Friday 22 November 2024
Weerarrada ay Xuutiyiinta Yemeni ku qaadeen shixnadaha ganacsiga ee badda isaga gooshaa waxay raad weyn kaga tageen meel kasta, ha u darnaato kuwa u kala gooshaya Aasiya iyo Yurub e. Weerarradan oo inta badan gaadiidka badda ku beegsada dalka ay ka yimaaddeen ama ka laga leeyahay dartii, waxa culays dheeraad ahi ku sii koray shixnadaha si uun ula xidhiidha Israa’iil. Ololahan ballaadhan ee kala-naqaysiga ku salaysanina wuxuu ka askunmayaa dagaalka Israa’iil ay Falasdiin ka waddo iyo loollankii soo bilawday Oktoobartii kal hore. Tiraba ilaa 30 markab ayaa mandiqaddan lagu beegsaday dabayaaqadii bishii Maarso ee sannadkan oo keliya.
Xuutiyiintu waxay adeegsadaan hub gudaha dalka lagu sanceeyay laakiin farsamo ahaan horumarsan. Sida ay u shaqeeyaan waa sidan: marka hore waxay maraakiibta si uun ula xidhiidha Israa’iil ama dalalka ku taageersan colaadda ay Qasa ku hayso uga digaan in ay Marinka Murugada (Baabal Mandab) soo maraan, haddii ay ka dhega’adaygaanna way weeraraan. Sidoo kale Xuutiyiintu nidaamka isgaadhsiinta ee gaadiidka baddu ku wada xidhiidho iyo bayaannada diiwaangelinta ayay ku kala soocaan gaadiidka la beegsanayo iyo kuwa la bixinayo ee saaxiibbada ah.
Lamafilaan
Weerarradani waxay maraakiibtii ganacsiga ee u kala gooshayay Aasiya iyo Yurub ku kellifeen in ay dhabbaha beddeshaan oo ay u wareegaan jid kii hore ka dheer kana qarash badan, iyadoo gaadiidka badda ee shixnadaha u wada Yurub Masarna ay saldhigga u ahayd, isla markaana Israa’iil taageera, uu ku dhacay culays dheeraad ah oo qarashka iyo muddada ay badda ku sii jirayaanba ahi. Dhanka kale se, dalalka ka soo horjeeda weerarrada Israa’iil ay degaanka Falasdiin ku hayso, sida Shiinaha iyo Ruushku, waxay heleen fursado loogu oggolaaday in ay marinka si sahlan u adeegsadaan.
Weerarrada Xuutiyiinta dadka wax ku noqday tiradoodu way badanaysaa. Saddex badmareen oo saarnaa markabka True Confidence ayaa la dilay, labo askari oo ka tirsanaa Ciidammada Badda ee Maraykankana ayay baddu liqday, markab lala xidhiidhinayay israa’iilna waxa lagu afduubtay Yemen, waxana degay markab lagu magacaabi jiray Rubymar oo isaga oo calanka Belize uu ka babbanayo soo maray Badda Cas.
Arrintani waxay ina xasuusinaysaa wixii dhacay 1973, kolkii dalalka Carbeed ay cunaqabataynta saliidda ku soo rogeen cid kasta oo Israa’iil taageersan; wuxuun bay ku kala duwan yihiin in waagaa 1973 aan cidna la cafinin.
Arrintan waxa ka ratibmay in caalami ahaan la isu bahaysto, maaddaama ay Xuutiyiintu carqaladeeyeen dhaqdhaqaaqii koontiinarrada dunida, oo ay curyaamiyeen isusocodkii badeecooyinka waddamada u kala gudbi jiray.
Falcelisyo adadag
Beesha caalamku arrintan ka ma ay aamusin ee waxa isa soo bahaystay xulafo uu Maraykanku hoggaaminayo oo ay weheliyaan xulafadiisa NATO, Ingiriisku ha ugu mudnaado e. Waxay beegsadeen oo weerareen saldhigyada Xuutiyiinta ee Yemen gudaheeda, waxana ka dhashay dhimashada 34 qof oo reer Yemen ah. Taasina waxay ka sii dartay caabbigii ay Xuutiyiintu kala hortegayeen reer Galbeedka. Duullaannadan lagu soo qaaday, waxay Xuutiyiintu kaga jawaabeen in ay sii labalaabaan beegsigoodii gaadiidka ganacsiga ee ka gudbaya Marinka Murugada ee Badda Cas. Weerarradaa reer Galbeedku way ku fashilmeen in ay Xuutiyiinta xakameeyaan, taas oo ku qasabtay in ay ka fekeraan sidii ay wadahadallo toos ah ula furi lahaayeen Xuutiyiinta, dhanka kalana wadahadallo dadban ay ugu soo mari lahaayeen dalka Eeraanoo ah garabka ugu weyn ee Xuutiyiintu leedahay.
Dhabaradayg weyn
Waa laga yaabaa in Xuutiyiintu aanay u hoggaansaminba wixii ay isku waafaqaan Eeraan iyo reer Galbeedku, sidii Suuriya iyo Ciraaqba ka dhacday: maleeshiyada ay Eeraan taageertaa weerarradoodii ka dhanka ahaa Maraykanka way sii wateen kolkii Maraykanku uu labadaa dal ka fuliyay weerarro uu ugu aarayo saddex askari oo Urdun lagaga dilay bishii Jannaayo 28-keedii. Xuutiyiintu, tan iyo intii ay dhacdooyinkani ka curteen Yemen 2014, waxayka marag kaceen in aanay u hoggaansami doonin iskudday kasta oo lagu fadhiisinayo, oo waxay u aanaynayaan in qarash yari ka galo sancaynta hubka ay iyagu adeegsadaan, halka kan loo isticmaalayaa uu qarash aad u badan ugu fadhiyo reer Galbeedka.
Xuutiyiintu weerarradan ay qaadeen shacbiyad weyn ayay gudaha Yemen kaga heleen, dad badan ayaana ku soo biiray. Dabadeed bishii Maarso 14-keedii ayay ku dhawaaqeen in ay hawlgalladooda fidin doonaan oo gaadhsiin doonaan Badda Careebiya iyo Badweynta Hindiya.
Qarashaad badan iyo macaash
Qaar ka mid ah shirkadaha ka ganacsada gaadiidsiga badda ayaa shilkan ka macaashayba, maaddaama qarashka fududaynta gaadiidsiga baddu uu batay, iyaga oo cudurdaar ka dhiganaya safarrada dhaadheer iyo mugga maraakiibta, oo lagu daray qarashka sugidda amniga badeecadaha iyo hawlwadeennada markabka, kolka la dhaafinayo Gacanka Suweys. Waxa xusid mudan in maraakiibta badankoodu ay adeegsadeen marinka Aasiya iyo Yurub u dhexeeya tan iyo intii weerarrada Xuutiyiintu bilawdeen.
Diiwaanka xogaha ee Sanduuqa Lacagta Adduunku wuxuu muujinayaa in Gacanka Suweyn uu yahay marinka waxyeellada ugu weyni ka soo gaadhay dhacdooyinkan. Waxa sidoo kale ku cad in maraakiibta ay leeyihiin shirkadda Maersk ee Denmark, ZIM ee Israa’iil, Mitsui OSK ee Jabbaan, iyo Wallenius Wilhemsen ee Iswiidhan iyo Noorway, iyo kuwo kalaba, ay doorbideen in ay maraan Gacanka Rejada San (Cape of Good Hope) ee Koonfur Afrika; halka shirkadda CMA CGM ee Faransiisku ay bishii Maarso sheegtay in ay marinno kala duwan isticmaali doonto iyadoo hadba ay ku xidhan tahay jahada safarkeeda. Intaa waxa dheer, gaadiidka badda ee Gadar ka yimaaddaa waxay maraan jidka Gacanka Rejada San, iyagoo ammaankooda u walaacsan ee aanay ka ahayn taageero ay Israa’iil u muujinayaan; shirkadaha Shiinaha qaarkoodna weli waxay adeegsadaan marinka Badda Cas, iyaga iyo shirkadda Taywaan laga leeyahay ee Evergreen iyo shirkado kalaba.
Waxa sidoo kale xusid mudan, waxa jira shirkado yaryar oo ka shaqeeya gaadiidsiga badda oo Shiinays ah oo adeegyada Badda Cas ku bixiya sicir aad u sarreeya, iyadoo ay intaa dheer tahay in shixnadaha sida saliidda ceedhin ee Sucuudigu ay bataan iyadoo ay ugu wacan tahay jidka ammaanka ah ee Yurub iyo ka shishe. Su’aashuna waxay tahay: qarashka badan ee gaadiidsiga baddu miyuu ku filan yahay in uu waddamada ku qasbo in ay iska kaashadaan oo ka wada shaqeeyaan dejinta xaaladda Bariga Dhexe? Waxaan shaki ku jirin in haddii si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ay Israa’iil ku hayso Qasa, ay taasi horseedi karto in weerarrada Xuutiyiintu hakadaan, kaas oo noqon kara hadaf fiican oo wadaxaajoodka laga yeesho—iyadoo ay hadafyo kalana jiri karaan. Hasayeeshee joojinta weerarrada Qasa ku socda oo keli ahi ku ma filna, maxaa yeelay Yemen gudaheeda waxa ku xoogaysanaysa cadhada loo hayo weerarrada lidka ku ah fadhiisimaha Xuutiyiinta ee ay Maraykanka iyo Ingiriisku wadaan, taas oo Xuutiyiinta ku riixi karta in ay sii wadaan hawlgallooda ay ka wadaan Badda Cas.
Waxa jirta sabab kale oo wiiqi karta xal kasta oo qalalaasahan loo heli lahaa. Waa doonista ay doonayaan in ay sidaa sii ahaato danaynta ay warbaahintu danaynayso mandiqaddan, taas oo ay rumaysan yihiin in ay gobolka siinayso suldo iyo awood dheeraad ah.
Haddii taageerayaasha Eeraan iyo Xuutiyiintaba la saaro cadaadisyo dhaqaale, laguna daro wadahadallo diblomaasiyadeed, waxa ka dhalan kara in la dhimo weerarradan, waxana laga yaabaa in Shiinuhuna soo faragasho arrinta maaddaama weerarradani ay raadayn weyn oo xun ku yeelan karaan dhaqaalihiisa iyo sayladihiisa caalamkaba.
Gebagebadii, dabcigan aan noociisa hore loo arag ee weerarrada Xuutiyiintu leeyihiin waxa loo arki karaa in uu yahay hab ay ku soo rogayaan cunaqabatayn dhaqaale oo yool leh oo ku salaysan utun siyaasadeed oo ay tirsanyaan. Weerarradanina mustaqbalka ayay jid khatar badan inagu furi karaan, taas oo wiiqi karta hiddaha la isla qaatay kormeeridda iyo wada-ilaalsiga isusocodka gaadiidka badda. In koox sida Xuutiyiinta ah oo aan nidaamsanayni ay marinnadii halbawlaha u ahaa isu-gooshka badda cunaha u fadhiisato, isla markaana ay hub casri ah gacanta ku dhigtaa waxay caqabad weyn ku noqonaysaa nabaddii dunida.