Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Sheeko

Xurmada Geerida

14 August, 2024
Image
shamac
Share

Labadii sanno ee u danbeeyay waxa uu ku jiray xaalad hubanti la'aan ah. Marka uu maalmo joogaba waxa la geynayay goob caafimaad. Waxa ay taasi dhaxalsiisay welwelka uu ka qabo waayihiisa caafimaad iyo taag yarida la soo deristay. Kolkii hore, miyigu waxa uu u ahaa duni u gaar ah oo aannu waxba dhaafsanin. Markan se waxa uu karhayay noloshiisii hore iyo sida ay halganka ugu bilaabantay midho la sheegana aannay u soo bixin. Dhaliisha ugu weyn ee uu u hayay baadiyaha waxa ay ahayd in cilinkiisa lagu saari waayay oo dantu baday in uu magaalo aannu jeclayn ku negaado. Laakiin, markii uu taas aad uga sii fikiray waxa uu garwaaqsaday in aannu hiifitaan iyo hilow isugu darin bartii uu ka yimi. Waxa uu goostay ta roon oo ah xiisaha uu u qabo deegaankiisii in aannu waligii ka suulin.

Waxa uu ku dhashay deegaanka ‘Waabagaajo’ oo ah dhuldaaqsimeed u dhaxeeya dhawr magaalo, waxa uuna xigaa dhanka hawdka Togdheer. Sida magaca ka muuqata waa dhul nolosha ka jirtaa ay adagtahay, taasna waxa uu la qabaa deegaannada kale ee Soomaalida oo aan asalkaba sareedo lagu tuhmo lahayn.

Wax badan ayuu ku jeclaa miyiga oo ku dirqiyayay in uu hilow farabadan u qaado. Barbaarta ay is sheekada fahmaan ee oddoroska xaaladdooda nololeed iyo deegaan ba faaqidaan, xasuusihiisii dhallaannimo oo badankoodu halkan ka unkamay iyo ta ugu weyn oo ah in ay gaclisadiisa Layla oo ay sheeko wadaag yihiin ay halkaa deris ku ahaayeenba waa waxa ugu weyn ee si joogto ah ugu soo xaadirinaya dareennadaas daltabyo. 

Layla waa gabadh gashaanti ah oo da'deeda, garaad ahaan, ka korran kana talaqabeensan. Waa maarriin qurux u dhalatay. Barashadooda waxa suurtagaliyay abaar ka dhacday deegaanka Layla; taas oo sababtay in qoyskeedu u guuraan halka beesha Shiine taallay, oo roobaneyd. Waxa ay ahayd xilliga dhallinyaradu jaaniska isu hesho ee mid waliba dookhiisa foofiyo, kana fikiro aayihiisa iyo sidii uu reer u samaysan lahaa. Xidhiidh ka dhex bilaabmay safarkii Layli u soo gashay daaqsinka xoolahooda iyo soo dhawayntii Shiine ugu hagar baxay gashaantidaasiba; waxa ay dhaleen xiiso hore oo ay judhiiba isu qaadeen iyo waxa intaa ka dib dhacay oo ah jacayl dhuuxa raacay. Marka laga tago jacaylka labadooda mideeya, waxa kale oo ay wadaagaan hayn yaraanta qoysaskooda oo aannay waxba u dheerayn xaynta yar ee u dareerta. Ugu yaraan Nolosha in ay isku heer ka joogaan waxa ay abuuraysay qanaacada ruuxdoodu isku qabto iyo u hanqal taagid la'aanta wax aannay awooddin.

Kadeedka nololeed ee hanti yaraantu sababto waxa u sii dheeraa Layla in ay hooyadeed muddo hore xijaabatay oo halkaasina ay dhinac ku bannaan ahayd. Hase ahaatee, Wax badan oo uu isagu guur u meer ahaa, waa gabadha keli ah ee khiyaalkii uu maankiisa ku haystay u rumaysay. Mar haddii sidaasi dhacdayna, waxa uu ugu abaalguday in uu jeclaado. Iyana kama ay yaraysan jacaylkaas ee waxa ay wacadka dhankeeda uga xoojisay si xilkasnimo leh. Marka mushkilad ka tan weyni qabsato gacalkeen, shaqadeennu waa inaan la wadaagno xasilloonideenna ee ma aha inaan qayb ka noqonno mushkiladooda. Laylana xilkasnimadaas bay ogsoonayd oo kula diirnaxaysay.

Marar badan is beddelka nololeed ee dhacaa waxa uu si uun u saamayn karaa cidda loo filayo cid aan ahayn. Dhibta cid lagu ogyahay haleeshana waxa ka culays badan kara qof ay saamayntaasi soo gaadhay oo la kurbaysan, balse aan codkiisa cidi maqlin. Sidaas baana Layla xaaladeeda iyo waxa qalbigeeda dareenno quus ah ka aloosan aan cidina uga war haynin, marka laga reebo Shiine. 

Maalmahoodii hore ee ay xoolaha dhexdooda ku sheekaysan jireen, mustaqbalkooda iyo reer dhiskoodana kaga faalloon jireen, waxa hadda u beddelay in ay Layla magaalada u soo dhuumato, iyada oo aan qoyskoodu ogayn, dabadeedna ay halkaa booqasho ugu timaaddo. Muddo yar ka dibna ka cararto, iyada oo qudheedu bukaannimo dareemaysa. Waxa ugu weyn ee sababayay booqashadaa qaabka daran ee dhuumaalaysiga ahi waa in curfiga ka jira miyigu aannu oggolayn laba qof oo sheeko wadaag ahi in ay sidan oo kale u dhaqmaan. Laakiin, Layla iyada oo xeerkaa hore jabinaysa oo aan dan iyo heello ka lahayn waxa laga odhan doono ayaa ay waajibkeeda gudanaysay. Weedh ay dadka qaa yidhaahdaan baa ahayd; "way xanuun kulushahay in aad qof sugto. Isla kuwo kalena waxa ay sheegaan in ay xanuun kulushahay inaad qof illowdo. Laakiin, xanuunka ugu weyni waa marka aannad kala garanayn in aad sugto iyo in aad illowdo labada midna." Xaalad caalwaa ah oo la mid ah taa bay Layla ku sugnayd. 

Xiisaha kalgacal ee uu qofku tebayaa waa wax xanuunnada ka mid ah. Inta ay la joogto waxa ay u ahayd ammin barkhadeed oo waxa uu illaawi jiray, kaarka haya iyo xitaa in uu sariir saarnaa. Waa waxa ugu yar ee wehelku ku tari karo nolosha in uu kuu abuuro jawi ka duwan kii aad sida jeelka ku xidhnayd. Booqashadeedu waxa ay u ahayd neecaw qabow oo uga timaadda halkii uu jeclaa una sidda wixii uu jeclaa dhegahiisana maqashiisa, erayo kuwa uu ugu jecelyahay.

Qolka gargaarka degdegga ah oo la soo dhigay waxa ay ahayd markii shanaad ee ay xaaladdiisu ka soo dartay. Waxa ka horreeyay afar goor oo laba ka mid ah isla halkan la soo dhigay. Mar miyiga lagu hayay iyo mar dalka dibaddiisa loo qaadday. Dhismaha magacan lagu xardhay iyo shaqadiisu dunida caadiga ah way is leeyihiin; halkan se waa taa lidkeeda oo waa qolka habsanka iyo reja beelidda dhakhsaha ah. Mar walba, dadku waa ay ka niyad xun yihiin imaanshihiisa. Waa se dani ku badday oo kolka kaarku hayn waayo qofka bukaanka ah ayaa inta ka ag dhowi ula soo carartaa halkan iyo goobaha la midka ah.

Hase ahaatee rejada wacan, kalsoonida iyo niyadsamaantaba waxa ay kaga yimaadaan sariirta ay bukaanka ka soo qaadaan. Foolxumo ka weyni ma dhacdo in qofku deegaankiisa dhibsado marka uu nolol ku heli waayo. Qabjabkuna waa in halkii ay ahayd in aad wax ku noqotaa ay aayahaaga qurub qurub u jarayso, ilaa ugu danbaynta qalfooftaadu ku soo hadho. Dadku waxa ay soo galaan qolkan iyaga oo bilaa nayaayiro iyo farxad ah. Badidoodna waxa ay ka baxaan iyaga oo malahoodii rumoobay oo farriimaha tacsidu si is-dabajoog ah ugu soo daadanayaan. Yeelkadeede, ugu yaraan filashada xun ee ay awelba qabeen waxa ay ka kaalmayn doontaa in ay dhakhso u ga bogsadaan tiiraanyada haleesha.

Geeridu waa qurub ka mid ah jiraalka oo macnaha nolosha wax badan ku darsata. Middaas dadka badankoodu waa ay qirsan yihiin. Laakiin, xanuunka ay leedahay dartii ayaa marar badan illaawaan qodobka hore. Waana ta keenta in qof xaqiiqadaa qirsani uu la bayhoofo dhimashada qof gacalkiisa ah. 

Dadkan ay qolka ku rafiiqeen waligii meel kale kuma ay kulmin, kumana aysan kulmi lahayn. Waayo isku da' ma aha oo ma sheekaysan karaan, noloshana isku aragti ka ma aha oo isku indho kuma eegi karaan. Waa uu ka yaryahay, waaya’aragnimana in ku filan waa leeyahay. Si kasta waa ay u kala duwan yihiin. Hal waxbaa se mideeya, waa xanuunka oo si siman ugu soo dabray halkan ay ku sugan yihiin. Nolosha qofka u fiirsada iyo ka iska indhatiraaba si fudud kuma ogaan karaan macnaha ay leedahay ee dhabta ah. Kolay ba, si sahlan laguma garan karo waxa ay tahay. Ma caafimaadka iyo farxaddaa, ma xanuunka iyo murugadaa. Ma firaaqada iyo xorriyad la'aantaa mise waa intaba. Waxa hubaal ah intan midkood, iyo la'aantoodba in ay soconayso uun. Qorraxda dhalataa qisooyin dhasha.

Jirrada haysa ayaa wajigiisa si fudud loo ga arkayay. Ileen, qof walba wixii dhibay dhafoorka ayay kaga taalle. Mar waa uu ku niyadsamaa imaanshaha qaddarta oo taas qudheeda waxa laga akhrisanayay isla wajigiisa oo qanacsanaan, niyadsamina lahaa. Laakiin, qof kasta oo kale ba waa ay u muuqatay indhihiisa quustu ka muuqato iyo jidhkiisa ay cabsidu ka sokayso. Gabowga iyo xanuunka abadiga ahi ba waxa ay abuuraan xaalad kama danbays ah oo welwelka iyo niyad jabku shaqada ugu badan hayaan. Halkanna, si guud ba waxa uga soo ifbaxay dareenka dhiilada oo ka turjamaya waaqaca dadka goobtan ku sugan. Gidaarada waxa ka soo yeedhayay dhawaaqyo aan dhab ahaan u jirin se ay suurta gal ahayd in ay u dhaboobaan qof kasta, mid buka, mid booqasho ah iyo adeegayaashuba waa ay filanayeen middaas. Waa dhimashada qof bukaan ah, baroorta haweenay gacalkeeda weyday iyo hugunka nin ilmada iyo xilgudashada ragganimo isku haya kolka uu garabkiisa ka waayay qof uu ku tiirsanaa. Cusbitaalladu waxa ay marti galinyaan dhammaan dareennadaas taban ee nolosha qofaf badan saamayn waarta ku yeesha.

Toddobaad ka dib maalinkii la keenay dhakhtarka waxa ay xaaladdiisu isu rogtay, si kadis ah mid tii hore ka duwan oo ladnaansho ah. Booqashadu waa ay badnayd. Si ka geddisan sidii mararkii hore loo soo booqanayay. Wax ay ahayd ba, markan dareen gaar ah ayay lahayd. In kasta oo uu darbad la'aan jiifay haddana, isagu waa uu maqnaa niyad ahaan; taasina waxa ay sii xoojisay dareenka laga qabay in Shiine uu booqasho gaaban ku tagay aakhiro iyo halkii loo badnaa. Sida geeridu uga qaddarin badan tahay nolosha, ayaa sakaraadkuna uga tixgalin badan yahay xanuunada kale ee sahlan.

Saqdii dhexe ee habeenkaas ba waxa ay qaddartu ka dhabaysay tuhunkii jiray. Shiine, waa uu dhintay. Laakiin, kaligii ma uu dhimane waxa wehelinayay wax badan oo kale, farxad iyo dhoolcaddayn badan oo ehelkiisu lahaa ayay geeridu ku sii jidmartay. Murugo iyo niyadjab badan ayaa labadaa boos ee hore buuxiyay.

Daqiiqado yar ka dib, dadkii waxa ay u dareereen guri loo tilmaamay qaarkoodna ay garanayeen. Waxa lagu sugayay halkaa in si wadajir ah looga raaco duugista Shiine. Mar kale ayaan is waydiinaynaa waxa ay noloshu tahay! Dhimashada qof ayaa mid kale nolol u abuurta. Dhalashada qof kale na waxa ay abuuraysaa dhimashada qof kale. Hooyo wax badan ilmaheeda uurka ku sidday ayaa isaga sababsan doonta oo kolka ay isaga neecawda dunidu marto ayaa ay iyaduna ta aakhiro qaadanaysaa. Duugista Shiine, sidii caadada ahayd waxa la quudiyay masaakiin badan, waxa laga farxiyay kuwo kale, waxaana la farayay in ay isaga iyo ehelkaba u duceeyaan. Noloshu, sideedii ayay isaga socotay, shidanaaba shidan. Cabsidu waa halkan. haddii qofku jecelyahay in uu jiro oo wax noqdo, geeridu waa waxa riyadaa meesha ka saaraysa ee waliba ku daraysa in si fudud loo illaawi karo qof shalay dadka agtiisa ku boqranaa. 

Dadka goobta geerida soo buuxdhaafiyay way badnaayeen. Murugada iyo tiiraayaduna way kusii kala badnayd. Taasi wajiyadooda ayay ka muuqanaysay. Mar walba oo sagootini jirto dareenka tabitaanku waxa uu u sii kala badan yahay sida la isugu dhow yahay. Soomaalida ayaa maahmaah cataw ah ku tidhi: Geeri geel jire iyo qof aanad aqoon bay ku wacan tahay.

Layla waxa ay ka mid ahayd kuwa baroordiiqdu keentay guriga laga qaadayay Shiine. Haddii uu dadka kale mid ba wax u ahaa ama isu ahaayeen Shiine, Layla waxa uu u ahaa wehelkeeda nolosha ee uu rabay in uu nolol la qaybsado. Laba sanno ka hor, inta aannu xanuunku soo ridan ayay u ballansanaayeen guur. Wixii intaa ka danbeeyay waxa ay ku jireen baxnaano iyo berri maanta dhaanta. Marar badan oo uu ladnaaday haddii uu hawsha gali lahaana waa uu awooddi waayay oo adduun baa xidhay. Wax uu reerkooda ugu tago iyo wax uu ooridiisa ku dhaqaba waa uu soo qaban waayay. Taasina waxa ay yaraysay rejadii ay ka qabeen midawgooda. 

Maalku waxa uu suurta galiyaa nolol. Jacaylkuna waxa uu qurxiyaa noloshaas uun oo dareenno togan iyo qanaaco ku hoggaamiyaa. Layli waxa qudha ee ay ka fikiraysay ee maankeeda gaday waxa uu ahaa maamuuskan maanta wehelkeeda la huwiyay waxa uu shalay u heli waayay. Kolkii ay xisaab isu gaygaysay waxa ay yaqiinsatay in adduunka saacadahan baxay uu laba sanno hortood arooskooda dhisi lahaa oo ay maanta, ugu yaraan ubad ay ku xasuusato kala hadhi lahayd. Xasuuso horleh bay gashay oo la fogaaday. Waxa ay dareentay wehel la'aan. Waxa hor yimi wanaagyadiisii oo aad mooddo in ay dareenkeeda si kas ah ugu soo daadanayaan. Waa ay macaansanaysay xasuusahaa berisamaadka ah ee xaqiiqada foosha xuni ka danbaysay. Galinkii danbe ee maalintaas waxa ay ku war heshay iyada oo gurigii ay ka timi jiifta. Waa ay garwaaqsatay in ay meeshii ku dhacday se ma ay xasuusan cid soo qaadday.

Markii ay qun isu taagtay waxa ay xasuusatay in ay garabkeeda ka wayday qof ku weynaa. Gunta hoose ee qalbigeedana waxa ay ku horjoogtay dareen odhanaya, dhaawaca ku haleelay ma aha mid laga bogsan karo. Dabadeed waxa ay ka soo kacday jiifkii aanay ku talagalin ee sida shilka ah u dhacay, waxana ay maankeeda ka raadisay xasuus kasta oo labadooda dhex martay. Kolkii ay cabaar kasii fikirtay xaaladeeda waxa ay isku qancisay in ay isku samirsiiso hees ay wax badan hore u dhagaysatay, balse maanta dareenkeedu gaar yahay, waxa ay cod miskiin ah oo tiiraanyaysan ku qaadday:

"Caashaqani muxuu gabay

Laba guur isku ogaa

Geerida mid yidhi hoo"

Shiine, dhalashadiisii iyo dhimashadiisaba wax farqi ah oo la sheegaa uma dhaxaynin. Habeenkii uu ifka yimi waxa la toogtay oo 'aano' loo dilay nin ay deris ahaayeen. Isla judhii ayuu ka sasay dunidan uu yimid, waxa iyana qaylo iyo sas isla oogsaday qoyskaa ninka laga dilay oo ka anfariirsan waxa ku dhacay ee aannay garan karin sababta ay ugu dhaceen. Sidaas baa habeenkaaba uu ula kawsaday qax iyo geeddi, maadaama oo ninka marxuunku ku baxay iyo Shiine is xigaan hayb ahaan. Sharka iyo khayrkuba isla hal mar ayay cid ku kulmi karaan. Inta badanna, sida dhacdooyinka laga dhaxlay ee xasuustu kaydisay, waxa waara mahadhada sharka oo baaqi ku ahaata quluubta dadka. Waa sababta dhalashadiisii ay uga saamayn badatay dhacdadii dilka ee dariskiisa lagu miray. Maantana, waxa noloshiisii hore iyo sannadihii uu jiray ba ka saamayn badanaya duugistiisa la joogo. Waayo, waa la ammaani doonnaa. Dad baa dartii loo quudin doonaa, waana la sharfi doonaa oo maamuus uu ifka ku hanan waayay baa godka lagaga daba gaynayaa. 

Haddii fursad uu ku noolaado uu sii heli lahaa suurtagal ma ay ahaateen in sidan loo sharfo. Sidaa si la mid ah haddii uu waxa dabadii dhacay ogaan lahaa waxa uu ku cataabi lahaa ifkaan kaaga baahnay wax yar oo aqoonsiya. Laakiin, sida dhabta ah, isba waa uu ogaa in xushmadda iyo weynaynta geerida loo hayo aan isaga loo haynin marnaba. Taas lidkeedana, aadamuhu aanay danbi u arkin gumaynta iyo in aannay garabsiinnin marka qofku nool yahay; balse ay dunuubta waaweyn u yaqaannaan haddii aan si "gobannimo leh" loo duugin sida ay aaminsanyihiin. Si kastaba ha noqotee, xurmada geerida loo hayaa waxa ay aastaa xurmada qofka iyo nolosha loo hayo. Waxa ay keentaa qof gaajo ugu dhintay adduunka in xurmada geerida awgeed maydkiisa xoolo loogu gowraco!