Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Aragti

Dawladnimada Soomaalidu Waa Maganta Wadkeeda

16 June, 2024
Image
Boy's face
Boy's face, looking at camera, cropped view with digitally placed Somalia flag on his face.
Share

Sida uu soo tabiyay mid ka mid (ah wasiirradii Maxamed Ibraahin Cigaal ee horraantii sagaashaneeyada, Cigaal ayaa maalin uga sheekeeyay Golihiisa Wasiirrada sheeko u muuqatay hanjabaad. Cigaal oo lagu yaqaannay in uu khibrad ugu awood-sheegto siyaasiyiinta, ayaa waxa uu ku yidhi: Berigii hore, Soomaalidu waxa ay xilalka dawladnimo u haysatay wax weyn oo ay dad aqoon iyo khibrad u leh oo keli ahi ka soo bixi karaan. Ma uu jirin qof Soomaali ah oo aaminsanaa in uu noqon karo wasiir ama dibidaati (xildhibaan), haddii aanu lahayn tilmaamo gaar ah oo uu xilkaas ku gudan karo. Xitaa xildhibaannadu ma ay rumeysnayn in ay wasiirro noqon karaan. Ha se ahaato e, arrintaas oo dhani waxa ay is beddeshay kolkii uu is casilay Sheekh Cali Jimcaale oo ay is khilaafeen Cabdirashiid Sharmaarke. Jimcaale, laftiisa, ayaa qabay in aan la heli doonin cid degaankiisa laga soo xulan karo oo isaga beddeli karta. Raysalwasaare Cabdirashiid waxa uu xilkii uu Jimcaale iska casilay u magacaabay nin la qabiil ah oo tukaanle ahaa. Maalintaas waxii ka dambeeyay, waxa caddaatay in cid kaste ay wasiir noqon karto, xilkuna aanu u xidhnayn aqoon iyo tilmaamo kale oo xilgudasho. Waxa tusbax furmay noqotay hungureyntii siyaasadda iyo xilalka, waxaana xukuumaddii cidhiidhi galiyay xildhibaanno iyo dad kale oo doonaya wasiirnimo. 

Sida ka muuqata sheekada Cigaal, waxa waqtigii gumeysiga jiray dareen bulsho oo rumeysan in maamul dawladeed uu u baahan yahay aqoon iyo karti – in kaste oo aqoontaas iyo kartidaas la qaladfahmi karo loona haysan karo, metalan, in afka Ingiriisida ama Talyaanigu uu yahay aqoonta ama kartida loo baahan yahay, maaddaama oo ay Soomaalidii la shaqeyn jirtay maamulladii gumeysigu ay, inta badan, sifadaas lahaayeen. Ha se ahaato e, kolkii ay Soomaalidii la wareegtay maamulkii dawladeed, gobonimada ka dib, waxa ay buriyeen xitaa dareenkaas guud waxana ay dawladnimadii ula dhaqmeen tabtii geela; waa ay ku naaneyseenba e Maandeeq. U talinta geelu waa arrin uu isu xilsaari karo ‘nin’ kaste oo ka tirsan geelleyda Soomaalidu, kuna filan tahay in uu yahay nin ka tirsan qabiilkiisa. Waa sababta ay u yar tahay fursadaha ay dumarku ka helaan xilalka dawladeed, sababta oo ah waxa aanay fursad ku lahayn xilalka iyo talada qabiilka. 

Aragtidii ahayd ‘qof wax bartay, keliya, ayaa hanan kara xil dawladeed’ isma ay beddelin oo qudha, sida laga sheegay Cigaal, ee waxa ay isu rogtay in dawladda loogu kala fursad bato sida loo kala aqoon kooban yahay loona kala ‘raganimo’ badan yahay. Waa raganimadii ‘geeljiraha’ oo ku suntanayd dareen-adaygga, dhiirranaanta iyo waxma-dhawrsiga. Geeljiruhu, duruufta nololeed awgeed, waa qofka ugu usgagga badan haddana ugu kalsoonida badan bulshada dhexdeeda. Duruuftaa geeljiranimo iyo baahiyaha ‘samatabaxa’ la xidhiidha ayaa caadi ka dhigaya dhaqankan geeljiraha, laakiin dhaqankani marka uu ka muuqdo nolosha magaalowday ee ay isaga iyo duruuftu is yeelan waayaan haddana wada jiraan, ayaa uu noqdaa dhaqan aan saalloonayn. 

Sida ay u dhisan tahay dawladnimada Soomaalidu, iyo aragtida lagu maamulo oo ah midda geeljire, waxa ay keentaa in ay fursad badan siiso ama soo dhaweysato ciddii ‘nin rageed’ ku ah garashada geeljiranimo. Qofkii leh dhiirranaan ku dhisan ogaal gaabni, xishood yaraan ku salaysan isu-fiirsi la’aan iyo han ku qotoma isla-qummanaan ayaa ah midka leh sifooyinka hoggaamineed ee xilalka dawladeed. Tilmaamahan waxa si kama-fursadaan ah ugu lammaan karti la’aan iyo  aragti la’aan siyaasadeed, maaddaama oo aanay is qaadanayn tilmaamahan geeljiranimo iyo kuwa aqoonta iyo fikirka oo, iyagu, keena kartida maamul ee dawladnimo casri ah iyo aragtida lagu hagayo. 

Dr. Xuseen Bulxan ayaa aragtidan wax ka tilmaamay. Waxa uu yidhi: “… Si ay u sii waarto xaqdarrada iyo dhiigmiirashadu, waxa uu nidaamka is-gumeysigu dibedda dhigaa xubnaha waxgaradka ee kartida leh, daacadda ah, bulsho ahaanna xilkaska ah. Waxa uu soo xushaa kuwa aan farsamo ahaan dhisnayn, dhaqaale ahaanna damiirka lahayn oo qabta hoggaanka xilal dawladeed oo muhiim ah ...” [Politics of Cain]. Nidaamka is-gumeysi, oo uu Dr. Bulxan ku tilmaamay dawladnimadii ay Soomaalidu ka dhaxashay gumeysiga, ayaa uu tilmaamayaa in la cunsiiyey nidaamkii dhaqan ee geelleyda Soomaalida. Sidaas oo ay tahay, haddana waxa uu Dr. Bulxan tilmaamayaa in nidaamka dawladeed ee Soomaalidu aanu cufjiidad u lahayn kartida iyo xilkasnimada, lidkeedana uu aqbalaad u leeyahay kuwa aan lahayn kartida aqooneed kana sarriigan hantida ummadda. Dhinac weyn ayaa uu dhaqankii geeljiruhu kaga lammaan yahay muuqaalkan; karti lagu maamulo nidaam dawladeed iyo gudashada waajibkiisa (xilkasnimo) lagama heli karo dhaqan geeljire. Boobka hantida oo aan la ceebsanna waxa uu toos ugu arooraa dhacii geela ee ku sidkanaa ‘ragannimada’ geeljire. 

Geeljiroobidda Dawladda

Foofka taariikh ahaan habboon ee dawladowga Soomaalidu waxa uu ahaa in nolosha madaniga ahi ay faafto oo dhaqankii geeljiranimo uu aayar aayar isugu beddelo mid magaaleed, iyada oo ay ugu wacan tahay dawladnimadu. Waxa se dhacay lidka sidaas oo ah in dhaqankii geeljiruhu uu ku faafay noloshii madaniga ahayd ee ay dawladnimadu ku dhismi lahayd. Sida ku cad hadalka laga soo xigtay Cigaal, waxa bilowgii laga dhigay dawladda mid aan geeljire ka xeernayn, maaddaama oo aanay aqoon iyo muteysi u ahayn salka xulashada xilka ee waxa qudha ee loo eegayaa uu yahay ‘tolnimada’ oo qof kaste oo nin ah kana tirsan tolka xilka loo qoondeeyay uu hanan karo. 

Xukuumadihii rayidka ee Soomaalidu, 1960 – 1969, waxa ay si fiican seeska ugu dhigeen in dhaqankii geeljiraha la cabsiiyo nidaamka dawladeed, in kaste oo ay dadka qaar ku doodi karaan in arrintani ay la soo bilaabantay fufkii siyaasadda Soomaalida lagana dheehan karo, xitaa, ururradii siyaasadeed ee waqtigii gobonimo-doonka oo waxa tusaalaha ugu cad loo soo qaadan karaa sida ururkii SYL la isugu barabixiyay tobankii sannadood ee ka horreeyay gobonimada. Taliskii ciidanka ee lagu magacaabi jiray ‘Kacaanka’ ayaa, isaguna, sii cayntaariyay geeljireynta dawladnimada iyo nolosha magaalo. Sida caanka ah, askarinimadu waa shaqada sifooyinka ugu badan la wadaagta geeljiranimada. Waxa ay, sida badan, leedahay adkaysi lagu xamilo duruufaha kakan ee nolosha, arxan yari aan la jixinjixin iyo qab nafsi ah oo aanay oogada qofka ka muuqan wax loogu garaabaa. Sidaa awgeed, bulshooyinka qabiiliga ah waxa, inta badan, ciidamada gala geelleyda. Kow iyo labaatankii sannadood ee la askareeyay Soomaaliya, waxa aad u sii xoogeystay geeljireyntii dawladnimada waxana halkii ugu sarreysay gaadhay dhaqankii dhaca iyo xoog-sheegadka. Waxa meesha ka baxay dhammaan dhaqannadii madaniga ahaa ee ay dawladnimo u baahnayd. 

Sannadkii 1991kii, oo ku suntan sannadkii ay duntay dawladdii Soomaaliya, waxa uu, dhab ahaan, ahaa sannadkii la furfuray qalfoofkii hay’adaha dawladeed ee hore nuxurkiisa loo furfuray. Kumannaan geeljire oo baadiyeha lagaga soo ururiyay ‘tollaay! Yaa maali jiray’ ayaa iyaga oo feedho qaawan, qoryana ku jeeniqaaran, soo galay caasimaddii dawladda oo ah halka ay ka jireen mu’asasaadkeeda muhiimka ahi. Wax kaste waa ay fadhateysteen, burburiyeen isla markaana kala daadiyeen wax kaste oo xidhiidh la leh ‘nidaam dawladeed’. Waxa ay xaqiijiyeen odhaahdii uu Ibnu Khalduun ka yidhi qabiillada Carabta ee ahayd ‘haddii ay dal qabsadaan, waxa ku soo dhakhsaday kharaabka’ welina waa sidii oo garashadii geeljiraha ayaa u degdegta dawladnimada, waana lagama-baaqsadaan in ay tahay ‘kharaab’ u degdegaya.