Skip to main content

Sunday 6 October 2024

Waraysi

Caasha Geelle Diiriye: Sooyaalka Codka Isbeddelka

1 October, 2024
Image
Caasha
Share

Markii ay burburtay dawladnimada Soomaaliya, shacabkii ku noolaa caasimadda Muqdisho waxa ay u kala firdhadeen deegaannadii ay qabiilladoodu ka soo jeedeen, sidoo kale waxaa jiray dadyow u baxsaday dalka dibadiisa, balse, badidood waxa ay sii mareen nolol qaxootinimo. Maadaama bilowgii qaranjabka aanay jirin dawlad iyo haayado caawiya dadka ka qaxay guryahoodii iyo hantidoodii, waxaa soo baxay haween Soomaaliyeed oo dusha u ritay sidii ay qoysaska qaxootiga ah u taakulayn lahaayeen, waxa ay dhexda u xirteen sidii ay xoogaaga la haysto ee ay ka soo uruuriyaan Soomaalida ay xooluhu ku sii hareen ay u gaarsiin lahaayeen kuwa tabaalaysan, 

Caasha Geelle Diiriye, waxa ay ka mid tahay haweenkaas, waxa ay ku dhalatay magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug taariikhdu markii ay ahayd Diiseembar 11, 1964. Caashi waxa ay ka soo jeeddaa qoys ladan. Aabbeheed waxa uu ahaa reer miyi, markii uu dhashayna waxa ay qoyskiisu deganaayeen gobolka Galguduud. Geelle isaga oo shan jir ah ayuu ku fekeray in uu magaalo aado, balse, qoyskiisu uma aysan ogolayn, si uu u hirgaliyo doonistiisa waxa uu isku beegay qolyo safar u ah Hobyo, maadaama dadka deegaanadaas degan ay adeegga iyo raashinka u doonan jireen magaala xeebeedda Hobyo, saddexdii biloodba mar ayaa la diri jiray cid ka soo adeegta magaalada. Waxa uu si dhuumaalaysi ah u qaaday raadkii socotadii u socotay magaalada, muddo lagu qiyaasay laba habeen ayuu meesha ay seexdaan meel u dhow la seexanayay, isaga oo aan wax cunin labadaa habeen iyo labadooda maalmoodba, markii uu arkay in ay marayaan meel aan laga celin karin ayuu ku soo baxay, nimankan qoyskiisa ahaana waxa ay ku khasbanaadeen in ay magaalada geeyaan hadhowna soo celiyaan. Geelle Diiriye sidaas ayuu Hobyo ku tagay, markii uu galayna waa uu ka dhuuntay socotadii si aan dib loogu celin miyi. Markii uu hobyo dhinaciisa ka galay waxa uu u shaqo tagay ciidan hoos imaan jiray saldanaddii Cali Yuusuf Keenadiid, ciidankaas ayuu buraashadaha biyaha u dhaamin jiray halkaas ayuuna ka heli jiray cunnada uu ku noolaa. Muddo ayuu ahaa dibadmeer, hadba siduu cid ugu shaqaynayay ayuu xoogaa lacag ah urursaday waxa uuna u safray magaalada Gaalkacayo. Geelle, waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Gaalkacayo soo dega, aqoonsigiisuna waxa uu tilmaamayay in uu ahaa qofkii saddexaad. Markii uu yimina waxa uu ka furtay bakhaar, isaga oo da’diisa lagu qiyaasayay 15 jir oo ku aadanayd xilligii uu Hobyo ka talinayay Cali Yuusuf Keenadiid. Kadib, muddo badan oo uu Gaalkacayo deganaa waxaa uu yeeshay guryo badan, maadaama uu ka mid ahaa raggii magaalada ugu soo horreeyayna waxa uu aqallo ka taagtay bartanka magaalada. Geelle, waxa uu guursaday dhawr dumar ah, waxa uuna dhalay 12 carruura, saddex wiil iyo sagaal gabdhood oo ay ku jirto Caasha Geelle. Waxa uu noqday nabaddoon iyo nin aad looga ixtiraamo magaalada.

Caasha Geelle oo dhanka hooyadeed ay hal gabadh la dhalatay waxa ay ku kortay magaalada Gaalkacayo, iskuulkana isla halkaas ayay ka dhammaysatay waqtigaas oo ay aad u adkayd in dumarku waxbartaan, waxaa u sahlay Caasha iyo walaaladeed in ay waxbartaan, aabbahood oo aad u jeclaa waxabarashada. “Aabbahay waxa uu ahaa dadka waxbarashada jecel, gabdhaha waagaa iskuul lama gayn jirin” ayay tidhi Caasho. “Odayaasha kale gabdhuhu guriga ayay u joogi jireen ama nin ayay ku dari jieen, aabbahayna waxa ay ku odhan jireen; maxaad gabdhaha u fasahaadinaysaa, maxaad gabdhaha iskuulka u geynaysaa.” Nasiib wanaaggaas ayaa sababay in ay dhammaysato dugsiga hoose iyo dhexe, waxa ayna fursad u heshay in ay gasho laba sanno oo tababarka macallinnimada ah. Kadib, waxa ay noqotay macallimad, waxa ayna ka shaqaysay oo macallin u noqotay fasalka 8aad ee dugsiga Dhagaxtuur oo Xamar ku yaallay. Caasha iyo kooxdii ay isku sannadka ahaayeen oo aan gaarin heerkii ay imtixaanka jaamacad gelista u fariisan lahaayeen, ayaa laga qaatay iyada iyo dhawr qof oo ugu sarreeyay, kuna galeen imtixaankii jaamacadda, sidaasna waxa ay ugu biirtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyada oo Lafoole ka diyaarisay kulliyadda barashada Luuqadaha. Marka ay jaamacadda ka baxday, sannad ayay ka shaqaysay dugsiga Muuse Galaal, kadibna waxa ay shaqo ka heshay Wasaaradda Waxbarasahada waax la odhan jirayWaxbarashada Haweenka, intii ay halkaas joogtay waxa ay noqotay agaasime waaxeed gobolka Banaadir ah, waxa ayna noqotay qoraa qora buugta carruurta iyo qayb kamida manaahiijta khuseeya carruurta iyo haweenka. 1987 ayay wasaaraddu Caasha u dirtay dalka Hindiya si ay waxbarashada heerka labaad ugu soo diyaariso aqoon khusaysa Waxbarashada, Horumarka Haweenka iyo Horumarinta reer Miyiga. Markii ay Caasha dalka ku soo laabatay 1989kii, waxa ay ahayd xilli ay dawladdu sii dhacaysay, shaqadii dawladdana kuma aysan laaban oo waxa ay hore kaga biirtay ururrada bulshada oo waqtiyadaa dhismayay, waxaa urarradaa ka mid ahaa Somali Women Concern (SWC) oo ay aasaastay maamo Xaawo Aadan iyo urur la odhan jiray Samayeel. Caasha, waxa ay ururradan kala shaqayn jirtay sidii haweenka loogu fududayn lahaa in aanay culayso badan qaadin (xaabada, biyaha iwm), loona bari lahaa habab kale oo ay ku maarayn karaan iyo shaqooyin arrimahan la xidhiidhay. 

1991, waxaa dhacday dawladdii Soomaaliya, badi dadkuna waa ay ka qaxeen magaalada Muqdisho, ka hor, inta aan qaxu dhicin Caashi waxa ay ahayd aroosad, nasiibxumo se, maalintii ay ninkeeda oo dhakhtar ah aqal gali lahaayeen ayuu bilowday dagaalkii sababay qaxa Xamar. Caasho waxa ay u qaxday magaalada Kismaayo, safar loogu talagalay in ay ku dhoofaan oo ay doon uga baxaan dalka iyada iyo gabdho walaaleheed ah ayay uga baaqatay darxumada gabadh aad u yar oo magaceedu ahaa Nuurto, taas oo qoyskeeda oo dhami ku dhinteen dagaalladii iyo gaajadii jirtay, maadaama ay ka baaqatay safarkii dhoofka, kolkaas ayay go’aansatay in ay ka shaqayso sidii xarun weyn loogu samayn lahaa dadka maatada ah ee soo qaxay, halkaas ayayna kasii wadday shaqada, waxa ayna isticmaaleen magaca ururkii Somali Women Concern. Waxa ay Kismaayo ka bilaabeen xarumo lagu quudiyo dadkii soo qaxay, wuxuu na ahaa ururkii ugu horreeyay ee xarumahan ka hirgaliya magaalada, iyagoo quudin jiray dad gaaraya 4,000 oo qoys. Toddobadii bilood ee u horreeyay dadka Kismaayo dhexdeeda deggan ayay raashinka uga soo ururin jireen qaxootiga. “Waa markii ugu horraysay ee aan ogaannay in ay suuragal tahay in cunnada la kala karsho iyo in laysku karshaba”, ayay tidhi Caasho. “Qof baa wuxuu nasiinayaa laba kiiloo oo masago ah, qofbaa wuxuu nasiinayaa kiilo baasta ah, qofbaa wuxuu nasiinayaa dhawr koombo oo bariisa, qofbaa wuxuu na siinayaa xoogaa digira, marka intaas oo dhanbaa intaan isku shiidno baa waxaan ka dhigi jirnay Mashaali aan siinno inta tamarta yar.” Sidoo kale, waxa ay Caasho sheegtay in aanay toddobadaa bilood aqoonba haayado; “maalin walba suuqa ayaanu taagnaan jirnay, cidda aan wax ka helno, toddobadaas bilood annagu maba aanan aqoon haayaddo, haayaddo cid waxsiisaana ma aysan jirin.”

Toddobadaas bilood ka dib, waxaa Kismaayo yimi haayaddo kala duwan, waxa ayna kooxdii ay Caasha hoggaaminaysay ka shaqeeyeen in mustaqbal wanaagsan loo sameeyo dadka ku jiray xeryaha SWC. Waxa ay bilaabeen in dadka badidood lagu celiyo deegaannadooda oo markaas nabdoonaa, dadka qaarna waxaabay doorteen in ay Kismaayo ka shaqaystaan waxaana loo fududeeyay qaabkii ay u shaqaysan lahaayeen. Maadaama oo uu ka yaraaday dadkii badnaa ee xeryaha joogay waxa ay SWC xarunteedu noqotay xafiis ka shaqeeya horumarinta, waxa ay garab istaagi jireen kalluumaysatada iyo wixii la halmaala ee waxbarashadu ka mid tahay. Caasha, waa ay ka soo wareegtay Kismaayo waxa ayna timi magaalada Garoowe, Gaalkacayo oo deegaankeedii hore ahayd, waxaa ka socday dagaallo. “Waxaan u soo wareegay Garoowe oo markaas nagu cusbayd, waxay ahayd magaalo yar oo dad yar oo aan iskuullo waxbarasho iyo wax kale toona lahayn” ayay tidhi Caasho. “Iskuul la odhan jiray Darwiish ayaa markaas furnaa oo hoose dhexe ahaa, sidoo kale, dhawr haayadood ama ururro ayaa bilow ahaa, sida; Kaalo. Markaas ayaan annagu furnay xaruumihii ugu badnaa ee waxbarasho oo aan haweenka ku barno farsamada, farbarashada, iwm.”

Badhtamihii 1990 Caasha Geelle waxa ay is barteen Faadumo Jibriil oo Maraykan uga timi si ay u caawiso dadka ay dagaalladu saameeyeen, ururkii ay hoggaaminaysay ee SWC-na waxa uu qayb ka noqday dalladii ay aasaastay Faadumo Jibriil ee Resource Management Somali Network (RMSN), waxa ay tababbaro iyo shaqo wadaag u aadi jirtay magaalada Buraan oo xarun u ahayd haayadda Horn Relief (hadda; Adeso) iyo RMSN oo ay labadaba aasaastay Faadumo Jibriil. Waxa ay shabakaddaas ku wada jireen 14 urur oo ka kala socda dhammaan deegaannada Soomaaliya, waxa ay ku wadaagi jireen khibradahooda, tababbaro kala duwanna waxa ay ku qaadan jireen Buraan oo ku taalla Sanaag. Kadib, markii ay shaqo baaxad leh ay SWC oo ay Caasha hoggaaminayso ka qabteen Garoowe, waxaa iyada iyo dhawr haween oo kale oo arrimahan ka shaqaynaya kala joogana deegannada Waqooyi Bari (Gaalkacayo illaa Ceerigaabo) is tustay in loo baahan yahay cudud haween oo midaysan, si loo wajaho xaaladda darxumo ee haysata haweenka, deegaanka iyo maatada ay saamaysay burburkii dalku. Caasha Geelle, Faadumo Jibriil iyo aasasihii SWC Xaawa Aadan oo markaasna ka shaqayn jirtay xarun waxbarasho oo ay aasaastay (Galkaio Center for Peace and Development), ayna weheliyaan Faadumo Faarax Xandulle oo UNICEF u shaqayn jirtay iyo Xaawo Ciise Dheere oo iyana ka shaqayn jirtay urur ka aasaasan Bari, ayaa si wada jira u aasaasay shabakad la yidhaahdo WAWA, magaca waxaa bixisay Caasha, waxaana laga soo gaabiyay We Are Women Activist, 1997 ayay ku dhawaaqeen dalladdan. Ujeedka u weyn ee shabakaddan loo sameeyay ayaa ahayd sidii laysugu xidhi lahaa haweenka inta awoodda leh iyo kuwa aan awoodda lahayn, si wadajir ahna wax loo wada qabsan lahaa. Waxa ay ururo ku lahaayeen badi deegaannada hadda loo yaqaan Buntlaan. Waxa ay guddoomiyihii u horreeyayna u doorteen Caasha Geelle Diiriye.

Caasha waxa ay ku noqotay magaalada Gaalkacayo, halkaas ayay ka furtay haayadda ay hoggaaminaysay ee SWC. Waxa ay gobolka Mudug ka qabteen shaqooyin aad u tirabadan oo ay ka mid yihiin; dhisidda iskuullo iyo ceelal, sidoo kale, qabashada tababbaro kala duwan iyo shaqooyin kale. Iyada oo shaqooyinkaa arrimaha bulshada ka shaqaysa, caanna ka ah gobolka Mudug oo lagu yaqaanno hawlahan, ayaa waxaa bilaabmay dhismihii maamulka Buntlaan. Caasha, waxaa lagu daray ergadii matalaysay gobolka Mudug, waxaana ku jiray iyada iyo ninkeeda. “Markii ergada la dirayay, dadkii ergada ka qaybgalay baanu ahayn aniga iyo odaygaygu” ayay tidhi Caasha Geelle. “Qabiil lama fiirin jirin, hebel iyo hebel waa isqabaan lama fiirin jirin. Odaygaygu dhakhtar buu ahaa, waddanka ayuu ka muuqday.” Markii ay ergooyinkii tageen Garoowe ayaa lagu yidhi gobol walba ergadiisa haka soo saaro laba qof oo ka mid noqda guddiga sare ee shirka hoggaaminayay, Caasha Geelle waxa ay ka mid noqotay labadii qof ee ergadii Mudug laga soo xulay, waxa ayna ka sii mid noqotay tobankii qof ee xoghayayaasha ahaa. 

Markii shirku dhammaaday lana qaybsaday xildhibaannadii, ayaa ergooyinkii loo diray gobolladoodii si ay xildhibaanno u soo xushaan. Gobol walba waxaa laga rabay in ay hal gabadh ku jirto, qolyihii reer Mudugna waxa ayba hore ka dheheen annaga gabadhayadu waa Caasha Geelle, oo aan iyadu markaa u jeedin in ay ku biirto siyaasad, una taqaannay siyaasadda meel odayaal loogu talagalay oo iska xabsi ah. Caasha, oo ka warramaysa waxa ay tidhi; “Siyaasaddu macne iiguma fadhiyin, waxa aan u qabay meel ay odayaashu leeyihiin oo xabsi xabsi ah, waxaanan u shaqayn jiray NGO-yo, waxaan shirar u aadi jiray Maraykanka, Kanada, iyo Yurub, dhallinyaraan ahaa, markaa, waxa aan u qabay xabsi laysku xidhayo” sidoo kale waxa ay tilmaamtay qaabka ay xildhibaanka ku noqotay; “markii xildhibaannada la qaybsaday ee ergadii gobolladooda ku noqdeen ayaa laygu qoray, gobol walba gabadh baa laga rabay, maraakasay dheheen [reer Mudug] may annaga gabadhayadu bannaan bay taallaa oo waa Caasha, mid gorgortan iyo qabiil waxaasi ku jiraan maaha. Markaas ayaan anna dhuuntay, gurigaygaan saddex habeen ka dhaxay, sidii la ii raadinayay inta aan idhi ma rabo, sababtoo ah xafiis baan ka shaqeeyaa oo aan leeyahay…. [waxaa lagu qanciyay] waxaasi micna malaha waxan baarllamaan baa la dhahaa, lixdii bilood marbaa la kulmaa. Sidaas ayaan ku imi.” Waxa kale oo ay Caashi sheegtay in aanay xilka xildhibaan aad u saamayn shaqooyinkeedii kale.

Muddada ay Caasha xildhibaanka ahayd waxa ay si joogta ah ula shaqaynaysay shabakadda WAWA oo ay guddoomiye ka ahayd, waxa ayna qayb ka noqotay barnaamijyo nabadeed oo ay u waaweynaayeen dhexdhexaadintii dagaalkii u dhexeeyay Madaxweynihii Puntland Cabdillaahi Yuusuf iyo labadii masuul ee kala danbeeyay Jaamac Cali Jaamac iyo Cadde Muuse, sidoo kale, waxa ay qayb ka ahayd barnaamijyadii nabadda ee Gaalkacayo, waxa ayna nabadda kaga soo shaqaysay deegaanno ay ka mid yihiin; Badhan, Rakoraaxo, Boosaaso iyo qaar kale.

Markii xal laga gaaray isqabqabsigii u dhexeeyay Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf iyo ciidankii uu hoggaaminayay Cadde Muuse oo muddo ku jiray gobolka Sanaag, is qabqabsigaas oo ka dhashay markii Cabdillaahi Yuusuf ay ka dhammaatay saddexdii sanno ee xilka ayna barllamaanku ugu dareen saddex kale, ayaa baarllamaanku soo jeediyay in xildhibaannadii aan qaybta ka qaadan ama la jirsaday (Jaamac iyo Cadde) xilalka laga qaado, 11 xildhibaan oo Caasha ku jirto ayaa la damacsanaa in xil ka xayuubin lagu sameeyo, balse, sida ay Caasha sheegtay iyada in xilka laga qaado waxaa ka soo horjeestay xildhibaannadii waqtigaas. 

Maadaama shabakadda WAWA oo ay guddoomoiye u ahayd uu u taagnayd in haweenka xuquuqdooda loo soo dhiciyo, labadii xilli ee Cabdilaahi Yuusuf haweenku saamayn weyn kuma lahayn siyaasadda. Markii ay soo dhawaatay doorashadii Madaxweynaha Puntland ee dhacaysay 2005, ayay shabakadda WAWA u sharaxday Madaxweyne, Caasho Geelle, sida ay Caasho iiga warantay qoondada isdiiwaangalinta oo ahayd $1,500 waxaa bixisay Faadumo Jibriil oo ahayd madaxa Horn Relief iyo RMSN xubinna ka ahayd WAWA. “Markaan iri waan is sharaxayaa, ayay i dheheen [xildhibaanadu] Alla Caashaay adiga qofna codka kugu doorin mayno, aduu dhawr iyo labaatan cod ayaan haystay” ayay tidhi Caasha. “Markaasaa layla hadlay, Cadde markuu imaanaayay, waxaa lay yidhi; ‘gabadh yar baa tahay, ihaano kuuma fiicno, 17 oday baa sharaxan, ee maandhay waa laguu ducaynayaa ee waxaad rabtid sheego, ee iskaddaa madaxweynahaan’ may baan idhi, madaynayo, horta waa inaan meesha istaagaa, laakiin, isbahaysi waa ogolahay haddii shuruudahayga lay fuliyo.” Halkaa marka ay marayso, Caasha Geelle waxa ay ka tanaasushay doonisteeda Madaxweyne, waxa ay talo kula noqotay bahdii WAWA ee ay u sarreeyeen Faadumo Jibriil iyo Xaawa Aadan si ay uga tashadaan shuruudaha ay rabaan, waxa ay tidhi Caashi; “waxaa aan dalabkayaga ka bilownay in ururrada bulshada oo aad loo cayrsan jiray in aan la cayrsan oo faraha laga qaado, waxa kale oo aan dalbannay in Wasaarad haween la sameeyo, haweenku way soo halgameen ee boqolkiiba 20 dawladda nalaga siiyo. Markaasaa layga ogolaaday, anigana laygu yiri codadkaaga keen, sidii baan codadkayga ugu wareejiyay Cadde Muuse.” Markii la doortay Cadde Muuse, waa uu fuliyay dhammaan dalabaadkii Caasha iyo WAWA, waxa uuna bilowgiiba wasiir u magcaabay Caasha Geelle oo dalka Jarmalka markaa ku maqnayd. “Anoo Jarmalka ku maqan ayaa wasiir lay magcaabay, wuxuu yidhi [Cadde] haddii aan wasiir magcaabaayo qoftii waxaan keensatay baan siinayaa, cid kale siin maayo, markaas ayaa ururrada loo sameeyay dallad, dallada PUNSA waagaas ayay bilaabatay” ayay tidhi Caashi. “Wasaaraddu waa cusbayd, xataa magaca anaa keenay oo sheego ayaa lay yidhi, boodhkeedana waxa aan ka soo sameeyay Jarmal.” Waa 2005 markii Caasha Geelle loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, waxa ayna xilkan haysay illaa 2012kii.

Caasha Geelle Diiriye waxa ay siyaasadda Puntland ku jirtay 1998 ilaa 2012, iyada oo Xildhibaan ahayd 1998 ilaa 2004, wasiirna ahayd 2005 ilaa 2012. Sidoo kale, waxa ay Caasha soo noqotay xubin ka tirsan guddida dib u eegista dastuurka, iyada oo xubintaas ku metalaysa Puntland sannadku markuu ahaa 2014kii, isla guddidaas ayaa u dooratay guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka. Caasha, iyada oo aan sannad u buuxsamin ayay iska casishay booskan, waxa ayna ku sababaysay sidan; “annigu orod baan bartay, waxa aan bartay in la shaqeeyo, waxa aanna soo maray wax badan, u dhaqdhaqaaqe bulsho, marka anigu waxaan rabay dastuurka in la dhammeeyo oo aan lacag la raadsan, dawladdo shisheeyana aan la baryin, waxa aan qabay haddii aan Dhuusmareeb ama meel kale tago in ururadaydii iyo Soomaalidaasi na qaabilayso, anuu orodkaasaan rabay dawladduna maba rabin dastuur. Muddo ayaa nala lahaa suga, xafiis baa laydin siin iyo …., markii aan arkay 11 bilood in aanay waxba rabin, waxaan is idhi intii sumcaddu kaa lumi lahayd oo dadku dhihi lahaayeen naagtu meesha xil iyo mushahar uun bay u fadhidaa. Markaas ayaan is casilay.” Waxa kale oo ay Caasha tilmaamtay in hanti nooc walbaba la siiyay si ay booska u sii joogto, sida; gawaari, laakiin aanay go’aankeeda waxba ka beddelin maadaama aanay meesha shaqo ka socon. Sidoo kale, waxa ay Caasha ka qayb gashay fadhiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyada oo ah Goodwill Ambassador, waxa ay halkaa ka soo jeedisay khudbad dheer oo ay kaga hadlayso qoondada haweenka iyo doorka Soomaaliya.

Markii ay Caasha iska casishay xubinnimadii iyo booskii guddoomiyaha Guddida Dib u Eegista Dastuurka, ayay aasaastay haayad samafal oo magaceeda ku shaqeeya, The Asha Gelle Foundation (TAGF). Caasha waa qoraa qortay dhawr buug oo ay ka mid yihiin; “Waaya-aragnimadeydii 15ka Sanno iyo Siyaasadda Puntland” iyo “Hoggaaminta Fiican.” Caasha, weligeed ma qaadan baasaboor aan ka ahayn kan Soomaaliga, waxa ay hadda ku nooshahay magaalada Gaalkacayo.

Fiiro Gaara: Maqaalkan waxaa tixraac u ah waraysi aan Garoowe kula yeeshay Maamo Caasha Geelle Diiiye, Sibteembar 23, 2024.                    

Qoraallada kale ee qoraaga