Wednesday 13 November 2024
Geeska Afrika qalalaase siyaasadeed ayaa ka oogan. Min Soodaan ilaa Soomaaliya, min Yugaandha ilaa Itoobbiya, xaaladaha waa laga dayrinayaa. Haddaba urur-goboleedka IGAD maxaa u danbayn doona, ayuu is wayddiinayaa Matthew Chandler de Waal.
Dagaalka mijaxaabiyay Soodaan, macaluusha ku tiiqtiiqsatay waqooyiga Itoobiya, rabshadaha muddada dheeraaday ee degaannada Amxaarada iyo Oromada, iyo hakadka ku yimi dagaalkii Shabaabka ee Soomaaliya waxay sawir qayaxan inaga siinayaan muuqaalka Geeska Afrika ee 2024.
Aafooyinkaas baaxadda lihi waxay u muuqdaan kuwo aan waxba laga qaban karin, iyada oo gobolkani waajahayo waayihiisii ugu qallafsanaa tan iyo sagaashamaadka bilawgiisii. Sidoo kale dedaalladii loo baahnaa si dhibaatooyinkan loo furdaamiyo, gaar ahaan ururrada lagu bahoobay, ayaa u eg kuwo talaxgabay.
Ururka Midawga Afrika waxa uu u muuqdaa mid si weyn uga hayaamay mabaadi’dii lagu asaasay, kuwaas oo qeexayay “in arrimaha siyaasadda ahmiyadda ugu weyn la siiyo,” si ballaadhanna u dhiirrigalinayay nabadda, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadamaha. Sidoo kale, urur-goboleedka Geeska ee IGAD ayaa la kulmaya cadaadisyo kala geddisan oo awooddiisa wiiqay.
Sababo badan ayaa loo aanayn karaa burburka hannaanka siyaasadeed ee Geeska, laakiin la’aanta falcelin-goboleed ku waajahan qulqulatooyinkan Geeska ka aloosan waxa si weyn uga qaybqaatay saamaynta tarmaysa isla markaana aan dheelliga tirnayn ee awoodaha Khaliijku ku leeyihiin Geeska, iyo sidoo kale in dunida hadda aanay ka jirin hal awood oo keligeed baarqab ka ahi.
Hannaanka kaladambaynta Geeska waxa si weyn u dikheeyay faafitaanka siyaasadda shilinku hoggaamiyo, ee waddamada Afrika ay ku soo dhex galeen waddamada Khaliijku, iyagoo si gaar ah ahmiyad u siinaya uguna gorgortamaaya arrimaha: kheyraadka dabiiciga ah, taakulaynta ciidanka, iyo guud ahaan sidii ay saamayn xooggan ugu yeelan lahaayeen. Arrintaas ayaa kalliftay in maanta Geeska intiisa ugu badan ay siyaasadaha Khaliijku hafiyaan isla jeerkaasna hoggaanka u qabtaan.
Ururrada lagu bahoobay mar walba waa kaalinta labaad kolka laga hadlayo, bixinta hubka iyo saanadda iyo maalgalinta dawladaha – waxa la odhan karaa, arrintan waxa si weyn looga arki karaa diidmadii Itoobbiya ay kala hor timi qorshihii nabadda ee IGAD, kolkii uu socday Dagaalkii Tigreegu, iyo sidii ay dhakhsaha ugu guddoontay diyaaradaha iswada ee Turkiga iyo Imaaraadka.
Talisyada iyo siyaasiyiintu badanaa deeqaha waddamada Khaliijka ayay ka doorbidaan kaalmada hubantila’aanta ah ee Midawga Afrika ama IGAD – kuwaas oo si gaar ah ay ugu lammaan yihiin culayska daymaha ay tahay in la bixiyo, dagaallada ay tahay in la galo, xuduudaha ay waajibka tahay in la ilaaliyo, iyo mucaaridka siyaasadda ee ay tahay in lala xaaajoodo.
Dhacdooyinkii ay ahayd in urur-goboleeddadu ay si daahfuran uga wada arrinsadaan, waxa dhaxalwareejiyay heshiisyo qol madow lagu la galay dawladaha Khaliijka, kuwaas oo himiladoodu tahay sidii ay ganacsi daaha dabadiisa ah uga dheefi lahaayeen. Sidaas oo kale wadaxaajoodyadii ururrada bahoobay dhexdooda, ee si cad oo daahfuran lagu gaadhi jiray gunaanadka, iyana waxa beddelay axdi-doceedyo, sida heshiiskii dednaa ee u dhexeeyay Turkiga iyo Soomaaliya ee difaaca badda bilawgii sannadkan, kaas oo laga shaki qabo in Qadar gacan ku lahayd hirgalintiisa.
In shirmadaxeedkii aan caadiga ahayn, ee 7-dii Jannaayo ka qabsoomay magaalada Iteebbe ee Yugaandha, ay IGAD ku tahli kari weyday in ay miiska soo fadhiisiso Itoobbiya iyo Soodaan, iyo ka-baaqashada labadaa dawladood iyagoo quudhsanaaya kulanku, waxay ina tusaysaa sida isbeddel muggiisa lihi ugu dhacay saamayntii ururku ku lahaa waddamada xubnaha ka ah.
U kaalay arrinta Itoobbiya, Dalka Isutagga Imaaraadka Carabtu bilyanno doollar ayuu ku farraqay dhaqaalaha dalkan, lacagtaas oo qaab maalgalin ah iyo sarrifka lacagaha qalaadba ku soo gashay. Tii ugu dambaysay oo ahayd 5-tii Febraayo 2024, ergayga gaarka ah iyo safiirka Imaaraadka, Cumar Xuseen, ayaa shaaciyay inay mar kale Itoobbiya ku maalgalinayaan $2.4 bilyan. Lacagaha baaxadda leh ee Sucuudiga iyo Imaaraadku ku shubayaan bangiga dhexe ee Itoobbiya, oo ay soo raacdo Soodaan, taliskii Bashiir ka dib, waxay sababeen in xukuumaduhu ay noqdaan “hortaa bannaan” iyagoo iska indho tiraaya ururrada lagu bahoobay, iyo habdhaqankii loo dajiyay si uu u hago siyaasaddooda iyo baaxaaligooda dhaqaalaba. Haa, saamayntii IGAD way laciiftay, halka ay xoogaysatay saamaynta awoodaha Khaliijku, in kasta oo beryahanba ay sideeda IGAD ula baaxaadagaysay ismaandhaaf dhexdeeda ka oogan.
Ka bixitaankii Itoobbiya ee kulankii IGAD, badhtamihii Jannaayo 2024, ayaa laga dheehan karaa kalaqaybsanaanta gudaha ee urur-goboleedkan, taasina waxay halisgalinaysaa ahmiyaddiisa.
Heshiiskii is’afgarad ee Somaliland iyo Itoobbiya (MoU), ururka IGAD halkii uu ka qabanqaabin lahaa wadahadal wax-ku-ool ah oo Itoobbiya iyo Soomaaliya dhex mara, si fudud ayuu madaxda Itoobbiya ugu amray inay ka soo qaybgalaan kulanka, taasina waxay keentay inay Itoobbiya u aragto madasha gole kale oo Soomaaliya u diyaarsan si ay ugu soo celiso dooddeedii ku qotontay “madaxbannaanida dhuleed.”
Wax yar ka hor curashadii sannadka cusub, Jabbuuti oo hoggaanka IGAD ahi waxay martigalisay kulan ay isugu yimaaddeen Hargeysa iyo Muqdisho, kaasoo sida la soo wariyay madaxweyne Muuse Biixi lagu qasbay inuu aqbalo arrimo uu ku tilmaamay shaki la’aan in aan sina loo qaadan karin.
Haddii ay tani sii socoto, IGAD waxay halis ugu jirtaa inay noqoto goob siyaasadeed oo “Madalaha ka ganacsata,” iyada oo dawladuhu u adeegsan doonaan in ay ajandayaashooda ku suuqgeeyaan marka ay u marto. Kolka ay helaan heshiisyo ka qiimo badan oo hal ama laba daraf ahna ay dhabarka u jeediyaan.
Si la mid ah IGAD, mustaqbalka Midawga Afrika (AU) ayuu mugdi badani ku gadaaman yahay. Si kastaba ha ahaatee, waxa loo baahan yahay in dib loo dhooboqaado IGAD, sidii badhtimihii sagaashamaadkii. Sidii ay IGAD uga soo dhalaashay heshiiskii loo wada dhammaa ee Soodaan 2005-tii, si la mid ah waa in ay jirtaa madal-goboleed ismaandhaafyada si dhexdhexaad ah uga hawlgasha. Madashaasi waxay door weyn ka qaadan lahayd soo afjaridda qayb ka mid ah khilaafaadka ugu ba’an ee diblamaasiyadeed.
Hoggaamiyayaasha goonidaaqa ah oo miiska wadahadallada lagu soo celiyaa waxay abuuri kartaa in si deggan loo wada guulaysto, iyada oo hadallada xanafta leh la iska jiraayo, heshiisyadii qolalka madow lagu galayna miiska siyaasadda gobolka lagu soo dabbaali doono.
Waa qasab in diblamaasiyadda gobolku isla gobolka ka dhex timaaddo, sida ugu habboon ee yoolkaas lagu gaadhi karaana waa in dib loo dhiso IGAD, si ay u noqoto madal kor iyo hoosba wadahadallada wax-ku-oolka ahi ay ka qabsoomaan. Intaa wixii ka soo hadhaa waa uun kala qaybsanaan iyo siyaasad wada sawaxan ah, oo ka qayb ah duni aanay sharaaraddu ka damin.
Badhtamihii 2023-kii ayay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha IGAD soo jeediyeen hindise waqti kooban noolaa, kaas oo la rabay sidii loogu casuumi lahaa inuu ururka dib ugu soo noqdo madaxweyne Isyaas Afawerkiga Ereteriya. Mar qudha ayuu ururkii gilgilmay sidii oo gantaal hoosta laga la eegtay. Nasiibwanaag, in laga noqday ayuu u muuqdaa qorshahaasi.
Dhawr waddan oo Geeska ka mid ah ayaa ka shaqeeyay sidii dib loogu soo celin lahaa Ereteriya urur-goboleedka IGAD, iyada oo marar badan caadaysatay arbushaadda iyo khalkhalgalinta xasilloonida waddamada la dariska ah, isla jeerkaasna waxyeelaysay ururrada lagu bahoobay, kuwaas oo aanay midna ka tirsanayn.
Qiime sidaa u weyn Afawerki agtiisa kuma laha IGAD, mar sii horreeyayna isaga oo taxaaya AU, IGAD iyo ururro kaleba waxa uu ku tilmaamay kuwo “saqiiray,” xilligaas oo uu booqasho ku joogay Riyaad isla markaasna uu si aad ah ula dhacsanaa iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika. Dhawaaqiisani waxa uu tusaale cad u yahay baynu odhan karnaa hoggaamiyaha reer Afrika ee sida muuqata u diiddan mabaadi’da ururrada lagu bahoobay, isagoo danta waddamada Khaliijka ilaalinaaya.
Dhab ahaan ururku (IGAD) wuu ku sii hagaasi doonaa haddii Afawerki lagu soo daro, iska daa in uu waxtar kale ku soo kordhiyo e.
Dhawr hab ayaa si waxtar leh dib loogu dardarin galin karaa IGAD, sida in la hindiso nidaamka saddexgeesoodka ah ee Midawga Afrika. Fadhiidnimada siyaasadeed waxa wax lagaga qaban karaa in xubnaha kala duwan ee ururku ay wixii ismaadhaaf dhexdooda ka yimaadda ay u gudbiyaan IGAD – ee aanay isku hallayn in madaxdoodu ay ku filan tahay. Waxa sidoo kale gedgeddoonka waayaha Geeska Afrika wax ka tari kara in la xoojiyo awoodaha Xoghayaha Fulinta ee ururka, oo loo oggolaado in Xoghayntu ay arrimaha taagan ee nabadda iyo amniga la xidhiidha u gudbin karto Guddoonka ama Golaha loo dhan yahay ee ururka. Kolka si guud loo fiirsho, IGAD waxa la gudboon in ay dib isu qaabayso si ay dheellitir ugu noqotay quwadaha Khaliijka ee madaxa la soo kacaya, iyada oo ka raadinaysa iskaashi ee aan loollan ka doondoonanayn.
***
Waxa asalkii lagu faafiyay African Arguments.