Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Aragti

Soomaalida Kiiniya ee ku abaadday xabsiyada qarsoon

10 May, 2024
Image
Booliska Kiiniya
Ciidanka booliska Kiiniya oo jid xidhay (Sawirka: REUTERS/Baz Ratner)
Share

Maxamuud Maxamed Cali, oo ah soddon jir reer Kiiniya ah asalkiisuna Soomaali yahay, weli si jujuub ah ayuu u maqan yahay tan iyo markii ciidanka Kiiniya ay ka qabteen goob ganacsi oo ku taalla Jidka No. 6 ee xaafadda Islii ee bariga caasimadda Nayroobi. Waxa isaga oo jeebbaysan Meey 22, 2015 la geeyay meel aan la garanayn, sida ay xaaskiisa Farduus Axmed Faarax noo sheegay.

Dedaallada ay Farduus u gashay in ay ogaato masiirka saygeedu muu istaagin, oo waxay laanta waddaniga ah ee Xuquuqda Insaanka (oo xukuumadda hoos tagta) u dirtay 12 galdacwadeed oo ay kaga ashkatoonayso in saygeedii booliska Kenya xidheen oo uu kaga maqan yahay qaab jujuub ah. Balse ka ma ay helin laanta waddaniga ah wax falcelis ah oo u tilmaama halka uu saygeedu ku danbeeyay, in kasta oo ay dhawr jeer xaruntooda ugu tagtay. Way sii wadi kari weyday dacwadda, oo ma ay karayn lacagta adag ee qareenku uga baahan yahay.

Farduus oohinta ayay ceshanaysay marka ay si murugaysan u tidhi: “Carruurtaydu waxay iga deyn waayeen wayddiinta aabbahood ku saabsan, mar kastana waxa aan u ballanqaadaa in uu dhawaan soo laaban doono!” Laakiin u-dhaqdhaqaaqaha arrimaha xuquuqda ee ka tirsan laanta waddaniga ah ee Xuquuqda Insaanka ee xukuumadda, Khaliif Axmed Cabdi, oo qaddiyadda Maxamuud la socday, wuxuu niyadxumo ka muujinayaa in riyada carruurta Maxamuud aanay run noqon doonin, oo wuxuu ka cabsi qabaa in masiirkiisu ku biiray lamayaqaanka, waayo sida uu noo sheegay laga ma tegin raad tibaax ka bixiya halka lagu hayo.

Maxamuud waxa uu ka mid yahay 432 kiis oo maqnaansho jujuub ah oo ay la kulmeen Soomaalida ku dhaqan magaalada Gaarisa, xaafadda Islii, ama Mandheera, sida ay diiwaangeliyeen Xarunta Islii ee Xuquuqda Insaanka oo ay asaastay jaaliyadda Soomaalida ee Kiiniya, Hay’adda Salaam ee Dhawrista Xuquuqda Insaanka ee Kiiniya , iyo laanta waddaniga ah ee Kiiniya u qaabbilsan Xuquuqda Insaanka; diiwaangelinadaa oo ah galdacwadeedyo loo soo xereeyay dad si jujuub ah u maqan intii u dhexaysay Maarso 2015 ilaa Luulyo 2017. Haayadda Haki Africa ee xuquuqda insaanku waxay diiwaangelisay 223 galdacwadeed oo ku saabsan dad si jujuub ah u maqan intii u dhexaysay Diseenbar 2013 ilaa Ogtoobar 2016, oo laga qafaashay dhulka xeebta Kiiniya ee dhaca jiidda xeebeed ee Badweynta Hindiya, sida ay noo xaqiijisay u-dhaqdhaqaaqaha xuquuqeed ee deegaanka, Esta Wangeru George.

Soomaalida sida Jujuubka ah ugu dhex maqan Kiiniya

Waxa isa soo taray galdacwadeedyada maqnaanshiyo jujuub ah ka soo sheegaya Gaarisa oo dhacda waqooyiga caasimadda Nayroobi, Mandheera oo dhacda waqooyi bari Kiiniya ee soohdinta Soomaaliya iyo Kiiniya, iyo xaafadda Islii, oo ay soo xeraynayeen ehello Soomaali ah oo raagsaday qaraabadooda ay xidheen xoogagga amniga ee Kiiniya wixii ka danbeeyay weerarkii argagaxiso ee Westgate bishii Sibteembar 2013, oo ay sheegatay xarakada Shabaab ee Soomaaliya ee ku sugan Kiiniya, weerarkaa oo sababaday dhimashada 70 qof iyo dhaawaca tobaneeyo kale. Dadka sida jujuubka ah loo qafaashay waxay u maqan yihiin sababo la xidhiidha la-dagaallanka argagaxisada, sida ay diiwaangeliyeen haayado maxalli ahi. Sidaa waxa xoojinaya Cabdisalaan Yuusuf, oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda, kana shaqeeya Haayadda Salaam ee Xuquuqda Insaanka ee maxalliga ah (oo 2013 la asaasay, degelkeedii rasmiga ahaana ay xukuumadda Kiiniya xidhay 2014). Wuxuu galdacwadeedyada isa soo taraya ee dad si jujuub ah uga maqan magaalooyinka Kenya ee Soomaalidu deggan tahay ku sababaynayaa in xarakada al-Shabaab ay Soomaali tahay, iyo in xidhiidhka ka dhexeeya dadka magaalooyinkaa iyo xarakada Shabaab uu yahay in ay labadooduba Soomaali yihiin, oo aanay jirin xidhiidh kale oo ku xidha al-Shabaab.

Nuur W. Caliyow, oo u dooda  xuquuqda insaanka kana tirsan laanta waddaniga ah ee Xuquuqda Insaanku wuxuu ku darayaa sabab kale oo Soomaalida ku nool Mandheera (oo 70 Km u jirta Soomaaliya) ka dhigtay kuwo la kulma qafaalashada jujuubka ah ee xoogagga amniga Kiiniyaanka; sababtaas oo ah weerarrada ay xarakada Shabaab ku soo qaaddo degaanka dhacdo iyo baxdo. Arrintaas oo xoogagga amniga ee Kiiniya ay ugu marmarsiyoodaan falcelinta weerarrada xarakada. Wuxuu noo xaqiijiyay in hawlgalladaa la-dagaallanka argagaxisada la xidhiidha ay dul hoganayaan eedo badan oo ku lug leh gaboodfallo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda insaanka, oo ay ka mid yihiin hawlagallo khaarijin garsoorka ka baxsan ah.

Xoogagga amniga ee Kiiniya waxay ku kaceen hawlgallo jujuubid ah iyo khaarijin ka baxsan garsoonka, oo uu weheliyo jidhdil ba’ani, kaas oo sababay dhimashada 122 qof wixii loo soo gaadho Ogtoobar [2017], sida lagu sheegay warbixinta Amnesty International ee 2016-2017.

Haayadda Haki Africa waxay diiwaangelisay 78 hawgallo khaarijin garsoorka baalmarsan ah iyo kiisas qafaalasho ah oo ka dhacay Mumbaasa siddeeddii bilood ee u horreeyay gu’ga 2016, sida lagu sheegay warbixintii u danbeysay ee Amnesty International.

Xabsiyo Qarsoodi ah

Qaar ka mid ah ehellada dadka la qafaashay ma garanayaan sida galdacwadeedyo loogu xeraysto haayadaha u dooda xuquuqda insaanka ee Kiiniya , sida uu xaqiijiyay Khaliif Ibraahin oo madax u ah Xarunta Islii ee Xuquuqda Insaanka, oo noo sheegay in “xaruntu diiwaangelisay maragga 38 qof oo si qarsoon loo jujuubay oo la sii daayay muddadii u dhexaysay 20 Juun 2016 ilaa Febraayo 2017 oo ka marag kacay in ay xadhigga u geysteen xoogagga amni ee Kenya, aanay se aqoon goobihii la geeyay oo ay kala kulmeen jidhdil daran, xigtadooduna aanay wax galdacwadeed ah u gudbin haayadaha xuquuqda.” Sidaas ayaa ku dhacday Nuur Cali Khamiis oo la sii daayay 20 Diseenbar 2016, ka dib markii uu xidhnaa labo gu’, sida uu noo sheegay. Wuxuu intaa ku daray in uu jidhdil bahalnimo ah kula kulmay qoobad ku taallay xaafadda Wislin oo dhacda galbeedka Nayroobi, iyada oo loo haystay tuhun argagaxiso.

Garsoorku wuxuu Bahdilaa Ehellada Dadka la Qafaashay

Golaha xuquuqda Insaanka ee Kiiniya ayaa u dhaqaaqay furdaaminta 147 galdacwadeed oo ay soo xereeyeen ehellada dad la qafaashay intii u dhexaysay Jannaayo 2016 ilaa Juun 2017, iyada oo aanu garsoorku u nidaamin xallinta dhibaatada dadka jujuubka loo qafaashay si qaanuunka waafaqsan. Sidaa waxa xaqiijiyay Semon Kigaru, oo xubin ka ah golaha maamulka ee xuquuqda insaanka ee Kiiniya, oo si cad noogu sheegay in garsoorka Kiiniya uu caqabad ku noqday. Waxa arrintaa fasiray baraha qaanuunka ee jaamacadda Kenyatta ee xukuumaddu leedahay, Dr. Samuel Atino, oo yidhi: “Xoogagga xukuumiga ah ee Kiiniya waxa hafiyay musuqmaasuq; xataa garsoorka.”

Musuqmaasuqa ka jira garsoorka Kiiniya wuxuu ehellada qaar ku qasbay in ay ka gaws adaygaan imaanshiyaha garsoorka, sida uu sheegayo qareenka Kiiniyaanka ah ee David Awtiyono, oo ka shaqeeya golaha xuquuqda insaanka ee xukuumiga ah, isaga oo intaa ku daray in ehellada dadka jujuubka ku maqani ay jidad kale u maraan soo-furashadooda, sida ay in ay laaluush badan siiyaan xoogagga amniga si ay ugu sii daayaan xigtadooda.

Kiiniya waxay kaalinta 145 kaga jirtaa dawladaha adduunka xagga musuqmaasuqa iyo maqnaanshiyaha banyaalnimada (transparency), marka loo eego warbixinta Haayadda Transparency International ee 2016.

Baalmarsanaan Dastuur

Qodobka 49 ee cutubka “Xuquuqda dadka la soo qabtay” ee dastuurka Kiiniya loo dejiyay 2010 wuxuu sheegayaa “shakhsiga la soo qabtay waxa uu xaq u leeyahay in uu la xidhiidho qareen, ama ciddii kale ee kaalmadooda loo arko daruuri; waana in aanu dareemin in lagu dirqiyayo in uu wax qiraal ah sameeyo, ama ansixin loo adeegsan karo caddayn ka dhan ah qofkan; waana in maxkamad lagu horkeenaa sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan, oo ah muddo aan ka badnayn 24 saacadood intii la soo xidhay.” Haddana Kiiniyaanka asalkiisu Soomaaliga yahay ee Cismaan Shire weli kiiskiisu garsoorka ayuu ku jiraa, iyada oo aan wax go’aan ah laga gaadhin ilaa hadda, sida ay sheegayso inantiisa, Faa’isa Cismaan Shire, oo garsoorka u gudbisay ashkato ku saabsan waayidda aabbaheed la waayay 18 Meey 2015, xilligaa oo xoogagga amniga ee Kiiniya ay ugu soo daateen gurigiisa ku yaalla Gaarisa, oo dhacda waqooyiga caasimadda Nayroobi, ka dibna ay geeyeen meel aan la aqoon.

Eed-ka-carar

Way adag tahay in la aqoonsado goobaha lagu hayo dadka jujuubka lagu qafaashay, xaaladdooda caafimaad, iyo xataa in ay nool yihiin iyo in kale, sida uu sheegayo Sacad Axmed, oo qareen u ah Nuur Xasan Khamiis oo hore loo qafaashay. Wuxuu tilmaamay in aanay jirin jid kale oo shaacsanahan lagaga hortegi karo oo aan ka ahayn galdacwadeedyada. Maxamed Axmed Xasan, oo madax u ah Haayadda Salaam ee Dhawrista Xuquuqda Insaanka ee Kiiniya, wuxuu mas’uuliyadda maqnaanshiyaha iyo khaarijinta garsoorka baalmarsan ee dadka jujuubka loo qafaasho dusha ka saaray xukuumadda Kiiniya. Taa waxa kaga duwan xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Kiiniya ee hadda, Aadan Barre Ducaale, oo beeninaya in xukuumadda Kiiniya ay wax xidhiidh ah la leedahay dhacdooyinkaa, isaga oo tilmaamay in cid kasta oo lagu tuhmo la-shaqaynta argagaxisada ay tahay in qaanuunka la hor geeyo.

Beeninta xildhibaan Ducaale waxa deedifaynaysa warbixinta sannadlaha ah ee Haayadda Amnesty International ee 2016-2017 oo xoojinaysa in wakaaladaha amni ee Kiiniya ay lugta kula jiraan duudsiga xuquuqda insaanka, oo aan baadhis dhab ah laga samayn sidii wax looga qaban lahaa. Waxa sida oo kale tan la qaba Cabdikhaalaq Sanweyne Geeddi, oo xuquuqda insaanka u dooda, lana shaqeeya Laanqayrta Cas ee Kiiniya. Wuxuu tilmaamay in aanay waaxda amniga ee Kiiniya shaaca ka qaadin masiirka dadkii la qafaashay, iyo in goobaha la geeyay ay kala kulmaan argagaxgelin iyo cabsigelin. Waa kiis uu hadda ka hor taabtay Faarax Macallin, Guddoomiyakuxigeenkii hore ee Barlamaanka, xilli lagu gudo jiray ololaha doorasho ee kursiga Barlamaanka ee Gaarisa oo ka tirsan gobolka waqooyi-bari Kenya. Faarax wuxuu marar badan bishii Ogos ee doorashada ballanqaaday joojinta bahdilka iyo qafaalashada jujuubka ah ee ay la kulmaan dadka u dhashay degaanka iyada oo loogu soo gabbanayo la-dagaallanka argagaxisada iyo xagjirnimada. Waxay tani waafaqaysaa inta lagu sheegay warbixinta haayadda Amnesty International oo cinwaankeedu ahaa “Amniga iyo Argagaxisa-la-dirirka Kiiniya”, ee xoojisay “inta lagu gudo jiro hawlgallada argagaxisa-la-dirirka ah ee beegsanaya xarakada al-Shabaab ee Soomaaliya, wakaaladaha amnigu waxay lugta la galaan duudsiga xuquuqda insaanka, oo ay ka mid yihiin khaarijin garsoorka baalmarsan, maqnaansho jujuub ah iyo jidhdil. Walow ay kordhayaan galdacwadeedyada duudsiyadaa ka dhanka ahi, haddana la ma samayn baadhisyo dhab ah oo arrinta wax lagaga qabanayo.”

Waxa Af Carabi ka soo turjumay  Cabdicasiis Guudcadde