Friday 22 November 2024
“Taariikhda dunidaa;
Iyadoo is daba taal;
Qofba meel ku tuurtee!”
— Hees Soomaaliyeed
Thomas Cromwell, oo ka soo jeeday qoys danyar ah, Iglan ayuu ku noolaa intii u dhexaysay 1485kii ilaa 1540kii. Waxa uu ahaa shakhsi si yaab leh, oo la mafilaan ah u ga soo mudh baxay dabaqaddii sare ee waagaas talada waddanka haysay. Saamayn weyn, oo raadkeedii ilaa maantadan muuqdo, ayuu ku yeeshay nidaamka siyaasiga ah, qaanuunka iyo diinta oo waagaas aad u xoog badnayd. Taas waxa marag u ah in ilaa maantadan noloshiisii la ga doodo, waxna la ga qoro, gaar ahaan sida uu ku soo galay dabaqadda sare iyo saamayntii uu ka tegay labadaba. Sheekadiisu waxa ay sawir ka bixinaysaa isdhexgalka awoodda siyaasadeed, ta diineed iyo damacyada shakhsiga ah waxyabaaha tacajabka leh ee ka soo baxa, kuwaas oo aan marnaba is beddelin.
Si kastaba, haddii Thomas la soo hadal qaado, waxa khasab ah in la soo qaado Boqor Henry-gii 8aad ee Iglan, oo taajka hayay 36-kii sanno ee u dhexeeyay 1509 ilaa 1547kii. Labadan nin, oo boqor iyo adeege isu ahaa, waxa ay meel mariyeen isbeddelo aanay laftoodu malaynayn meesha ay gaadhi doonaan. Waxa ay dib-u-qaabayn ku sameeyeen siyaasadda, qawaaniinta, dhaqaalaha iyo doorka diinta ee Boqortooyadii Iglan, Wales iyo Waqooyiga Ireland, taas oo fadhigeedu ahaa, welina yahay magaalada Landhan. Dabcan siyaasadda, qawaaniinta, dhaqaalaha iyo doorka diinta, iyo xataa Boqortooyada lafteedu, aad ayay u ga duwan yihiin sidii nimankaasi ay waagaas ku ogaayeen, iyaka ayaa se seeska u dhigay waxyaabo badan oo maanta jira.
Haddii nimankaas la soo celin lahaa, xaqiiq waxa ah in midkoodna aanu aqoonsadeen waaqica maanta jira. Tusaale ahaan, Boqor Henry gacanyarihiisa Thomas ahaa aakhirkii waa uu ku xanaaqay, wakhti kooban oo saacado iyo maalmo ah gudahood baanu ku dhammaystiray xil ka qaadista wasiirkiisa, soo eedayntiisa iyo qoor-ka-goyntiisa intaba. Dabcan, maanta Henry sinaba ma u liqeen in aanay taasi dhacayn, kalmaddiisuna aanay ahayn ta u dambaysa. Malahayga, kolley dhinacaas Sucuudiga iyo Masar oo kale ayuu soo aadi lahaa, oo waaqic iyo nolol uu garto oo la qabsan karo ka heli lahaa!
Haddaba, Thomas Cromwell qof caynkee ah buu ahaa, saamayntiisu se maxay ahayd? Labada weydiimoodba aad baa loo gu ka la duwan yahay ka warcelintooda, inta la is la oggol yahay se aan ku daysto. Thomas waxa uu 1485kii ku dhashay xaafadda Putney oo ku taalla Koonfur-galbeed Landhan, maalinta iyo bisha se la ma yaqaan. Aabbihii waxa uu ahaa Walter Cromwell oo ahaa nin danyar ah. Waxa uu ka shaqaysan jiray khamro uu gurigiisa ku sameeyo. Nin xasarad badan, oo aan maxkamadaha ka dhammaanin buu ahaa. Mar walba waxa loo ganaaxi jiray, sida ay muujiyeen faylashii waagaas ee maxkamaduhu, khamriga oo uu ku daro biyo ka badan intii la oggolaa, ama jiiraankiisa oo uu la dagaallamo, iyo waxyaabo la jaad ah.
Taas darteed, taariikhyahannada ninkan Thomas ah noloshiisa baadhay waxa ay is la oggol yihiin in Thomas aanu aabbihii ka dhaxlin wax xirfad ama dhaqan ah, oo sabab iyo mus-dambeed u noqon karaayay astaamihii uu dib ka la soo baxay iyo mustawihii uu gaadhay. Kolkii uu 28 jir gaadhay, Landhan waxa uu ka noqday garyaqaan iyo ganacsade; 44 jirkiisii, waxa uu noqday xildhibaan baarlamaan oo la soo doortay; 50 jirkiisiina, waxa uu noqday Wasiirka 1aad ee Boqor Henry – waa darajadii u sarraysay boqorka ka dib. Iglantii waagaas, qof kastaa waa yaqaanay dabaqadda uu ka mid yahay, in uu ka baxaana ma fududayn. Maantadan lafteeda ma fududa, waagaas se wax madhacdo ah ayay u ekayd.
Waayadaas, nin aanu aabbihii malqabeen ahaan jirin, ama dabaqadda diineed ee sare ku jirin, taas oo magac iyo dhaqaalaba la gu heli jiray, ama aanu aabbihii/awawgii boqorka ka ag dhaweyn, oo aanu lahayn xil iyo darajo ay ubadkiisu ka dhaxlaan, aad ayay u adkayd in uu safka hore yimaaddo. Intaas iyo wax u dhow toona Thomas ma lahayn mana dhaxlin, haddana safka hore ayuu yimid. Taasi sidii ay ku timid iyo jidka uu soo maray aad loo ma yaqaan. Keliya waxa la og yahay in uu ka ag-dhawaanshaha iyo kasbashada Boqorka wax walba u huray, sidaas na jidkiisa ku bannaystay.
Haddaba, Thomas iyo Henry maxaa dhex maray? Boqor Henry-gii 8aad dumar badan ayuu guursaday, dumarkaas oo qaarna uu laayay qaar na furay. Taariikhda guurarkisa iyo wixii haweenka soo ka la maray, ayaa sabab u noqday in taariikhda Boqortooyada Iglan ay jiho kale qabsato, Thomas-na waxa uu ahaa fududeeyihii jihadaas cusub. Boqor Henry waxa uu doonay xaaskiisii 1aad (Catherine), oo carruur u dhali weyday, in uu furo, waa se ku adkaatay. Boqorka Iglan waagaas waxa uu qayb ka ahaa, oo hoos tegaayay Kiniisadda Rooma fadhiday ee Katooligga iyo Boobkeeda, iyaku na furitaan dhinac keliya ka yimaadda ma oggolayn.
Go’aanka Boqor Henry iyo Kiniisadda Iglan ee furriinka waxa soo diiday Boobkii Rooma fadhiyay, waxaana loo baahday xal amuurtaas la gu furdaamiyo. Halkan weeye meesha ninkan ay fursaddu u ga soo baxday. Thomas oo markaas ahaa Xildhibaan iyo Garyaqaan, Boqortooyadana si u ga ag dhawaa, waxa uu 1533kii hormuud u noqday ololihii weynaa ee la magac baxay Dib-u-habaynta Kiniisadda Iglan – Church of England Reformation. Sannad ka dibna, waxa uu door muhim ah ka ciyaaray in baarlamaanka Iglan soo saaro xeer bannaynaaya in Henry-ga 8aad uu yahay Madaxa u sarreeya ee Boqortooyada iyo Kiniisadda Iglan, kaas oo loo bixiyay Xeerka Sarraynta - Act of Supremacy.
Isbeddellada kuwaas ahi waxa ay jidka u fureen, marka horana loo ga ba dan lahaa, in Boqor Henry uu iska furo gabadhii Catherine of Aragon ahayd, iyo Boqorku in uu guursado gabadh uu jeclaa oo la odhan jiray Anne Boleyn. Si kastaba, Anne iyo Henry is ku ma raagin, maxaa yeelay Boqorka ayaa ku eedeeyay khiyaamo. Thomas waxa ay taariikhdu u diiwaangelisay in uu hormuud ka ahaa abaabulka eedda gabadhaas loo jeediyay oo ahayd gogol-dhaaf iyo khiyaamo qaran, taas oo ay Anne ku mutaysatay dil qoor-goyn ah. Silsiladdaas dhagar-maleegga iyo raalligelinta boqorka isugu jirta, oo uu awood raadsi darteed u maray, aakhirkii Thomas waxa uu ku kasbaday naanaysta ah Hawl-fududeeyaha Boqorka; 1535kii baana loo magacaabay Wasiirka 1aad – Chief Minister.
Thomas markii uu xilkaas qabtayba, waxa uu olole ku qaaday hay’adihii diineed ee jiray, oo ay u badnaayeen Maqaamyadii xerta diineed ee qadiimka ahaa (English Monasteries), kuwaas oo waagaas lahaan jiray dad badan oo raacsan, oo maqaamyadaas yuurura, oo cibaadaysta, oo hantidoodana u gu tabarruca maqaamyada iyo culimada joogta. Ololihii uu waagaas Thomas ku qaaday Maqaamyadii Iglan iyo xertooda, oo ku timid rabitaanka Boqor Henry, oo doonaayay in uu tirtiro raadadka nidaamkii diineed ee taliska Rooma ayidsanaa, waxa la gu burburiyay in ka badan 800 oo maqaam, wixii ay hanti, dhul iyo dhismayaal lahaayeen oo aad u badnaana, Boqorka ayaa la wareegay.
Eeg, hay’adaha diinta iyo siyaasaddu marka ay is ka hor yimaaddaan, sida taariikhdu muujinayso, badiyaa siyaasadda ayaa guulaysata. Culimada diinta ama waa la laayaa, ama keenada ayay oggolaadaan oo waa la hoggaamiyaa, waxaana loo adeegsadaa hoggaaminta iyo jihaynta dadweynaha. Sidaas ayay ahaan jirtay, welina tahay. Al muhim, ninkii Thomas ahaa isaga oo ku dhex jira dadaalkiisii raalligelinta Boqorka, oo dabcan ka cadhaysiiyay in badan oo ka mid ah dabaqaddii safka hore, gaar ahaan hoggaannadii diinta, waxa ay isa seegeen Boqor Henry. Thomas ma ku talagalin in ay Boqorka isa seegaan, shil baa se dhacay.
Sidii aynu soo marnay, Boqorku waa uu guur badnaa, xaasaskiisiina wax uu furay iyo qaar uu laayay buu ka dhigay, dabcan Thomas-na waa uu ka la shaqeeyay. Guurarkiisii midkood, ayuu Thomas u soo jeediyay in uu guursado amiirad Jarmal ah, waxaanu durbadiiba amar ku bixiyay in Boqorka loo soo naqshadeeyo sawir ka turjumaaya muuqaalka gabadhaas. Dhinaca kale, guurka gabadhaas ajnebiga ah waxa diiday culimadii diineed ee Henry ka ag dhawayd, waxaanay ku doodeen gabadh aanu Boqorku af aqoonin in aanay bannaanayn in loo keeno, laakiin Thomas baa jiidhsiiyay. Boqorku sawirkii loo keenay buu ku qancay, gabadhii Jarmalna wuu guursaday, laakiin se muuqaalkeedii dhabta ahaa la ma dhicin, aakhirkii na wuu furay.
Fashilka guurkaas Henry waxa uu eed ka saaray Thomas, waanay ka la fogaadeen. Halkan waxa ka faa’iidaystay culimadii uu dhawrka sanno jiidhjiidhaayay ninkani ee maqaamyada la ga dumiyay, waxaanay ku direen Henry. Waxa la gu eedeeyay, sidii gabadhii Anne ahayd oo kale, in uu khiyaamo qaran ku kacay oo aanu Henry daacad u ahayn, iyo ta ka sii daran oo ah, in uu diin ahaan nin hallowsan yahay. Thomas isaga oo soo galay xafiiskii Boqorka, ayaa loo sheegay in aanu xaq u lahayn in uu Boqorka ka soo ag dhawaado, waana la xidhay.
Maalintii xigtayba, ninkii Thomas ahaa waxa loo soo jeediyay eedihii halista ahaa, waxaana la gu xukumay dil. Thomas markii go’aanka loo dhiibay, waxa uu codsaday in loo oggolaado in uu Henry warqad u qoro, waana la ga yeelay. Waraaq uu gacantiisa ku qoray, oo naf-la-caari ah, oo ilaa maantadan Maktabadda Qaranka taalla ayuu soo diray. Si nacasnimo ah ayuu u cataabay, oo aad u baryay in Boqorku uu il naxariiseed ku eego, laga ma se yeelin. Durba maalintii la dilaayay ayaa timid; 28 July, 1540kii ayaana qoorta lagaga gooyay fagaaraha Tower Hill, halkaas oo ahayd is la goobtii la gu dilay Anne Boleyn.
Awood Boqor ama wadaad oo aan wax xuduud ah lahayn, dunidu waa soo martay, wax baa se la ga bartay. Dabcan, dadyow aan taariikhda waxbaba ka baranina waa jiraan, oo weli boqorka iyo diintu ay isu adeegaan. Xataa waxa jira wadaaddo muslin ah, oo ku dooda Boqorku haddii uu jeedal ku la dhaco, oo xoolahaaga qaato, in la daba socdo, oo la weyneeyo, oo loo duceeyo!