Shaakadani inta ay ka sheegayso sinnaan la’aanta Afrika ka haystata saaxadda caalamiga ah in ka badan ayay ka sheegaysaa waaya’aragnimadii dibadmeernimo ee Waaberi iyo noloshiisii Yurub, laakiin waxay si qayaxan u iftiiminaysaa labada tan dambe [waaya’aragnimada Waaberi].
Waaberi badanaa waa ka daacad sida uu u arko awoodaha xukunka iyo gumeysiga oo ku taxan inta badan qoraalladiisa, gaar ahaanna sida ay u saameeyaan inta dhibbanayaasha u ah. Buug kale oo sheekafaneed ah, Loxos [Transit (Faransiis/Ingiriisi], haweeney reer Jabbuuti ah ayaa wiil ay eeddo u tahay oo cabsi ka muuqato waydiinaysa waxa nimanka caddaanka ahi magaalada ka qabtaan. Wuxuu si daacad ah ugu jawaabayaa, “sababtu waa in ay naga xoog badan yihiin.”

“Waagaa ayay iskukalsoonidayda qoraannimo kobocday,” ayuu ku nuuxnuuxsaday, dabadeedna wuxuu bilaabay mashruucyo qoraal oo hiigsi sare leh ah oo uu ka mid ahaa buug uu qalinkiisu ku hadlayo aragtida bisaddii Gil Scott-Heron [gabyaa, fannaan, iyo qoraa Maraykan ah]. Mid ka mid ah mawduucyadaasi waxa uu ahaa nolosha naafannimada. Waxa uu sheegay in waagii uu yaraa la dacaayadayn jiray, sidaa awgeedna mawduucani ma sahlanayn. “Laakiin bilowgii waan is diidsiin jiray, naafannimadana maba sheegan jirin.” Ceebayntii naafannimada ee Jabbuuti ka jirtay ayaa derbi kala dhex dhigtay isaga iyo xaqiiqo noloshiisa door wayn ku leh iyo sida uu u la macaamilayo. Waa dambe ayay u caddaatay sida arrimaha ceebaynta naafannimada ku saabsani ugu xidhiidhsameen shaqadiisa hal’abuur oo dhan.

“Waxa aan had iyo jeer doonayay waa muujinta in aynnu innagu nahay taliyayaasha nolosheenna xukuma. Waxaan adeegsadaa dhaqanka, falsafadda, iyo suugaanta, si aan siyaabo kala duwan naftayda ugu qaabeeyo, iyo in aan sidoo kale naftayda dib u curiyo,” ayuu yidhi, isaga oo xusaya faylasoofkii gumaysidiidka ahaa, Frantz Fanon. Buugga saamaynta ugu wayn ku yeeshay waa gabayga Aime Cesaire ee magaciisu yahay Notebook of a Return to My Native Land, kaa oo Aime Cesaire uu ku marinayso sheekada nin dhallinyaro ah oo dalkiisii ku soo noqday, ka dib markii uu muddo Paris ku maqnaa iyo safarkiisa macne-u-yeelidda dalkiisa iyo haybtiisa uu in door ah kaga maqnaa magaalamadax imberyaaliyeed. Si aan ka dhicin tabtii Cesaire ayuu Waaberina muujiyay geesinnimo sida uu ugu banbaxayo oo u la legdamo naxariisdarrooyinka taariikhda. Waxaan weydiiyay in uu jiro mawduuc ku taxan waxsoosaarkiisa hal’abuur. “Isquwaynta,” ayuu si daacad ah toos ah ugu yidhi.

“Waa taa midda igu soo celisay in aan sheeko-nololeeddayda ku sheego buuggan, aniga oo u maraya naafannimada, dalkayga, mawduucyada gumaysiga ku saabsan, iyo anigaba. Waana taa sababta aan uga dhigay wadasheekaysi aniga iyo inantayda u dhexeeya. Waa runta oo aan badhxanayn, illeen ninna inantiisa qubxi u ma sheego e.”

__________________________________________
FG: Magacyada af Soomaaliga ah ee sheekooyinka Cabdiraxmaan Waaberi (Hilinka Ilmada, Dal Aan Dugsiimo Lahayn, Qarammada Midoobay ee Afrika, Xusuusqorka Reerguuraaga, Loxos) turjumiddan kali ah ayaa loogu talagalay e, ma ah kuwo dhab u jira ama soo baxay.
Buugga Qarammada Midoobay ee Afrika, tarjumid Soomaali ah ayaa laga filayaa dhawaan.

Turjumaadda Boodhari Warsame