Skip to main content

Sunday 6 October 2024

Buug

Guudmar Buug “Hayaankii Hilowga Arwaaxda"

5 October, 2024
Image
Hayaanka
Share

Waxa uu ku dhashay Burco. Hargeysa buu uga sii ruqaansaday. Xamar buu uga soo hayaamay si uu himmiladiisa tacliinta u horumariyo. Waad xasishay buu is lahaa, run baase u diidday. Waxa uu filayey in uu xasarad iyo xabbad ka soo fogaaday. Taasise ma ay dhaboobine, waa uu soo martiyey. Maalin Axad ah 30kii December 1990 baa hugunka rasaastu isu baxay. Dareen gaar ah bay isaga u lahayd. Qoyskoodii oo hore waqooyiga uga qaxay buu ka welwelsanaaye, maanta isagii baa kalkiisii soo galay!

Waa bilaabmay. Maantana ma xamar baa gubanaysa! Waxa uu nafta kula faqay, dadkan kala qayaxa in aanu hayb ahaan ka mid ahayn. In uu nabadgelayo, oo aan cidina wax u raacayn baa u soo baxday. Maalmo kooban gudaheed waxa ay talo kaga soo ururtay "i bixiyoow i bixi!" Cid la bixinayaaba ma ay jirto. Go'aankii waxa uu noqday "Cawralaay cago." Xaggee loo dhaqaaqaa? Bal adba! Naftu waxay miciinsatay in aanu ka hadhin kolonyo ka baxaysey Bar Xaraf. Afgooyuu afka saaray. Waxa uu beegsaday qoyskoodii oo labo sano horteed la barokiciyey oo Gaashaammo qaxooti ku ah. Fiicnaan lahaydaa in uu halkaa iska iimaansado qoyskooda uu wax la qabo. Naf iyo hawo diide in uu rabadintaa ku negaado.

Hortaa bannaan u dhaqaaq. Iska soco. Adduunka baacso - waad gaadhi doontaaye. Tuuloba tuulo kale bay u dhiibtay. Dalba dal kale buu uga sii gudbay. Diif iyo darxumo buu wehel u noqday. Xabsi iyo xanuun bay xigto noqdeen. Wehelka keliya ee uu miciinsanayey waxa uu ahaa in uu afka Ingiriisida yaqaannay. Tani waa Mooyaale (Kenya) askar baa dadka soogalootiga ah ugaadhsanaysa! Bal muxuu denbi ah oo galay? Siyaloow (Isiolo) baa selel kaga kacay. Nairobi baa u xigtay. Meel walba askari boolis ah oo qori wata baa "letta kitanbuluushe" leh. Haddii kitanbuluushaha (warqadda aqoonsiga) la waayo, waxa xiga saldhigga booliska in laguu taxaabo. Waxa aad kaga baaqsan kartaana waa in aad jeebka gacanta gelisaa. Qof tiisiiba u yaabbani ma ku sii negaan karaa?  Fadhi kuuma leh. Hore u soco. 

Halkanna Namanga baa la yiraahdaa. Waa xadkii Kenya iyo Tanzania. Hore u sii dhaaf oo Caruusha sii gaadh baa wax ku yiraahdeen. Tanina fadhi kuuma leh. Daarasalaam bal ku eero. Istaankii baaba askari ku qabsaday.  Alloow iga furfur. Laaluush baa lagaga soo daayey. Naftu waxay tidhi bal hore uga sii soco. Safar dheer buu ugu jeexay. Tundhuma oo ah magaalo-xuduudeed buu bustaha sii dhigtay. Bal haybtaada ku eero. Qaraabaa loo soo helay. Guri isku soo xidh, haddaad baxdid askartii baa bannaanka kuu taagan, baa xaalba kaga soo ururay. Bal haddaba meelahaa telefoon uga dirso qaraabadii buu go’aansaday. Waa loo soo hagarbaxay. Ma uu calfan. Kii xoogaaga  loogu soo hagaajiyey baa hagardaameeyey. Daarasalaam iskaga laabo. Muddo yar oo nefis ah buu ka helay. Warqad qaxootinnimo baa la siiyey. Ayaamuu si xor ah u dhaqdhaqaaqay oo naftiisa shaxaad ku debberey. Waa la iskaga daba yimid. Xero Qaxooti oo gobolka Tana la yiraahdo  ku taal baa afka la iskaga shubay. Silic hor leh. Cir kaa dheer dhul kaa dheer. Naf iyo hawo waa iska soo taageen xeradan. Ismiidaami oo hore u soco mooyaane - wax kale waa u soo bixi waayeen.

Durba waqtigu saddex sano buu cagacagaynayaa. Hortaa bannaan u dhaqaaq. Malawi soo salaan. Ka maydho wixii ku soo maray. Warqado qaxooti iyo gunno nolosha ku filan buu halkaa ka helay. Waxa uu noqday nin Soomaalidii halkaa nafta kula eeratay (sidiisa oo kale) hormuud u noqday. Isagii baa marti loo yahay. Waa turjumaan "is nacay!"

Hawo adduun iyo wax korodhsi baa mar kale hoggaanka u dhuftay. Ka kac meesha oo wax tacbo - si aad qaaraddan madoow u dhaaftid. Shaari-shaari buu noqday. Xoogaa baa jeebka u galay. Wax badso ayuu maagay. Waxa uu ku soo dhacay maahmaahdii ahayd, "geel doono, geeso dhiig leh bay keentaa!" Waxa uu is ogaaday isaga oo xabsi geeri-go'an ku yaalla ku jira! Waa Chipata iyo dalka Zambia. Isaga iyo naftiisii is warayste. "Toloow maxaan galabsaday oo la iga goynayaa!" Miyaan nasashoba wiilka loo qorin. "Tolkay farriin iga gaadhsiiya" buu faray, qolo ay xabsiga ku kulmeen, oo la sii daayey. Tolkee? Warba ma isagaa u haya. Waatii hore loo yiri "Abaal nin galaa badan nin gudaase waa yar yahay!" Kuwii uu gurmadka ka filanayey, baa gondaha jaray. Tolkaa be!

Ilaahay Fartuun buu u bixiyey, oo tolweynaha kale ee Soomaaliyeed ka soo jeedda. Markii uu laydha u soo baxayba, caguhuu boorrimaystay. Caafimaad-xumaa hakisay. Cusbitaal buu ku ururay. Tiisii ma aanay noqon. Nin ay Soomaalinnimada wadaagaan baa sahaydii cusbitaalka ee loo qabsaday ka dulqaaday. Dhulkii hooyo nafta kula eero bay talo kaga soo ururtay. Xadhig hor leh iyo xadka Zaire. Laga soo furdaami.

Gaadhi hore loo sii saar. Mar kale iyo Tanzania - Tundhuma. Oday baa hakiyey. Hawo cusub buu ku afuufay. Halkaasaa la iskaga lug daray. Nin reer Burco ah iyo ganacsi xoolo la isuma tilmaamee, baayacmushtar xoolaad baa faalkii u qabtay. Bagaashleey buu mar kale isu rogey. Mid baa boqnaha jaray. Isaga oo banyaal ah buu is arkay. Markan waa Bujumbura iyo dalka Burundi. Mudduu beerta ku jirey! Ruux Ilaahay leh looma dardaarweriyo'e Malaa'ik baa usoo gurmatay. Waxa ay talo kaga soo ururtay, maanta waa in baddu ay ku soo celisaa. Waxa uu diiradda saaray halka ay ku kulmaan Badweynta Hindiya iyo tan Atlantigu.

Aniga iyo qoraaga buuggani waxa aannu kulannay 22kii December 1994. Goobtuna waa Harare Zimbabwe. Waxaas uu eryanayey ee uu dabasocday baan aniguna baadigoob ugu jiray. Xamarna labadayaduba waxa aannu ka soo baxnay January 1991. Anigu Afoogye waxa aan uga leexday jihada Koonfureed (Kismaayo), halka uu isaguna afka saaray Galbeed (Baydhabo). Kulankayagaa Harare dabadeed, siddeeddii bilood ee xigey baannu rafiiq ahayn. Waxa aannu noqonnay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Harare oo aniga ah, isaguna waxa uu ahaa Guddoomiye-xigeen. Horuu u dhaqaaqay. Mar kale waxa aannu isugu nimid Johannesburg October 1995. Haddana dib baan anigu Zimbabwe ugu noqday. Waxa aan haddana Johannesburg ku soo noqday January 1996. Waxa isugu kaaya danbeysey maalin ay ciiddii Ramadaanku soogelyso oo ahayd 20kii February 1996. Habeenkii xigeyna Yurub baan usoo weydaartay.

Qoraagu hayaankiisii halkaasuu karaar cusub oo kadeed iyo kifaaxba leh ka sii ambaqaaday. Kacaa-kuf hor leh oo kii hore fadhiiso yiri - baa halkaa uga sii bilaabmay. Dhacdo waliba waa mid tii hore ka sii layaab badan. Waa shan sano oo kale oo socod iyo safar joogto ah. Haddaaba hawl adduun oo hor lihi u bilaabantay. Shantii ku sii xigteyna waa waayo nololeed oo hor leh, iyo halgan cusub. 

Buuggan ciddii heli karaysaa waxaan kula talin lahaa in ay raadsadaan oo sooyaalka ku duugan ay dhuuxaan waxna ka bartaan. Cabdiweli Jaanbiir iyo hayaankiisani waxa ay tusaale iyo tacliinba u yihiin, baaxadda burburka Soomaali gaadhay, iyo saamaynta uu ku yeeshay dadkii Soomaaliyeed - gaar ahaan dhallinyaradii mustaqbalkooda mugdiga lagaga riday. Siyaasiyiin fashilantay baa ummadda Soomaaliyeed jabkaas iyo kadeedkaas baday. Waxa kale oo uu hayaankani ka markhaati-kacayaa adkaysiga, dhiirranaanta, iyo qar-adaygga qofka Soomaaliga ah.

Haddii aan tilmaan ka bixiyo aqoonta aan u lahaa qoraagan, waxa aan ku sifayn lahaa, nin firfircoon, furfuran, farxaan ah, farsamo badan, awoodna u lahaa in uu la noolaankaro cid walba. Waxa uu ahaa dadka aan cidna ku qaloon. Waxa kale oo uu ahaa nin dadka ay wada noolyihiin nafta iyo noloshaba la qaybsada. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo Cabdiweli Faarax Jaanbiir.

Qoraallada kale ee qoraaga

Sheeko

Filanwaa jacayl

Aragti

Qoyskayaga iyo Qaxii Taleex (1920)