Skip to main content

Sunday 6 October 2024

Siyaasad

Maxay Masar u Faragelinaysaa Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya?

29 September, 2024
Image
hgef
Sawirka: Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa Masar, (Photo by Egyptian Presidency/Handout/Anadolu Agency via Getty Images)
Share

Masar waxa ay heshiis millatari la saxeexatay Soomaaliya, sannadka soo socdana waxa ay Soomaaliya ka hawlgelin doontaa ciidamo nabad ilaalin ah, haddaba, Masar ma halis ayaa ay faraha kula jirtaa?

Xidhiidhka Masar iyo Soomaaliya ayaa weji cusub yeeshay ka dib markii labada dal kala saxeexdeen heshiis iskaashi millatari ah bishii Ogos ee ina dhaaftay. Heshiiskan waxa ka horreeyey is afgarad labada dawladood isla gaadheen, oo ah in Masar qayb ka noqoto Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya ka hawlgeli doona sannadka soo socda. Ka qayb noqoshada Masar ee dhibaatada Soomaaliya ka taagan, iyada oo millatari ahaan uga qayb noqon doonta nabad ilaalintu waxa ay cabsi ku abuurtay dalal badan oo isha ku haya saamaynta Masar ee degel-siyaasadeed . 

Walaacani waxa uu kusoo beegmay iyada oo xurgufi dhextaal Itoobiya iyo Soomaaliya, khilaafkooduna saamayn ku yeeshay guud ahaan Geeska Afrika. Xurguftani waxa ay bilaabantay ka dib markii Itoobiya is afgarad la saxeexday Somaliland, is afgaradka oo ah in Itoobiya laga kireeyo qayb ka mid ah xeebta Somaliland, taas beddelkeedana Itoobiyina in ay Somaliland aqoonsato. Itoobiya waxa ay qorshaynaysaa in ay saldhig ciidan ka dhisto xeebta. Soomaaliya ayaa is afgaradkan labada dhinac dhex maray u aragta dhaawac loo gaysanayo madaxbannaanideeda. 

Hadallo kulul iyo dagaal afka ah

Safarkiisii labaad ee uu sannadkan Masar ku tagay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu dhiggiisa dalka Masar, Cabdifataax al-Siisi la saxeexday is afgarad iskaashi millatari ah. Is afgaradkan waxa dheeraa in madaxweynaha Masar, al-Siisi, sheegay in ay taageersanyihiin “madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeedaan faragelin kasta oo arrimaha gudaheeda ah”.

Itoobiya ayaa si dhakhso ah uga jawaabtay is afgaradkan. Maalmo ka dib, Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya, Berhanu Jula, waxa uu xusay in “dalalka qaar” imika isku dayayaan in ay ilaaliyaan danaha Soomaaliya, balse aanay wax kaalin ah ku lahayn markii Itoobiya nafta u huraysay deggenaanshaha Soomaaliya. Taliyuhu nafhurka Itoobiya waxa uu uga jeeday ka qayb ahaanshihii Itoobiya ee Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya, oo haatan gebogebo ah. “Annaga ayaa gobolkan ku nool, degennaanshihiisa iyo nabaddiisana annaga ayaa ilaalinayna, gacmahana kama laaban karno isku day kasta oo lagu khalkhal gelinayo”, ayaa uu Berhanu Jula sheegay, sida warbaahinta Fana lagu baahiyey. 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxa uu xusay in heshiiska Masar iyo Soomaaliya dhexmaray aanu welwel ku hayn Itoobiya, balse loo baahanyahay in aad looga fiirsado hawlgalka nabad ilaalineed ee sannadka soo socda Soomaaliya laga hawlgalin doono, si looga baaqsado isfahanwaa aan loo baahnayn oo gobolka ka dhaca. Afhayeenkani waxa uu soo jeediyey in la dhegaysto talooyinka dalalka hadda qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya, si guul looga gaadho hawlgalka ATMIS. 

Iskaashiga Millatari 

Maxamed Cabdiwaaxid, oo ah khabiir arrimaha nabadgalyada ee Masar, ayaa wargeyska The New Arab u sheegay in faragelinta Masar ee Geeska Afrika tahay ka hortag, loogana dan leeyahay ilaalinta nabadgalyada Masar ee gobolka, oo khataro badan wajahi karta. Khataraha waxa ka mid ah, sida uu sheegay, goonni-goosadka, dambiyada, tartanka caalamiga ah iyo khilaafka ka taagan koonfurta Badda Cas, oo saamayn toos ah ku leh kanaalka Suways. 

In kasta oo aan faahfaahinta is afgaradka la shaacin, haddana khabiirkan Masaariga ah ee arrimaha caalamiga ah iyo amniga qawmigu waxa uu xaqiijiyey in is afgaradkani koobsanayo iskaashi millatari iyo nabadgalyo, garabsiin dhinaca difaaca ah, in la iska kaashado hawgallada millatari iyo sirdoonka, la dagaallanka argagixisada iyo isdhaafsiga xogaha. Cabdiwaaxid waxa uu intan ku daray, in is afgaradka sidoo kale uu ku jiro tababarka ciidamo Soomaaliya leedahay oo ka hawlgala difaaca qarannimada Soomaaliya. Waxa kale oo si gaar ah la isula afgartay “tababarka kooxo gaar ah oo la dagaallama argagixisada, iyada oo si gaar ah isha loogu hayo korodhka dhaqdhaqaaqa kooxda al-Shabaab”. 

Soomaaliya waxa ay la daalaadhacaysaa dhibaatooyin nabadgalyo oo dhawr ah, ta ugu weynina tahay dhibaatada al-Shabaab, oo beryahan dambe kordhisay hawlgalladeeda. Ciidamada Soomaaliya weli ma leh awood ay keligood iskaga caabbiyaan al-Shabaab, waana sababta lagama maarmaanka ka dhigaysa joogitaanka xoogag nabad ilaalin oo Midawga Afrika ah, si ay ciidamada Soomaaliya ugu garab siiyaan dejinta dalka. Xooggagaas nabad ilaalintu waxa ay dalka joogeen 18-kii sanno ee u dambeeyey, ciidamada Itoobiyana qayb ayaa ay ka ahaayeen hawlgalkaas nabad ilaalinta. Soomaaliya waxa ay Golaha Nabadda ee Midawga Afrika ay u gudbisay is afgarad si loo sameeyo hawlgal cusub oo lagu beddelo hawlgalka hadda jooga Soomaaliya, oo shaqadiisu ku eg tahay sannadkan dhammaadkiisa. Dad badan ayaa saadaalinaya in Soomaaliya rabto in Itoobiya laga saaro hawlgalka nabad ilaalinta, halkeedana lagu beddelo Masar iyo Jabuuti. 

Digniinta Itoobiya 

Yaasiin Axmed oo ah madaxa Maxadka Diblumaasiyadda ee Itoobiya ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in doonista Masar ee ah in ay qayb ka noqoto nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya ay isku dayayso in ay ku xididaysato istiraatiijiyadda Afrika oo ay ku dhowaad afartan sanno ka maqnayd. Waa qayb ka mid ah isku daygeeda in ay kordhiso saamaynteeda nabadgalyada gobolka, Itoobiyana kula tartanto gobolka. Dhinaca kale, waxa ay isku dayaysaa in xidhiidh dhow la yeelato dalalka jaarka la ah Itoobiya, si ay cadaadis ugu hayso. Wada sheekaysi The New Arab ay la yeelatay Yaasiin Axmed, waxa uu xidhiidh ka dhexaysiiyey doonista Masar ee ah in ay gobolka isku ballaadhiso iyo cadaadis saaridda Itoobiya oo guul diblumaasiyadeed iyo mid sharciba ka gaadhay biyoxidheenka Niilka. 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa war-murtiyeed cusub ku sheegay in Itoobiya go’aanno degdeg ah ka qaadan doonto ilaalinta nabadgalyadeeda iyada oo aan cid kale oggolaansho ka sugin…

Cabdiwahaab sheikh Cabdisamad oo ah madaxa Maxadka Afro-Asian oo fadhigiisu Nayroobi yahay, qoraal uu soo dhigay bartiisa X waxa uu ku sheegay in Masar qorshaynayso in ay 10 kun oo ciidan ah Soomaaliya keento, kuna hubaysan hubka culus, qaybna ka noqon doona ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya. Waxa uu xusay in ciidamadaas la dejin doono xadka ku dhereran xuduudka Itoobiya ee gobollada Gedo, Hiiraan, Baay iyo Bakool. 

Xurguftan cusubi waxa ay kusoo beegantay xidhiidhka Itoobiya iyo Masar oo marka horeba xumaa, laguna muransanaa mashruuca biyoxidheenka ee Niilka. Sannado badan oo wadahadallo ah waa ay fashilmeen, lamana gaadhina wax heshiis ah. Dadka u dhuundaloolaa waxa ay sheegaan in Itoobiya samaysanaysay wakhti ay ku dhammaystirto biyoxidheenka….

Xaaladdan oo jirta, khabiirka Masaariga ah ee jeneraal Maxamed Cabdiwaaxid waxa uu aaminsanyahay in heshiiska Masar iyo Soomaaliya aanu xidhiidh la lahayn khilaafkii hore uga dhex jiray Itoobiya iyo Soomaaliya, balse heshiisku yahay rabitaanka Masar ee ah in ay kordhiso joogitaankeeda Soomaaliya, oo soo bilaabmay markii nidaamka Soomaaliya dumay 1991-kii.

Hase ahaatee, Cabbaas Maxamed Saalix, oo ah Cilmibaadhe Arrimaha Afrika ah, ayaa aaminsan in Masar xoojinayso joogitaankeeda iyo saamaynteeda Soomaaliya gudaheeda, iskaashiga cusub ee dhinaca nabadgalyada iyo millatariga ahina waa horumar cusub oo keeni kara khilaaf cusub oo gobolka ah. Tusaale ahaan, Itoobiya imaatinka Masar meel u dhow xuduudaheeda waxa ay u aragtaa wax halis ku ah nabadgalyadeeda iyo deggenaanshaheeda.  Cabbaas sida u xusayo, heshiiskan difaacu waxa uu dabka ku sii shidayaa tartanka iyo khilaafka ka dhexeeya Itoobiya iyo Masar, iyada oo marka horeba tallaabada dhinac qaadaa, dhinaca kale ugu muuqanaysay in ay hagardaamo ku tahay. Haddaba, Cabbaas waxa uu aaminsanyahay in khilaafkii labada dal ka dhexeeyey oo Soomaaliya loo raro ay ka dhalan karto in Soomaaliya noqoto bar loo soo wareejiyo xurguftii oo ay dagaal wakaaladeed ka bilaabmo, keliyana Masar iyo Itoobiya aan ku koobnayn ee dalal kale oo labada dhinac kala raacsani sii huriyaan. Sannado badan oo Itoobiya ka hawgalaysaysay Soomaaliya, xidhiidhna ay la yeelatay awoodo maxalli ah ayaa suurogalin kara in awoodahaas Itoobiya u adeegsato iska caabbinta imaatinka Masar ee Soomaaliya.

Caqabbadaha Suuragalka ah

In kasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tirada ciidamada Masaarida ah ee Soomaaliya ka hawlgali doona, haddana waxa jira warar sheegaya in ay kumanaan ciidan noqon doonaan. Caqabbadaha ay waajihi doonaan ciidamada Masar ee Soomaaliya la keeno waxa hordhac u ah hadalka afhayeenka maamul-goboleedka Hirshabeelle oo baraha bulshada la wareejinayay isaga oo si adag uga soo horjeeda imaatinka ciidamo Masaari ah. “Haddii ciidamo joogayaan Soomaaliya, waa in ay noqdaan kuwa dalka aannu jaarka nahay ee Itoobiya” ayaa uu yidhi. 

Yaasiin Axmed oo ah madaxa Maxadka Diblumaasiyadda ee Itoobiya waxa uu aaminsanyahay in heshiiska Masar iyo Soomaaliya saamayn doonin is afgaradkii ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland. Haddii aanay Itoobiya helin dhul ka mid ah xeebta Soomaaliya, sida quustii ay kala kulantay dhexdhexaadintii Turkiga, Itoobiya waxa ay kusii adkaysan doontaa is afgaradka Somaliland. 

 

Waxa laga soo turjumay halkan.