Friday 22 November 2024
Tan iyo intii xoogagga Xuutiyiintu ay bilaabeen in ay weeraraan gaadiidka badda ee ISraa’iil laga leeyahay bishii Nofeenbar ee kal hore, mandiqadda Badda Cas ee koonfureed halis baa ka oogan. Beegsashadaasi kolkii danbe way ballaadhatay oo waxa la beegsanayay gaadiidka badda ee ku abbaaran dekedaha Israa’iil, markii danbana Maraykanka iyo Ingiriiska, waxaas oo dhamina dhawrkii bilood ee u danbeeyay ayay isa soo tareen.
Weerarradaa Xuutiyiinta waxa xigay weerarkii uu Maraykanka iyo xulafadiisa badhkood ku qaadeen gudaha Yemen iyagoo bartilmaameedsanaya saldhigyada Xuutiyiinta.
Dagaalkani marka kor laga soo fiiriyo wuxuu u ekaanayaa mid dhinacyada ku lugta lihi ay waaddix yihiin, oo u dhexeeya kooxda Xuutiyiinta ee Eeraan ay taageerto—oo beegsanaysa maraakiibta si ay ugu aarguddo Marinka Qasa ee weli cadaawadda Israa’iil ay ku socoto—iyo xulafo caalami ah oo taageersan Israa’iil, sida ay sheegatayna ujeedkeedu yahay ilaalinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga badda u kala goosha ee gobolka.
Halkan bay soo gelaysaa Jabbuuti, oo ka mid ah dalalka ugu masaaxada yar Afrika. Waxay badhtanka ugu jirtaa dagaalkan bishii lixaad galay, iyada oo haddana aanay ilaa hadda waxyeello ka soo gaadhin. Sidee bay taasi u dhacday oo ay isugu waddaa?
Muhiimad Siyaasad-degeleed
Bedka dhulka Jabbuuti waxa lagu qiyaasaa 23 kun oo kiilomitir oo iskuwareeg ah. Dadka ku dhanina waa milyan ruux oo keli ah. Laakiin waxay leedahay muhiim siyaasad-degeleed oo weyn; waa goobta gaarka ah ee ay ku taallo darteed, oo ah afaafka marinka Baabal Mandab oo laga galo Badda Cas iyo Gacanka Suways, maalin kastana la marsiiyo afar malyuun oo foosto oo shidaal ahi.
Muhiimaddaasi waxay quwadaha waaweyn—Maraykanka, Faransiiska, Jabbaan, Shiinaha—ku riixday in ay saldhigyo ciidan ka furtaan dalkan yar, si ay u ilaashadaan danahooda amni, istaraatajiyadeed iyo dhaqaale, gaar ahaan wixii ka danbeeyay khasaarihii ay budhcad-badeeddii Somaalidu u geysatay dhaqaalaha dunida waagii ay gobolka ka hawlgeli jireen laga soo bilaabo sannadkii 2005.
Ciidammadaa goobta joogaa waa seef labo af leh dhinac; dhan waa u dan dalka oo waxa ka soo gasha kirolagu qiyaaso 226 malyuun oo doolar sannadkii, taas oo ka dhigan 15% dakhliga sannadlaha ah ee dawladda, dhinaca kalana waa khatar iyo dab ku ag yaalla oo Jabbuuti baylah uga dhigaya loollannada dawladaha waaweyn ku dhex mari kara gobolka.
Jaantus muujinaya sida dalalka saldhigyada ku lihi u kala macaash badan yihiin (U gaar ah Geeska).
Jabbuuti waxay sidoo kale dhawaanahanba maalaysay muhiimaddeeda siyaasad-degeleed, gaar ahaan tan iyo intii uu qalaalasuhu ka oogmay Badda Cas, oo muddadaa yar adeegbixinta dekaddeeda korukac baa ku yimi, kolka bishii ka horraysay noqonaya 10%.
Sida uu warbaahinta “Bariga Dhexe” u sheegay lataliyaha madaxweynaha ee hawlaha dekedda Dooraale, Ismaaciil Xasan, dekaddan oo la asaasay 2008 waxa bishii Jannaayo ee ina dhaaftay oo keliya ka soo degay qiyaastii 100 000 oo koontiiner oo celcelis ahaan ay leeyihiin 60–70 markab oo kala xajmi duwan, waxayna awood u leedahay in ay ku soo xidhaan markabyada ugu waaweyn dunidu.
Tirakoobyada rasmiga ahi waxay tilmaamayaan in dekadda Jabbuuti ay si maalinle ah ugu adeegto qiyaastii 90 markab, oo 59% ka soo shiraacdeen Aasiya, dhanka Yurubna 21%, qaaradaha kale oo Afriki ku jirtaana ay isku noqonayaan 16%.
Jabbuuti way taageertay Qasa
Dhanka kale, mooqifka rasmiga ah ee dawladda Jabbuuti ka lahayd dagaalka Qasa ku socdaa wuu caddaa bilawgiiba: sagaalkii bishii Oktoobar ayay muujisay sida ay uga waalacsan tahay qalalaasaha ka soo kordhay dhulka reer Falasdiin ee la haysto.
Waxay sidoo kale masuuliyadda qalalaasahan soo kordhay dusha ka saartay dawladda dhulka haysata ee Israa’iil, oo ay ugu aanaysay in ay si joogto ah u gardarraysato uguna xadgudubto xuquuqaha shacabka Falasdiin iyo waxyaabaha u dhawrsan, ayna ugu danbaysay in ay si joogto ah gudaha ugu gelaysay Masjidka al-Aqsa. Waxay sidoo kale beesha caalamka ugu baaqday sidii looga wada shaqayn lahaa in joojiyo duqaynta iyo laynta rayidka.
Madaxweynaha Jabbuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu sidoo kale isla mooqifkan ka sheegay shirweynihii dalalka Muslinka ee Riyaad ka qabsoomay, isaga oo ku baaqay in si kamaddanbays ah meel looga soo wada jeesto sidii loo ilaalin lahaa rayidka reer Qasa, kaalmo iyo gargaarna lala gaadho.
Mooqifkaasi xataa is ma uu beddelin markii ay Xuutiyiintu bilaabeen weeraridda maraakiibta Badda Cas maraya. Wasiirka Arrimaha Debadda, Maxamuud Cali Yuusuf, wuxuu markaas sheegay in “dalkiisu aanu canbaaraynayn kooxda Ansaarullaah ee Xuutiyiinta” maaddaama, ayuu yidhi, ay ficilladani ka yihiin hiil ay u muujinayaan reer Faladsiin.
Wuxuu sidoo kale wasiirku sheegay in waddankiisu uu ka gaabsanayo in uu gacan ka geysto isgaashaanbuuraysiga Maraykanku horkacayo ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ee sida rasmiga ah loogu wanqalay magaca “Hawlgalka Ilaalinta Badhaadhaha (Operation Prosperity Guardian).”
Madaxweynuhuna wuxuu dhankiisa, waraysi uu siiyay warbaahinta “Bariga Dhexe,” ku gacansaydhay in dhulkiisu noqdo garoon lagaga duulo cidna, isaga oo tilmaamay in saldhigyada dalalka kala duwani waddankiisa ku dhex leeyihiin ay meesha u joogaan “ilaalinta amniga iyo nabadgelyada caalamiga ah iyo ladagaallanka argagaxisada iyo budhcad-badeedda iyo sidoo kale ilaalinta isu-gooshka badda.”
Mooqifkaa aan liiqliiqanin tan iyo bilawgii weerarrada Israa’iil bilaabmeen, ayaa ururka Xamaas ku qaaday in ay bogaadiyaan weliba uga faa’idaystaan in ay bayaankooda—oo sida kor ka muuqata ay ku ammaaneen wax ay ku sheegeen mooqifka geesinnimada ah ee ka dhanka ah dabargoynta ay Sahnuuniyaddu waddo—mar kale dunida Carbeed iyo Muslimiintana ugu baaqaan in ay u istaagaan masuuliyadda qaanuun ahaan iyo siyaasad ahaanba ka saaran u hiilinta shacabka Falasdiin iyo qadiyaddiisa xaqa ah.
Labo dheri dhexdood
Jabbuuti ku may dhex dhiman loollanka ka taagan Badda Cas iyadoo isu-gooshkii badda dhexdeeda uu dhaawac weyni soo gaadhay, taas oo ahayd isha dakhli ee ugu weyn dalka, maaddaama uu dalkeeda ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay qaaradda Afrika oo dhan.
Dhankaa marka laga fiirsho, Maraykanka iyo xulafadiisa kula jirta hawlgalka “Ilaalinta Badhaadhaha” marna laga ma maqal in ay duullaankan u adeegsan doonaan saldhigyada ciidammadoodu ku dhex leeyihiin Jabbuuti. Iyadoo sidaas ay tahay, haddana xogaha isu-gooshka baddu waxay tilmaamayaan in dhaqdhaqaaq militari o oculus laga dareemayay tan iyo markii ay bilawdeen weerarrada ka dhanka ah Xuutiyiintu.
Akoonka MenchOsint oo u dhabbagala bayaannada isu-gooshka badaha, kana furan barta X/Twitter, wuxuu diiwaangeliyay guurguur militari oo toddobaadyadii ugu danbeeyay oo keliya lagu arki karey saldhigga Lemmonier ee Maraykanku ku leeyahay Jabbuuti.
Duullimaadyadaas ka soo kicitimay saldhigga Maraykanka ee deriska la ah mandiqadda ama gudaha Maraykankaba, oo ay u badan tahay in ay birmad u ahaayeen diyaarad-xanbaarka ka jooga koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Sidaas oo kale ayaa lagu arki karey saldhigga Faransiiska. Akoonka MenchOsint wuxuu bartiisa X/Twitter ku soo gudbiyay mar ay diyaarado taabacsan ciidammada cirka ee Faransiisku ku soo degayeen Jabbuuti. Waxa iyaduna muhiimad weyn leh oo uu akoonkani soo gudbiyay in diyaarad Faransiisku leeyahay ay ka haadday saldhiggiisa Jabbuuti si ay uga hortagto diyaarado aan duuliye lahayn oo miidaamo ah oo Xuutiyiintu ay la eegteen maraakiibta dagaalka ee Maraykanka iyo Faransiiska oo ku sugnaa Gacanka Cadmeed bishii Maarso sagaalkeedii.
Duullimaadyadaasi, sidaas oo ay tahay, caddayn u ma aha in gudaha Jabbuuti laga beegsaday dhulka Yemen, hasayeeshee waxay inagu furayaan su’aalo la xidhiidha dhanka hadafka laga leeyahay xilligan adag iyo cawaaqibta haddiiba la ogaaday ay ku yeelan karto aayaha uu khilaafkan taagani ku danbayn doono.
Sida ku cad khariiradaha Google, goobta ay ku yaallaan saldhigyada Maraykanka iyo Faransiisku waxay qiyaastii 130 km (80 mayl) u jiraan halka ugu dhow ee xuduudda Yemen iyo Jabbuuti wada leeyihiin. Waana arrinka ka dhigaya bartilmaameed u sahlan Xuutiyiinta ku andacootay in ay haysato gantaallo shidaalka oo riddadoodu gaadhi karto ilaa 1200 oo mayl.
Su’aasha miiska saarani waxay tahay: Xuutiyiintu weerarrada huwanta uu Maraykanku horkacayo ma kaga jawaabi doontaa in ay beegsato saldhigyada militari ee Jabbuuti ku yaalla? Mise dawladda Jabbuuti waxay weli awood u sii yeelan doontaa in ay xadhig ku dhex marto labo dheri dhexdood, iyadoo ku sii adkaysanaysa mooqifkeedii tan iyo toddobadii Oktoobar taageersanaa qadiyadda Falasdiin?