Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Suugaanta sarbeeban

17 May, 2024
Image
Marco Marcola: Mythological allegory
Marco Marcola: Mythological allegory
Share

Suugaanlayda dunida oo dhan waxay isu taagaan dhabsheegnimo iyagoo middaas ku mutaysto dhibaatooyin ka la duwan. Si ay dhabta u sheegaan dhibtana uga badbaadaan ayay u adeegsadaan farsamada 'suugaanta sarbeeban'. 

 

Hal'abuurka suugaanlayda oo dhan waxay badankood dhibbanayaal u noqdaan talisyada bulsho, dabaqadda sare iyo bulshada qaybteeda asalraaca ah. Hal'abuuruhu wuu maaxdaa, tilmaamaa oo toosiyaa dhimaallada bulshada, taasina waxay hal'abuurraha u keentaa dhibaabo. Sarbeebtuna waa habka ugu mudan ee uu suugaanyahanku ku dhuunto. Suugaanlayda dhabta ku sheego tixda, waxay adeegsadaan gabayo iyaga oo aan dhabtii toos u sheegin ayay haddana sarbeebayaan iyaga oo aan ka lumin duxdii iyo dawgii toosinta. Halka, kuwa adeegsado tiraabta ay dhabta u muujiyaan qaab sheekofaneed ah, masaraxiyad ama tab barnaamish ah. Oorwil, suugaantiisa faca wayn ee uu ku muujiyay dhiillada shuuciyadda, wuxuu u adeegsaday qaab sheekofaneed ah isaga oo markaas qoray sheekadiisa caan baxday ee 'Beerta Xayawaanka'. Sheekadaas waxaa laga mamnuucay 'Soomaaliyadii kacaanka', waxaynna u muuqatay wax koontarabaan ah. Taasi waxay carqalad ku noqotay tarjumistii u horraysay ee Af Soomaali ah in la faafiyo. 

Wuxuu Maxamed Daahir Afrax, ku sheegay faaqidaaddiisii uu ka qoray masraxiyadda 'Xorriyo nin geyaa goormuu dhalan' Soomaalidu in ay yihiin bulsho aad ugu wanaagsan hab kaan suugaanta sarbeeban ah. Marka laga yimaado adduunwaynaha iyo suugaanta guud, waxaan duljoogsi ku samaynayaa suugaanta Soomaalida ee habka sarbeeban loo dhigo. Siyaabo ka la duwan ayay sarbeebtu ku timaaddaa, oo marna waa mar cabsi talis ay jirto, mar kale waa mar uu hal'abuuruhu xeerinaayo waxyaabo kale iyo mar uu hal'abuuruhu u diraayo dadka maskax-maaxin. Midda danbe Afrax marka uu qoraayo faaqiadadda masaraxiyadda 'Xorriyo nin geeyaa goormuu dhalan' wuxuu ku tilmaamaayaa inay qayb ka tahay astaamaha shaqo-suugaaneedda wanaagsan. Siyaabaha ugu badan ee ay suugaanlayda Soomaaliyeed suugaanta u sarbeebaan waxaa ugu wacan labo mid; mar ay talis ka cabsi qabaan iyo mar ay maskax-maaxin samaynayaan. Marka ugu dhadhanka badan waa marka ay iska ilaalinayaan taliska haddana ay dhabtii tilmaamayaan.  Waxaa jiray u qaabilsanayaal u qaabilsanaa taliska arrimaha faafreebidda iyo ka-la-shaandhaynta suugaanta, haddana iyada oo ay waxaasi oo dhan jiraan ayay ka hoos bixin jireen oo ay tixo, masraxiyado riwaayadeed iyo barnaamishyo sheegi jireen hal'abuurrada suugaaneed ee soomaalidu. Taasi waxay muujinaysaa hal'abuurrada dedaalkooda iyo dhiijintooda suugaaneed. Dadku, waxay laftooda sarbeeb ka raadinaayeen meel aanay sarbeebi jirin, waa sida uu Afrax qabo e. 

Waxyaabaha sida wayn mudnaanta u lahaa waxaa ka mid ahaa masraxiyadaha faneed ee hirgalay oo ahaa kuwa sarbeeban. Waxaa ugu tun wayn riwaayadda 'Xorriyo nin geeyaa goormuu dhalan' oo dhabtii ah waxsoosaar masraxiyaddeed oo aad u iftiimin iyo sarbeeb badan. Riwaayaddaani waxay ku tusinaysaa hoobaalnimada hal'abuuraha dhuumaanaayo ee haddana dhabsheegnimo ku mitid ka ah. Afrax isaga oo faaqidaad masraxeed ku samaynaayo riwaayadda ayuu yidhi; "siyaalaha ka la duwan ee suugaanlayda Soomaaliyeed sarbeebta u adeegsadaan bulsha-wayntuna ay la baratay waxaa ka mid ah, in dalka iyo qarannimadiisa lagu qofeeyo ama lagu maldaho gabar aad u qiima badan oo la wada jecel yahay." Dhabsheegimada ayaa loo adeegsanayaa qaab tilmaamid inan qurux badan, inantuna nin geeyo ayaa la iska doonayaa. Halkaasi waa halka dooddu ka butaacanayso, heemaalnimo suugaaneedna lagu soo bandhigaayo. Hal'abuuraha iyo kooxda masraxiyadda samaynayso dhammaantood waxay muujinayaan dhabta, haddana waxay iska qarinayaan taliska. Waxay wax u sheegayaan dadka, haddana waxay iska qarinayaan dadka qaybtood. Waxay ka hadlayaan arrimo isa-saaran, haddana si cad oo kalfuran u ma tilmaami karaan. Iyaga oo adeegsanaayo suugaanta sarbeeban ayay ka hadlayaan arrimo badan, u hadlayaan dad badan, haddana la hadlayaan gacanta qooqan. Masraxiyadda iyo halka ay ka sarbeeban tahay isaga oo u jilcinaayo inta aanan sarbeebta fahmin ayuu Afrax ku lee yahay faaqidaaddiisa sheekamasraxiyeedda " Xorriyo waxay u taagan tahay Soomaaliya, inta la safanna waa shicibka Soomaaliyeed iyo sama-takiska guud".

Riwaayaddu waxay soo shaac baxday billowgii Siddeetamaadkii, waxayna dusha sare u noqotay masraxiyaadkii soo baxay berigaas. Soo bandhigista waxaa qaatay Hoballada Waaberi, hormuudna waxay u ahaayeen fanka Soomaaliyeed berigaas. Waxaa isugu tagay labeentii bulshada, hal'abuuraha riwaayaddu waa Maxamed Cabdillahi Ciise "Singub". Waxaa dhadhan macaan leh sida jilaayaashu u ka la qaateen magacyada. Doorka "Xorriyo"-'na' waxaa qaadatay heemaashii Saado Cali Warsame ahayd. Faynuus Shiikh Daahir (Gardarro), Maxamed Axmed Kuluc (Gama'diid), Cabdi Cali Bacaalwaan (Sulub), Xaawo Caaji (Saxala'), Saalax Qaasim Naaji (Sama-wade), Maxamed Cumar Huuryo (Afdhabaandhab), Faarax Guuleed (Sibra-gooye), Cumar Rooraaye (Horseed) iyo sidii caadada masaraxa Soomaalida ahayd waxaa isna door kiisa qaatay (Singub). Halkii ugu horraysay ee lagu soo bandhigo waxay ahayd Boorame, ka dib waxay iskaga gooshtay gobolladii waqooyi illaa ay ka timid Koonfur. Iyada oo Jowhar joogto ayay kaga horyimaadeen  ciidan loo soo diray joojinteeda. Dadku waxay ku abuurtay maskax-maaxin oo cid waliba si ayay u fasiratay. Halka kuwa taliska joogo iyo kuwa lagu naas nuujiya ba ay u fasirteen fikrad 'Kacaan-diidnimo' ah. Waa sida uu u dhigay Afrax e, marka uu ka qoraayo faaqidaadda masraxeed. Arrinta ugu xiisaha badani waxay ahayd markii bisaddu iska fasaxday doolligii sarbeebta iyo dhuumashada ku jiray. Aan jilicayo e, kooxdii riwaayadda wadday waxaa soo kaxeeyay ciidankii Jowhar kaga horyimid, ka dibna waxaa la keenay Afisyooni. Mar kale ayay kooxdu ka hor dhigtay riwaayaddii madaxdii ugu sarraysay taliska, oo waxaa daawanayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Maxamed Daahir Afrax, faaqidaaddiisa marka uu ka qoraayo riwaayadda meeshaan waxa uu lee yahay; "Mu'allifku-"Singub" wuxuu ii sheegay in uu madaxwaynuhu fasaxay riwaayadda, hasa yeeshee masuuliyiin kale ayaa ku adkaystay in aan la dhigi karin." Dhabsheegnimadii loo soo maray suugaanta sarbeeban in la sii daayo waxaa fasaxay madaxii ugu sarreeyay taliska ha se ahaatee talis walba kooxaha lagu naas nuujiyo ayaa ah kuwa aanan wax la dhaafin karin. Afrax wuxuu intaas raaciyay; "wuxuu waliba intaa ii raaciyay-"Sangub" in asaga nabadsugidda looga yeedhay oo xabsi lagu xukumay, hase yeeshee uu xadhiggiisa diiday madaxwayne Maxamed Siyaas Barre."

Waxsoosaarka nuucaani ah wuxuu figta sare kaga jiraa curisyada ugu qiimaha badan ee suugaaneed iyada oo loo curiyay hab sarbeeban. Waxaa iyana tilmaam mudan riwaayadda 'AQOON IYO AFGARAD', doorkeedii saamaynta lahaa iyo fan-curinta heerka sare ah. Marka laga yimaado duxda iyo dufanka riwaayadda waxay iyadu-'waa masaraxiyadda e' lafteeda la kulantay culaysyo farabadan. Buuni Siciid Saalax Axmed, waxa uu ku soo bandhigayaa ararta buugga sheekamasaraxiyeedda culaysyadii ay la kulantay masaraxiyaddu wuxuuna yidhi; " Sheekadaan waxay marar badan ku sigatay in ay raad go'do, waxay markii koowaad ka soo badbaadday faafreebkii kululaa ee dowladda kacaanka." waxay riwaayaddu marar badan gashay arrimo tuhun ah, kacaan-diidnimo iyo dhaleecayn kale. Se intii ay ka soo gudbi karto way ka soo gudubtay. Sheekamasaraxiyeedda nuucaan ahi waxay duxdeeda u soo bandhigtay qaab sarbeeban, suugaanteeda oo dhanna waxay u gudbisay hab sarbeeban oo ay farshaxannimo badani ku duugan tahay. Siciid Saalax, isaga oo ka hadlaayo arrimiha lagu qabsaday riwaayadda ayuu buugga masraxiyadda-"AQOON IYO AFGARAD" qaybta 'soo bandhigiddii masaraxiyadda' ku lee yahay; "Xafiiskii faafreebka u qaabilsanaa dowladda ayaa diiday in ay fasaxaan riwaayadda si dadwaynaha loogu soo bandhigo." Isaga oo sii faah-faahinaayo ayuu sii raaciyay; "Waxa ayna sababtu ahayd sarbeebaha iyo hummaagga ay adeegsanaysay iyo waxyaabahii ay ka hadlaysay ayaa loo qaatay kuwo maaumulkii Kacaanka lid ama dhalleecayn ku ah." Masraxiyaddu waxay ku suntanayd sida uu xusay buuni Siciid Saalax, suugaan sarbeeban iyo humaagyo dhabba abbaarkoodu ahaa dhabsheegnimo. Dufanka sheekamsaraxiyeeddaan isaga oo sii kooban toosh ugu ifinaayo Siciid Saalax, ayuu buugga riwaayadda qaybta 'aqoon iyo afgarad maxay gaar ku noqotay?' ku sheegayaa; "Maamulkii Kacaanka oo markaa saddex jirsaday oo aan cidina wax u sheegi karayn ama ka sheegi karayn, ayay bilowday in ay si badheedh ah u falanqayso xaalladdii markaa dalku ku jiray." Qodob kaani wuxuu ugu miisaan wayn yahay qodobbada kale ee uu Siciid Saalax, ku xusaayo qaybta riwaayaddu waxyaabaha ay la gaar noqotay. Masraxiyaddu waxay dhabba abbaaraysaa dhabsheegnimo, waxay u hadlaysaa dadyowga aanan loo hadli karin. Waxay sidoo kale la hadlaysaa gacanta qooqan ee aanan la la hadli karin. Isla mar kale waxay wax ka sheegaysaa isla gacanta qooqan iyo talis halkudhiggiisu yahay 'run sheeg waa ceeb sheeg' waliba iyada oo u marayso qaab suugaan ay sarbeebi ku sidkan tahay.

Mar kale waxaa jiray heeso hirgalay oo u hirgalay qaab sarbeeban, dux iyo doodna watay. Marka laga hadlaayo halkaan waxaa mudnaanta leh waxsoosaarridii duxda lahaa oo dhan ha se yeeshee waxaan ku gaabsanayaa heesaha kuwooda ugu duxda iyo doodda badan. Heesaha badankood waxay qayb ka ahaayeen fan masaraxiyeed ballaadhan, oo riwaayadaha ayay kudhex uruursan yihiin. Heesta 'CILMIGA' oo ay Maryan Mursal ka qaadday masraxa lagu dhigayay riwaayadda, ayaa mudan dul-joogsi. Waxay heestaani ka mid tahay heesaha kudhex uruursan riwaayadda caan baxday ee la yidhaahdo 'HABLAYAHOW HADMAAD GUURSAN DOONTAAN' , ee uu curiyay abwaan Maxamuud Tukaale Cismaan (AUN). Heesta curinteeda iyadana waxaa leh isla abwaanka curiyay masaraxiyadda. Heestaani waxay abuurtay dood, waxay u dhigan tahay qaab sarbeeban haddana eraydu siday u dhigan yihiin iyo sida ay u dagaal galayaan way ka la fog yihiin. Waxay u kuurgalaysaa heestu dhabsheegnimo, haddana waxay u dhigan tahay qaab jacayl ah. Waxay caan ku tahay heestaani 'Saddex Cadow' oo ay badi dadku u garanayaan. Tuducyada doodda abuuray ayaa ah kuwa ay heestu ku billaabanayso;

Saddex cadow ayaa jiray

Dadka soo caddibi jiray

Oo cidhiidhi galin jiray.

Waxay dhaliyeen intaan hore dood, waxaa billowday in la falanqeeyo sadeexda cadow. Waxay fallanqayntu noqotay in saddexda cadow laga ka la dhigo; Ingiriisiga, Talyaaniga iyo Kacaanka Oktoobar. Seddexduba waa cadow, dadka caddibaad iyo cidhiidhi ku hayay. Isla mar kale waxay tixdu sii lee dahay;

Laba waa la cidhib tiray

Cilmigii wax laga baray

Cirka waa tan loo kacay

La carraabi gaajo

Caydh xoolo laga dhaqay.

Mar kale ayay haddana falkintu sii socotay, intaan ayaa haddana billaabatay in bal wax laga dhaho. Labada la cidhib tiray waxay falkintu sheegtay inay yihiin, Talyaanigii iyo Ingiriisigii. Cirka waa tan loo kacay oo dunidu horumar ku dhaqaaqday, gaajadinna cunto loo hel oo caydh xoola dhaqasho looga maaran. Qodobka iskiisa loo faalleeyay wuxuu noqday meesha ay tixdu lee dahay;

Ha yeeshee colkaa u daran

Wali caymo loo waa.!

Tuducaan waa kan fallanqeeyaasha ku abuuray maskax-maaxin, kooxdii riwaayadda iyaduna waxat ka la kulantay tuducaan dhaleecaynno ka la duwan. Tuducaasi waxaa lagu sheegay in laga la jeeday, Afwayne iyo kacaankii Oktoobar dhacay ee uu hoggaamiyaha u ahaa. 

Maryan Mursal waxay ku bixisay maalgalin riywaayaddaan. Sidoo kale waxay qayb ka ahayd jilaayaasha, oo iyada ayaa ku luqaysay heeska doodda badan dhaliyay markii ugu horraysay ee riwaayadda laga soo muujiyo dadwayanaha hortooda. Maryan, waxay la kulantay culaysyo badan oo kaga yimid xagga taliska, waxayna la kulantay culaysyo maaliyadeed oo aad u xooggan. Tani waxay keentay in Maryan ay qayb ka noqon wayso jilaayaashii danbe ee riwaayadda jilayay. Heeska waxaa markaan qaaday Saado Cali Warsame oo iyaduna dhowr sanno ka dib la kulantay culaysyo kale. Badi dadku waxay dhagaystaan luqaynta Saado ay  ku luqaysay. 

Heesta kale ee iyaduna la xusi karo marka laga hadlaayo suugaamada maldahan waa heesta 'Hal la qalay'. Heestu waxay qayb ka ahayd riwaayadii 'TAWAAWAC' oo curinteeda uu lahaa Alle u naxariisaygii Maxamed Ibraahim Warsame 'Hadraawi' ahaa. Hal'abuur kaani wuxuu soo saaray abwaanku sanaddii 1973-kii. Riwaayaddu waxay la kulantay culaysyo xagga taliska iyo kooxda faafreebidda kaga yimid. Maxamed Baashe, isaga oo ka hadlaayo culaysyada masraxiyadda ayuu qoraalkiisii "Qalinle iyo Hadraawi, Qaybta 13-aad" ku sheegay; "Riwaayaddu ma gole imaan oo lagu ma soo bandhigin fagaarayaashii fanka si loo daawado." Isaga oo sii wato Maxamed Baashe ayuu isla qormada ku sheegayaa; "Waxa la qabtay markii la baadhayey ee la dhuganayey u jeeddada ay ka ambabaxayso iyo halka ay ku biyo shubanyso ee ay shafka dhiganayso. Taliskii ciidamadu waxa uu joojiyey dhigitaankeeda, waxaannu mamnuucay oo xaaraantinimeeyey dhegaysigeeda, waxaanna xabsiga loo taxaabay Maxamed Ibraahim Warsame, oo markii horeba ul booc ah loogu tukubayey oo la iska maagganaa ka dib curashadii Siinleyda." Doodda heesta ayaa la huwiyay magaca riwaayadda oo badi waxay dadku u garanayaan 'Hal la qalay'. Duxda iyo dufanka ay lee dahay heesta iyo doodda ay gudbinayso isaga oo dhabba abbaaraayo Maxamed Baashe, ayuu ku dhex lee yahay qormada; "Heestan 'Hal la qalay' waxa ay si qota-dheer u qaawinaysaa sidii loo kala boobay ee la isugu hirdiyey midhihii iyo manaafacaadkii yaraa ee laga dheefsan lahaa gobanimadii iyo dawladnimadii 1960-kii ay soomaalidu qaadatay." Hadraawi, wuxuu toosh ku ifiyay kacaankii dhashay, ee loo riyaaqsanaa han iyo haybad badanna laga lahaa iyo sidii uu u noqday dhiigyacab aanan dadka u danqan. Wuxuu Maxamed Baashe mar kale innagu dhex lee yahay qormada isaga oo iftiimin ku samaynaayo heesaha kale ee duxda leh ee ku uruursanaa riwaayaddaan; "Heesaha riwaayaddan waxa suuqa-madow ku duubay oo wada qaaday fannaanka Muuse Ismaaciil Qalinle,waxaanna heesaha kale ee la yaabka leh ee riwaayaddan ku jirey ka mid ahaa heesta 'Wadnahaan Far-ku-hayaa' oo dadku badi ba u yaqaannaan 'Ceel Walwaaleed'." Hadraawi ka dib curinta heesta wuxuu dhabsheegnimadiisa ku mutaystay xabsi, cadaadin, cabudhin iyo waliba ciqaab. Isaga oo ka hadlaayo Maxamed Baashe xabsigii abwaanka ayuu isla qormada 'Qalinle iyo Hadraawi qaybta 13-aad' ku yidhi; "Maxamed Ibraahim Warsame waxa uu jeelka Qansax-dheere ka cawaynayey oo jiifey 1973 –1978."

Iyaduna waxaa mudnaan leh heesta 'Laangaruusal' oo ah hees ay ku luqaysay hibo badantii Saado Cali Warsame ahayd. Heestu waxay ahayd oo lagu tilmaami karaa 'dhimbil' aad u kulul oo ay iska diideen inay qaadaan fannaaniin badan. Codkeedii halaasiga ahaa ayay ku qaadday heesta, dhimbishii kuleelka looga cararayna carrabkeeda ayay ku qaadday. Biyodhaca heestu waa dhabsheegnimo aad u kakan oo ay runta ugu sheegayso dabaqadda sare ee nolosha qaaliga ah ku nool iyada oo ay bulshada qaybteeda kale ay ku sugan yihiin nolol faqri ah. Shubaalku waa dhabsheegnimo ay kaga warramayso kacaanka iyo kooxaha lagu naas nuujiyo. Gaariga heesta loogu magaca daray waxa uu ka mid yahay gawaarida ugu magaca dheer dunida. Dalka oo ay qaybo badan heysato jabhad, caasimaddu sii burburayso, jidadkuna dhiiqo iyo burbur la taacalayaan, dadkuna baahi daran la nool yihiin ayay madaxdu iskaga soconayaan gawaarida raaxada nuuciisa 'Laanguruusalka' ah. Tuducyada ugu miisaanka culus waxaa ka mid ah;

Gaadhi raaxoliyo laanguruusal gado

Guuxiisa mood inaad gob ku tahay geeska Afrikow

Laanguruusal gado 

gurigoo mugdiya

Biyuhuna go'een

........................

Tuducyadaani waxay tilmaamayaan dhabta kakan ee ay dadku ku nool yihiin, baahida jirto iyo caasimadda sii galbanayso haddana siyaasiyiintu ay gawaari qaali ah ka dalbanayaan shirikaadka gawaarida oo ay iskaga xarragoonayaan. Waxay tilmaamaysaa in jidka oo burbursan dhiiqaduna ay taal in ay gaari laanguruusal ah iskaga marayaan oo ay dhiiqada gaarsiinayaan dadka jidka iska lugaynaayo. Guryaha qaar iyaga oo mugdi ah korantaduna aanay heli karin, qaarkoodna noloshii asaasiga ah la la' yahay ayay iyagu ku xarragoonayaan oo ay dibadda ka dalbanayaan laanguruusal. Guuxa laanguruusalka ayay moodayaan gobanimo, gaajada dadka iyo nolosha sii duugmayso u ma muuqato.

Ugu dambayn suugaanta duxda leh oo dhan laga ma warrami karo, oo waxaan ku gaabsanayaa kuwa aan xusay se kuwa badan oo dheef iyo ku baraarugis u bahaan ayaa buux dhaafiyay kaydka tagtada. Sida uu sheegay Afrax, suugaanlayda dunida oo dhan waxay isu taagaan dhab abbaaridda. Afrax, wuxuu qabaa sida aan billowga kore ku xusay ba in suugaanlayda Soomaaliyeed ay aad ugu yihiin xariifiin suugaanta sarbeeban, iyaga oo aanan luminaynin duxda iyo dufanka. Miisaan wayn waxaa u baahan maskax dhiijinta hal'abuurayaasha iyo sida ay dhabsheegnimada iskugu howlayaan. Dhabta ay u sheegayaan gacanta qooqan, fanka farshaxannimada badan iyo curinta suugaamo maldahan ayaa ah waxyaabaha mudan mar kasta in la sheego.