Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Feker

Waa kuma Aleksander Dugin?

2 September, 2024
Image
Dugin
Aleksander Dugin oo jooga aaska inantiis Daariya, oo qarax gaadhi lagu dilay, (Photo by Contributor/Getty Images)
Share

Aleksander Gelyefish Dugin  waa faylasuuf biddixda fog ah oo u dhashay dalka Ruushka lagu na xanto maskaxda iyo miyirka fallaadamiir Buutin ku hawl galo, Dugin, wuxu dhashay hillaadii 1962-kii toddobadii bishii Janaayo, waxa uu ku abbabay oo ku kacaamay caasimadda dalka Ruushka ee Moskow waxa uu ka soo jeedaa qoys caskari ah,  aabbihii waxa uu u shaqayn jiray qeybta millatariga ee dabagalka iyo dambi baadhista, halka ay hooyadii ahayd dhakhtarad  caanbaxday, marka la eego koriinkiisii hore, Dugin wuxuu aad u xiisayn jiray  dabagalka khuraafaadyada caanbaxay, aragtiyaha shirqoolka, falkinta siraha waddamada qaar daaha dabadiisa dhigaan, dhabbo galkaasi Dugin wuxu u riixay in uu noqdo qof leh taxliilin iyo feejignaan falsafi ah. Dugin, waxa uu wax ka bawsaday mac-hadka duulimaadka ee Moskow, in kasta oo laga eryay markii dambe isaga oo aan dhammaysan waxbarashadan, iyada oo loo sababayn karo hoosayn xagga natiijada ah iyo khilaafaad jiray, Dugin, wuxu xiise iyo xamaaasad u qaaday in culuunta falsafada uu si iskii ah u barto, isaga oo aan marin waxbarasho rasmi ah.

Dugin, 1980-maadkii waxa uu u xuubsiibtay kooxo ay madax martay ku tookhidda qarannimada, laabgaraacashada, aragtiyaha shirqoolka iwm, isaga oo ka fogaanaya niyad ahaanna diidan baaqyadii shuuciga ee midawgii sofiyeet.

Marka la fiiriyo saamaynta iyo cidda garaad ahaan u qorqortay afkaar ahaan Dugin aragtidiisa, waxa loo sababayn  karaa faylasuufyadii reer galbeedka iyo afkaartoodii tiro beelka ahayd sida doodihii iyo kasmooyinkii Rene GuenonJulius EvolaMaartin Haydagar, sidoo kale waxaa dhab ahaan saameyn weyn ku yeeshay dhaqdhaaqyadii  caanka ahaa ee qarnigii 20 aad ka dhacay dalka Jarmalka  ee yur la iskaga odhanayay  aragtiyaha libaraaliga ah iyo shuuciyada,  1980-kii, waxa uu sidoo kale ku lug yeeshay golihii caanka ahaa ee ay wadaagi jireen waxgaratadu (intellecuals) ee "Yuzhinsky Circle" halkan oo uu ku bartay qamaamuur kale oo afkaaro xambaarsan.

Doodihiisii ugu horreeyay waxa uu markiiba geeska sudhay dhaleecayn uu kala duldhacay casriyawga carro-edegta, libaraaliyadda, maal-raaca , waxa uuna ku abdoweynaa  in lagu laabto hiddihii  iyo abedigii hore, Dugin waxa uu si weyn u soo caanbaxay sannadihii 1990-kii gaar ahaan ka dib burburkii iyo aguugii midawga sofiyeet, Dugin, waxa uu noqday ruux ka dhex muuqda saaxadda siyaasadda  ka dib kala haadkii iyo burburkii midawgii Sofiyeet. Waxa uu dhidibada u qotomiyey si ciyaw ah (dhakso ah) urur la magac baxay "National Bolshevik Party", isaga oo uu la daadahaynayo Edward limenov, ayna ku jiraan isku dhafka dad fekerka bidixda iyo midigtaba aaminsan.  Mawqifka siyaasiga ah ee uu ururku ku doodayay waxa uu ahaa in afkaaro qarac ah oo shuuci iyo naasi ka dhashay lagu caano shubo. In kasta oo Edward iyo Dugin gadaal ay kala aragti noqdeen.

Sannadkii 1997-kii, Dugin, waxa uu shaaciyay dhiganihiisii waxqabad ee ugu horreeyay, waa dhigane uu ugu wanqalay "Foundations of Geopolitics" dhidibada degel-siyaasadeedka adduunka, dhiganahan uu qalinka ula tagay waxaa uu saameyn weyn ku yeeshay haykalka caskariyeed ee Ruushka iyo waliba labeenta waxgaradka Ruushka (Russian elites).

Buunigu wuxuu buuggan ku faaqidayaa  aragtida ah in itaalka iyo tamarta (isaga oo la hadlaya ruushka) la iskugu geeyo in ahmiyad buuxda la siiyo jiho-mandaqadeedda  "Euro-Asia" la dhaho oo ah candho-dhexe oo Yurub iyo Aasiyaba isku xidhaysa dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ba, waana meesha lagu fashillin karo  sida uu yidhi: qooqa iyo qamaamka reer galbeedka gaar ahaan gashaan buurta NATO oo uu Maraykanku horkacayo, Dugin, waxa uu sidoo kale dhiganahan dhexdiisa ku goolaaftamayaa in laysku xajiimeeyo xulufadan NATO  dhexdeeda, gaar ahaan dhaqdhaaqyo barraarug laga holciyo galbeedka qaaradda Yurub si quus iyo qiil la'aan looga dhigo afkaaraha uu Maraykanku ku naas nuujiyo caro-edegta hadhkiisa kadaloobsan.

Ka dib, markii doodiisa la dhuuxay gaar ahaan doodda jiho-mandaqadeedka isku xidhka Yurub iyo Aasiya waxaa ka soo baxay mad’hab siyaasadeed oo darista taranta iyo tognaanta middaynta jihooyinkan oo aad u caanbaxay, aydhiyoolajiyadan waxa ay ku doodaysaa u ololaynta midaynta dadweynaha Ruushka, Aasiyada dhexe iyo Jamhuuriyaddihii sofiyeedka oo dhan. Dhiganayaashiisa sida oo kale waxa ka mid ah, mid uu guggii 2009-kii soo saaray oo ku magacaaban "forth political theory" aragtida siyaasadeed ee afraad. 

Buuggan, waxa uu si qotodheer u qaadaadhigayaa in laga haajiro waxa uu ugu yeedhay haykallada dawladeed ee abbaaday oo uu ula jeedo Fashiisamka, Shuuciyada iyo Libaraaliyadda, waxa uuna ku doodayaa aragti ugub ah oo ka jaad duwan kuwii hore. 

Aleksander Dugin, waxa uu miiska keenayaa bilmatal, wax yaabaha ay ku cambaaraysan tahay Libaraaliyaddu , isaga oo haddana qirraya in nidaamka taabagalka ah ee burburkii shuuciyada ka dib adduunku ku caano maalay ahaa libaraaliyadda. Dugin, waxa uu yidhi “Libaraaliyaddu waxay kala irdhaynaysaa bulshooyinkii dhaqankoodu ahaa isdugaashiga iyo isgaashaan buuraysiga, waxayna ku yaboohaysaa xor ahaansho iyo in uu qof walba ku yoto'o qumanihiisa, ka na caymado danta iyo dareenka mideeya ummada”. 

Shuuciyaddana, waxa uu ku tilmaamay nidaam ku falan maalka oo gacmaha u gala inta qooqan, tun buurnida iyo xasaannada isku heshay oo aan dan iyo dooc laga gelin dhaqanka ruuxiga ah ee dadweynaha iyo nolosha dadka.

Fashiistaha, waxa uu ku tilmaamay inay tahay duul ay madax martay afkaarta qawmiga ah, cunsuriyad liidata iyo iska qoqobka dhaqamada kale, taas oo aan garashada iyo damiirka aadanuhu aqbali karin.

Dugin, markaa waxa uu inna leeyahay nidaam cusub oo aan saddexdaas ahayn oo afraad ayay dunidu u baahantahay mabaadiida ay ku yaboohaysana waxa ugu waaweyn:

 

In ummad kasta u noqoto dhaqankeedii, haykalkii abbediga ahaa ee ay daabiici ahaan ay ku soo tadawureen, shimbirba codkeed bay cidaaye, qowmiyad kasta oo maanta jirta waxa jira dhaqan iyo abdo duug ah oo ay wareerisooyinkooda ku maarayn jireen, nidaam yadaas oo la naash-naasho ayaa muhiim ah ayuu faylasuufku ku doodayaa, geesta kale, waxa uu ku doodayaa; in casriyawgu dhib iyo dhafoorro haysi weyn leeyahay, waxa uu intaas ku sii darayaa in  laga qayliyo libaraliyaddan  adduunka waxay doonto u yeedhisa, taa beddelkeeda Dugin waxa uu leeyahay anigu waxaan si qotodheer u ictiqaadsanahay is-ahaanshaha, isla jirka, isku jirka iyo in la noqdo duul isku doon saaran oo isku hayb ahaanshaha aadane ahaan ay tahay mid meel weyn ku xardhan. 

Dhiganahan uu qoray Aleksander Dugin waa shaqo muran badan dhalisay, taas oo loollan hor dhigtay nidaamka caalamiga ah ee hadda jira. Waxa uu ku baaqayaa; in lagu noqdo qiyamka dhaqameed iyo in la taageero adduunyo dhinacyo badan leh. Waddan kastana uu taagtiisa iyo tamartiisa cidna uga haybaysan, khayraadka iyo cosobkana si nabdoon looga wada faa’idaysto.

Ruushku, waxa uu kala degayaa marka uu jiho-mandaqadeedka “Eurasia” gacanta ku dhigo, arrinkana maaha keliya doorasho ee waxa ku xidhan heybta iyo ahaanshaha Ruushnimada,  in hiddihii iyo beri-samaadkii loo noqdana maaha in dambaska laga heybadsanayo ee waa in dabka lagu mitidayo -"Tradition is not the worship of ashes but the preservation of fire”.

Haddii aynu taariikh ahaan fiirino, si aynu si qumaati ah u fahanno cilminafsiga iyo falsafadda afkaareed ee Dugin soo qaabaysay, ka baaqsan mayno, inaynu soo faqno afkaarihii iyo kasmooyinkii faylasuufkii weynaa ee Martin Haydgar. Martin (1889 -1976), wuxuu ahaa faylasuuf reer Jarmal ah, waxa uu ka mid ahaa faylasuufyadii qarnigii 20aad ugu kasmada fiiqnaa, in kasta oo isaga laftiisa lagu eedeeyo in uu taageeray gabbood falladii uu xisbigii Naasigu ku kacay. Falsafad ahaan, Haydgar waxa uu citiqaadsanaa muhiimadda ay leedahay waxa uu ugu yeedhay ahaanshaha muqadaska ah (sein) oo ah in wacaalka iyo ogaalka laga derso “the question of being” mas’allada ahaanshuhu waa maxay si loo fahmo jirritaanka iyo haykalka ruuxigga ah ee aadanaha. 

Deeto, Haydgar waxa uu miiska keenayaa muhiimadda ay leedahay waxa uu af Jarmal ahaan ugu yeedhay “Daisen” oo af Soomali ahaan noqonaysa “jiraalka” (being there) taas oo muujinaysa in jiraalku yahay waxaan la dhayalsan karin, sida oo kale Haydgar waxa uu haddalkiisa  kusii tarminayaa isaga oo sii wadanaya  waxa uuna leeyahay waa in liishaan la saaro waxa uu ugu yeedhay “in-der-welt-sein”, “being in the world” ahaanshaha qofeed ee caro-edeg oo ku doodaya in jiraalkeenu ku xidhan yahay goob cayiman iyo goor cayiman, sida degaanka, dhaqanka, dabeecadda hiddaha abbediga ah iyo sida aynu ula falgalno. Haydgar, intaa ka dib waxa uu ku xigsiiyay wax uu ugu yeedhay ‘authenticity and inauthenticity” dhan ahaansho iyo dheel ahaansho.

Ta hore waxa uu ku sheegay inay tahay in xaqiiqada la wajaho, dhab ahaanna loo fiirsho xaqiiqda nolosha ee ahaanshaha, ta dambe na waxa uu ku sheegayaa; in ilduufku mararka qaar uu gashi yahay si doonta loo wada raaco bulsho ahaan. intaas kadib wax uu ka hadlayaa “sein- zum- tode” (being towards death) taas oo macnaheedu yahay in loo wajahan yahay geeri taa oo ah in iyadana xisaabta lagu darsado, oo la ogaado in ay tahay wax loo wada qoollanyahay.

Marka aad u fiirsato baaqa iyo falsafadda Aleksander Dugin waxa kaaga dhadhamaya afkaarihii Haydgar ku doodi jiray. Maechel Millerman oo isna ah qoraa reer Kanada ah waxa u ku doodayaa in Aleksander Dugin uu yahay buuni aan la dhayalsan karin qoraal aad u qotodheer oo uu Dugin kaga sheekaynayo halkan ka daalaco.

Sannadihii 2000-kii Dugin wuxuu qumaati u dhexgalay siyaasadda Ruushka, waxa uu la taliye u noqday siyaasiin caan ah iyo weliba mufakiriin waaweyn. 2001-dii waxa uu asaasay  xisbigii la magac baxay "Eurasia party"  waa dallad loo asaasay naaxnaaxinta afkaaraha middaynta jiho-mandaqadeedyadda Aasiya iyo Yurub si loo khuukhiyo qooqa iyo qabka Maraynkanka iyo xulufadiisa, in kasta oo  uu na taageero codbixineed  ku helin haddana, waxaa cirka maray mugga iyo culayska uu leeyahay hindise qorsheedkan cajiibka ahi, waxay na maankooda ka dhammaan weyday kumanaan aqoonyahanno ah, waxa uu na saxwadan sidoo kale ka dhexwaday jamacadaha dalk Ruushka, madaama uu heerka buunninimadda (professorship) uu jamacadda qaranka  ee Moscow uu ku cumaamadnaa, waxa uu culuunta siyaasadda iyo aragtiyaha degel-sayaasadeed iyo culuunta bulshada ka dhigaa Jamacaddan, waana goobaha uu isleeyahay waxay hoosta ka tolaysaa haanta si aad shabaqa ugu soo riddo shacab jamhuuri ah oo badan. Laga soo bilaabo 2000 ilaa 2010 Dugin, waxa uu si mug leh uga hadlayay dhiganayaal na uga qorayay aragtiyihiisa sida, degel-siyaasadeedka (geopolitics), haybta Ruushnimada (Russian identity), iyo u laabashada hiddihii hore ee Ruushka. Ka dib waxa tallaalka si qumaati ah u qaatay Madaxweynaha uusha Falaadamiir Buutin waxa uuna ku dhiiraday in uu dib u bakhti afuufo aragtiyihii birta la dhaafiyay ee Midawgii Sofiyeet.

Eedaymihii ka dhashay saamayntiisa

Elaksander Dugin, waxa uu noqday tuke baalcad ka dib saamayntiisa oo ku faaftay caro-edegta kale oo dhan, kadib waxa loo soo jeediyay eedaymo tirobeel ah oo ay ugu weynaayeen in uu yahay Faashiiste aad u xagjir ah oo abbuuraya kicin dadweyne iyo kacdoon dhalin kara qalalase siyaasadeed, eedaymahan waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin waxba kama jiraan, waxa uu na shaqsi ahaan isku tilmaamay nin ciriqiisa iyo cunsurkiisa Ruush ahaan ku dhaggan, waxaana qurux badnayd buu ku dooday in la iigu yeedho siyaasi hiddo raac ah (political tradionalist).

Marka laga yimaado Ruushka, Maraykan ka gudihiisa iyo Yurubta kaleba waxa aad u taageeray jamhuuriga midigta fog oo ku dooda afkaaro ku abtir dhaw afkaaraha Aleksander Dugin, maadama ay xertan midigta fog ay madax martay aragtiyaha gacan qudha ku qabashada adduunka iyo qooqa gumaysashada dadyawga kale.

Sannadkii 2022-kii Daariya oo ahayd gabadhiisa, oo iyada lafteedu ku lug lahayd afkaarahan ahaydna saxafiyad caan ah ayaa waxa lala beegsaday qarax ay ku nafbaxaday, arrintan oo markii dambe buuq iyo shaki dhalisay, oo ay dadka qaar ku doodayeen in Aleksander Dugin laftiisa qaraxan lagu waday ee ay Daariya Dugin ay noqotay sakaaradii budku haleelay.

Kiiskan Daariya Dugin oo wareeriso ku beeray dadweynaha Ruushka, xukuumaddu waxay ku eedeeyeen dalka Yukrayn in uu yahay meesha lagu soo qorsheeyey in Daariya birta laga aslo.

Sida uu Aleksander Dugin ku sheegay tacsideedii wax uu yidhi “Daariya Dugin waxay ahayd xiddigad u soo baxday dalka Ruushka, taa macneheedu waxa weeyi Daariya aniga uun igamay dhimman ee waa qof ka baxay dal weynaha Ruushka oo idil waana baaq iyo qaylo dhaan muujinaysa in gummaad iyo shirqool aniga uun aan layla damacsanayn ee ay tahay xaalad Ruushku u wada qoollanyahay”. Daarya Dugin waxay noqotay mujaahiddad u qurbaxday dalkeeda, sida uu Dugin sheegay. 

Akhriste, wareysiyaddii ugu danbeeyay ee Aleksander Dugin laga qaaday, waxa ugu mug iyo meeqaam weynaa mid ay isla falanqaynayeen saaxiibkii Pepe Escobar oo ah aqoonyahan Baraasiil ah  waxay ka xaraabaysanayaan gashaanbuuraha reer galbeedka, waxay na ammaan kala duldhacayaan is-bahaysiga “BRICS”, oo ay u arkaan innay tahay deyr yur la iskaga odhanayo saamaynta xadhko goyska ah ee Maraykanka iyo dabba-dhilifyaddiisa. Halkan ka daawo fallanqaynta. Sidoo kale waxaan daawaday wareysi lagaga qaaday “global times” oo uu leeyahay annaga (ruushka) iyo shiinuhu waxaa nahay quwado isku baahan , run ahaantiina, sida uu yidhi” markaan shiinaha arko waan ashqaraaraa. Halkan ka daawo wareysiga, jaalle.

Gabagabo

Waxaan ku soo gabagabaynayaa odhaah cajiiba oo uu Aleksander Dugin yidhi “The multipolar world must replace the unipolar world dominated by the West. Each civilization should be allowed to follow its own path without interference." Taas oo macnaheedu yahay; adduunkan reer galbeed meel qudha uga talinmaayo, waa inay beddeshaa adduun jihooyin baddan looga talinayo, xaddaarad kastana waa in faraha looga qaado xagga ay u jahaysanayso, iyada oo aan la carqaladaynayn”.

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Cilmibaadhis: sidee looga gudbaa dhaan-raacnimada

Feker

Falsafaddii Diogenes