Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi

Islaamku ma diiddana in nololi ka jirto dhulka meel ka baxsan: Prof. Determann

21 March, 2024
Image
Professor Jörg Matthias Determann
Professor Jörg Matthias Determann
Share

Prof. Jörg Matthias Determann ayaa Geeska uga warramaya buuggiisa cusub ee ku saabsan citiqaadka Islaamka iyo suuragalnimada nolol dhulka ka baxsan.

 

Siddeeddii bishan Maarso ayay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanku ku dhawaaqday in aanay dadweynaha ka qarinayn wax tegnaloojiyad ah oo noolayaal dhulka ka baxsan (aliens) lagula xidhiidhi karo. Bayaankan qudhiisa ayaa shaki abuuri karayay, balse wuxuun buu u danbeeyay xiisad dheer oo ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo noolayaasha dhulka ka baxsan oo tan iyo xagaagii hore Maraykanka ku aloosnayd. 

July 2023 ayuu David Grusch, oo hore sirdoonka uga tirsanaa tan iyo 2023-diina ka shaqaynayay xafiiska la socda shaacsanaayasha aan la furdaamin (unexplained anomalous phenomena (UAPs)) ee taabacsann Wasaaradda Difaaca, ayaa fadhi Kongareesku lahaa u sheegay in “lagu wargeliyay” in uu jiro “mashruuc tobannaan sannadood socdey oo shaacsanayaashan lagu baadhayo la iskuna deyayo in wax lagaga beddelo” oo ay xaruni u furan tahay, balse aanu wax “tafaasiil” ah sii geli doonin.

Hadalkaa buuqa dhaliyay ka dib, xildhibaanka aqalka sare ee Barlamaanka Maraykanka ka tirsan ee Chuck Schumer ayaa soo jeediyay hindise-sharciyeedka bannaan-dhigista arrimaha ku saabsan walxo cireedyada aan la aqoonsan (UFOs), hindisahaas oo aad loo wiiqay ka hor intii aan bishii Diseenbar la ansixin. Bil ka horna waxay dawladda Maraykanku furtay websayd la dhaho “All-domain Anomaly Resolution Office (AARO)”, oo loogu talagalay in shaqaalaha dawladda iyo shicibkuba ay ku soo guraan haddii ay arkaan walxo cireedyo aanay aqoonsan. Dalka Meksikana, aqalka hoose ee barlamaanku wuxuu saxafiga muranka badan ee José Jaime Maussan u oggolaaday in uu soo bandhigo labo meyd oo uu sheegtay in ay yihiin noolayaal dhulka ka baxsan oo uu raqdooda ka helay waddanka Peru. Wixii uu Maussan soo bandhigay aad bay saynisyahannadu uga maadsadeen.

“Aad baa arrintan loo soo danaynayaa,” ayuu yidhi Jörg Matthias Determann, oo bare sare oo taariikhda dhiga ka ah Jaamacadda Virginia Commonwealth ee dalka Qadar, oo buug uu tifaftirayaashiisa ka mid yahay uu dhawaan soo baxay: waa buugga Islamic Theology and Extraterrestrial Life, oo ah curisyo la isu soo ururiyay oo ay dhawr aqoonyahan ku lafagurayaan masalooyinka ku saabsan soojireenka aqoonta islaamka ee ku aaddan nolosha dhulka ka baxsan, iyo sidoo kale Quraanka iyo xadiisyadu waxa ay arrintan ka qabaan.

Determann wuxuu hore u qoray buug la dhaho Islam, Science Fiction and Extraterrestrial Life, oo ku saabsanaa sheeka-faneedyada saynis-awaalka (sci-fi) ah ee laga soo saaro dalalka Muslimiinta. Wuxuu rumaysan yahay in “Islaamka laftiisu aanu is hortaagayn suuragalnimada in nolol qalaadi jirto,” isaga oo soo xiganaya aayadda labaad ee suuradda Faatixa: “Mahad waxa leh Rabbiga caalamyada.”

Prof. Determann wuxuu Geeska uga warramay buuggiisan cusub, sida uu mawduucan ku daneeyay, iyo sababta uu u rumaysan yahay in Islaamku u furan yahay suuragalnimada in ay jirto nolol ka baxsan dhulku.

 

Faysall Cali (FC): Sidee baad ku gaadhay in aad xidhiidh ka dhexaysiiso labadan mawduuc ee ay adag tahay in ay is raacaan: islaamka iyo noolayaasha qalaad ee dhulka ka baxsan?

Jörg Matthias Determann (JMD): Tan iyo yaraantaydii waxaan ku falnaa saynis-awaalka. Waxaan ku kacaamay taxanayaashii Star Wars iyo Dune. Iyo ciyaaraha fiidyawga. Kolkaa, yaraan bay i gashay danaynta aan u hayo saynis-awaalka hawada sare ku saabsan. Waxa sidoo kale uu xiise ii galay siyaasadda iyo taariikhda, gaar ahaan tan dunida Carbeed iyo Muslinka, sannado badan ayaanan ku qaatay dersidda Bariga Dhexe. Markii aan se Qadar u guuray ayaan u soo jeestay saynis-awaalka islaamiga ah.

Waxaan la indhadaraandaray mashruucyada mustaqbal-abbaarka ah ee aadka u casriyaysan ee magaalooyinka Khaliijka ka socda, sida Dubay oo noqotay magaalo isku qeexday “beledkii mustaqbalka,” Dooxa iyo dabcan Neom. Imaaraadkuna waa kii barnaamishka cirbixineed bilaabay. Waxan oo dhamina waxay igu dhaliyeen su’aalo ku aaddan himilooyinkan mustaqbalka ee mandiqadda Khaliifka laga suuraysanayo oo aan ahayn nuqullo laga soo dheegtay mustaqbal-abbaarka reer Galbeedka. Sidaas ayaanan mawduucan u soo dhex galay.

 

FC: Culimada Islaamku miyay aad u daneeyaan mawduucyadan: walxo cireedyada aan la aqoonsan, hawada sare, iyo noolayaasha dhulka ka baxsan?

JMD: Islaamku diin ahaan aad buu ugu xidhan yahay samada, Muslimiintuna sidoo kale. Waxaad eegtaa xilliyada la tukado oo samada ku wada xidhan iyo xaqiiqada ah in badi xiddigaha ay magacyada u bixiyeen fallag-yaqaankii Muslimiinta ahaa. Quraankuna wuxuu Alle ku qeexayaa Rabbiga caalamyada (رَبِّ ٱلْعَالَمِينَ), waxana la is wayddiin jiray waxa caalamyadaasi yihiin iyo waxa ay ka kooban yihiin.

Waxay aad u daneeyeen jirayaasha la rumaysan yahay in aynu koonka ku wada uumannahay sida malaa’igta iyo jinka, aadna wax bay uga qoreen. Jinka marka gaar loo eego, waxa loo sawiraa in ay yihiin noolayaal caqli badan oo awood u leh in ay samaha iyo xumaha kala doortaan. Kolkaa waxaan odhan karaa haa. Laakiin danayntoodu ma ahayn heer ah sida aynu maanta uga fekerno noolayaasha dhulka ka baxsan. Waxa aan ku doodayaa anigu in Quraanku uu suuragalnimadaa fursad u banneeyay, haddiiba aanu tibaax ka bixin, ah in nololi ka jirto meel dhulka ka baxsan. Ma diiddana aragtidan.

 

FC: Waxay ila tahay in arrintani aanay ahayn mid muran badan dhalinaysa, laakiin waxaan is wayddiinayaa haddiiba baadhitaanka mawduucani uu walaac ama diidmo dhaliyay marka dhanka diinta laga soo fiiriyo.

JMD: Werwerkayagu wuxuuba ahaa tolow mawduucan ma loo qaadan karaa mid dhab ah. Inta badan mawduucan waxa loo arkaa mid aan muhiimad weyn lahayn, waxana ka buuxa sheekooyinka dhagarta iyo shirqoollada khuraafiga ah. Waxa se noo soo baxday in dhinacyada kala duwan ee Muslinku ay arrintan isku waafaqsan yihiin: Fekradda ah in Alle yahay Rabbiga caalamyada, in la rumaysan yahay in ay jiraan dhawr cir iyo dhawr dhul, iyo in noolayaali ay ku dhaqan yihiin caalamyadaas.

 

FC: Qoraalladii ay soo gudbiyeen qoraayada buugga ka qaybqaatay miyay ku jiraan wax indhahaaga gaar u soo jiitay? 

JMD: Waxaan aad ula dhacay kaladuwanaanta qoraayada, oo isugu jiray filasoofarro, aqoonyahanno diinta bartay iyo qoraayo saynis-awaalka qora; iyo xataa sida ay xadiisyada iyo Quraankaba ugu adeegsadeen in ay ka soo dhiraandhiriyaan fasiraado taageeraya koon nololi ka jirto. Waxa lagu yar kala duwanaa mawduuca ah dadku ma jaadgooni baa? Ilaa heerkee bay dadku noolayaal gaar ah ku yihiin koonka?

Dabcan aqoonyahannada diinta qaarkood baa ku dooda in aynu noole gaar ah nahay, oo innaga la inoo xilsaaray daryeelka iyo ka-warhaynta xawayaanka, dhirta iyo degaanka, iyo in xataa malaa’igta la amray in ay u sujuudaan Aadan.

 

FC: Waxyaabaha aad faaqiddeen miyay ku jirtaa waxa iska beddeli kara caqiidada Islaamka haddii lala kulmo xaddaarad horumarsan oo noolayaal dhulka ka baxsan u dhisan?

JMD: Taasi way saamayn kartaa doodahan caqiidada diineed ku saabsan. Waxay abuuraysaa su’aalo ku aaddan waajibaadka akhlaaqeed ee Muslimiinta ka saaran noolayaasha aan dadka ahayn ee haddana caqliga badan. Haddii la helo noolayaashan, ma waxa la gelinayaa martabadda dadka oo ay fuulayaan waajibaadka iyo asluubta dadkaba saaran, mise waxa la geynayaa martabadda xawayaanka oo dadku ay isu arkaan in ay ka masuul yihiin? Waxa sidoo kale jira su’aalo kale oo la xidhiidha khataraha aynu u geysan karno iyo kuwa ay inoo geysan karaan. Ma xil baa inaga saaran in aynu farriinta diinta gaadhsiinno? Kolkaas ma qabo in ay caqiiqadada Islaamka gilgili doonto, balse kolley arrimo kale oo lagu mergado way la iman kartaa.

 

FC: Miyaad u gondadegteen masalooyinka la xidhiidha halka uu iminka marayo baadigoobka loogu jiro nolol dhulka ka baxsan? 

JMD: Wax sidaas u weyn maynaan ka gungaadhin. Waxaynu hellay molakiyuullo nololeed oo waaweyn oo ah lebenka noloshu ka dhisanto, balse molakiyuulladani inta badan waa silsilado kaarboon ah iyo malaha curiyayaal kale. Waxaynu biyo hoor ah ku aragnay jidh-cireedyada kale, dayaxyada meerayaasha Raage (Saturn) iyo Cirjeex (Jupiter) oo leh lakab-barafeedyo laga yaabo in nololi ka hoos suurageli karto.

Wixii ka baxsan hab-qorraxeedkeenna, waxaynu ilaa hadda daahfurnay in ka badan 5,000 oo meere, waxaynuna samaysannay qalab inoo saamaxaya in aynu u kuurgalno gibilka meerayaashaas. Laakiin ku ma aynaan arag saxeex farsamo ama nololeed oo inooga maragfuraya in meeshaas uu ka jiro hannaan nololeed ama bayoolajiyeed.

 

FC: Ma jiraa buug saynis-awaal ah oo Muslin qoray oo si gaar ah kuu saameeyay?

JMD: Waxaan odhan karaa waxaan aad ula dhacay buug la dhaho Galaksi Muhsini oo uu leeyahay qoraa reer Indunuusiya ahi. Waxaan aad ula cajabay sida uu nusuusta iyo erayada islaamiga ah ugu adeegsanayo caalamkaas uu abuurayo. Meerayaasha wuxuu ugu magacdarayaa suuradaha Quraanka, waxana ku jira saxan-cireed la dhaho Sayfullaahi (Seeftii Eebbe). Waxa ku jira algoorisam la dhaho taqwa. Wuxuu meelo badan ka shabbahaa taxanihii Frank Herbert ee Dune oo sidoo kale ka soo dhimbiilqaatay taariikhda Islaamka iyo Bariga Dhexe si uu u dhiso caalam ka-guur ah.

Waxaan sidoo kale ka helay sida dhaqannada iyo wareeggoodu isu saameeyaan. Taxanayaasha Star Wars iyo Dune waxa ka cad in ay wax ka soo ergisteen Islaamka oo ay caalamkaa khayaaliga ah wax kaga dhisteen. Dabcanna isla iyaga ayaa markooda saameeya macaamiisha saynis-awaalka ee Muslimiinta ah.