Skip to main content

Monday 16 September 2024

Feker

Sida kelitaliye loo noqdo

5 September, 2024
Image
Kelitaliye
[Sawirka: Kudzanai Chiurai]
Share

Qodobka 1aad:

Noqo ninka ugu taajirsan dalkaaga (sidii Daniel arap Moi, Robert Mugabe, Uhuru Kenyatta). Haddii aad kelitalsinimada dhaxashay, arrintaasi kugu ma adkaanayso — ninkii kaa horreeyay uun baad baqamaalaysaa (sidii Frederick Chiluba). Haddii aad waddan saliidda soo saara ka soo jeeddo, arrintu way kuu sii sahlanaanaysaa (sida ay garawsan yihiin badi reer Nayjeeriya, reer Angoola, iyo reer Jaad). Haddii aad tahay reer Kiiniya, Golaha Bedqabka Bulshada ee heer qaran ayaa dhawr bilyan kuugu filan. Qandaraasyada difaaca ayaa waxaasba ka sii fiican (madaxweynayaasha oo dhan baa og). Qandaraasyada daabicidda lacagta ayaa ugu fiican (madaxweynayaasha oo dhan wayddii). Koonfur Afrika waxa kuu shaqaynaya wax kasta oo lagu ladho erayada “awoodsiinta Madowga” (Jacob Zuma warayso).

 

Qodobka 2aad:

Waxaad soo heshaa rag arxan daran oo sabool ah oo ka soo jeeda dalka meel kasta oo ka mid ah, dabadeed hodmi (sida Julius Malema). Lacag naqad ah ha siinin. Laakiin boos ay ku xadi karaan sii. Lacagaha ay dumarku iska ururiyaan oo dhan sii. Waa in ay noqdaan kooxda ugu awoodda badan dalkaaga. 

 

Qodobka 3aad:

Maraykanka iyo Shiinahaba ka farxi. Israa’iil iyo Sucuudigana ka sii farxi. Ha isku taataaban Ikhwaanul Muslimiinka (eeg Xusni Mubaarag iyo Qaddaafi). Khilaafyada gudaha oo dhan waxaad ku eedaysaa al-Qaacida. Khilaafyada debadda oo dhanna waxaad u aanaysaa faragelinta Maraykanka.

 

Qodobka 4aad:

Ciidanka qaranka aad iyo aad ugu roonow. Booliska se aad u hagro. Haayadaha sirdoonka ee qaranka iyo kuwo leexsan ee gaarka ahba inta aad ballaadhisid waxaad ka dhigtaa kuwa ugu gacanta kulul, kana buuxi rabbaayad tuuladaada ka yimi. Waa in aad yeelato hannaan aad amnigaaga ku sugtid oo gaar ah oo debadda lagaaga soo dejiyay, aadna u xaydhaysan. Lacag adag iyo faakihaysi. Reer Koonfur Africa ayaa arrinkan ku baas.

 

Qodobka 5aad:

Dhammaan haayadaha caalamiga ah iyo deeqbixiyayaasha u oggolow in ay mar kasta soo arki karaan reer miyiga bakhtiyaya, si ay kuugu codeeyaan maaddaama raashin lagu caawiyay (badi dalalka Afrika way ka dhacdaa). Xabsiga dhig cid kasta oo soo qorta halkudhegyada #Kacdoon, #Kelitaliye, #Dimuqraaddiyad.

 

Qodobka 6aad:

Dalalkio gumaystayaasha ahaa wax badan ka ma fishaan Afrikaanka. Halkaa ku sii hay. Dadweynahaagana aqoondarrada iyo magaannimada ku sii gumee. Wixii cuntadooda khuseeyana, fiiri Qodobka 5aad.

 

Qodobka 7aad:

Aad ugu dedaal in aad odayga reerkaaga noqotid (eeg Kenyatta iyo inankiisa, Odinga, Goodluck Jonathan, Moi, Zuma). Xataa haddii aydaan isku af ku hadlin (sida Jerry Rawlings). Bil kasta waxaad la kulantaa dad muhiim ah oo reerkaaga ka tirsan, carrabkana ugu adkee in reeraha kale ay fursad kugu gaadayaan oo haddii aad xilka ka tagto ay ku dilayaan (siduu yeeli jiray Moi). Kolka ay talo dhacaranto, dadkaaga ayaa gudmo iyo majooyin kugu difaaci doona. Xasuusnow, marka Afrika la joogo, “reerkaaga” waxa ah cidda aad is af taqaannaan ee aad lacag ka dhergisid dawladdana shaqooyin uga qortid. Sida waagii isticmaarkaba jirtay.

 

Qodobka 8aad:

Cagta mari ama aad u wiiq ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada ee dad Afrikaan ah oo aqoon lihi ay ku jiraan. Markaas ma jirayso bulsho rayid ah oo abaabulan hawlgalla ahi. Waa dhammaan iskaashatada beeraleyda, guddiyada waalidiinta, iyo ururrada macallimiinta. Gaar ahaan kooxaha kiniisadda — khaasatan Kaatoligga oo iyagu leh kelitaliye u fadhiya Faatikaanka oo kaa hodansan.

 

Qodobka 9aad:

Iska oggolow ururrada bulshada rayidka ah ee aanay dad badani xubno ka ahayn ama aan saldhig ballaadhan dadkaaga ku dhex lahayn. Sidaas bay kuugu suuragelaysaa in aad garbaha gundhiso oo aad sheegatid in aad raalli ka tahay in lagu dhaliilo; laakiin sanqadh kasta oo ay sameeyaan meella gaadhi mayso.

 

Qodobka 10aad:

Saxaafadda madaxa bannaani waa muhiim. Hasayeeshee waa in aad saami ku wada yeelato dhammaan haayadaha warbaahinta ee waaweyn, waana in aad u oggolaataa in ay dhaliili karaan wax kasta oo aan adiga ahayn. Beryahan xataa waxaba kuu suuragal ah in aad qoraayada gunnayso. Ha iska soo qoraan in siyaasaddaada dhaqaaluhi ay taabacsan tahay manhajkii Keynes, laakiin marra kugu ma sheegi karaan “qabqable reer hebel oo musuqmaasuqle ah.”

 

Qodobka 11aad: 

Lacagta aad xadday oo dhan ha u dirsan Iswisarlaan, hana wada siin xaaskaaga. Weligaa ha asaasin ganacsi aad magaca xaaskaaga ku diiwaangelisay, ama magaca carruurtaada. Waxaad ku baayacmushtartaa yuurada, shilinka dahabka ah, iyo dhayman.

 

Qodobka 12aad:

Xidhiidh fiican la yeelo walaalahaaga kelitaliyayaasha dunida; maalin uun baad u baahan kartaa in ay ku magangeliyaan. Ku biir iskaashiga NEPAD. Ka qaybgal dhammaan kulannada Midawga Afrika. Midawga Afriki waa saaxiibka ugu wanaagsan ee kelitaliyaha (u fiirso Idi Amiin). Saaxiibbadaada aad isku mihnadda tihiin haddaad hadyad siinaysid, lacag naqad ahi waa fiican tahay, dahabka ayaa ka sii wacan, kansiga lacaguyaalka ah baa se ugu wanaagsan. Fadlan inaga ilaali baadisoocda reer Ndebele. Mar kasta isku taxalluji in aad xidhiidh toos ah la leedahay Suuriya iyo Kuuriyada Waqooyi.

 

Qodobka 13aad:

Soo gado 10,000 oo ah diyaaradaha bilaa duuliyaha ah, maalgelin xooggan oo argagaxisa-la-dirir ahna ka soo qaado maamulka Maraykanka, si aad ugu adeegsado lasocodka dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee halista kugu noqon kara. Waa in aad addeecdo Taliska Maraykanka ee Afrika si Ameerikaanku kuu difaaco.

 

Qodobka 14aad:

Kiniisadaha ha lagugu arko Axad kasta, si laguugu denbi dhaafo. Masjid uu Sucuudigu dhisay ayaa halkaa kuu geli kara, hadba kooda ku khuseeya. Culimada buuqa badanna dhul iyo lacag ku aamusii.

 

Qodobka 15aad:

Ha isku taataaban dadka maandooriyaha ka ganacsada, ama dawladda Faransiiska (waa haddii aad tahay dalalka Af Faransiiska lagaga hadlo, ama Ruwaanda iyo Ayfari Koos).

 

Qodobka 16aad:

Shiinaha caashaqsanow.

***

 

Waxa turjumay Cabdicasiis Guudcadde

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Sida Afrika Wax Looga Qoro