Skip to main content

Wednesday 23 October 2024

Feker

Zera Yacob: Filasuufkii Maanfurnaanta

16 May, 2024
Image
17th century Ethiopian manuscript: the miracles of the archangel Michael
17th century Ethiopian manuscript (Source:The Public Domain Review)
Share

“Zera Yacob waxa uu falsafadda casriga ah Itoobiya ku ibafuray isla jeerkii ay ka bilaabatay Ingiriiska iyo Faransiiska.” – Claude Sumner

Gogoldhig

Haddii reer Yurub ay Renè Descartes u aqoonsadeen aabbaha falsafadda casriga ah, Afrika iyo adduunkaba waxaa gar ku ah in ay Zera Yacob u cimaamadaan aabbaha falsafadda casriga ah ee Afrika iyo tan dunidaba.

Dhawr sababood dartood Zera Yacob waxa uu ahaa filasuuf casri ah oo maanfuran (modern and enlightened philosopher). Haddii labo sababahaa ka mid ah aan soo qaadanno. Sababta koowaad waa, si ka duwan sidii looga bartay mufakiriinta Afrika, Zera Yacob waxa uu waydiin saaray shakina ka muujiyay dhab ahaanshaha tiirarka kor u haya dhaqanka, caadooyinka, hiddaha iyo diinta isaga oo shuruud ka dhigaya in marka hore tijaabo la galiyo runnimada tiirarkaa iyada oo garaadka la adeegsanayo. Dabadeed baa la kala ogaanayaa inta xaqiiqo biyo-kama-dhibcaan ah iyo inta bug (been) ah. Waxa uu diiddan yahay in wax walba duuduub lagu qaato ama lagu diido. Si kale haddii aan u dhigno, Zera Yacob falsafadda Afrika waxa uu ka dhigay tu dhaafsan oo ka gudubtay darfaha iyo xuduudaha ay dhaqannada iyo diimuhu dhigeen, waxa uuna rumaysnaa in garaadku yahay midka wax kasta jaangooya ama ay tahay in uu saldhig u noqdo, waxii garaadku diidana ay tahay in la tuuro waxii uu aqbalana la marxabbeeyo.

Tan labaadi waa in Zera Yacob uu cod dheer ku dalbaday sinnaanta aadmiga, rag iyo dumarba.

Haddaba, in kasta oo fikradaha iyo aragtiyaha falsafadeed ee Zera Yacob inoogo tagey yihiin kuwo baacooda iyo guntoodu dheer tahay hal qormana aan lagaga dhargi karin, misana waxa aan isku dayi doonaa in qormadan gaaban aan ku soo ururiyo kuna soo koobo fikradihii iyo aragtiyihii falsafadeed ee Zera Yacob, si dulkaxaadis ah. Sidaa oo kale waxa aan ino yar ka soo qaadi doonaa noloshii iyo sooyaalkii Zera Yacob.

Waxa aan ku rejo wayn ahay in qormadan koobani ibofur u noqon doonto daraasayn iyo barasho ballaaran oo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee falsafadda daneeyaahi ku samayn doonaan Zera Yacob iyo falsafaddiisii; aniga oo abdaynaya in dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kuwo Geeska Afrikiba ay maalin uun tiirka u mudi doonaan dugsi falsafadeed oo dhalad ah, Zera Yacobna uu noqon doono irridda laga galo falsafadd dhalad ah oo ka hanaqaadda Geeska iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Sooyaal Kooban

Zera Yacob waxa uu ahaa filasuuf mar-la-arag ah oo hortii iyo dabadiiba aan isaga oo kale Itoobiya ka soo bixin, ama guud ahaan Afrikada Bari. Waxa uu ku dhashay Aksum, Itoobiya, sannadkii 1599. Waxa uuna dhintay sannadkii 1692. Culimo Kirishtaan ah oo isugu jirta Itoobiyaan iyo Yurubiyaankii hawlihii masiixiyaynta u yimid Itoobiya ayuu ka bartay tafsiirka Baaybalka, naxwaha iyo muusigga. Ka dibna afar sano ayuu macallin ahaa. Dabadeed boqorkii Abbasiiniya xukumayay, Boqor Susenyos, oo qaatay mad’habta Kaatooligga (malaha isaga oo ku raalligelinaya Bortaqiiskii dalkiisa ku soo qamaamay dagaalkii Axmed-Gurey ka dib) ayaa bilaabay in uu dadkii reer Abbasiiniya ku qasbo qaadashada mad’habtaa.

Dadkii Abbasiiniya oo mad’habta Oortodhokiska ku dhegganaa markii ay ku gacansayreen amarkiisii, boqorkii waxa uu bilaabay in uu dadkii ka dhigo wax uu laayo, wax uu xiro iyo wax naftooda la baxsada. Abbasiiniya waxa ay cagaha la gashay khilaaf firqo diimeed oo aad u daran. Zera Yacob waxa uu ka mid noqday dadkii naftooda la baxsaday. Habeen madow ayuu cagaha wax ka dayey ilaa uu galay bohol (cave) ku taal meel u dhow webiga Takkaze. Zera Yacob waxa uu bohoshaas la galay oo gacanta ku sitay kitaabka Psalms (Zabuurtii Nebi Daa’uud).

Zera Yacob labo sannadood oo uu bohoshaas ku jiray waxa uu u go’ay Eebbe tuug, khilaawayn (meditation) iyo akhriska Zabuurta. Waxa uu si daran u dhaliilay dhaqanka wadaaddada iyo diimaha abaabulan (organised religions: Kirishtaanka, Islaamka iyo Yahuudda) isaga oo ku tilmaamay in ay ka weecsan yihiin jidka Eebbe ee toosan iyo caqligalnimada (rationality) iyo garaadka (intelligence and reason).

Labo sannadood mar uu Zera Yacob bohoshii ku jiray ayaa boqorkii Abbasiiniya ka noqday go’aankii kaatooligeynta dadkiisa beegsigiina ka joojiyay. Markaa ayuu Zera Yacob bohoshii ka soo baxay, laakiin Aksum kuma uusan noqone waxa uu galay safar dheer oo uu dhulka Amxaarada ku marayo ilaa uu ugu dambayn tagey tuulo lagu magacaabo Enferaz. Halkaa ayuu shaqo ka helay, nin maalqabeen ah oo Habtu lagu magacaabo ayuuna ubadkiisa macallin u noqday. Ubadkaas uu macallinka u noqday waxaa ka mid ahaa wiil lagu magacaabo Walda Heywat. Walda Heywat markii uu ogaaday aragtida falsafadeed ee layaabka leh ee Zera Yacob ayuu Zera kula taliyay in uu aragtiyihiisa qoro. Aragtiyihii falsafadeed ee Zera Yacob markii uu inta nidaamiyay qoray waxaa ka soo baxay buug yare cinwaankiisu yahay ‘Hataata’. Hataata macnaheedu waa baaris ama baaritaan (investigation).

Laakiin nasiibdarro buuggaas ‘Hataata’ sidaa oo kalena loo yaqaan ‘Hasaasa’ waxaa la helay in ka badan boqol iyo konton sano geeridii Zera Yacob ka dib. Sannadkii 1852 ayaa wadaad Talyaani ahaa oo lagu magacaabi jiray Gusto D’Urbino waxa uu helay qoraalkii Zera Yacob oo uu wehliyo mid uu qoray ardaygiisi, Walda Heywat, oo isaguna filasuuf noqday. Gusto D’Urbino waxaa soo ururinta qoraallada u diray Antoine A’bbadie oo madax ka ahaa Akadeemiyada Sayniska ee Paris sidaa oo kale ahaa dhulmareen iyo juquraafiyahan dhalashadiisuna Irish ahayd. Geeridii Antoine A’bbadie ka dib, ‘Hataata’ waxaa la siiyay (lagu sadaqaystay) Maktabadda Qaranka (Bibliothèque Nationale) ee Faransiiska. Muddo dambe, bilowgii qarnigii labaatanaad, ‘Hataata’ waxaa afafka Ruushka iyo Laatiinka u tarjumay labo nin oo magacyadoodu ahaayeen Boris Turayev (Ruush) iyo Enno Littmann (Laatiin). Sidaasna ‘Hataata’ waxa uu ku noqday buug falsafadeed reer Yurub u aqoonsadeen mid u dhigma qoraalladdii falsafadeed ee Renè Descartes. Laakiin sannadkii 1920kii ayaa nin mushtashriq ahaa (orientalist) oo Talyaani ah laguna magacaabi jiray Carlo Conti Rossini waxa uu faafiyay maqaal uu ku sheegayo in ‘Hataata’ beenabuur yahay (forgery) uuna qoray wadaadkii helay ee Talyaaniga ahaa. Rossini waxa uu ku dooday in aragtiyaha Hataata ku qoran aan sinaba looga filan karin in ay ka soo burqadaan maanka qof Itoobiyaan ah waayo Itoobiya waa dal si indho la’aan ah looga aaminsan yahay tafsiirka kitaabka Baaybalka ee mad’habta ortodhokiska taas oo taako aan la dhaafi karin ku horgoysay aragtiyaha xorta ah. Rossini waxa uu carrabka ku adkeeyay in Hataata uu ka yimid meel ka baxsan Itoobiya iyo qof ilbax ah (civilised agency).

Warkii Rossini aqoonyahannadii reer Yurub ee Afrika danayn jiray waa ay rumaysteen, sidaa daraaddeed Hataata waa la iska hilmaamay. Laakiin sannado badan ka dib ayaa dib boorka looga jafay waayo waxaa caddaatay in warka Rossini aan lagu qanci karin sababtoo ah Rossini, kow, ma ahayn aqoonyahan aqoon durugsan u leh Afrikada Bari; labo, Rossini waxa uu ahaa cunsuri faashiiste ah sidaa oo kalena ahaa maamulihii maamulkii gumaysiga Talyaaniga ee Eritrea, kana mid ahaa saaxiibbadii Benito Mussolini kaas oo weliba Mussolini siiyay billad-sharaf. Intaa waxaa dheer, 1930yadii Rossini waxa uu faafiyay qoraallo uu ku sheegayo in Itoobiya tahay dal aysan ka suuroobi karin in uu iskii u gaaro horumar ilbaxnimo, sidaa awgeedna ay habboon tahay in Itoobiya la gumaysto si loo ilbixiyo. Sida ay isaga la ahayd!

Iyada oo taa laga duulayo ayaa aqoonyahanno badani baaritaan dheer ku sameeyeen Hataata, dabadeedna waxa ay caddeeyeen in Hataata uusan beenabuur ahayn. In kasta oo weli ay jiraan dadka qaba in Hataata beenabuur yahay.

Falsafadda Zera Yacob

Judha horeba marka aad kala furtid baalasha Hataata waxaa kugu soo dhacaya labo filasuuf oo midkood aad uga horreeyay Zera Yacob midna ay isku waqti noolaayeen. Waa Abuu Xaamid al Ghazaali (1058-1111) iyo Renè Descartes (1596-1650). Abuu Xaamid al Ghazaali, in kasta oo uusan sida Zera Yacob degaankiisi baqo uga cararin, haddana waxa uu kala mid ahaa in uu dhulkiisa ka haajiray isaga oo runta goobaya. Waxa kale oo uu al Ghazaali kala mid ahaa Zera Yacob ka shakinta waxii uu arkayay, waxii uu rumaysnaa xaqiiqo ahaan, iyo wax aqoontu tahay iyo runnimada waxii uu dadka kale ka bartay. Sida uu ku qoray buuggiisa ‘Munqidh Mina Dalaal’, al Ghazaali waxa uu is waydiiyay: Sideen ku ogaan karaa in dareen-garashadayda iyo waxyaabaha aan dadka kale ka soo bartay ay yihiin run biyo-kama-dhibcaan ah? Sideen ku ogaan karaa in aanan riyoonayn? Waxa aan arko iyo waxa aan bartayna aysan la mid ahayn waxa aan ku riyoodo marka aan hurdo? Ma laga yaabaa in garaadkaygu been ii sheegayo sida uu iigu been sheego marka aan fiiriyo hooska una qaato in uu taagan yahay oo uusan soconayn jeer ay xaqiiqadu tahay in hoosku socdo?

Al Ghazaali intaa kuma uusan ekaan e, xataa waxa uu ka shakiyay runta biyo-kama-dhibcaanka ah sida in tirada 10 ay ka badan tahay tirada 3. Al Ghazaali waxa uu sheegay in shakigaas iyo jaahwareerkaas uu Eebbe ka samatabixiyay ka dib markii uu laabtiisa iftiin ku tuuray, sidaasna uu al Ghazaali kaga baxay ka shakinta runta biyo-kama-dhibcaanka ah.

Si la mid ah sida al Ghazaali, Zera Yacob ka ma uusan shakin jiritaanka Eebbe laakiin waxa uu ka shakiyay halka runtu taallo waxa uuna is waydiiyay waa kuma xaakimka kala saaraya runta iyo beenta iyo halka uu joogo xaakimkaasi? Laakiin Zera Yacob ka horta inta uusan raadin runta, marka hore waxa uu qiray jiritaanka Eebbe waxa uu na yiri: “Naftu (soul) waxa ay leedahay garaad/caqli (intelligence) ay ku ogaan karto in Eebbe jiro, Eebbahaas oo wax walba og, wax walba ilaaliya, wax walbana maamula; Eebbaha wayn ee sarreeya; abaalmariyaha nafteenna, raxmad badane; Eebbe waxa uuna siiyay garaad si aan ugu khilaawaynno weynidiisa.” Intaa dabadeed, Zera Yacob waxa uu is waydiiyay RUNTA waxa uuna yiri: “Waxa ay oranayaan iimaankeenna ayaa sax/run ah, kiinnuna waa bug; annaguna dhanka kale, waxa aan ku dhahnaa sidaa ma aha ee kiinna ayaa bug ah kaayaguna waa run. Mar ayaan wadaad caddaana waydiiyay su’aalo khuseeya iimaankeenna, dabadeedna waxa uu u macneeyay si asaga iimaankiisa waafaqsan; haddii aan Muxammaddiyiinta (Muslimiinta) iyo Yahuudda waydiin lahaa ayaguna waxa ay ku macnayn lahaayeen si iimaankooda waafaqsan; haddaba halkee baan ka heli karaa xaakim runta ii sheega?”

Isla qummanaantaas diimaha Ibraahiimigu tu walba iyadu isla qumman tahay kuwa kalena la qalloocan yihiin darteed baa Zera Yacob ku xambaaray in uu iskii isaga oo qur ah baadigoob u galo runta, isaga oo adeegsanaya garaadkiisa, khilaawayn iyo Eebbe tuugid, qaab u eg sidii Renè Descartes yeelay.

Zera Yacob iyo Renè Descartes waxa ay isaga mid ahaayeen, ka sokow in ay isku xilli noolaayeen oo sannado isu dhow dhasheen, adeegsiga garaadka, khilaawaynta, iyo in ay ugu dambayn soo saareen hannaan falsafadeed oo nidaamsan.

Laakiin Descartes waxa uu Zera Yacob kaga geddisnaa ka shakinta iyo burburinta wax walba, sida Eebbe iyo jiritaankiisa qofnimo (his own existence) ka hor inta uusan wax walba sagxadda ka soo bilaabin. Descartes markii uu wax walba oo jira shaki galiyay dabadeedna xooray waxaa maankiisa ka bixi waayay hal shay: EEBBE. Dabadeedna waxa uu qiray jiritaanka Eebbe waxa uuna yiri: “Keliya waxaa igu haray hal aragti (idea) taas oo ah EEBBE, waxaa gar igu ah in aan garwaaqsado haddii ay jiraan wax aragtidan ku saabsan oo aan aniga iga soo unkamin. Waxa aan magaca Eebbe ku qirayaa dhabnimada SHAY (substance/Eebbe) aan xad lahayn, madaxbannaan, garaad iyo awood badan, kaa oo abuuray aniga iyo wax kasta oo jira, haddiiba wax kale jiraan.”

Iimaanka iyo Diimaha Ibraahiimiga

Sidii aan kor ku soo sheegnay, Zera Yacob ka ma shakin jiritaanka Eebbe, sidii Renè Descartes. Haddaba jidkee loo marayaa qabsashada iimaanka (faith) rumaynta Eebbe? Zera Yacob waxa uu qabay in iimaanku uusan ahayn wax lagu dhasho, iyo wax laga soo xambaarto caqiidada wadaaddada laga meersado. Sidaa oo kale ma uusan rumaysnayn in iimaanku yahay wax aan caqliga iyo garaadka lagu kasban karin ama yahay keliya wax lagu kasban karo ku boodidda iimaanka (leap of faith) sidii uu qabay Sòren Kierkegaard. Taa beddalkeeda, Zera Yacob waxa uu aaminsanaa in iimaanku yahay wax la doorto dabadeedna la horumarin karo, maadaama buu yiri ‘Eebbe na siiyay garaad awood badan” iyada oo loo marayo khilaawayn iyo Eebbe tuugis.

Zera Yacob isaga oo farta ku fiiqaya sida aan la isugu hallayn karin iimaanka wadaaddadu dareeriyaan waxa uu yiri: “Iimaanka kuma kasban karno in aan u sii marno caqiidada dadka (wadaaddada) waayo dadku waa beenaalayaal. Eebbe adduunka waxa uu ku maamulaa amarkiisa kaas oo uu dhidibbada ugu taagay, kaas oo dadku aysan burburin karin waayo amarka Eebbe ayaa ka xoog badan kan dadka.”

Yacob waxa uu rumaysnaa in iimaanku yahay xiriir shakhsi ah oo ka dhexeeya uumaha iyo la-uumaha sidaa awgeedna iimaanku waa uu awood iyo macne beelayaa haddii saddexeeye soo dhexgalo. Sidaa oo kale waxa Zera Yacob aaminsanaa in iimaanku yahay fal maangal ah (rational activity) kaas oo garaadku fahmi karo, haddii taasi dhici waydana waxa Yacob qabay in iimaanku noqonayo nidaam-aaminaad aan maangal ahayn (irrational belief system) oo si indho la’aan ah la isaga dabakaco.

Zera Yacob waxa uu is waydiiyay in wax walba oo kutubta muqaddaska ah ku qorani run yihiin iyo in kale. Dabadeed waxaa u soo baxday in jawaabtu maya tahay oo wax walba oo kutubtaa ku qorani aysan run ahayn, isaga oo taa caddayn u raadinayana waxa uu tusaale u soo qaatay xeerarka guurka iyo sinnaanta bini’aadanka iyo xeerarka xalaalaynta iyo xaaraamaynta qaybo cunnada ka mid ah ee diimaha Yahuudda, Kirishtaanka iyo Islaamka. Waxa uu yiri: “Garaadkeennu waxa uu ina barayaa in qolyaha dhaha waxaasi waa xaaraan ay Eebbe beenaale ka dhigayaan; guurku waxa uu ka soo burqadaa xeerarka Eebbe, haddana xeerka xerta Kirishtaanku (Christians Monastic Law) taas waa uu diidaa, taasi waxa ay dabargoyn ku tahay bini’aadanka. Xeerka xerta Kirishtaanka ee guur la’aanta ka sarraysiinaya xeerka guurka ee Eebbe waa bug mana aha mid Eebbe ka imaan kara.”

Sidaa oo kale isaga oo dhaliilaya guurka dumarka hal ka badan ee Islaamku banneeyay waxa uu yiri: “Xeerka abuurku waxa uu farayaa guursiga in ninku hal naag uun guursan karo, waayo haddii ninku toban dumar ah guursado, haddee sow sagaal nin naag la’aani ku dhici mayso? Tani waxa ay ku xadgudbaysaa xeerka abuurka (law of creation) iyo kuwa dabiiciga ah (laws of nature) waxa ayna burburinaysaa qiimaha guurka.”

Mar kale isaga oo dhaliilaya diinta Yahuudda waxa uu sheegay in Muuse iyo Daa’uud dadkooda (Yahuudda) keliya wax bari jireen halka ay qowmiyadaha kale irdaha ka xirteen. Tanina ma aha mid xag Eebbe ka imaan karta. Sida ay asaga la ahayd.

Jeer kale, Zera Yacob waxa uu cambaarayn dusha uga tuuray oggolaansha Islaamku ku banneeyay is addoonsiga bini’aadanka asaga oo dhaqankaas ku tilmaamay xeer nin, waayo caqligal ma aha in Eebbe oggolaado is addoogsiga sida duunyada bini’aadanku suuqyada isugu baayaco.

Mar kale, Zera Yacob isaga oo duraya soonka diimaha Islaamku ka mid yahay waajibiyeen waxa uu ku dooday in ay caqli xumo waalli ah tahay in Eebbe amro in bilaha qaarkood aan maalintii ama habeenkii cunno la cunin, sababtoo ah buu yiri Eebbe “dawraddada/absurdity” ma amro, in maalintii cunnada laga soomo oo habeenkii la cunaana waa “dawdarro”.

Aadmi Dhimman

Zera Yacob waxa uu rumaysnaa in bini’aadanku dhimman yahay (imperfect) aqoon ahaan laakiin taa beddalkeeda uu Eebbe siiyay garaad ay aqoonta ku baadigoobaan. Aqoon dhammays ah Eebbe ayaa iska leh mana jiraan wax uusan aqoon, ayuu Zera Yacob rumaysnaa. Eebbe waxa uu doonay in aadmigu cilmiga (baadigoobkiisa) noloshooda ku qurxiyaan waana middaa sababta uu Eebbe aadmiga u siiyay garaad iyo awood. Sidaa daraaddeed ayaa Eebbe dhimmanaan nagu abuuray, laakiin waxa uu inoo raaciyay caqli si aan ugu halgannno dhammaysnaan aan helno inta naftu nagu jirto dabadeedna aan noqonno kuwo u qalma abaalgudka Eebbe inoo diyaariyay.

Sida uu Zera Yacob aaminsanaa, Eebbe si kutalagal ah ayuu dhimmanaan inoogu abuuray si noloshan adduunyada aan imtixaan ahaan ugu qaadanno, taas oo inaga dalbanaysa is hagaajin joogto ah iyo horumarin akhlaaqeed. Yacob waxa uu qabay in aqoonta lagu kasban karo Eebbe tuugis iyo khilaawayn joogto ah.

Zera Yacob waxa uu aad ugu celceliyay adeegsiga garaadka. Waxa uu aaminsanaa in bini’aadanku daciif jilicsan yahay taasina ay bini’aadanka ku xambaarto in uu si fudud u rumaysto beenaha iyo kutirikuteenta. Laakiin bini’aadanku iintaas waxa uu kaga kaban karaa adeegsiga garaadka Eebbe siiyay. Waxa uu aaminsanaa in qofkii runta baadi doona ay runtu si degdeg ah ugu bidhaanto, laakiin waa marka qofkaasi adeegsanayo caqliga saliimka ah ee Eebbe ku uumay.

Qalbiga iyo Aragtidii Zera Yacob

Sida uu qabo Teodros Kiros oo buuggiisa Zera Yacob: A Seventeenth Century Rationalist cutub ka mid ah ku magacaabay Philosopher of the Heart, si ka duwan sidii ay aaminsanaayeen filasuufyadii reer Yurub, Zera waxa uu qabay in qalbigu yahay barta garashada iyo caqliga bini’aadanku ka soo burqadaan, halka taa beddalkeeda culimada reer Yurub rumaysnaayeen in qalbigu yahay xubin qaabbilsan caaddifadda iyo laabkaca, maskaxduna tahay tan garaadka iyo fekerku ka yimaaddaan. Zera Yacob waxa uu aaminsanaa in garaadka iyo fekerkuba qalbiga ka yimaaddaan maskaxduna kala hagaajinta oo keliya qaabbilsan tahay. Sidaa oo kale waxa Zera Yacob ku dooday in qalbigu qayb ka yahay jirka iyo maanka labada, uuna qalbigu yahay muruq dhiigga tuura isla jeerkaasna yahay fadhiga nafta (seat of the soul).

 

Tixraac

Buugaag

Abuu Xaamid al Ghazaali, Munqidh Mina Dalaal (tajumada W. Montgomery Watt).

Claude Sumner, The Treatise of Zera Yacob (waa qoraalkii Zera Yacob oo uu Claude Sumner af Ingiriisi u tarjumay)

Renè Descartes, Meditations on First Philosophy (tarjumada Donald A. Cress)

Teodros Kiros, Zera Yacob: A Seventeenth Century Rationalist.

 

Maqaallo

Jonathan Egid, “In Search of Zera Yacob: Philosophy in Early Modern Ethiopia,” University of Oxford: https://intellectualhistory.web.ox.ac.uk/article/in-search-of-zera-yacob-philosophy-in-early-modern-ethiopia.

Teodros Kiros, “The Meditations of Zera Yacob”, Boston University: https://www.bu.edu/wcp/Papers/Afri/AfriKiro.htm

Qoraallada kale ee qoraaga