Skip to main content

Friday 20 September 2024

Aragti

Taallada Nayreeri xasuusaha ay soo mirkicinayso

2 April, 2024
Image
African Union
Delegates stand near the newly unveiled statue of late Tanzanian President Julius Nyerere during the second day of the 37th Ordinary Session of the Assembly of the African Union (on February 18, 2024. (Photo by Michele Spatari / AFP)
Share

Midawga Afriki markii uu taallo u taagay madaxweynihii Tansaaniya, Nayreeri, dadku way ku kala qaybsameen, balse waxa ka muuqda weynaanta raadkii uu lahaa hoggaamiye ahaan

 

Kolkii kowaad ee aan imi Xarunta Midawga Afrika ee Addis Ababa, sannaddii 2016, waxa socday shirweynihii madaxda. Kulanno badan ayaa maalmahaas koobnaa dhacay, sida waraysiyo lala yeeshay madaxda dalalka. Hasayeeshee, waxyaabaha xasuustayda aan ka go’in waxa ka mid ah in aan ku arkay sawirka Saalim Axmed Saalim, oo ka mid ah diblomaasiyiinta ugu sumcadda weyn Tansaaniya horana u noqday Xoghayihii Guud ee Ururkii Midnimada Afrika.

Bal malee sharafta iyo dhaadashada aan dareemayay kolkii aan toddobaaddo ka hor mar kale tegay xarunta Midawga Afrika oo uu ka socdo shirweynihii 37aad ee ururku, oo aan ku soo arkay taallo lagu muunaynayo madaxweynihii hore, ahna asaasihii, qaranka Tansaaniya, Mwalimu Julius Kambarage Nyerere. In ka badan 50 dal oo Afrikaan ah ayay cidi ka joogtay, misana waxa xusid mudan in aanu ku jirin waddan ka mid ah oo markaa taallo looga taagay madaxdii dalalkooda asaastay. Mudane Nayreeri wuxuu Tansaariya hoggaaminayay tan iyo dhalashadii waddanka, 1961, ilaa 1985; misana saamayskiisu wuu ka tallawsan soohdimaha waddanka taas oo ka dhigaysa hoggaamiye heer gobol iyo heer caalamiba ah.

Taalladani waxay ku dhex taallaa xarumo shirarka loogu talagalay oo taariikhin ah iyo kuwo casri ah, waxayna dhawr tallaabo u jirtaa taallo kale oo lagu maamuusay hoggaamiyihii iyo odaygii reer Gaana ee Midnimada Afrika ka shaqayn jiray, Kawaama Nakruuma. Taallada Nayreeri waxay irrid u tahay Dhismaha Nabadda iyo Amniga ee Juliyas Nayreeri loogu magacdaray, taas oo marag ka ah raadka uu Nayreeri kaga tegay Midawga Afrika.

Salka taallada waxa lagu xardhay odhaahdan oo ku dareensiin karta higsigii Nayreeri oo Midawga Afriki uu qaatay: “Waxaannu jeclaan lahayn in aannu shidno shamac oo aannu dul saarno Buurta Kilimanjaaro, si uu kaahiisu u gaadho meelo ka baxsan xuduuddayada, oo uu rejo ku beero meeshii quusi taallo, jacayl dhigo meeshii nacayb yaallo, karaamana ku faafiyo meeshii bahdilaadi taallo.

Maaddaama uu Maraykanku hor taagan yahay dedaalka wadareed ee caalamku ku rabo in lagu joojiyo xasuuqa ku socda Falasdiiniyiinta Qasa, duniduna ay iska indho tirayso silica haysta dadyawga Koongo, Soodaan, Itoobbiya iyo meelo ka shishe, taalladan lagu xusayo Nayreeri iyo odhaahda raacsaniba waxay sidaan farriin xilligeedii timi oo ku socota Afrikaanka. Waxay hoosta ka xarriiqayaan ka-go’naanshihiisii aan liiqliiqadka lahayn ee ka dhanka ahaa gumaysiga iyo xaqdarrada, waxayna ina xasuusinayaan mabda’yada ay tahay in ay hagaan xidhiidhadeenna arrimaha debadda.

Arrintani se waxay gudaha Tansaaniya ka dhalinayaan su’aalo muhiim ah oo ku saabsan heerka aragtiyahaa korran ee asaasaha qaranka lagu sii camalfalo.

Ma waxaan ku bilaabaa siyaasaddayada arrimaha debadda! Waxay ahayd in ay gebigeeduba ku dul wareegto diblomaasiyadda dhaqaale, laakiin taa beddelkeeda, waxay naga wada dhigtay dawarsadayaal. Waxa aannu gaadhnay heer aannu ka casbanno in aannu dulmiga ka dhiidhinno, xataa haddii uu albaabka nagu xiga ka dhacayo.

Siyaasaddii arrimaha debadda ee Nayreeri, sida taageerada reer Falasdiin ilaa baabbi’inta xukuntii tirayarta caddaanku ku haysatay Afrikada koonfureed ilaa sidii uu ugu heellanaa yagleelidda Dawladaha Midoobay ee Afrika, iyo wixii ay higsanaysayba maanta aad bay u diiwaangashan tahay. Laga soo qaado 1960nadii ilaa 1970nadii, magaalada Daarasalaam waxay xarunta hawlgallada u noqotay kacaanyahannada Afrika ee ku taamaya xoraynta waddamadooda, waxayna la heer noqotay magaalooyinka Akra, Qaahira iyo Aljeeris.

Saxafiga reer Boolan, Ryszard Kapuściński, wuxuu jewiga caasimadda Tansaaniya ee waagaas ku qeexay, mar uu safar ku yimi: “Afrika oo dhan baa halkan maalmahan ku arrinsata. Halkan waxa isugu yimaadda dad baxsad ah, qaxooti iyo muhaajiriin ka soo kala jeeda daafaha qaaradda. Waxaad ku arki kartaa iyagoo miis wada fadhiya Mondlane oo Mosanbiig ka yimi, Kaunda oo Saambiya ka yimi, iyo Mugaabe oo Rodeesiya soo jeeda. Mid kalana waxa fadhiya Karume oo Sansibaar ka yimi, Chisiza oo Malaawi ah, iyo Nujoma oo Namiibiya ka soo jeeda.”

Tansaaniya waxay sidoo martigelisay, tabantaabisay oo qaabaysay dhaqdhaqaaqyadii gobannimaddoonka ee Afrika ka baxsanaa. Waxa Daarasalamaan ku soo hiran jiray halgamayaasha siyaasadeed ee caanka ah sida Malcolm X, Angela Davis, Stokely Carmichael (Kwame Ture), iyo Che Guevara. Walter Rodney, qoraaga buugga caqiibada leh ee How Europe Underdeveloped Africa, ayaa sidoo kale waqti ku sugnaa magaaladan oo wax ka dhigi jirayba Jaamacadda Daarasalaam. 

Qodobka aan aadka loo soo hadalqaadin se wuxuu yahay in Nayreeri uu isgarabsiyadan ku xidhiidhsanaa oo gudbin jiray, isla markaana uu qaadan jiray siyaasad arrimo debadeed oo ay dadka caadiga ah ee reer Tansaaniya ay laabta gashadeen.

Heesta calanku, tusaale ahaan, waxay ku bilaabmaysaa duco loo allabaryayo qaaradda oo dhan iyo hoggaankeeda. (Ilaa hadda, waxaad moodda in ilaahyadu ka gaabiyeen in ay inaga ajiibaan ducadeenna ku aaddan hoggaamiyayaasheenna, laakiin waynu wadi doonnaa haddii eebbe idmo). Sannadihii 1990nadii, heesihii xilligii dugsiga hoose waxa ka buuxay erayo xorriyaddoonka iyo kelitalisyada qaaradda ka jirta oo la deedefiyeeyo boorrinaya. Hees aan xasuusto waxa midhaheeda ka mid ahaa “Kolka Idi Amiin geeriyoodo u maba barooran karo; waxaan se ku ridayaa Webiga Kagera si yaxaasyadu ugu qadeeyaan.” In kasta oo erayadu ay ku adag yihiin ilme yar oo 8 jir ah oo aan la haysan lababoglaynta ku aaddan kelitalisnimada iyo halganka xorriyaddoonka, haddana heestaas oo kale waxay nagu beertay faduulnimo, waxaanay nagu abuurtay in aannu nacno oo diidno kelitalisnimada.

Kolka aannu aroortii daabuurka isugu nimaadno, inta aannu saf gallo oo fasalladayada afka saarno ayaannu qaadi jirnay heeso ku saabsan Koonfur Afrika. Waxaan si gaar ah u xasuustaa hees uu ku jiray sadar kooban laakiin qayaxan oo ku baaqayay in Nelson Mandela la soo daayo: “Afunguliwe Mandela aaah Mandela, Nelson Mandela” – Mandela waa in la soo daayaa, alla Mandela; Nelson Mandela waa in degdeg xabsiga looga soo furtaa, ayaa ka mid ahaa midhaheeda.

Soddon sannadood ka dib, weli waxa qalbyada dad badan ku ladhan higsigii siyaasadeed ee faxalnimada lahaa ee Nayreeri. Mar aan Oktoobartii hore safar ku tegay magaalada Johaanisbeeg, waxaan meherad sharaabka lagu cabbo kula kulmay nin oday ah oo halgamayaashii xorriyadda ee Koonfur Afrika ka mid ahaa. Annaga oo ay noo socoto falanqayntayada falsafadeed ee sharaabku rushaynayo, ayay hadalkayaga uga soo dhex baxday in aan Tansaaniya ka soo jeedo, kolkaas buu inta uu hakaday oo koobkiisii biirka ahaa miiska dhigay uu si kal iyo laab ah ii salaamay. Waxa sida daadka ugu soo fatahmay xasuusaha waqtiyadii uu ku qaatay Kilimanjaaro, Morogor iyo Daarasalaam dharaarihii halganka.

Wuxuu si kalgacayl leh uga sheekeeyay siyaasaddii Nayreeri ee ahayd in uu albaabbada u furay si ay ugu halgamaan dalkooda hooyo in uu ka xoroobo taliskii midabtakoorka, xilli waddamada waaweyn ee Galbeedku ay indhaha ka qarsadeen ama ay taageerayeenba taliskii xilligaa haystay Koonfur Afrika. 

Kolkii aan dhugtay taallada Nayreeri, waxaan xasuustay ninkaa odayga ah, waxaanan ku fekeray: “Hubaal waxa ah in uu taageerayo in taalladan la taago.”

Dalkii hooyo, waxa taalladani ka dhalisay dood ballaadhan oo khusaysa in loo maray habraacyadii ku habboonaa iyo asalkaba in muuqaalka taalladani shabbahdo sidii uu mudane Nayreeri u ekaa. Dawladdu waxay sheegtay in ubadkii Nayreeri ay ansixiyeen in taalladu u eg tahay muuqii aabbahood. Hasayeeshee, kolkii aan u dhabbagalay dooddu aanay marna ka taagnayn sharcinnimada taallada iyo in Nayreeri u qalmo in sidan loo karaameeyo. 

Waa xasuusin adag oo reer Tansaaniya ku baraarujinaysa martabadda uu Nayreeri ku leeyahay qaaradda oo dhan. Walow uu ka tegay xisbiga talada haya ee aan meelna u dhaqaaqin ee Chama Cha Mapinduzi, haddana weli waxa loo arkaa asaasihii ay ku weynayd danta qaranka iyo tan qaaradduba. Siyaasiyiinta xilka haya iyo kuwa mucaaradka ahiba maanta mabda’yadiisa waxay u arkaan kuwo weli muhiimad leh, wayna soo xigtaan, xataa iyada oo ay yar tahay in ay kaga camalfalaan.