Skip to main content

Sunday 6 October 2024

Siyaasad

Magacaabista Diyaano dabadeed.. Halkuu u jihaysan doonaa Khilaafka Muqdisho iyo Buntilaan?

6 October, 2024
Image
Asad
Share

Ka dib kolkii Xasan Sheekh Maxamuud xilal muhiima oo Xukuumada Federaalka Soomaaliya ah ku taxay qaar ka mid ah Mucaaradka Siciid Deni oo uu ugu danbeeyey Asad Cismaan Diyaano, oo loo magacaabay hoggaamiyaha Booliiska Soomaaliya, loolanka u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Buntilaan, Siciid Cabdillaahi Deni, waxa uu galay cutub cusub oo loolan. 

Magacaabistu waxa ay timid, xilli Boosaaso oo ah magaalooyinka ugu muhiimsan ay ka jirto xaalad digtooni ah oo u dhexaysa ciidamadda Booliiska badda (PMPF) ee daacadda u ah Cabdillaahi Deni iyo ciidamada amniga Buntilaan(PSF) oo u daacada mucaaradka Deni, kuwaas oo uu hore u hoggaamin jiray Asad Diyaano, hadda se uu hoggaamiyo walaalkii oo uga danbeeyey. Haddaba maxay yihiin sababaha ka danbeeya magacaabistaas? Iyo xidhiidhka ay la leeyihiin loolanka u dhexeeya Xasan sheekh Maxamuud iyo Siciid Deni. 

 Bilawgii Aktoobar, waxa si rasmi ah gacanta loogu galiyey hoggaaminta Booliiska Soomaaliya, Asad Diyaano waa maalmo ka dib kolkii  golaha wasiiraddu u magacaabeen xilkan isaga oo beddelay Janaraal Sulub Axmed oo la geeyey ku xigeenka Wasiirka gaadiidka iyo hawada madaniga ah si loogu raalli geliyo iyada oo la iska eegayo gobolka Koonfur Galbeed. Jagooyinka Xuukumada Federaalka waxa loo adeegsadaa agab lagu dabaro xidhiidhada u dhexeeya Muqdisho iyo maamul goboleedyada, iyada oo xukuumada Federaalku, maamul goboleed wal ba siiso qoondo maaliyadee, cidda loo dhiibayo mansabyada waxa lagu doortaa hadba xidhiidhka uu Madaxweynuhu la leeyahay horjoogayaasha maamul goboleedyada, kiiska Xasan sheekh, saamiga xilalka mamul goboleed waxa laga soo xushaa mucaaradka gaar ahaan marka ay timaaddo Koonfur galbeed iyo Buntilaan. 

Iyada oo uu jiro khilaaf aad u daran oo u dhexeeya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa Xasan waxa uu xilal uga magacaabay Federaalka, mucaaradka Deni, waxaana ugu muhiimsan Cali Yuusuf Xoosh uu u magacaabay jagada Wasiirka gudaha iyo arrimaha Federaalka iyo Cabdisamad Maxamed Galan oo uu u magaacabay la taliyaha koobaad ee arrimaha Federaalka, waxaanu hore u ahaa, Wasiirka amniga ee Buntilaan, waxa se xil ka xayuubin ku sameeyey Siciid Cabdillaahi Deni, khilaaf siyaasadeed oo soo dhex galay awgii, halka Axmed Maxamed Jaamac uu Xasan sheekh u magacaabay la taliyaha Koobaad arrimaha Dimoqraadiyadda iyo maamul wanaagga. 

Buntilaan waa maamul goboleed kaas oo leh awood la jaan qaadi karta awoodaha xukuumada Federaalka. Tan waxa loo celin karaa, in la bud-dhigay 1998-kii waa sannado ka hor asaaskii Xukuumada Federaalka ee hadda, waxaanay door laxaad leh ku lahayd asaaskeedii, sidaas awgeed Buntilaan waxa ay kolba Muqdisho ku eegaysay il shaki leh. Asalka Khilaafka u dhexeeya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid cabdillaahi Deni waxaa uu ka soo bilaabmayaa May 2022 Deni, waxa uu goob joog u ahaa, caleemasaarkii koobaad ee Madaxweynaha dalka, ka dib kolkii uu badhi taaray wareegii labaad, daraashadii ku qabsoontay taandhada baarlamaanka dhexdiisa, sida ay sheegeen dadka u dhuun daloolaa, Deni waxa uu quud daaranayey Jagada Raysal wasaaraha, laakiin Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka door booday, Xamse Cabdi Barre taas oo keentay in ay labada oday fiintu dhex mirato. 

Waxa intaas dheer, wax lagu sheegi karo khilaaf shaqsiyadeed iyo saameynta mashruucii siyaasadeed ee uu iclaamiyey Xasan sheekh  iyo wax ka beddelka dastuurka waa wax yaabaha sii kala durkiyey labada nin, heer ay xidhiidhka isu jaraan Muqdisho iyo Buntilaan, isla markaas na Deni uu ka maqnaado ka soo qayb galka, kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka. 

Itoobbiya 

Kala fogaanshaha u dhexeeya Muqdisho iyo Buntilaan waxa uu sii kordhay ka dib saxiixii is afgaradkii u dhaxeeyey Soomaalilaan iyo Addisababa iyada oo ka gaws adaygtay in ay canbaarayso tallaabadaas. Sidoo kale waxa ay diidday qaraarkii Xukuumada Federaalka ee ahaa in ay ay albaabada isugu laabto Qunsiliyadda Itoobbiya ay ku leedahay halkaas, oo waxa ay dhaliishay cilaaqaadka Masar iyo soo gaadhsiinta ay soo gaadhiiseen shixnado hub ah ciidamada Soomaaliya. Dhankeeda, Xukuumada Federaalku waxa ay eedaymo u jeedisay gobolka iyo in ay shixnado hub sharci darro ah ka heshay Itoobbiya. Arrinkan ayaa yimid ka dib kolkii la soo wariyey, in gaadiid hub ku raranyahay ay gobolka uga soo gudbeen dhanka xuduudda Itoobbiya, waana arrin ay iska fogaysay Buntilaan iyada oo Muqdisho ku eedaysay in ay dalka gelinayso dagaal ka dib markii ay hub ka heshay Masar. 

Mawqifka dawladda Buntilaan ee ku aadan Is afgaradku ma aha mid si cad u muuqda, mana aha mid ay taageero u muujisay, waxa se uu ku salaysanyahay, diidmo ku eeg Madaxweyne Xasan Sheekh, Buntilaan oo xuduud la wadaagta Soomaalilaan waxa ay u aragtaa, lidkeeda labaad waxayna military ahaan garab siisay bulshada Laascaanood oo ka soo horjeedsatay Hargeysa, waxaana dhex maray isku horimaadyo ay sabab u tahay muran xuduudeed. Itoobbiya  ayaa mar labaad ku lug yeelatay loolanka u dhaxeeya Muqdisho iyo Garoowe ka dib kolkii shixnado hub ah ay gaadheen Madaarka magaalada Boosaaso oo ay haystaan ciidamada u daacadda ah Siciid Deni iyada oo la sheegay in uu ahaa hubkii Itoobbiya, tani waxa ay ahayd xilli Muqdisho u dabbaal dagaysay xil wareejintii Asad Diyaano. 

Mawqif kaas la mid ah ayaa uu Xasan Sheekh Maxamuud kala kulmay maamul goboleedka koonfur galbeed oo Madaxweynaheedu ka hor yimid taageerida awoodaha qabaliga ah oo ah qorshe ay wadato xukuumada Federaalku si meesha looga saaro ciidamada Itoobbiya sannadka soo socda loogu na beddelo ciidamada Masaarida waxayna taasi la xidhiidhaa soo ifbaxa khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maamul goboleed Koonfur galbeed, Maxamed Xasan Laftagareen iyo Xasan Sheekh, khilaafkaas oo daaran wax ka beddelka dastuurka  iyo qabsoomidda Doorashooyinka maamul goboleeddada, waa muddo ka dib oo uu ka mid ahaa inta taageersan Mashruuca siyaasadeed ee Madaxweynaha. Xasan sheekh waxa uu ka shaqaynayaa sidii loo xakamayn lahaa falaagoobidda Laftagareen waa na mid uu ku xisaabtamayo shirka golaha wada tashiga ee soo socda, laakiin dhinaca kale, sidaas si la mid ah kuma uu sameyn Siciid Deni iyada oo ay sabab u tahay in uu Deni gabi ahaanba ka soo hor jeedsaday wax ka beddelka dastuurka, iyo iyada oo Laftagareen aanu u xooganeyn sida Siciid Deni. 

Ma aha buunbuunin in la yidhaa mushkiladda u dhaxaysa Siciid Deni iyo Xasan sheekh xaqiiqadeedu waa mushkiladda dhismaha dawladnimada Soomaaliya maxaa yeelay waa isku dhaca labo aragti oo ku gadaaman nuxurka nidaamka siyaasadeed iyo maamulka dalka. Sidoo kale waxa ay tuurta ku sidataa culays taariikheed oo ku saabsan doorka Buntilaan ee Dawladda Federaalka iyada oo laf ahaanteedu isu aragta hooyada Federaalka, sidoo kale ma doonayso in ay ka tanaasusho nidaamkeeda madax bannaanida, waa na mid soo jiidda In dawlad goboleedyadu ka qaataan dawladda dhexe go’aanno iska hor imanaya.

Siniyaarooyinka Mushkiladda 

Mushkiladda u dhaxaysa labada nin waxa lagu sheegaa in ay tahay mushkiladda ugu weyn ay wajahayso Soomaaliya waqti xaadirkan, haddana ma aha tu u baahan farogelin degdega oo la mid ah mushkiladda ka taagan Koonfur Galbeed halkaas oo uu Xasan sheekh uga baahanyey gacan siintii u danbaysay si uu xal ugu helo is mariwaaga u dhexeeya isaga iyo ciidamada Itoobbiya ee ku sugan gobolka si uu u meel mariyo mashruuciisa siyaasadeed ee tuurista nidaam beeleedka loo yaqaan (4.5) iyo qabashada doorasho guud oo toosa  taas oo lagu fadhiisiyey nidaamka xisbiyada badan oo lagu soo koobay saddex Xisbi iyo qabashada doorashooyinka maamul goboleedka kuwaas oo waafaqsan nidaamka cusub. 

Si gaar ah, Bultilaan waxa uu xasan Sheekh ku hawlanyahay in uu xoojiyo awoodaha ka soo hor jeeda Siciid Deni isaga oo u maraya jagooyinka Federaalka, iyo ka gacan siinta maaliyadda iyo siyaasadda. Marka qaabkaas la eego waxa suuragel ah in Ciidamada PSF ee u daacadda ah mucaaradka ay ku biiraan kuwa Federaalka taas oo macanaheedu noqonayo, jiritaanka ciidamo Federaal ah oo ku sugan gobolka, gaar ahaan bari oo caasimaddiisu tahay Boosaaso taas oo ka dhigan kaadh ku jira gacanta Muqdisho oo ay u adeegsan karto wajihidda Siciid Deni taa oo Iyana u jid banaynaysa xoog ku muquuninta kala duwanaanshaha siyaasadeed. 

Xasan Sheekh halka uu xoogga saarayo hubinta iyo socodsiinta mashruuciisa siyaasadeed kaas oo u damaanad qaadi kara in uu helo sharciyad siyaasadeed isaga oo u dhex maraya helista kalsoonida qaar ka mid ah maamul goboleedyada si ay uga caawiyaan hirgelinta mashruuciisa siyaasadeed iyo sii joogitaanka talada haddii ay tahay qabashada doorasho toos ah ama  dib loogu laabto nidaamka beelaha ee aan tooska ahayn. Kolkan Siciid Deni waxa uu ku naaloonayaan sharciyad tan iyo markii loo doortay mar labaad bilawgii sanadkan Madaxweynaha dawladda ilaa 2028 halka uu Xasan sheekh talada sii joogi doono ilaa 2026. Sidaa awgeed, Xasan sheekh haddii aanu ku guulaysan socodsiinta mashruuciisa siyaasadeed oo ay ku garab joogaan afar maamul goboleed ugu yaraan waxa uu ugu danbeyn ku qasbanaan doonaa qabashada doorashooyin waafaqsan nidaamkii hore ee qadiimka ahaa, waana sida uu doonayo Siciid Deni. 

Isku dhaca u dhexeeya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Koonfur galbeed waa mid uu ka faaidaysanayo Siciid Deni, waxa iyana suuragel ah in uu helo taageerada maamul goboleedyada kale oo uu ku jiro Madaxweynaha Jubbalaan, Axmed Islaam Madoobe. Isku soo xoori oo, loolanka Xasan sheekh iyo Siciid Deni waxa uu shabbahaa, loolankii ugu danbeeyey ee Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyada oo ay jiraan waxyaabo dheerada oo ay ugu weyntahay mushkiladda itoobbiya kala dhaxaysa iyo socodsiinta Xasan sheekh ee wax ka beddelka Dastuurka ee Baarlamaanka. Tallaabada ugu danbaysaana waxa ay noqon doontaa mid qabyo ah haddii aan la helin afti shacab. 

Gabogabadii, dalku waxaa ka jira dhibaatooyin leh dhinacyo badan, haddii ay tahay gudaha maamul goboleedyada, ama Muqdisho iyo maamul goboleedyada mana aha wax la soo dhawaysan karo in ay u xuubsiibtaan iska hor imaadyo hubaysan iyada oo kooxaha iska soo horjeedaa ku hawlanyihiin dhismaha is bahaysiyo si ay ku gaadhaan yoolal siyaasadeed, tani qofka muwaadinka ah waxa ay dareensiinaysaa in uu keligii yahay ka wax ku waayaya mushkiladda muddaysan ee ka jirta dalka taas oo aan ka soo rayneyn waqtiyada soo socda.