Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Maxaynu Qornaa!

15 May, 2024
Image
Buug
Dadweyne jooga Bandhigga Buugagga ee Muqdisho, 2021 (Sawirka: Barta Mogadishu Book Fair ee Twitter)
Share

Waxaan rumaysannahay in la joogo xilligii wax la iska wayddiin lahaa waxyaalaha aynu qorno iyo sidii aynu uga bixi lahayn mugdigan aynu galnay. Qoraalkani waa qayladhaan ku socota cid kasta oo u damqanaysa buugaagta.

 

Hubaashii, mustaqbal madow ayaa ku meegaaran buugaagta Soomaalida. Hoosudhac weyn ayaa ku yimi tayada buugaagta la qoro, sannooyinkan danbe. In kasta oo ay tiro ahaan aad u kordheen, waxaa sannadba, sannadka ka danbeeya sii lumaya tayada buugaagta. Muddooyinkan danbe waxa la qoraa waxay u bateen cantarabaqash aan lahayn wax nuxur ah! Akhris la’aanta buugaagta waxaa boqol jeer ka welwel badan, taya la’aanta buugaagta oo ka dhigan qoraal la’aanta. Maadaama qoraalka yoolkiisu yahay mustaqbalka iyo inuu qarniyo raago oo muddo dheer la manaafacsado. Waxyaalaha bilaa macnaha ah laguma sheegi karo buug iyo wax u dhow toona. Beryahan danbe waxaa suuqyada buugaagta ee Soomaalida haysta mawduucyo weyd ah oo luggooyo waxaan ahayn aan laga taransanayn. Dabcan, dadkana ku diraya akhriska! Buugaagtaa la buunbuuniyey ma soo dhaafaan hoolka lagu soo bandhigo oo halkaas ayay ku hagaasaan. Iska daa inay ummadda anfacaan e, kii qoray waxba uma taraan. Sababta oo ah, ma aha wax laga soo baaraandegay oo wakhti loo huray. Waa buugaag la nooc ah, kuwii Cabdiwaaxid Bookshop ka soo bixi jiray, balse ka buuq badan! 

Tobankii sanno ee ugu horreeyey, kolkii la hirgeliyey farta Soomaaliga waxaa soo baxay tiro buugaag ah oo isugu jira suugaan, sooyaal iyo cilmi. Waxayna badankoodu ku ogog lahaayeen mawduucyada kala ah, gumaysiga, dhaqanka, fanka iwm. Si kasta oo ay tiradoodu u yarayd, haddana waxaa xilliyadaa soo baxay buugaag ilaa hadda lagu dhaato, tixraacna u ah mawduucyada ay ka hadleen, kuwaas oo maanka iyo maktabadda Soomaalida wax weyn ku biiriyey. Tusaale ahaan, buugga Maxamed D. Afrax ee Fan-Masraxeedka Soomaalida wuxuu ilaa hadda yahay tixraaca koowaad ee fanka Soomaaliga laga qoray. Waxaa xusid mudan in ilaa hadda mawduucaasi halkaas ku taagan yahay oo ma jirto cid aragti cusub ku biirisay mawduucaa. Buugaagta nafta leh ee isla xilliyadaa la qoray waxaa sidoo kale ku jira, buugga Hantiwadaagga Cilmiga ah ee qoray Axmed Maxamed Maxamuud (Cashuur). Buuggani wuxuu lafagurid iyo isbarbardhig ku samaynayaa hantiwadaaga cilmiga ah iyo hantigoosiga. Qoraayada ka tegay buugaagta dhaxalgalka ah waxaa ka mid ah Axmed Cartan Xaange oo buugaag badan oo wada jaadgooni ah qoray. Wuxuu badiyaa wax ka qori jiray sheekaxariirooyinkii Soomaaliyeed iyo guud ahaan, suugaanta Soomaalida. Mid ka mid ah buugaagta ugu tayada sarreeya ee Soomaaliga ku qoran, in la akhriyana mudan, waa Dalkii Udgoonaa oo Xaange ka qoray ilbaxnimadii hore ee Soomaalida. Qoraayada xusidda mudan waxaa ka mid ah: Faarax Maxamed Jaamac Cawl oo sheekadiisa Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl lagu sheego sheekadii ugu horraysey ee Af Soomaali lagu qoro. Waa sheeko dhab ah oo ka dhacday degaanka Laasqoray. Waxaa sidoo kale xusid mudan Garbaduubkii Gumaysiga oo Cawl si sheeko ah ugu soo tebinayo halgannadii kala geddisnaa ee gobannimadoonka daarannaa.

Marka ay noqoto in la soo hadalqaado qoraalka Soomaaliga waxaan la illaawi karin labada qoraa ee Muuse Galaal iyo B.W.ANDRZEJEWSKI (Guush) oo jiilasha danbe ee Soomaalida uga tegay qoraallo aan weligood duugoobaynin. Qoraayada ka tegay buugaagta qiima leh, intaa kuma koobna ee waa u tusaale iyo intii aan ka xasuustay. Buugaagta la qoray wixii ka horreeyey 1991-kii waxay wada ahaayeen waxqabadyo wada jidbixin ah oo dadaal badan ka muuqto.

Waxaa lagu doodi karaa in 19-kii sanno ee ugu horreeyey hirgelintii Af Soomaaliga la qoray buugaag dhaxalgal ah. Balse wada bilow ahaa oo dhammaystirkooda looga baahnaa dhallinyarada danbe ee wax qora. Waa masuuliyad la dayacay, waxaan se u aanaynayaa habqanka meel walba ka haysta Soomaalida iyo jiritaan la’aanta akadeemiyado ama madalo isku xidha labadaa jiil oo tira qabyadaa ay ka tageen. 

Tayadarrada qalinka Soomaaligu wuxuu bilaabmay sannaddii 1991‐kii. Hoobadka ay galeen buugaagta Soomaalida waxaad tusaale u ah in xitaa buugaagta wacan ee soo baxday tobanleydii ugu horraysey qarnigan 21aad ay badankoodu ahaayeen dibumilicsi la xidhiidha xilligii Kacaanka iyo wixii ka horreeyeyba. Waxaa tusaale u ah, Ibraahin–Hawd iyo buuggiisa sheekafaneedda ah ee Aanadii Nageeye. Sida banyaalka ah, waxaa kumannaan buug iyo kumannaan sheeko laga qori karaa halaaggii 1991-kii ku dhacay guud ahaan Soomaalida. Xilliyadaas oo malaayiin qofi ay u le’deen go’doomin, gaajo, dil iyo cudurro. Waxaa muuqata in caajis qoraal inagu dhacay, oo iyada oo ay jiraan waxyaalo ciiddaa ka badan oo wax laga qori karo, la isku wada qaaday mawduucyo raqiis ah oo si liidata, weliba, looga warramay.

Tobankii sanno ee ugu danbeeyey buugaagta tayada leh ee soo baxday way yaraayeen. Waana midhadh tiro lagu koobi karo. Kaaga daranta, iyada oo xilligan lagu jiraa yahay xilligii xogta oo sahlanaanta xogeed iyo daahfurnaanta aqooneed ay caalamka maashaysay. Sida la filan karo, waxay ahayd in marba marka ka danbeeya waxa aynu qornaa ka sii wanaagsanaadaan oo aynu horumar xaggaa ka samayno. Balse sidaa lidkeed, waxaa muuqata in dibugurasho fikir iyo dibudhac qoraalba inagu dhacay. Tobankaa sanno ee ugu danbeeyey waxaa la qoray wax magaca uun buug ka ah, balse nuxurka wax kale ah. Kuwaas oo aan u qalmin in la iibsado iyo in la akhriyaba, in kasta oo faa’idada keliya ee ay leeyihiin ay tahay ogaanshaha buugaagta iyo mawduucyada qarriban ee la qoro! Kolka aan la kulmo buugaagta noocaas ah waxaa igu soo dhacda wayddiin la xidhiidha sababta qofkan ku kelliftay mawduucan ee uu maskax iyo maal ugu quudhay. Marar badanna waxaa amakaag igu noqota sida uu qofkaasi u fekerayo iyo halka uu ka fekeryo! Waa cibaaro! Qof qori kara ama soo bandhigi kara dood miisaaman oo waxtar leh ayaa dooranaya inuu wax ka qoro mawduucyada raqiiska ah ee doqonigaratayda ah!

Ma ahi garmaqaate, kala duwanaashaha diiddan e, waxaan aad u saluugsanahay waxa aynu qorno oo, run ahaantii, qashin ah! Waxaan doonayaa in aad looga baaraandego buugga la qorayo oo aan dadka lagu luggoyn waxyaalo bilaa micno ah. Waxaan taageersanahay, halkii laga qori lahaa toban buug oo aan naf lahayn, in xoogga la saaro hal buug oo tayo leh—in tayada laga hormariyo tirada. 

Waxyaalaha dilay buugaagta waayadan danbe la qoro waa laba waxyaalood: waa mawduuc gebigiisuba aan nuxur lahayn iyo mawduuc wanaagsan oo la buhabuheeyey, baadhis qoto dheerna aan lagu samayn. Marka laga yimaaddo labadaa dhaliilood ee waawayn waxaa jira saddex dhibaato oo gebi ahaanba tayadii ka qaaday buugaagtii la qoray wixii ka danbeeyey burburkii ku dhacay Soomaalida. 

Waa marka koowaad e, qalinka Soomaalida waxaa macnatiray, welina macnatira, qoraayada reerahooda ugu xagliya taariikhda ee qabyaaladdu qaadday. Qoraayadaasi waxay tamar badan geliyeen aflagaaddada reer gaar ah, iyo ammaanta reerkooda. Shaqadaas oo dabcan ay buuxaan dad waxmagarato ah oo reer kasta u qabta. Shaqadaa raqiiska ah ee qoraayadaasi qabtaan waxay qayb ka ahayd dagaalladii sokeeye ee 1991-kii bilowday, ilaa maantana meelo badan uga aloosan siyaabo kala geddisan. Hawshaa waxaa hormuud u ahaa odayaal waaweyn oo dhallinyaro badani ku dayato, una qaatay shaqo sharfan inay qalinka ugu hiiliyaan ama ku difaacaan qabiilladooda.  Sidaa waxaa ku muunadbeelay qoraayo fara badan oo taariikh ama dhacdo ka warrama, kuwaas oo waxa ay qorayaan iyo sida ay jecel yihiin kala saari kari waayey. Qiyaastii qoraayadaasi waxay ku saamoobeen maansayahannadii Soomaalida oo shaqadoodu ahayd sharfidda reerkooda iyo sumcaddilka reeraha kale—waa qodob u baahan in si gaar ah loo lafaguro, dhinacya badanna laga istaago. Waxaa sidoo kale maansayahannada kaalintan kaga dayday indheergaradka Soomaaliga ah ee casrigan.

Waa mar labaad e, qoraayo badani waxay noqdeen dhaqaaladoon—sida caadiga ah qofkaasi uma qalmo in qoraa loogu yeedho! Dhaliishaasi waxay buugaagtooda ka dhigtay waraaqo la isku dhedhejiyey oo kala dhantaalan. Halkii uu wakhti ka gelin lahaa waxa uu qorayo in ka badanna wuxuu maankiisa dhex mirta shilimaadka uu ka heli doono buugga, taas oo nusqaan ku ah isaga iyo buuggaba. Buug kasta oo loo qoro dhaqaale dartii, buug ma aha, qofkaasina qoraa ma aha. Dhallinyaro badan oo dhawaanahan soo baxay ayaa qodobkaa mabda’ ka dhigtay, buugaagtiina u qaatay agab lacag lagu urursado ama lagu dewarsado. Waa dhaqan ay tahay in qof kastaa ka dhiidhiyo, qori faraaryo lehna la iskaga qabto qofkaa kufsanaya buugaagta. Waayo? Haddii aad ka aamustid iyaga ayaad la jirtaa oo waxaad taageersan tahay dhaqanxumadaa! Waa in cod dheer iyo mid gaabanba lagu sheegaa in sababaha wax loo qoraa ay intaa ka sarreeyaan. Waxaan rumaysanahay, in dadkaasi fikrad khaldan oo ay meel daran iyo meel daaddays kala yimaadeen gudbinayaan. Dhinaca kalena, dhaqanka akhriska ee ugubka inagu ah ay bulshada ka dilayaan. Waa niman gobannimaba doonahayn, gini cas mooyaan e! 

Waa mar saddexaad e, cudurrada curyaamiyey qoraayada danbe ee Soomaalida waxaa ka mid ah caannimo-raadis. Dantiisa ugu weynina waa in dadku u soo istaagaan ama magacaa uu caashaqay loogu yeedho. Cudurkaasi wuxuu, sidoo kale, ka jeediyey inay wax hagaagsan qoraan oo waxay hadh iyo habeen u xiiqsan yihiin in loo qiro mansab aanay u qalmin. Halgankaa ay ugu jiraan inay isa soo saaraan ayaa la galay inay soo malmaluuqaan wax ay buugaag ku sheegeen, balse aan ahayn. Wacnaan lahaydaa haddii dadaalkaa ay ku bixinayaan magacraadiska ay gelin lahaayeen buugga! Waxaa habboon in dhallinyaradu xoogga saaraan horumarka qoraalladooda, kana dheeraadaan qaadashada iyo raadinta magaca qoraa.

Qoraagu waa inuu marka hore qeexaa mabda’yada uu ka duulayo iyo mawduucyada uu qalinkiisa seeska uga dhigayo. Waana inuu aad u lafaguraa muhiimadda uu bulshada u leeyahay mawduucan uu qalinka u qaatay. Haddii qoraagu qeexo mabda’yadaa, isla markaana qiimeeyo muhiimadda mawduuciisa waa hubaal inuu qorayo wax muddooyin badan la manaafacaadsado. Balse haddii ay dantiisu tahay caannimo iyo shilimaad aad ku heshid waa xaqiiq inuu dadka buug u soo malmaluuqo oo dabadeedna, meelahaa la istaago ha layga iibsado. Qoraagu waa inuu leeyahay ujeeddooyin ka fogfog dhaqaale iyo magac oo gaadhsiisan dibuhabaynta iyo hogatusaalaynta bulshadiisa. Qof maangaab ah uun baa labadaa qodob gundhig ka dhigan kara. Qoraaguna, sida banyaalka ah, shaqo iyo shuqul kuma laha maangaabnimo! Qoraaga waxay shaqadiisu dhammaataa kolka buugga maktabadda la dhigo, halkaas oo shaqada akhristuhu ka bilaabanto.  Buugga nafta lihi waa ka is iibiya ee ma aha midka kii “qoray” iibiyo! Qoraayada xilkoodu waa inay indho iyo dhego u noqdaan bulshooyinkooda oo ay ku hoggaamiyaan tubta wanaagga iyo horumarka, balse ma aha inay dabakacaan bulshada ama goradda u laalaadiyaan siyaasiin iyo danley kale oo dantoodu tahay badhaadhahooda. Waa in qoraayadu ummadda jiheeyaan ee ma aha in iyaga la jiheeyo.

Dad baa ku dooda in tirada xoogga la saaro oo tayada loo soo noqon doono. Aniga aragtidaasi waa ila qalloocan tahay, sababta oo ah, ma garanayo wax lagu falayo waraaqo fara badan oo la isku dhedhejiyey oo buug lagu sheegay. Waxaa ila qumman in tayada lagu dadaalo oo xoogga la saaro mucda mawduuca la qorayo. Sidaa ayaa mar kastaba ka dheef badan buugaag badan oo aan bulshada aan waxba ugu filnayn, tamar iyo tacab tirabbeel ahna lagu khasaariyey.

Buugga tisqaadaa waa midka loo hagarbaxay ee dhammaysnaanta u dhow. Waa buugga ay ka buuxaan aragtiyo darariya maanka ee ka jawaaba baahiyaha haysta bulshada. Mar kalena waa buugga kaydiya dhacdo muhiim u ah ummadda oo ay tahay in aan la illaawin. Mar saddexaadna, waa buugga saadaaliya aafooyin soo socda oo ay tahay in laga feejignaado. Buugaagtu waa barta laga saadaaliyo mustaqbalka ummadi leedahay, laguna qeexo waayaha ay ku jirto. 

Wax kastaa kama maarmaan halbeeg lagu cabbiro hagaaggiisa, iyo habraac lagu hago horusocodkiisa. Sidaa daraaddeed, buugaagta, oo aan xilligan lahayn wax halbeeg ah, waxaa muhiim ah in loo sameeyo oo aan la isku hallayn dadaalka ay bixinayso cidda qortay. Qodobkan waxaa hirgelin kara shirkadaha daabacaadda iyo ururrada qoraayada. Abaalmarinaha la siiyo qoraayada qora buugaagta nacfiga lehi waxay kaalin weyn ka qaataan dhiirrigelinta buugaagta hagaagsan iyo dhiirrijebinta buugaagta tasoobay. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la helo haayado qiimeeya waxqabadyada muhiimka ah ee ku qoran Afka Soomaaliga. Waa dhaqan aynu u baahannahay oo ugu yaraan keenaya in la aqoonsado, lana maamuuso buugaagta madhaafaanka ah ee hadba sannadkaa soo baxay. Ujeeddadada ugu weyn ee laga leeyahayna waa in bulshada loo bayaamiyo buugaagta ay tahay inay wakhti u huraan ee ka turjumaya waayaha iyo waaqaca ay la nool yihiin. Mar kalena ka haqabtiraya baahida xogeed iyo aqooneed ee haysta. Sidoo kale, waxyaalaha xusidda mudan ee si weyn loo tebayo waxaa ka mid ah madalo gorfayneed oo kala shaandheeya waxyaalaha la qoro. Waa kaalin bannaan oo u baahan in la buuxiyo, si loo helo buugaag tayaysan oo dadka anfacaya, qoraayada da’da yarina ay ugu daydaan, waxna ka korodhsadaan.

Shaqada shirkadaha daabacaaddu ma aha oo keliya soosaarista buugga e, waa inay sidoo kale hubiyaan cuddoonaanta mawduuca iyo toolmoonaanta luuqadeed ee buugga. Shirkadaha Soomaalida oo sanooyinkii danbe soo badanayey waxay ku fashilmeen ka runsheegidda labadaa masalo ee isku sidkan. In kasta oo dadka u xilqariyaa ku doodaan inay haqabtireen baahidii daabacaadeed ee jirtay, haddana waxaa muuqata inay ka gaabiyeen soosaaridda buugaag, dhan walba, laga saxartiray oo u cuntami kara akhristayaasha Soomaaliyeed. Sida ay shirkadahaasi u badan yihiin uma tayo badna, badankooduna waxay qayb ka yihiin foolxumada iyo micnadarada ka muuqda buugga Soomaaliga ah. Si kasta oo curashadoodii u ahayd yididdiilo loo riyaaqo iyo rajo la naawilayey, waxaan rumaysanahay inay dhicisoobeen. Dhicisoobiddaana waxaa ugu wacan dadka majaraha u qabtay oo aan ehelkii buugaagta ahayn, waxna ka fahansanayn waxa buugga hagaagsani u baahan yahay. Iska daa inay baahida jirta daboolaan e, waxay abuureen fawdo aan hore u jirin! 

Wax kasta oo la qoraa quruumo ma hadhaan e, wixii raandhiis leh ayaa raaga. Buugaag tirabbeel ah oo dhallinyaro badani qortay waxay iyaga iyo buugaagtoodiiba la hagaaseen tayadoodii hoosaysey iyo horumar la’aantii ku habsatay. Waxay ku kaaftoomeen buug hebel baan qoray oo keliya, iyaga oo aan dhab ahaan dhaadin nuxurka uu leeyahay waxa ay qoreen, isna wayddiin inay u qalmaan darajada qoraa iyo in kale. Dhallinyaradaasi waxay tacab iyo tamar geliyeen mawduucyo weyd ah oo aanay waxba ka biirayn, bulshadana aan waxba tarayn. Kol haddii ay go’aansadeen inay wax qoraan, waxaa la gudboonayd inay ummadda u qoraan mawduucyo ay wax ka dheefayaan, sannado badanna noqda dhito loo aayo. Xulashada mawduucu waa muhiim, marka ay joogto qoraalka oo waa inay xoogga saaraan xalka dhibaatooyinka haysta bulshada ama ku hareeraysan. Waa inaanay dhab moodin aragtiyaha ku salaysan shirqoolka iyo dhibaatooyinka gacan-ku-samayska ah. Qoraaga waxaa looga baahan yahay inuu ku hubaysnaado aydiyoolaji iyo aragtiyo uu garanayo, lalana fahmi karo, isla markaana, waaqaca ka muuqda oo aan keligii u sanqadhin. Waa qoraayo bacaysan oo caydhsanaya dhaandabagaalle. Inta bulshado wax ka sugayso in ka badanna iyagaa u baahan in xal loo raadiyo oo laga saaro baydadkan ay qaadeen.

Taladaydu waa in meel looga soo wada jeesto dadkaa magacdilaya buugaagta ee bulshada ku baadhanaya. Qof kasta waxaa saaran waajib ah inuu wax tayo leh qoro, si aanay fursad u helin dadka waxyaalahaa liita qorayaa. Waa in dib boodhka looga jafaa dadaalladii midhadhalka ahaa ee istaagay. Waxaan rumaysannahay in la joogo xilligii wax la iska wayddiin lahaa waxyaalaha aynu qorno iyo sidii aynu uga bixi lahayn mugdigan aynu galnay. Qoraalkani waa qayladhaan ku socota cid kasta oo u damqanaysa buugaagta. 

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Gumaysiga Cusub ee Afrika

Aragti

Lacagta iyo Sicirbararka

Buug

Falsafadda Dagaalka