Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Feker

Sidee baan ula Heshiinnaa Geerida

18 August, 2024
Image
geerida
Share
David Rönnegard waa faylasuuf reer Iswiidhan ah, ka dib markii uu ku dhacay xanuunka kansarku ayaa uu maqaalkan qoray (Geeddiga la'aantay soconaya), isaga oo kula faqaya naftiisa oo uu rabo in uu geerida la heshiisiiyo, raadka ka hadhayana dib ugu qiimeeyo.
 

Ima taqaanid aniga. Badankiinna, geeridaydu wax farqi ah uma samaynayso. Tani waa mid aynu ka simannahay. Geeridaydu aniga xitaa wax farqi ah iima samaynayso: marka baraadkaygu uu damo waxaan noqon doonaa mid aan ka warqabin jiritaankiisa sida aanad adiguba uga warqabin.

In kastoo tani ay tahay dhimasho si hor leh loo sii saadaaliyay, haddana ujeeddadaydu maaha inaan qalbiyadiinna xanuujiyo. Waxaan u arkaa xaaladdaydan gabagabada ah, shil si tartiib ah u dhacaya, laakiin si dhakhso ah u soconaya. Anigoo noloshayda oo dhan ka fikirayay geerida, hadda waxaan joogaa meel ay tahay inaan si degdeg ah ula heshiiyo geerida.

Dhawaan waxaan qoray maqaal ciwaankiisu yahay ‘Atheist in A Foxhole’ oo aan ku sharraxayay xaaladda kansarkayga, iyo loollanka aadantinnimo ee macna u raadinta dhibaatadan oo kale. Wuxuu ciwaanku sidoo kale noqon lahaa ‘Ilaa Geerida’, kaasoo adkeynaya muhiimadda ay Humanist-ku siiyaan nolosha. Noloshan.

In kastoo aan hubo in aysan jirin nolol tan ka dambaysa, geerida iskeed ugama cabsado, maaddaama oo aanan timaaddadaa baraad la’aanta ah u arag inay tahay mid cabsi badan. Waxaan sidoo kale ku adkaystay in niyadsamida ay Humanist-ku ku wajahaan geerida loo maro xusuusaha aynu kaga tagno dadka aynu noloshooda taabanno. Laakiin tani ma daboolayso dhammaan shucuurta qofka Allekoodka ah ee geerida ku saabsan. Kama baqo inaan dhinto, laakiin haddana ma doonayo inaan dhinto. Halkan waxaa laga yaabaa inay jirto wax yar oo aannu isku raacsan nahay kuwa iimaanka leh (ee ilaahay rumaysan): sida halkudheggu yidhaahdo, “Qof walbaaba wuxuu doonayaa inuu jannada galo, laakiin cidina ma doonayso inay dhimato”; ama si kaftan leh, “Warka wanaagsani waa inay jannada ka jirto ciyaarta baseball, warka xumina waa inaad ku qasban tahay inaad khamiista ciyaarto.”

Allekoodyada kii ugu codkarsanaa ee dhowaan u dhintay kansarka wuxuu ahaa Christopher Hitchens. Sidaydoo kale kama cabsan jirin geerida, laakiin wuxuu tilmaamay hogatusaalayn la xidhiidha walbahaarka aan wali la kulanno ee ku saabsan dhimashadeenna. Wuxuu yidhi; “Maaha inay xafladdu dhammaanayso, ee waa inaad ka tagayso adigu, halka xafladdu ay kasii soconayso adiga la’aantaa.” (Wuxuu sidoo kale ku daray in dadka diimaha rumaysan aysan ka tagi karin xafladda, waligeedna aysan dhammaanayn, waxayna ku khasban yihiin inay waqti wanaagsan qaataan.) 

Waxa niyadsami la’aanta innagu keenayaa waa inaynu ku khasbannahay ka tagitaanka dadka aynu jecelnahay iyadoo muusikadu ay sii soconayso. Laakiin maxaa dhacaya haddii muusikadu ay dadkoo dhan mar kaliya ka wada joogsato? Maxaa dhacaya haddii adduunku uu wax yar u jiro halaag? Degganaansho ma ka heli lahayn ogaanshaha in aynu qof kasta mar wada tagayno?

In kasta oo aanan waligay sidaa jeclaysteen, iyo sida xun ee ay u muuqataba, haddana waxaa hubaal ah inay aad u niyadsami badan tahay in dadkoo dhan aynu hal mar wada marno dhammaadka nolosha, si ka badan inaad keligaa marto. Laakiin farxadda maqnaanshaha masiibadaas awgeed, waxaan ku khasbannahay inaan keligeen tagno, tagitaankeennaasina uu xafladda si kooban ugu beddelo baroor. In kastoo maqnaanshahaygu uu yeelanayo saameyn fog in ka yar geerida Hitchens, Hitchens geeridiisa waxaa dareemay dad badan oo aan isaga shakhsi ahaan aqoon, oo aan anigu ku jiro. 

Waxaan xusuustaa habeenka sannadka cusub magaalada Stockholm dhowr sanno ka hor, anigoo si fiican ugu labbisnaa sida Judy Garland, saddexdii habeennimo anigoo xoogaa cabsan, in indhakuushayda ay ilmadu baabbiisay kaddib markii la i ogaysiiyay in Hitchens uu dhintay. Markaa ma xasuusan karaynin goortii oohin iigu dambaysay, sidaas darteed qulqulka shucuurta ayaa ahaa mid layaab leh. Waaniga halkaa ka ilmaynayay anigoo si fiican u labbisnaa. Inteenna sii noolaata ayaa dhaawaca u badani kasoo gaadhaa geerida, marka la barbar dhigo kuwa dhintay.

Geerida waxaa lagu sheegaa inay qayb ka tahay nolosha qofka, laakiin hubaashii taasi dhab maaha haddii aysan nololi geerida horteed jirin. Robert Nozick ayaa wuxuu yidhi “Sida qofku uu diyaar ugu yahay inuu dhinto waa inay ku xidhan tahay, waxa uu ka tagayo ee aan wali u qabsoomin, iyo sidoo kale kartidiisa uu wax ku qaban karo.”  Dhankaa marka laga eego, geeridu waxay tahay mid laga murugoodo haddii ay soo degdegto oo timaaddo waqti aan habboonayn. In kasta oo aan loo baahnayn in laga baqo geerida, haddana suurtagalnimada in geeridu timaaddo iyadoo aan si buuxda loo noolaan ayaa qalbi jab ah. 

Waxaynu u baahannahay waqti aynu ku xaqiijinno yoolalkeenna si aan uga tagno raad waara. Inaynu si fudud ugu gudubno habeenkaasna (habeenka geerida), waxay ku xidhantahay raadkaa. Xafladda nolosheennu waxay ku dhammaan doontaa oohin haddii aynaan dareemin inay tahay waqtigii aan tagi lahayn.

In kasta oo geerida soo degdegtaa ay caqabado la fahmi karo leedahay, haddana helitaanka ogaysiis hore wuxuu leeyahay barako aanay dad badani helin. Malaayiin dad ah ayaa sannad kasta si lama filaan ah u dhinta. Fursad uma helaan macasalaameyn. Kansarka haddaad qabto, sida caadiga ah waa laguu sii digayaa, in muddo ahna waad lasii dagaalami kartaa. Tani waxay ku siinaysaa waqti aad arrimahaaga isku sii dubaridato iyo inaad macasalaamayso kuwa aad jeceshahay. Dhammaanteen waynu ognahay in waqtigeennu uu yahay mid kooban, laakiin waxaan u noolaannaa sidii inaanuu koobnayn. In kastoo ay adag tahay in la wajaho, cudurka dhimashada keenaa wuxuu u oggolaanayaa qofka la ildaran inuu u noolaado nolosha isagoo si buuxda u garawsan koobnaanteeda. Ma jirto ‘timaaddo’ aynu u sii dhigan karno waxyaabaha hadda innagu adag ee aynaan marna fursad u helin samayntooda.

Adduunku aniga la’aantey wuxuu sii ahaan doonaa mid la mid ah sidii uu ahaa, marka laga reebo dadka yar ee i yaqaan. Dadka aynu noloshooda si kala duwan u saamaynno ayaa ah raadka kaliya ee innaga hadhaya. Laakiin niyadsamidani (rabitaanka aynu rabno in aynu xasuus iyo raad reebno) waxaa ku qarsoon sillan suggan (paradox). Sidee baynu u dooni karnaa inaynu sabab u noqonno murugada dadka aynu jecelnahay marka ay ina xasuustaan? Sillan sugantani waa mid cad. Dhammaanteen sidaa waynu dareennaa, laakiin se sababta aynu u dareennaa maaha inaynu nahay dad islaweyn oo nafjacaylku ku badan yahay. Waxaynu rabnaa maaha dadka aynu jecelnahay murugadooda, ee waa in jacaylkeennu noqdo mid sidoo kale la inoo qabo, murugaduna, kaliya waa natiijada lagama maarmaanka ah ee ka dhalanaysa xiisaha aynu u xiisayno qof nolosheenna si qoto dheer u taabtay.

Waxaaba la odhan karaa waxa caddaynta u ah jacaylku waa geerida. Noolaha, waxna ugama farxad badna ballanqaadka diimeed ee ah in qofka aynu jeclnahay aanuu dhab ahaantii dhiman, laakiin uu joogo ‘meel ka wanaagsan’ halkaas oo ah halka ugu dambeyn aan ku midoobi doonno. Haddii aynaan aqbalin fikraddan, waa inaan si toos ah u wajahnaa khasaaraha ina soo gaadhaya. Qayb muhiim u ah niyadsamida qofka tagayana waa inaan ognahay in kuwa ka hadhayaa ay jacaylkooda ku murugoon doonaan oo xasuusan doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, niyadsamida aynu ka helayno dadka aynu noloshooda taabannaa waa seef laba af leh. Afka kalena wuxuu si toos ah ula xidhiidhaa xaqiiqda ah inay tahay inaan ka tagayno. Tusaalaha ugu muhiimsani waa carruurta aynu adduunka keenno. Waxay noqon kartaa mid aad u niyadsami badan in la ogaado in ‘qayb innaga mid ah’ ay nooshahay – taasoo macnaheedu yahay in si uun aynu adduunka wali usii joogno. Laakiin waxaa sidoo kale qalbijab ah in aynaan arki doonin nolosha aynu taabannay sida ay ku dambayn doonto. Raad baynu ka tagaynaa, laakiinse raadkaa tallaabooyinka ka dambeeya uma sii joogi doonno.

Adduunku, la’aanteen kaliya wuxuu farqi ku yeelanayaa waxa aynu kaga tagno. Xafladdan kaliya waxaynu ku nahay marti, laakiin ujeedkeennu waa inuu noqdaa in aan ka tagno adduunkan isagoo ka wanaagsan intii aynu joognay.

 

waxaa turjumay: Siciid-Maax