Friday 22 November 2024
“Muhiim ma aha inay Kaniisad tagaan, kaliya waxaan doonayaa inaan qalbigooda ku beero cishqiga Ciise. Qaarbaa shantooda salaad iska tukada baqdin ay ehelkooda iyo bulshadooda ka qabaan, balse waxaa iman doonta maalin ay si xorriyad leh dhulkooda Soomaaliya ugu caabudidoonaan Rabbigooda Ciise Masiix!”
— Dr Aweis Ali.
Aweys Abuukar Cali waxa uu 1968-dii ku dhashay miyiga magaalada Muqdisho. Qoys reerguuraa oo xooladhaqato ah ayaa uu ka soo jeedaa. Badanka yaraannimadiisa waxa uu ku soo qaatay tuulooyinka hoostaga Muqdisho, halka markii danbe ay reerkoodu caasimadda u soo wareegeen. Halkaas ayuuna waxbarashadiisa dugsiga iyo iskuulba ka billaabay.
Sannadku marka uu ahaa 1986-dii ayaa uu qaatay diinta Kiristanka isaga oo markiiba billaabay inuu barto tafsiirka kitaabka Baybalka. Waxaa masiixinnimadiisa door ku lahayd mid kamida afartii Hawlgalo ee waaweynaa ee loogu tala galay masiixiyaynta Soomaalida oo kala ahaa: The Roman Catholic Church (RCC), The Swedish Overseas Lutheran Church (SOLC), The Minnonate Mission (MM), iyo The Sudan Interior Mission (SIM). Aweys, middan iyo hawlgalkan u dambeeya ayaa masiixiyaysay. Waxay ahayd hay’ad samafal oo waxtartay goor uu garabqabasho u baahnaa.
1996-dii ayaa uu Muqdisho ka cararay kolka labo sanno gudahood la dilay 12 nin oo Soomaali Kiristan ah oo gurigiisa isgu imaan jiray, kuna cibaadaysan jirtay. Waxa uu noqday ninka kaliya ee ka badbaaday 13 xerow oo masiixiyiin ahaa oo gurigiisa kaniisad ahaan ugu cibaadaysan jiray. Waxa uu galay Itoobiya, isaga oo 2001-dii uga sii gudbay Maraykanka. Balse, muddo yar kadib waa uu soo laabtay, waxaana uu fadhiisin ka dhigtay Addis Ababa iyo Jigjiga.
Aweys, waxa uu noqday masiixi firfircoon oo aad u soo jiitay wadaaddadii waaweynaa ee kiristanka iyo jiliba-culusta mashruuca masiixiyaynta Soomaalida. Waxa uu qoray afar iyo toban buug oo uu ugu weyn yahay xajmi ahaan buugga la dhaho "Understanding The Somali Church" iyo maqaallo aad u tiro badan. Waxa uu isku hawlay diiwaangelinta Sooyaalka Masiixiyiinta Soomaaliya iyo diimihii Soomaalidu haysatay Islaamka ka hor. Aweys, Waa abwaan, qoraa iyo macallin Jaamacadeed oo shahaadada daktoorada ka diyaariyay cilmiga Laahuutka. Shaqo ahaan waxa uu u soo shaqeeyay Dawladda Soomaaliya, Midawga Yurub, UNISOM iyo UNICEF.
Sidoo kale waa asaasaha iyo tifaftiraha wargeyska "The Somali Bible Society" oo ah wargeys onlayn (online) ah oo afka ingiriisiga ku soo baxa. Sida oo kale madbacadda Maandeeq Publishing oo lacag la’aan ku faafisa buugaag E-books ah, ayaa uu qayb ka yahay maammulkeeda iyo mulkiyadeeda. Waxaa saldhig u ah ololihiisa hadal sidan u dhigan: "To be a Somali is to be a Muslim is erroneous!" “Isku xidhka islaanimada iyo Soomaalinimadu, waa qalad!”
Aweys, waxa uu dheer yahay Soomaalida masiixiyowday inuu geed dheer iyo mid gaaban u fuulayo masiixiyaynta Soomaalida illaa uu hammigiisa gaarsiisan yahay; kalabbar Soomaalida inay masixiiyiin noqdaan, haddaysan wada noqon karin. Haddaba, sidee ayuu u suuragelinayaa hawshaa culus?!
Waxa uu xarumo caafimaad, iskuulo iyo xarumo kale oo arrimaha bulshada ka furay Jigjiga, Hargaysa, Garoowe iyo Muqdisho, halkaas ayuuna farriintiisa ku gudbinayaa. Sidoo kale, waxa uu isku hawlay inuu waxbaro ciyaalka darbi-jiifka iyo reer miyiga, iyo dadka la haybsooco, deedna waxa ugu horreeya ee ay akhriyaanna waxa uu noqon doonaa kitaabka Baybalka oo Afsoomaali ugu turjuman. Tusaale, waxaa xusuusqorkiisa ku xusan in qaar ka mida hawlwadeennadiisa mashruuca masiixiyaynta Soomaalida uu u gaday geel iyo ari si ay ugu dhexmilmaan reerguuraaga oo ay ula falgalaan oo ay wax u baraan oo ay ugu faafiyaan diinta kiristanka.
Qabiilka iyo tolnimada ayuu sida ugu habboon u adeegsadaa, masiixiyiinta kale ee Soomaalidana waa uu kula taliyaa. Qabiilka waxa uu u adeegsadaa badbaado nafeed iyo gabbaad. Waxa uu fahamsan yahay in tolnimada ay Soomaalida agtooda aad ugu weyn tahay. Sidaa awgeed, waxa uu faraa Soomaalida masiixiyiinta ah inay isku hawlaan danaha tolkooda oo ay qaaraanka dhiibaan oo kaaba-qabiilkooda ay dhaqaale ahaan u taageeraan, oo mooryaantooda ay qaadka u qaadaan marar, midaas oo keenaysa in tolka agtooda ay maammuus ku yeeshaan, deedna uu tolka ilaalo u noqdo, wax kasta oo ay yihiin iyo diin kasta oo ay haystaanba.
Marka laga tago inuu masiixiyeeyo carruurta iyo caamada, waxa uu sidoo kale isku hawlaa inuu saamayn ku yeesho hawlwadeennada dawladda, gaar ahaan kuwa amniga ka shaqeeyo. Mid kamida warbixinnada uu qoray waxa uu ku sheegayaa in sarkaal amni oo masiixi ah uu shaqadiisa ugu adeego, xil gooni ahna iska saaro badqabka iyo ka warhaynta nolosha Soomaalida masiixiyiinta ah ee ku nool halka uu ka taliyo.
Mashruucii u horreeyay ee masiixiyaynta Soomaalida waxa uu ahaa The Roman Catholic Church (1880-kii). Waxaa la sheegaa in culays daran uu kala kulmay Soomaalidii reerguuraaga iyo reer magaalkaba ahayd. Balse, mashruucii labaad ee The Swedish Overseas Lutheran Church (1896-dii) lama uusan kulmin caqabbadaha kii ka horreeyay. Mashruucan labaad waxa uu xooggiisa ka shaqaynayay Jubbooyinka. Waxayna Kaniisado ka sameeyeen Kismaayo oo hadda la burburiyay iyo tuulada Yoontooy oo illaa hadda ku taallo iyada oo yara burbursan.
Mashruuca masiixiyaynta Soomaalida si habsami leh ayay isaga socdeen casrigii gumaystaha, kii dawladda rayidka iyo kii kacaankaba illaa subax baas buunkii qiyaame loo afuufay Soomaalidii, Jeenawari 1991-dii. Sddonkii sanno ee jahwareerka lagu sugnaa waxa kala daatay mashruucii sida habsamida lahaa u socday qarniga iyo kow iyo tobanka sanno (1880-1991). Haddaba Aweys Abuukar Ali, waxa uu u muuqdaa Masiixi raba inuu qalleeyo firaaqii iyo jahwareerkii ku dhacay mashruuca masiixiyaynta Soomaalida soddonkii sanno ee dawlad la’aanta la ahaa.
Waxaa jira iskudayo ay sameeyeen hay’adaha qaar iyo qofaf masiixiyiin ah soddonkii sanno ee la soo dhaafay, balse, caqabbado amni ayaa soo wajahay oo qaarkood naftooda galaafatay. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa hal dhacdo.
Waa 15 Sebtambar ee 2009-kii. Waa aroor talaadeed, waxaana dhanka koonfureed ee magaalada Muqdisho uga baxay gaariga ay Soomaalida ugu yeerto Hoomeey ama bas, ay saaran yihiin rakaab aad u tiro badan. Kolka uu gaarigii socday shan saacadood ayaa uu soo gaaray duleedka magaaladii uu u socday. Waa degmada Marka, caasimadda Gobolka Shabeellaha Hoose.
Bar kontoroolka magaalada laga soo galo waxaa taagnaa askar ka tirsan ururka al-Shabaab (AS) oo markaa magaalada ka talinayay. Waxay markiiba soo dajiyeen rakaabkii oo ay ku billaabeen baaris. Sidoo kale, gaarigii ayay dabo iyo dacal u baareen. Waxaa se fajaciso noqotay in mid ka mida boorsooyinkii gaariga saarnaa ay ka heleen 25 buug oo ah kitaabka Baybalka ah oo af-Soomaali ku turjuman.
Waxaa rakaabkii meesha tubnaa oo yaab iyo baqdin isugu timid la su’aalay ciddii lahayd boorsada iyo kutubta. Balse, qofna ma uusan hadlin. Waxay se askartii AS dadkii ugu bishaareeyeen inay soo saari karaan ciddii lahayd. Waayo, waxay sidoo kale boorsada ka heleen sawir teestaro ah oo ay ku dhigan tahay inuu yahay qofkii lahaa boorsada iyo kutubta baybalka.
Waxay billaabeen inay sawirka ku raadiyaan qofkii illaa ay heleen nin da’ ah oo 69 jir ahaa. Waa Cumar Khalafe oo Soomaali Bantu ahaa oo 45 sanno ka hor qaatay diinta kiristanka. Cumar waxa uu ka soo shaqeeyay wakaalado kala duwan oo kiristan ah. Qaar ka mida xubnaha qarsoodiga ee masiixiyiinta Soomaalida ayaa sheegay in Cumar ahaa matoorka iyo shidaalka faafinta kiristaannimada. Afartan iyo shan sanno oo uu ku hawlanaa masiixiyaynta Soomaalida waxa uu ugu dambayn qadarka hor qotomiyay askarta AS.
Kolka ay isku garteen sawirka iyo isaga, ereyba lama oran ee halkiisa ayay ku toogteen. Waxayna meydkiisa oo labaatan iyo shantii kutub ee baybalka ahaa ay dulsaaran yihiin geeyeen magaaladii uu u socday ee uu rabay inuu ku faafiyo ee degmada Marka ahayd.
Haddaba burburkii kadib shakshiyaad iyo hay’ado gaar gaar ah mooyee waxaad moodaa inuu meesha ka baxay dedaalladii waaweynaa ee masiixiyaynta Soomaalidu. Aweys Abuukar waxa uu yahay mid kamida shakhsiyadaha ugu culus uguna firfircoon ee ku hawlan masiixiyaynta Soomaalida. Aweys, waxa uu Soomaalida masiixiyowday kaga duwan yahay inuu aqoon durugsan u leeyahay Islaamka, Kiristanka iyo Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida. Waa qoraa soo saaray buugaag iyo maqaallo, waa abwaan curiyay maansooyin iyo qasiidooyin, waa dhaqanyahan yaqaana qabiilka, qabyaaladda iyo sida looga faa’iidaysto.
Waxa uu aad isugu hawlaa diiwaangelinta Sooyaalka Soomaalida Masiixiyiinta ah, iyo inuu boos ka soo geliyo Taariikhda Soomaalida, diinta kiristanka, isaga oo ku doodaya in kiristaannimada wakhti fog ay Soomaalida qaateen sida Islaamnimadaba ay wakhti hore u qaateen. Tusaale, maqaal uu ciwaan uga dhigay ‘The Greatest Missionaries of The Somalis’ oo uu soo saaray Juun 2021-dii, waxa uu kaga warramayaa afartii hawlgal ee waaweynaa ee loogu talagalay masiixiyaynta Soomaalida. Waxaa uu maqaalkan ku sheegayaa in baadarigii weynaa ee Talyaaniga ahaa Bob Francesco Filippini uu sheegay in sannadu marka ay ahayd 1940-kii ay jireen in ka badan afartan kun oo Soomaali masiixi ah oo kaniisadda ku xirnayd. Badankooda waxa ay ka soo jeedeen afarta gobol ee Jubbooyinka iyo Shabeellooyinka.
Aways Cali, sidoo kale waxa uu isku hawlaa dadkii maamuuska ku dhex lahaa Soomaalida inuu sheego oo banaanka keeno aaminadooda iyo inay kamid ahaayeen masixiiyiinta Soomaalida. Tusaale, maqaalkiisa uu isna soo saaray June 2021 ee uu ciwaanka uga dhigay ‘A Brief History of Christianity In The Somali Peninsula’ waxa uu kaga hadlayaa sooyaalka diinta kiristanka iyo dadka Soomaaliyeed ee kiristanka ahaa. Waxa uu maqaalkan ku dhex xusayaa masiixiyiinta Soomaalida iyo doorkay ka qaateen halganka madaxbanaanida Soomaaliya. Waxa uu tilmaamayaa shakhsi masiixi Soomaali ah oo asaasay islamarkaana guddoomiye ka noqday ururkii gobannimadoonka ahaa ee SYL, waana Cabdiqaadir Sheekh Sakhaawuddiin. Waxa kale oo uu maqaalkaa ku dhex sheegayaa in astaanta SYL uu sameeyay Alex Salol oo Somali Kiristan ahaa. Astaanta SYL ayaa laga dareemayaa calaamadda Kiristanka ee saliibka.
Marka laga tago inuu qoro maqaallo, dhanka kale waxa uu soo saaray dhawr iyo toban buug. Tusaale, waxaa jirta taxane buugaag ah oo shan gaaraya oo uu ciwaan uga dhigay ‘Maansada Masiixa’. Waxay gaarayaan maansooyinka uu isaga curiyay ee uu taxanahaas ku ururiyay 470 maanso. Waxaa jirta buug kale oo uu ciwaan uga dhigay ‘Rag iyo Rabbi’ oo isna ah 35 maanso. Dhammaan maansooyinka ku jira buuggani ayaa ah suugaan nabadeed, Soomaalida nabadda ugu baaqaysa. Waxa uu ka tirayay maansooyinkani mid kamida shirarkii dib-u-heshiisiineed ee Soomaalida loo qabtay bartamaha sagaashameeyadii. Waxa uu Aways Cali kamid ahaa shan suugaanyahan ah oo ay xusheen UNOSOM oo ahayd maalgeliyaasha iyo martiqaadayaasha shirka.
Buuggaagta uu qoray waxaa kamid ah buugyare uu ciwaan uga dhigay ‘Codadka Iftiinka: Voices Of The Light’. Waa buugyare uu ku ururiyay qasiidooyin lagu ammaanayo Ciise Masiix. Waxa uu ku ururiyay illaa 28 qasiido. Xaanshiyaha hore ee buugga waxaa ku qoran inuu buuggani u hibeeyay Xaaji Maxamed Xuseen Axmed. Xaajigani waa Soomaali masiix muddo 16 sanno ahaa faafiye iyo xubin firfircoon oo kiristan ah. Billowga siddeetameeyadii ayuu diinta kiristanka qaatay. Waxa uu dhigi jiray jaamacadda Lafoole oo qayb ka ahayd Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Habeen kamida bisha Abriil ee 1996-dii ayaa qolo afduubatay oo jirdil nafta uga qaaday. Subixii ayaa meydkiisa laga helay burburka dhismo qadiimi ah oo xeebta Xamar ka ag qotonsanaa. Xaajigu waxa uu ahaa Soomaali kiristankii lixaad ee la dilay markaas. Sannadahaas waxaa billowday ugaarsi ba’an oo lagu la kacay Soomaalidii masiixiyiinta ahayd ee Xamar ku noolayd. Xaaji Maxamed goortaas la dilayay waxa uu gacanta ku hayay manhajkii waxbarashada ee dalka isaga oo dib u habayn iyo tafaftir ku samaynayay.
Ugu dambayn, Dr Aways waxaa uu sannadkan dhammeeyay kitaab uu muddo shan sanno ah qorayay, waana turjumidda Quraanka Kariimka oo af Soomaali ah iyo isaga oo Ingiriisi ah. Waxaa lagu wadaa inuu soo baxo billowga 2025-ta. Waxaa ka sii horreeyay kitaabka Baybalka oo uu af Soomaali u turjumay. Kitaabkan ayaa inta badan waxa uu u geeyaa reer miyiga. Si kastaba, Dr Aweys ayaa u muuqda in faafinta aaminaaddiisa ka hagranayn tamar,wakhti, kharash iyo wax kasta oo kale oo uu awoodo, isaga oo muddo 38 sanno uu ku soo jiray hawshan, walina dedaalkeeda aan joojin.