Friday 22 November 2024
Somaliland waxa ay, 1991kii, ku dhawaaqday in ay ka noqotay midnimadii ay lixdankii la gashay Soomaaliya. Haddaba, soddon iyo saddex sannadood ka dib, maxaa uga dhaboobay himiladii dawladoobidda, maxaa se caqabado la sheegi karo oo ku hor gudban?
Guudmar
Somaliland ujeeddada ugu weyn ee loo go’ay waxa ay ku sheegtay in la saxayo khalad lixdankii la galay: waa in Hargeysi ay la midowday Muqdisho, ka dibna ay ka dhaxashay dawlad-xumo, gardarro siyaasadeed, caddaalad-darro, xorriyad la’aan, iyo dib-u-dhac dhinac kaste ah. Markii la goostay, waxa loo dhaqaaqay in khaladaadkaa la saxo. Ugu horreyn, waxa la yagleelay hay’ado xukuumadeed iyo heshiis bulsheed oo bilaw ah. Axdigii Beelaha ee 1993 la isla qaatay ayaa Boorama lagu dhisay. Ha se ahaato e, markiiba waxa lagu heshiin waayay sida geeddiga loo wadayo. Ismaandhaafkaasina wuxuu dhaay Dagaalkii Sokeeye ee 1994-95. Ka dib dadaallo kale oo dib-u-heshiisiin ah, waxa sannadkii 1997, mar kale, la isugu yimid Hargeysa, oo Madaxweynihii, markaa, joogay dib loo doortay muddo xileed kale, waxana la is tusay in ay nidaamka dadban ee madaxda lagu dorto oo lagu sii nagaadaa uu yahay isha dhibaatada
Waxa ay xukuumaddii la doortay dedejisay in “dokumenti qaran” la yeesho oo lagu beddelo Axdi Qarameedkii beelaha Somaliland. Sannadkii 2001 ayaa Dastuurka Soomaalilaan loo qaaday afti dadweyne. Meelo kooban oo dalka ah ayay codbixintu ka dhacday. Waxa lagu dhawaaqay in 97% ay u codeeyeen dastuurka, in kasta oo madmadow badani ku jiray , maaddaama oo aanay jirin tirakoob dalka laga hayey iyo in hannaanka beeluhu uu go’aaminayay cidda, hayb ahaan, “codayn karta!”
Si kastba ha ahaato e, Dastuurka la meelmariyay waxa uu u qornaa qaab, ilaa heer, qaabbilsan dawladnimada casriga ah (marka la eego sida uu u ixtiraamayo xorriyadaha shakhsiga ah, nidaamka dimuqraaddiga ah, iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dawladda). Qodobbadaasi waxa ay ahaayeen kuwo ka jawaabaya “khaladkii lixdankii” ee la saxayay—in kaste oo uu lahaa qodobbo, iyagu, dib-u-socodnimo muujinaya, sida kuwa sheegaya In sharciyadda laga qaadanayo, ‘shareecada’ oo aan la qeexin, qodobbada aad u naaxinaya awoodaha Madaxweynaha, iyo qodobbada ku saleynaya muwaaddinnimada nidaamka beelaha (beelihii 1960-kii halkan degganaa), In kaste oo ay dad badani u arkaan in uu markaas ahaa qaabka qudha ee, muran la’aan, loo qeexi karayay ‘cidda u dhalatay Somaliland’
Geeddiga Dimuqraadiyadaynta iyo Sugidda Amniga
Muddadaas, waxa Somaliland u suuragalay in ay amnigeeda sugto, ilaa heer la isku halleyn karo. khatarta dhabta ah ee Geeska Afrika ka jiray, welibna ka jirtaa, waa kooxaha xagjirka ah ee dagaalama, arrintaas oo ay Somaliland si habboon uga gaashaamatay. Arrintaas awgeed , waxa Somalilandtusaale loogu soo qaataa sida ay nidaamyada gun-ka-soo-dhiska ahi isaga caabbin karaan xagjirka caalamiga ah. Haddana, waxa la rumaysan yahay in kala-daadsanaan iyo debecsanaan laamaha amniga ahi ay wiiqi karto diyaargarawga Somaliland ay u diyaarsan tahay kahortagga iyo iska-caabbinta in argagaxisadu dhulkeeda ku faafto ama wax ka geysato. waxa kale oo ay kooxaha xagjirka ahi ka faa’ideysan karaan tabashooyinka ka jira degaannada u arka in laga garbiyay maamulka dawladda.
Somaliland waa dalka keli ah ee gobolka Geeska Afrika, ay ka jirto heer xorriyad ah oo kala-dhiman, marka la eego dalalka kale ee gobolka oo aanay ka jirin wax xorriyad ahi, sida lagu xusay warbixinnada ay soo saartay “Freedom House.” Arintani waxa ay u noqotay hoggaanka Somaliland mid ay billad ka dhigtaan oo ku faanaan, Dadweynehuna ay, in badan, u soo joogsadaan. Waxa ay ahayd in la baadigoobo badhka dhiman ama maqani halka uu ku maqan yahay, oo la beddalo dhaqannada xorriyadda ka dhanka ah ee la caadaystay.
Sidaas ayaa ay dimuqraadiyadda Somalilandna u kala-dhiman tahay. Dimuqraadiyaddu waa nidaam maamul oo ku fadhiya xeerar sida: Dhawrista xoriyadda dadka iyo xuquuqaha asaasiga ah, doorashooyinka, ku dhaqanka sharciga iyo daahfurnaanta, iyo kala saaridda awoodaha laamaha dawladda. Somaliland goosashadeedii waxa ay ahayd mid ka dhalatay, ka sakow khaladkii la sheegay in la galay lixdankii, xorriyad la’aanta nidaamkii kelitaliska ahaa ee Siyaad Barre. Wiilashii iyo gabdhihii u soo dagaallamay xorriyaddaas, rejadoodu waxa ay ahayd in ay ku noolaadaan xorriyad buuxda oo ay helaan nidaam aan Xayiraado saarin ee iyaga u adeega.
Xeerarka dimuqraadiyaynta mid kasta waxa la moodaa in si kala dhantaalan loo dabbaqay. Doorashooyinka, oo si joogto ah loo soo qabanayay tan iyo 2002, waxa ku gedaaman goldaloolooyin badan, sida mudda-korodhsiga soo noqnoqnaya. Mudda-korodhsigan oo keenay in uu khalkhal galiyo caddaaladda iyo daahfurnaanta doorashooyinka, iyo in uu hoos-u-dhac ku yimaaddo kalsoonida shacabku ku qabaan xukuumadda. Doorashadii Golayaasha Degaanka ee ugu horreysay ee loo dareeray, waxa u tartamay xisbiyo badan. Dastuurku sida uu dhigayo, 3 xisbi oo KELI ah ayaa loo aqoonsanayaa Xisbiyo Qaran, taas oo carqalad ku noqonaysa in weligeed dhiig cusubi galo dabaqadda talisa ee Somaliland. Doorashadaas waxa la diinwaangaliyay 450,000 oo cod. Waxa lagu doortay xubno golayaal deegaan iyo saddex xisbi: UDUB oo xukuumadda ah, Kulmiye iyo UCID oo, iyaguna, mucaarad ah. Sannadkii 2003, waxa la diiwaangaliyay 488,000 oo cod kana qaybgalay doorashadii madaxweyne ee dhacday. Daahir Rayaale oo xilka sii hayay sannad, markii uu Madaxweyne Cigaal si kedis ah u geeriyooday 2002, ayaa sidaa ku helay kalsooni uu shan sano ku sii fadhiyo. 2005-tii ayaa uu qabtay doorashadii Wakiillada, oo aad muhiin u ahayd maaddaama oo ay xildhibaannada aqalkani yihiin kuwa dhab ahaan shacabka metela. 674,900 oo codbixiye ayaa la diwaangeliyay oo doortay 82 xildhibaan oo uu golahani ka kooban yahay. Mar kale, waxa 2010 loo dareeray doorasho madaxweyne; 538,000 oo codbixiye ayaa markanna loo diwaangeliyay si ay u kala xushaan isla saddexdii xisbi ee ilaa 2002 jiray. Axmed-Siilaanyo ayaa Madaxweyne loogu dhawaaqay. Xukuumaddii Siilaanyana waxa ay, 2012, qabatay doorashadii labaad ee Gole Degaan. Doorkan, 810,000 oo codbixiye ayaa loo diwaangeliyay in ay xisbiyadii tartamayay iyo golayaasha deegaanka kala xushaan. Saddexdii xisbi ee jiray, UDUB keliya ayaa meesha ka baxday, oo uu Waddani beddelay. 2017 ayaa mar kale la qabtay doorashadii 3aad ee madaxweyne. Kolkan, 555,000 oo cod ayaa loo diwaangeliyay in ay kala doortaan saddexda musharrax. Muuse Biixi oo xisbigii talada hayay ka tartamayay ayaa loogu dhawaaqay in uu guulaystay. Mar kale 2021, Hal milyan oo qof ayaa doorashadii isku sidkanayd ee Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ka dhiibtay codkooda si ay u soo xushaan 82 xildhibaan oo Wakiillo noqonaya iyo 220 xubnood oo golayaasha deegaanka u fadhiista (Dhammaan tirooyinka codbixinta waxa laga soo xigtay Guddida Doorashooyinka Qaranka).
Waxa lagu doodi karaa, muddadaa ay Somaliland dhismaysay, waxa ugu weyn ee dadweynuhu faa’iiday waa in uu shacabku barto, isla markaana, caadaysto dhaqanka siyaasadeed ee saf-istaagga iyo cod-dhiibashada muddeysan, in kaste oo mar kaste la seego muddadii. Waa raasamaalka ugu weyn ee ay dadweynaha reer Somaliland maanta uga aayeen in ay soddomeeyo sannadood gooni isu maamulayeen.Caqabadda hortaagan in ay doorashooyinkani keenaan natiijooyin midhadhal ah waxa ka mid axsaabta qaranka oo aan gudahooda dimuqraadi ahayn. Saddexda xisbi qaran waxa ay noqdeen goleyaal ay kooxo gaar ah iyo shakhsiyaad gooni u maamulaan sida in ay yihiin meherado ganacsi oo u gaar ah. Taas oo ay ka sii dhalatay in xisbi walba uu muquuuniyo reerka uu ka soo jeeddo ninka gadhwadeenka ka ahi. Iyadoo lagu taamayo in la helo fursad in xisbiyada muddadiiba mar dhiig cusub lagu shubo ayaa la hirgaliyay in xeerka muddadiiba mar lagu furayo hanashada ruqsadda xisbinimada, waxaana la meelmariyay doorashooyinka ururrada xisbinimada u tartamaya. Tallaabadani waa mid dhaanta sida wax yihiin, balse si ay xisbiyadu u kobciyaan dimuqraadiyadda Soomaalilaan, waxa waajib ah in uu gudahooda ka hirgalo nidaam dimuqraadiyadeed oo dhab ahi.
Xisbiyada u qaybsan qaabka beeleed iyo siyaasiyiinta ku talaxtagay ku ololaynta qabyaaladdu waxa ay Somaliland ku abuurtay kala qaybsanaan xooggan, heer ay xaaladdu gaadhay in doorashooyinkii 2017 wadnaha farta lagu qabto, iyadoo laga casbi qabo dagaal sokeeye oo u eeg midkii 1994 – 1997. Isbeddalka u weyn ee Somaliland muddadiiba laga hadlaa waa sidii loo tuuri lahaa ninka xilka haya, iyada oo badanka loo marayo tabo qabali ah. Waa ay kooban tahay inta laga hadlo sidii loo beddeli lahaa mushkiladaha qaab-dhismeed (structural).
Qabyaaldadu waxa ay ka mid tahay mushkiladaha ugu waaweyn ee maanta Somaliland ka taagan. Dimuqraadiyadda qodobbada ilaaliya ee uu ku jiro dheelligu waxaa ugu door roon ururrada bulshada rayidka ah iyo bulshada oo isu timaadda si ay laamaha fulinta iyo sharci-dejinta ugu riixaan waxii dadweynaha iyo dimuqraadiyadda u dan ah. Balse, Somaliland waxa keli ah ee bulshada isu keena, si ay siyaasad gaar ah u diidaan ama u taageeraan, waa qabiilka, tanna waxaa go’aamiyaa waa reerka qofka wada sharcigaa la diiddan yahay ama la taageersan yahay.
Sida uu Matt Gordon, oo Somaliland deraaseeyaa uu Geeska u sheegay, “Waxa Somaliland isku hayay, ee loo aanayn karo nabadgelyadeeda sarreysa iyo nolosheeda ilaa heer dimuqraaddiga ahi (oo aan ahayn uun doorashooyinka ee sidoo kale gaadhsiisan xorriyadda iyo madaxbannaanida ay dhinacyada siyaasaddu ku naalloonayeen ilaa beri dhawaa) [waa] nooc wadajir ah oo aan ku salaysnayn Dawlad ee ka dhismay iskaashi qabiileed (“heshiis bulsho”).” Kaas ayaa iminka dheelliyay.
Mustaqbalka Siyaasadeed
Sannadkan, 2024, xuska 18ka Meey waxa uu ku soo beegmayaa saddex dhacdo oo waaweyn oo la odhan karo waa ay gilgileen ama waa ay ku sigteen in ay gilgilaan Somaliland. Midda koobaad waa doorashooyinkii mudda-dhaafka ahaa oo xeerkoodii la ansixiyay, isla markaana la muddeeyay in ay dabayaaqada sannadkan dhici doonaan doorashooyin isku sidkan: madaxtooyada oo ay saddex xisbi u tartamayaan iyo kala-reebista ururrada oo xisbiyada hadda jira iyo kuwo cusubi ku kala hadhi doonaan. Waa qodob inna xusuusinaya sida ay dadka uga go’an tahay in geeddigaa la sii wado.
Dhacdada labaad waa Laascaanood oo haayadaha caalamiga ah ee xuquuqdu ay Somaliland ku dhaliileen beegsi iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda rayidka iyo kaabayaasha magaalada oo uu ciidankeedu ku kacay. In kasta oo waxii ka danbeeyay Ogos 2023, ay xaaladdu u ekaatay mid xakamaysan, isla markaana uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland uu Qarammada Midoobay u ballanqaaday in aanu rabin in dagaal kale dhaco, haddana gooddiska had iyo jeer ka soo baxa dhanka Somaliland, iyo abaabulka reeraysan ee jiidda bari ay ka wadaan wax uu madaxweyne Biixi ku tilmaamay “ciidamada madaniga ah,” ayaa weli abuuraya walaac daran oo ku wajahan in mustaqbalka dhow mar kale halkaa khasaare ka dhaco, kaas oo aan dan u ahayn Somaliland iyo Soomaaliya midna.
midda saddexaad waa is’afgarashadii horraantii sannadkan ay wada galeen Madaxweynaha Somaliland iyo Raysalwasaaraha Itoobbiya. Haddii Somaliland mar kale ciidan ahaan ku daydo xaalka Laascaanood, waxa hubaal ah in loo arki karo—gaar ahaan dhanka Muqdisho iyo dhinaca deegaankaba Bariga Somalilandba—in ay taasi xidhiidh la leedahay is’afgaradkaa oo taasi ay cadaadis diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed saari doonto Somaliland. Dhanka kale, iyada oo isfahankaasi aanu ilaa hadda wax horumar ah samaynin, haddana qodobka ay Somaliland madaxdeedu gaarka u sheegtay ee ag in uu is’afgaradka ku jiray ‘aqoonsi’ ayaa aan la hubin in uu dhaboobi karo, waqti ay warbaahinta Bloomberg ay ku warrantay in lagaba yaabo in Itoobbiya ay dhankeeda ka laabato ballanqaadkii ahaa in ay qiimayn doonto masalada aqoonsiga.
Haddii doorashadan soo socotaa ay Somaliland uga hirgasho sida la filayo, waxa dhici karta in taasi dhaqdhaqaaqii nololeed ee hakadka galay wax ka tarto. Waxa, sidoo kale, dhici kara, haddii hoggaanku is beddelo, in wadahadal ama qaab kale oo nabadeed loo wajaho arrinta Laascaanood iyo kuwa la xidhiidha ee Somaliland oo dhan ku baahsan. Muhiimaddu waa in la xaqiijiyo in dadka, mar kale, nabad iyo wadajir lagu soo dabbaalo si aanu mar kale dhiig u daadan, lagana hortago in Somaliland ku kacdo wax u eeg “khaladkii lixdankii” ee ay bilawgii ku taamaysay in ay sixi doonto.