Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Sheeko

Ruux Magooshay

23 June, 2024
Image
Gabow iyo geeri
Sawirka waxa 1974 aslay Walter Pichler
Share

Sariir yar oo loox ka samaysan ayaa ay dul taallaa. Ma leh awood ay kaligeed kaga dul kacdo  inay cidi garab gasho mooyee. Intaan kicitaan la gaadhin ma soo fadhiisan kartaba. Da’ ahaan  sariirtu aniga waa ay iga wayn tahay, ilaa labaataneeyo sano ayey ka horraysay dhalashadaydii oo iminka labaatan iyo toddoba sano ka soo wareegtay. Waxaan madaxeedii iyo garbaheedii ahayn kama muuqdaan; inta kale maro madow oo meesha daadsan ayaad mooddaa, dhowr birkimo ayaana dhabarka kaga jira oo soo yar tiirinaya. Afkeeda ilaa qawlallada ayaa furan oo biyaa lagu qulaaminayaa, midhadh ilko ah baa si teelteel ah uga soo dhex muuqda. Dhareerka iyo candhuuftana sannado ma cishanayn oo daasaddaa yar ee koobaddiinkaa dhammaaday saaran bay ku tufaysay taasoo maalintii shan jeer buuxsanta. Waa goblan, adduunka cid kaga ma tagi doonto haddii ay caawa dhimato. Horta maxaa faa’ido ah oo ay leedahay qofku inuu wax dhalo? Dee mooyi, faduul uun baa loo dhalaa malaa. Maya, waxa loo dhalaa iyada oo la  raadinayo waaritaan. Sideedaba aadanuhu waxa uu tan iyo intii uu fakarayey ku hawlanaa xalka waaritaanka; nolol aan dhammaad lahayn, iyada oo ay sidaas tahay qofku waa inuu  dhalaa si uu u sii jiro haddii isaga jiraalkiisu dhammaaday waa in la helaa cid u eg, magaciisa  xambaarsan, oo waxsoosaarkiisii ah. Taas oo ka dhigan inuu adduunkan wax kaga tagay, macno waynna ku leh agtiisa, dabeecadda ayaana ku riixaysa. 

Magool inta aan ka aqaano ma aysan jeclayn nolosha, waligeedna iskama helin xaalad ay dib u jalleecdo taas oo gayeysiisa inay mahadiso noloshan si iskeed ah u bahdilan. Ilaa yaraanteennii waxa ay ahayd mid nolosha ku tilmaanta macno-la’aan iyo wax qarriban. Mar walba wax ay ahayd mid niyad xun. Waxa ay odhan jirtay oo halhays u ahaa: “Noloshu waa xumaan iyo samaan, xumaanta ayaana asal ah oo ay ku aroortaa”.    

In badan ayey soo nooleed Magool, si walba oo ay u duqawdayna waa mid sheeko macaan oo hadal badan. Waan ku garaadsaday iyada oo hooyo iyo dumarrada xaafadda oo dhan u  sheekaynaysa, iyada oo afkeeda la wada eegayo. Carruurtuna si la mid ah sida haweenkaas ayey agteeda ka ahaayeen, boosba ka uu dhankeeda uga dhow yahay waanu ku tartarmi jirnay annaga oo isku haysanna, mararka qaarna isugu gacan qaadaynaba. Sheeko xariirooyin qurux badan oo aannaan waligayo maqal ayey nooga soo sheegaysay. Markii aannu kornay,  kuraynimadaydii waxa aan xasuustaa inay buugaag noo dhiibi jirtay si aan u soo akhrisanno,  kadibna maalinta danbe annaga ayaa sheekada la wareegi jirnay oo qofba buuggii loo dhiibay  buu ka sheekayn jiray. Si gaar ah anigu waxaan jeclaa sheekadeeda marka buugta loo eego laakiin beri danbe sababteeda ayaan buugtii u jeclaaday. Ogaalkayga aan akhriska helay  abaalkiisa oo dhan Magool ayaan u tiirinayaa.

Sida ay u tallaabsanayso waxa aad mooddaa inay kabaheeda carrada ku qodayso, laabtay ka  soconaysaa oo madaxeedu kor ayuu yahay. Afkeedu sida qori keebka la hayo buu u cabbaysan yahay, oo in lala hadlo uun bay dhawraysaa in kasta oo anay garanayn hadalka ay doonayso in lagula hadlo iyo ka ka soo buuxaba, indhaheedana waxa aad mooddaa kuwa cadhaysan mar walba oo waxa aad soo xasuusanaysa qumayooyinka kuwa lagu sheego ee filimaanta ku jira. Garbaheeda sida askari gaardiyaya ayey taagan yihiin. Sanqaroorkeedu sida uu u toosan yahay ee sunniyaha ilaa labada dalool dhexdooda isu haysto waa quruxda kaliya ee wajiga ka  dhex muuqata hadda. Inay ma rkasta difaac ku jirto ayaa la moodaa qacda hore ee wajigeeda la arko, eegmada labaadna lama fahmo farriinta wajigeedu sido. Sidaas oo ay tahayna waa qof  dabacsan, deggen oo dabci qabow u dhalatay. Aniga oo ka dhex sawiranayo tilmaamaha ay iska bixisay marar badan oo ay nolosheedii gashaantinimo ka warramaysay; sidaas ayaan u  sawirtaa dhallinyarnimadeedii.     

Buugga Stranger ee Albert Camus, waxa uu ka mid ahaa buugta ay i siisay Magool. Waa mid  ka mid ah kuwa aan ugu sii jeclahay buugta aan jeclahay. Habeen aniga oo xilli danbe ku  gaadhay akhriskiisa ayaan sidii aan baalashiisa hadba mid u rogayey iga hor timid waraaq  duug ah oo khadka ku yaallaa khafiif sii baaba’aya yahay. Waxa aan laabay buuggii aniga oo u degdegaya inaan akhriyo farriinta waraaqdan ku taalla bal inaan wax uun xiise leh ka ogaado Magool oo ah shakhsiyadda qaabaysay in badan oo adduun-araggayga ah. Waxa ay ku bilaabmaysaa: Naftayda in badan baan ka aqaanaa, mise in badan baa iga qarsoon ma kala ogi. Isku daadsanaanta iyo ahaanshaha wax walba oo ay tahay ayaan igu sababa marar badan inaan nolosha kun siyood oo kala nooc ah u arko. Waxa ay naftaydu tahay qurub yar sida dhibic biyo ah oo nolosha oo dhan dhexdeeda la isugu keenay. Himilada aad noloshan ka leedahay waa meel fog, oo aan tilmaan iyo far ku fiiqis lagu sheegi karin, waa hirka biyaha ee ka soo dhalaala saxare oomane ah dhexdii, marna waa hir uun oo ismoodsiis ku kooban marna waa dhab jiraalkaaga ka dhex muuqda. Dadnimadaadu si iskeed ah ayey u korran tahay; ma aha gacan ku rimis iska keen ah ee waa mid ku dhisan bedbaadada dabinadda jiraalku aadanaha u qoolay, si aad u noolaato nolol qaayo leh ayey maskaxdaada yari ku howlan tahay….

Halkaas ayey igaga dhammaatay. Aniga oo ka xun inay igu yaraatay ayaan iska dhigay waraaqdii. Waxa aan ka fakarayaa naftan laga hadlayaa ma Magool baa, ma islaantan sii dhimanaysa maantaa, mise waa cid kale oo aanad garanayn? Aniga oo su’aalahaas ku maqan uun baan soo xasuustay in aanan rogaalka waraaqda eeginba, si ka gaadhsiis ah oo aad mooddo in waraaqdu iga cararayso ayaan ula soo booday, mise dhanka kalana wax baa ku qoran:     

Xornimadu waa baadigoobka dhaladka ah ee la raadiyo inta la neefsanayo. Maalinta aad ugu dhawdahay xornimadaasina waa maalinta aad ka sii liicaysid xarriiqda jiritaankaaga, waa marka wadnaha afka lagu keeno sidii matag ku soo haya. Miciyaha xornimadu waa kuwo u afaysan sida seefta dhalaalaysa ee dhinbilaha korkiisa laga soo qaado si saxaabiga ugu iimaanka sarreeyaayi ugu dilo munaafaqa ugu nacaybka badan iimaanka. Marka ay ku muddo waa sunta maska ugu khatarsan adduunka ee aanad dhulka ula dhicin. Xornimadu waa xanuunka ugu weyn ee jiraalka ka jira—maya ma jirto e, jiraalka laga raadiyo. Waa ismoodsiiska liibaanta lagu qeexo, iyada oo aanay qeexidba lahayn liibaantaasi. Libaantu waa garashada naftaada iyo fahankeeda; ma jirto liibaan intaa ka sarraysa oo la hantaa. Xeerarka doqoni samaysayda ah ee keynta bulshada ka dhex jiraa ma qeexaan liibaanta. Waa wax ku sidkan naftaada oo adiga, Magool ahaan, kaa mid ah iyo nolosha oo iyaguna si iskood ah isugu lammaan. Sidaas ayey iigu muuqataa liibaantu. Ma waxa aad tilmaami kartaa badhaadhe ka wayn inaad is fahanto, oo aad kala daadsanaanta gudahaaga ka jirta meel u jihayso?

Neeftii u danbaysay baa ka sii baxaysa, indhahaa dhanka kale iska sii rogaya, biyihii lagu  qulaaminayey baa dib usoo daatay. Naf weyd ah iyo ruux noloshu riiqday baa ka galbanaya  jiraalka. Jidh seedo kaliyaa ka joogaan oo seedahaasna lafihii oo dhamaaday ku maran yihiin  baa neeftu daysay maanta. Waa noole inbadan saymaha nolosha soo jibaaxay oo hirarka  bedwaynta dabaal iyo muquur kusoo dhaafay. “Caruurta iridka taagan orod kaxee oo  albaabkana sii riix” baan ku baraarugay anigoo ku maqan ka fikirkeeda iyo dhamaan sawirada  ay maskaxdayda ku leedahay. Waxa jirtay sheeko ay habeen noo sheegtay oo iyada ku  saabsanayd, waxa ay ku keentay xilli aan aad uga daalannaa nolosha aniga oo ugu imid si aan  ugala sheekaysto xaaladdayda ayey hadal nooga bilawday aniga iyo saaxiibtay;   

“Markii aan da’diina jiray, intan aad hadda jirtaan dareemadaydu oo dhani waa ay  kacsanaayeen xilligaas, waxa aan ahaa fadduuliyad, wax walba jecel inay ogaato, tijaabiso  oo ay la falgasho. Iminkaba dareenkaasi waa igu jiraa se waan awood gabay. Soddonka haday u badato afar sano ayaa iga xigay markaa. Aad ayaan wax u daawan jiray in ka badan inta aan wax akhriyo.  Kol kasta waxaas aan gacanta ku hayo waxa aan siin jiray dhugmo ta u badan oo waa aan  dhex tagi jiray aniga oo iska dhex raadinaya, waxa aanan ugu jeclaa kuwo aan ka dhex helo  inyar oo iiga eg meel uun. Ma ogtahay horta maskaxdeenna hadalada, fikirada iyo dareemada  kasoo burqadaa inay cariyaan waxyaalaha bannaanka inooga yimaadda, waa ay iska yartahay  wax aynu inagu si iskeen ah u samaynaa ama maba jiraan. Sida ay u badnaadaan waxa aad  dibadda ka aqbalayso ama ka fahmayso ayey u furfurmayaan sawirrada maankaaga ku  guntanna. Maalin ayaan kusoo toosay aniga oo doonaya inaan dhimashada tijaabiyo, laba  midba waa aan u doonayey, midse ma garanayn. Ta koobaadi waxa ay ahayd inaan markaa  aad u daallanaa, waxa aan ka noogay maalinta iyo habeenka midba ka kale dhalo ee aan aniga  ii kala duwanayn iyo gudahayga waalan. Ta labaadna fadduuliyaddii oo doonaysay inay  aragto dareenka kaliyee aduunka uga hadhay ee ah dhimashadu siday tahay ayey ahayd.  Midda aanan garanayn se waxa ay ahayd ta aan illaa hadda u noolahay ee aan cimrigan usoo  gaadhay. Isla qolkan ayaan joogay, waa hoygayga in badan oo aan adduunka soo maray waan  ka waayey meel kale oo gabbaad ii ah. Buugtaa kuu muuqata sidaas ayey u yaalleen iyaga oo  intan ka yar. Rikoodh iyo cajalado badan oo heesihii hore iyo qaraamka ah oo isugu jira fanka  iyo muusigga dhaqamo, wadamo iyo luuqado kala duwan ayaa iyaguna ii yaallay markaa, oo  inta u badan waa aan dhadhansaday fanka adduunka. Kitaarkaa jabay ee kabadhka dul saaran  ayaa ii yaallay isna iyo fiyooliin aan baryahaa baranayey sida loo tumo, aad baan u jeclaa  dhawaqeeda. Nin meeli u caddahay meel kale ka madow e, waxa aan bilaabay inaan subaxaas  oo dhan ka fekaro sidii aan isu dili lahaa.     

Illaa xad ayey noloshaydu u adkayd maalmahaa, waxa aan waayey wax ciddi ustageed le’eg  oo rejo ah. Kaliya nolosha danbe, dhimashada kadib ayaan ku tuhmayey wax intan dhaanta  oo male ah. Waraaq iyo qalin baan iska soo qaatay oo aan kula fatahay hadal badan oo aanan  iminka waxba ka xasuusan, kolay dhimashadayda ayaan macne iyo qiil ugu raadinayey.  Noloshana aad ayaan u hiifayey. Inaad u noolaato cid kale waa dhibaato kownka muggiisa  le’eg marka garbahaaga la saaro. Inaad yool nolosha ka qeexatana waa kasii daranba. Daal  darran ayaa i hayey oo ma sugi karrayn inta aan iska deldelayo. Markii aan islaalaadin rabay  ee xadhigii surka ku giijistay, lugtiina laadka ganbadhkaan ku taagnahay amray, ayuun baa  belo aanan garayn i joojisay iyada oo i leh  -ka warran waxa aad u socoto?, miyaad garan  dhanka kale wax jira? Hoog nolosha ka darran bilaad u tagtaa?- intaas markii aan  dhagahayga ka dhex maqlay ayaan baqay. Waxa aan ka baqay geeridayda. Sideedaba geeridu waa maaddo aan ur iyo midab toona lahayn, aan la arkin lana maqlin. Qof ayaa soo daaya  waxa ayna u gudubtaa inta ku xeerran oo dhan. Raadkeeda waxa uu ku hadhaa meel kasta oo  ay marto lamana helo iyada. Aniga qofka maaddadaas igu soo daayey quusta ayey ahayd oo  waxa ay i gaysay xarriiqda kale ama rogaalka rejada oo illaa dhimashada kadib jirta, oo  raadkeedaas ayaa hadheeyey qurux walba oo aan filan lahaa. Laakiin baqdintii aan  su’aalahaa ka baqay oo ah ogaal la’aantayda qaybka ayaa aan u noolahay illaa iyo manta oo  aan kaga tanaasulay dhimashadii…’’ Waxa aan ka fakarayey sida maanta ay maaddadii ay  iiga sheekaysay ee ay mar nafteeda la doonatay iyada oo cad ah sariirtaas ugu dul timid.    

In qofku xagal gaar ah u badan yahay ama naftiisa la maleeyo ayaa mararka qaar ka waalli  badan isku daadsanaanta, oo waxa aan is idhaahdaa sidee ayey caqligal ku tahay inaad si gaar  ah ahaato, inaad si gaar ah isu tilmaanto iyo inaad isqeexdo, waa sida aan is leeyahay way  qumman tahay. Magool waxa ay maalin igu tidhi aniga oo ka sheekaysanayna buuggii The  Myth of Sisyphus; “Waxa aan isku qanciyaa oo inbadan saxnaanta iila muuqata inaan dhinac  walba ahaan karo, aragti walba qaadan karo oo shay kastana la dhaqmi karo. Marka meesha  goobo taallo aan yeellan karo muuqaalka koobada, marka saddex xagalkana aan dhexgali  karo si lamid ah sida afar geeska aan uga soo baxay. Intaniba waa ahaanshaha wax walba oo  labadan laftarkooda ayaad isku mar rabtaa. Labada ah inaad wax walba ahaatid oo aad  sidaadaa isugu daasanaatid iyo badhaadhaha is afgarashada naftaada ayaad mar wada  doonaysaa saw ma aragtid, markaas ayaad waxba soo istaagaysaa kol kasta oo baxaadagani  kugu bato. Yeelko se wakhti xaadirkan wax aad dan ka leedahay ma jiraan ee sida aad nolosha  ka rabay uun baan u noolahay isla xilligaas aniga oo nool sida dabeecaddu i farayso. Waagii  aan yaraa waxa aan ahaa xariifad waxbarashada ku wanaagsan oo fahanka dhaw, isla markaana aniga oo saaqidad bilaa buug ah ahaan jiray oo qalinka ardayda ka dafta,  waraaqda been ah ayaan isku mashquulin jiray marka macalinku isoo eego. Hadana sidii uun  baan ismoodsiis been ah iyo sawirasho isaga mashquulisaa marka noloshu xaqiiqadeeda kugu  soo halgaaddo. Khushi se hadana waan noolahay, waa sidaas noloshu oo waa  ismoodsiiskaaga. Waan dhoollacadaynayaa, yoolashaydii gacan ku rimiska ahaana waxbaa  kaaga dhaboobay. Runtu waxa weeye in sidani dhabta noolaanshaha tahay, macno ma  samaynayso inta aad ka orodo iyo inta aad nacdaba waa isla wareegtadan uun. Dad badan  ayaan wareegtadan si qaabkaaga ka darran usoo maray, qof kasta se qaabkiisu iskii ayuu u  adag yahay oo la iskuma masaali karo, ninna kabo aanu lahayn uguma socdo sida qofkii lahaa.  Markaa habaryar ha is hawlin hana is daalin, aayarkaa nooloow.”

Difaac kuma jirtid se waxa afkaaga buux dhaafiyey waa hadallo madhan oo xarfo la’. Sow ma jirto mar hadalkii ku hayo erayadii kuu muuqdaan se aan xarfihii la’dahay, haddii aad xarfo heli lahayd sida daadka ayey erayadaadu adduunka rogi lahaayeen. Se wax madhan oo buuxa ayaa afkaaga soo riixaya. Magooleey, haddii maanta aad sagootisay nolosha oo jiraalkaagii dhammaaday, aniga waxa aad agtayda ka tahay sheeko qabyo ah, waxa aad ka tahay buug buuxa se xaashiyadiisu wada cad yihiin, waxa aad ila tahay gabadhii yarayd ee xornimada iyo  liibaantu isugu qeexnaayeen ee nolosheeda iyo nolosha oo idilba ismoodsiiska ka dhigatay.  Dhulkana culayska ruuxdaada ayaa qodaysa ee maaha talaabadaada, ruux magooshay oo waayo’arag ah ayaad la galbatay.

Qoraallada kale ee qoraaga

Sheeko

Sareedo