Skip to main content

Monday 16 September 2024

Feker

Sida Afrika Wax Looga Qoro

6 February, 2024
Image
Ben
Xigashada sawirka: Simon Maina/AFP/Getty
Share

Had iyo gooraale cinwaankaaga ka dhigo erayga “Afrika” ama “Mugdi” ama “Sadcaal”. Cinwaanhoosaadyadana waxaad ka dhigan kartaa; ‘Sansibaar’, ‘Suulu’, ‘Masaay’, ‘Sanbeesi’, ‘Koongo’, ‘Niil’, ‘Weyn’, ‘Cir’, ‘Hadh’, ‘Durbaan’, ‘Cadceed’ ama ‘tagto’. Waxa kale oo kuu bannaan erayada kale ee muhimka ah; sida ‘Fallaago duurgaleen ah’, ‘Aan Wakhti Lahayn’, ‘Qadiimi’ ama ‘Qabiilo’. Sidoo kale waa in aad ku baraarugsanaataa erayga ‘Dad’ in loo la jeedo Afrikaanka aan madowga ahayn, laakiin ‘Dadka’ loo la jeedo Afrikaanka madow.

Waligaa ha ku xardhin jaldiga buuggaaga ama gudihiisa sawir Afrikaan oo waqtiga la noolyahay la haysta, haddii aanu Afrikaankaasi ku guulaysan abaalmarinta Noobasha. Taa beddelkeeda, adeegso sawirrada AK-47 ama feedho qayaxan ama naaso qaawan. Haddii aad se ku qasbanaatid in aad nin Afrikaan ah ku darsatid qoraalladaada, hubi in aad soo qaadatid mid lebbiska dhaqanka ee Suulu ama Masayda ama Dogoon wata.

Qoraalkaaga, Afrika u la dhaqan sidii oo ay tahay hal dal. Waana mid kulul oo habaasaysan, oo leh dhuldaaqsimeed teelteel ah iyo xoolo badan oo susumaya, iyo dad dhaadheer oo caato ah oo gaajo la luudaya. Ama waa mid kulul oo uumi ka baxayo, oo ay ku sugan yihiin dad cilinno ah oo cuna naaslayda. Ha isku wareerin inaad keento qeexid sugan. Waayo, Afrika waa ay wayn tahay: waa 54 waddan, 900 Milyan oo qof oo kaga shuqlan gaajo, geeri, dagaal, iyo qax in ay akhriyaan buuggaaga. Qaaraddan waxa buux dhaafiyay saxare, kaymo, Haylaanno, Safaana, iyo waxyaalo kale oo badan. Balse akhristahaagu waxaas oo dhan ma danaynayo, sidaas darteed, tilmaamahaaga ka dhig mid roomaantiyaysan, kicin leh, oo aan sugnayn.

Hubi in aad muujiso miyuusigga iyo jaandhacu sida qotadadheer ee ay ugu ladhan yihiin ruuxda Afrikaanka, iyo sida ay u cunaan waxyaabo aanay aadanaha kale cunin. Ha soo hadalqaadin bariiska, hilibka iyo hadhuudhka; madaxa daanyeerka ayaa ah doorashada u wanaagsan ee jikada Afrikaanka, taas oo ay weheliso hillib adhi, mas, dirxi, dirindiirro iyo dhammaan jaadadka kala geddisan ee hilibka duurjoogta. Sidoo kale, muuji kartida aad u leedahay in aad cuntadaa si bilaa yaxyax ah u cuni kartid, waxa kale oo aad sifaysaa sida aad ku baratay in aad ku raaxaysatid arrinkaas—maxaa yeelay waad danaynaysaa Afrika.

Mawduucyada reebban: dhacdooyinka guryaha ee caadiga ah, iyo jacaylka ka dhexeeya Afrikaanka (haddii aanu dhiman labada daraf midkood), iyo tilmaamidda qoraayada ama indheergaratada Afrikaanka ah, iyo xusidda carruurta haddii aanay ahayn kuwo qaba jirro jidheedka Yaws, xummadda Ebola iyo hablaha la guday gudniinka fircooniga ah.

Dhammaan xaashiyaha buugga, akhristaha cod xanshaashaq ah kula faq oo ha lagaa dareemo murugada iyo u qaadanwaaga ku helay. Galin horeba caddee in libaraalnimadaadu biyo kama dhibcaan tahay, meelaha horeba ku xus sidaad Afrika u jeceshahay, siduu jacaylkaasi ku bilaabmay iyo sidaanad Afrika la’aanteed u noolaan karin. Afrika waa qaaradda keli ah ee aad sheegan karto in aad jeceshay—ha moogaan inaad sheegato. Haddii aad nin tahay, jibaax kaymaheed dhawrsoon ee dugsoon. Haddii aad gabadh tahayna, Afrika u la dhaqan sidii oo ay tahay nin dhar dhuur ka samaysan gashan, oo ku libdhaya qorraxdhaca. Afrika waa in loo diirnaxo, waa in la caabudo ama la maamulo. Xagashaad doonto ka abbaar, balse, waa in aad caddaysaa adiga iyo dadaalkaaga la’aantood iyo waliba buuggaaga muhiimka ah la’aantii, in Afrika ay halaagsami lahayd.

Shakhsiyaadkaaga Afrikaanka ah waxa ku jiri kara dagaalyahanno qaawan, iyo shaqaale daacad ah, faaliyayaal iyo indheergarato dhaqan, odayaal xigmad badan oo ku nool nolol bulshada ka go’doonsan oo heersare ah. Ama siyaasiyiin musuqmaasuqlayaal ah, iyo socoto hagayaasha kartida daran ee xaasaska badan, iyo dhillooyinkii aad la seexatay. Shaqaalaha daacadda ahi had iyo jeerna waxa uu u dhaqmaa sidii ilmo toddoba jir ah oo u baahan gacan adag; waxa uu ka baqaa masaska, carruurtana waa uu u wanaagsan yahay, badankana wuxuu kula wadaagaa daraamada qoyskiisa ka dhacda. Duqaytida Xigmadda lehi, mar walba waxay ka soo jeedaan beelaha sharafta leh (kama soo jeedi karaan qabiillada mooryaanta ah ee dhaca badan sida Gikuyu, Igbo, ama Shona), had iyo jeeraalena waxa uu leeyahay indho qoyan oo isu dhaw.

Afrikaanka Casriga ahi waa nin buuran oo tuug ah oo ka shaqeeya xafiiska lagu bixiyo waraaqda dal-ku-galka, kaas oo u diiddan warqadaha shaqada muwaadiniinta reer Galbeedka ee mutaystay, kuwaas oo waliba dhab ahaan daneeya Afrika. Isagu waa cadowga horumarka, waxa uuna u adeegsanayaa shaqadiisa xukuumadeed in uu ku adkeeyo reer Galbeed qalbiga wanaagsan, Afrikana jecel ee deggan inay asaasaan hay’ado samafal iyo seerayaal sharci ah. Ama waa aqoonyahan Oxford wax ku soo bartay oo isu rogaya siyaasi dilaa ah oo mannaxaan ah, mar walbana ku taagan suudhadh qaali ah oo uu Yurub ka soo gatay. Waa dadqal jecel shaambaynka xoorka badan ee Cristal, hooyadiina waa faaliso sixiroolay ah oo hanti badan leh, waana awoodda dhabta ah ee dalka maamusha.

Waxaa waajib ah in ay ka mid yihiin shakhsiyaadkaaga, Afrikaan gaajoonaysa, taas oo dhex wareegaysa kaamka qaxoontiga iyadoon si wacan u asturnayn oo qaawan, oo sugaysa sadaqooyinka Galbeedka. Carruurteeda sunniyahooda ay dul hoganayaan duqsi, carruur calool kuusan, naasaheeduna ay soo dhaceen oo ay gudheen. Waa inay noqotaa mid quus taagan oo taageero lala soo gaadho mooyee aan naf ku nooleyn. Mid aan tagto iyo sooyaal toonna lahayn; waxaasi tiraabta ayay qalloocinayaan oo daraamada ayay burinayaan. Taahu waa wax wanaagsan. Waxa waajib ah in aanay nafteeda waxba ka odhan, waa in ay sifayso uun xaaladda ba’an ee ay ku sugan tahay, waa xaalad aan la helayn ereyo lagu cabbiro.
Sidoo kale waa in aad kus oo darto naag kalgacayl hooyanimo iyo naxariis leh oo qosol dheer, taas oo u cabsata badqabkaaga oo ku daryeesha. Keliya ugu yeedh hooyo. Dhammaan carruurteeduna waa kuwo qalqaali ah. Shakhsiyaadkani waa in ay ku hareeraysnaadaan geesiga sheekadaada, ayna ka dhigaan in uu u muuqdo mid wanaagsan. Geesigaagu waa in uu wax baraa, u qubeeyaa, quudiyaa, had iyo jeer waxa uu xanbaarsan yahay carruur fara badan, geeriduna marar badan ayay sigtay. Geesigaagu waa adiga (haddii buuggaagu yahay warbixin saxaafadeed) ama shakhsiyad qurux badan oo kadeed badan soo martay, caan ah ama aristokrat ah oo immikana daneeya xayawaanka (haddii ay curin mala’awaal ah tahay).

Shaqsiyaad reer Galbeed ah oo xunxun waa lagu soo dari karaa, waxa ka mid noqon karaya carruurta golaha wasiirrada ee xisbiga muxaafidka ah ee Tory-ga iyo Afrikaanarada [1], iyo shaqaalaha bangiga caalamiga ah. Kolka aad ka hadlayso ku shaqaysiga iyo ku dul noolaanshaha ay ku hayaan qaaradda dadka qalaadi, waa inaad xustaa ganacsatada Shiinaha iyo Hindiyaanka ah. Xaaladda ay Afrika ku sugan tahay aawadeed, canaanta dusha ka saar Galbeedka. Hasayeeshee ha noqon mid aad u cayiman.

Maqnaanshaha tafaasiishu faa’iido ayaa kuugu jirta. Ka fogow in shaqsiyaadka Afrikaanku ay qoslaan ama ay la halgamaan si ay carruurtooda wax u baraan, ama xataa ay noolaadaan duruufo caadi ah. Waa inay muujiyaan oo u taagnaadaan wax kasta oo ka maqan Yurub iyo Ameerika. Waxaa mudan in shakhsiyaadka Afrikaanka ahi noqdaan kuwo iyagoo kale meel lagu arkay aanay jirrin, kuwo yaab leh oo nolosha caadiga ah ba ka gudo ballaadhan – balse haddana madhan marka gudahooda la daalacdo; kuwo aan hawraar ay is weydaarsadaan jirin; kuwo aan lahayn wax kastoo tiraabta dhaqaajiya oo sheeko xiiso u yeela; khilaaf aan ka dhex aloosnayn, heshiis iyo xalna haba sheegin, kuwo aan qotonaan lahayn, kuwo aan summad gooni ah oo lagu sii daneeyo lahayn.

Si kala dhigdhigan u sifee naasaha qaawan (ee gashaantida, cajuusadda, asaldoonta, dhowaankufsadka, naasaha waaweyn ama kuwa yaryar) ama xubnaha taranka ee la guday, ama kuwa habab dhaqan kor loogu qaaday. Ama nooc kasta oo xubno taran ah. Sidoo kale faallee maydadka. Ama ka wanaagsanbee, maydadka qaaqaawan. Weliba si gaar ah, maydadka qaawan ee urta qadhmuun ka soo kankamayso. Waxaad xasuusnaataa hawl walba oo aad gudbiso, taas oo dadka ku jiraa u muuqdaan kuwo ku sugan xaalad liidata oo dayro ah, waa mar kastoo loo aqoonsan doono “Afrikada Xaqiiqada ah”, waana mid aad u baahan tahay aqoonsigaasu. Arrintani yaanay ku walaac galin: Waayo, waxaad isku deyeysaa in aad ka taageerto in ay mucaawinooyin ka helaan Galbeedka. Waxyaabaha mamnuuca ah ee aad ka dheeraanayso marka aad Afrika wax ka qorayso waa in aad soo bandhigto geerida ama kadeedka uu mudanayo qofka cadi.

Dhanka kale waxaa waajib ah in aad xoolaha u la dhaqanto sidii shaqsiyaad caadi ah oo wax u kala soocan yihiin oo gudo ballaadhan. Kuwo hadlaya (ama waa ay ciyayaan oo madaxa kor u qaadayaan markay u baroordiiqayaan maydkooda); sidoo kalana waxay leeyihiin magacyo iyo hiigsiyo iyo rabitaanno. Waxa kaloo ay leeyihiin qaayasoorro qoyseed: Bal fiiri sida libaaxu caga-baruurkiisa wax u barayo! Maroodiyaduna waa kuwo dabci wanaagsan, waa qalanjooyin kalgacal badan iyo arbe raganimo badan. Goorrillayaasha sidoo kale waa raggeedii. Weligaa waxaad ka fogaataa in aad ka sheegtid hadal taban maroodiga ama goorrilaha. Waxa laga yaabaa in maroodiyadu weeraraan guryaha dadka midhahoodana ay burburinayaan, waxaaba dhici karta in ay dilaan. Waxaad se adiga la jirtaa mar kasta dhanka maroodiga. Bisadaha waaweyn waxay ku hadlayaan lahjadda ardayda iskuullada dawliga ah. Dhurwaaga way bannaana tahay in lagu dhug barto, waxayna ku hadlayaan lahjad u dhaw tan dadka Bariga Dhexe dega. Afrikaan walba oo gaaban kuwaas oo ku nool kaymaha ama saxaraha waxaa loo sawiri karaa inay maad badan yihiin (haddii aanay ahayn kuwo loollan kula jira maroodi ama shimbaansiiga ama gooriillaha, maxaa yeelay shar barax la’ ayay isu beddeleen).

Ka dib, u dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqaha ee caanka ah iyo hawlwadeennada gargaarka, cidda soo raacda ee ka mid ah dadka Afrika ugu muhiimsani waa deegaan dhawrayaasha. Ha u gafin. Waad u baahantahay in ay kugu marti qaadaan beertooda taas oo bedkeedu gaadhayo 30,000 oo higtar ama “seerahayaashooda ugaadha loo ooday”; waa jidka keliya ee aad ku kasban karto waraysi ay ku siiyaan. Badanaa buugga jaldigiisu xanbaarsan yahay degaan dhawre muuqaal geesinimo lehi waa mid aad u iibsama. Cid kastoo cad oo leh dub qoraxdu meged u yeeshay, ku lebbisan dhar kaaki ah, oo mar rabbaysan jiray deero ama lahaa beer waa deegaan dhawre, waana mid ka mid kuwa ilaalinaya dhaxalka hodanka ah ee Afrika. Kolka aad waraysanaysid isaga/iyada, ha wayddiin xaddiga taageero ee dhaqaale ee ay haystaan; ha wayddiin xoolaha ay ka kasbadaan ugaadhsigooda; ha isku dayin inaad waydiiso inta ay siiyaan shaqaalahooda.

Akhristayaashu xamaasadda ayay luminayaan haddii aanad sheegin iftiinka Afrika. Iyo qorraxdhaca. Waxaa lagamamaarmaan ah in aad xustid qorraxdhaca Afrika. Had iyo gooraale waa mid weyn oo cas. Samaduna waa mid baaxad weyn. Bedadka ballaadhan ee madhan waa kuwo aad muhiim u ah—Afrika waa Dhulka Bededka Madhan ee Ballaadhan. Kolka aad wax ka qoraysid masiibooyinka nolosha dhirta iyo xoolaha, waxaad hubisaa in aad sheegtay in Afriki ay tahay mid dad baahani buux dhaafiyeen. Kolka geesiga buuggaagu uu ku nool yahay saxaraha ama kaynta lana nool yahay shucuubta asalka ah (shucuubtan waxa noqon karta cid wal oo gaaban oo madow), waa caadi in aad xustid in Afrika ay tahay mid dadkeeda uu xaalufiyay Aydhiska iyo Dagaalku (adeegso far waaweyn).

Waxaad kale oo u baahan tahay kilaab lagu magaacbo Taroobikaana, halkaas oo ay isugu yimaaddaan ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha ah, Afrikaanka ladan ee shar wadeenka ah, dhillooyinka, fallaagada iyo soogalootiga dunida dacalladeeda ka kala yimid.

Waa inaad mar walba buugaaga ku soo afmeertaa odhaah Nelson Mandela uu kaga hadlayo qaansoroobaadda ama baraarugga Afrika. Maxaa yeelay waad danaysaa.

_________________________________
[1] Afriikaannadu/Afriikaanku waa koox isireed Yurubiyaan qaxoonti ah oo badankood ka isirran yihiib Dutch, waxayna ku hadlaan afka Afriikaaniyada waana af laga soo jidbixiyay afka Dutch-ka ee caammiga ah.



Qoraalkan asalkiisii waxa lagu faafiyay degalka GRANTA, 2005. Waxa Af Soomaali u turjumay Cabdicasiis Daahir.
 

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Sida kelitaliye loo noqdo