Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Sheeko

Hoojintii Axmed iyo Huqdii Cudbi

7 February, 2024
Image
Askari
Xuquuqda sawirka: openart.ai
Share

Marar badan ayay masaa’ibka dunida meerayaa hareeraheenna ka dhacaan, iyaga oo aynaan dareensanayn. Dhacdooyinkaas meerayaa badanka ma ina taabtaan, iyada oo aynu inta yar ee toos u gu lug leh ka mid nahay mooyee. Mararka qaarkood, ayay dhacdaa in si ku talagal la’aan ah ay isu taabtaan doonida aynu saarannahay iyo maqaadiirta wareegaysaa. Mararka qaarkood, amuuro dhacay ka hor intii aynaan dhalanin, ayaaba sii jeexa jidka aynu mari doonno. Ka dib dunida ayaynu ku soo biirnaa inaka oo khabaar moog ah, oo aan ka war qabin xaqiiqada ah in dariiqii mustaqbalkeennu is qoray. Sidii diyaarid hal kursi oo kaaga ahi ka dhimanyahay, ayaynu ku soo boodnaa oo halkii boos ee bannaanaa buuxinnaa, markaas bay inala haaddaa. Oo diyaaraddu xaggee u socotaa haddaba? Jawaabta in aad hagaag u garanayso ayaad u malaysaa, sidaas se ma aha. Runtu waa in aanad garanayn.

Axmed-yare, oo soddon jir ah, oo Cudbi oo aan daris ahayn soddomeeyo sanno hortood ay dhashay, ayaa sidaas xaalkiisu yahay. Waa kan sariirta jiifa. Waa sariir cisbitaal ee ma aha mid uu dookhiisa iyo doonistiisa ku jiifsaday. Halkaas labada garab dhexdooda, oo gaar ahaan silsiladda lafdhabarta ah, ayay xabbad ololaysaa, oo halkaas kalxanta hoosteeda jidhkiisa ka soo gashay ka baxday. Nin aanay is garanayn oo doonaayay in uu dilo ayaa halkaas ka la helay, dhab ahaan na wuuba dilay. Wuu dilay, laakiin haddana waa kan nool. Haa, wuu noolyahay, waxba se ma ku noola. Marka Afrika la joogo, dhaawacyada qaarkood dhimashada ayaa dhaanta. Haddii ay jirto wax dhaawac iyo dhimasho u dhexeeyaa, oo magac loo gu yeedho leedahay, waa xaaladdan Axmed ku jiro ee madaxa oo keliyi dhaqaaqaayo. Hooyadii Cudbi oo agoonimo ku soo korisay baa dul fadhida cisbitaal Addis Ababa ku yaalla. Inantoodii Hodan, xaaskiisii iyo carruurtiisii na, Hargeysa ayay ka ga war sugayaan iyaka oo u rajaynaaya in uu cagihiisa is ku taago, ma se muuqato.

Ka dib markii uu duleedka Laascaanood ku dhaawacmay bilowgii dagaalka, in muddo ah baa la gu hayay cisbitaalka ciidamada ee Hargeysa. U fiirso, cisbitaalka waa la gu hayay ee la gu ma dawaynayn. Xaaladda Axmed wax ay ka qaban karaayeen ayaaba is ka yarayd. Waxba la ga ma hagranayn ee tamar baa sidaas noqotay. Qoysku awood dhaqaale ma laha, cisbitaal kan dhaama na ma u awoodaan. Axmed oo sidii dhaqanku ahaa madinimo darteed hore loo gu guuriyay, iyo hooyadii ayaa guri ku wada jira. Halkaas ayay ku quutaan wixii uu askarinimo ku soo helo. Markii la toltolay nabarradii xabbaddu oogada sare ku reebtay ee ay bogsadeen, ayaa Axmed qoyskiisa loo sheegay in ay qaataan oo guriga ku haystaan. Maalintaas baa dadba isugu dambaysay. Waxad mooddaa in aan abidkii loo baahanin oo aanu micno lahayn. Caleen yar oo laan ka go’day, inta ay geedka micno u leedahay in leeg buu Axmed u lahaa kuwii uu ka mid ahaa, ama uu moodaayay in uu ka mid ahaa. 

Axmed aabbihii, Warsame, isaga oo dhallinyaro ah ayuu jabhad noqday. Aabbihii oo Axmedkan awawgii noqonaaya, ayaa magaalada Sheekh la gu dilay November 1984kii. Cutubyo ka mid ahaa jabhaddii SNM, ayaa meel magaalada u dhow jidka galay, oo baabuur dawladdu lahayd ku weeraray, askar na ku laayay. Cadho taas ka dhalatay awgeed, ciidankii dawladdu dadkii rayidka ahaa ee magaalada Sheekh ayay soo ururiyeen, afar iyo toban nin oo Warsame aabbihii ka mid ahaa iyo hal qof oo dumar ah baanay wadar ahaan u laayeen maxkamad la’aan. Gabadha waxa la gu eedeeyay in ay falka jabhadda u mashxaradday, intaas baanay nafteeda ku weyday. Axmed-yare awawgii sidaas nasiibdarrada ah buu xabbad u gu dhintay. Xaaladda taas ah ayaa Axmed aabbihii oo Warsame ah ku hoggaamisay in uu jabhad noqdo, toddoba sanno ayaanu si adag u ga dagaallamay goob kasta oo uu ku soo beegmay. Maalintii ay SNM qabsatay gobolladii Waqooyi, ayuu qoriga dhigay oo goostay in uu guursado. Sidaas ayay Cudbi ku kulmeen, oo qoys ku disteen isaga oo 25 jir ah.

In kasta oo Warsame uu waxgarad iyo waayo’arag ba ahaa, haddana intaasi ma ku filnayn oo ma ka joojin in uu naftiisa ku biimeeyo dagaal cusub. Cudbi iyada oo Axmed iyo Hodan oo mataano ah uurkooda leh, ayuu Warsame ka tegay oo ka qayb galay dagaal micno darro ah oo Berbera ka dhacay 1992kii, waanu ku dhintay. Nasiib darro, isaga iyo saaxiibkii oo jabhaddda ay wada ahaayeen muddo dheer, oo Hargeysa na ay hal guri ku wada jireen, ayay dagaalka Berbera ku wada dhinteen is ku maalin, iyaka oo labada saf ee dagaalka ku ka la jira. Warkii geeridoodu is ku habeen buu soo gaadhay labadii dumar ahaa ee ay qabeen, ee guriga wada degganaa. Waa xasuustaa oo dhacdo naxdin leh ayay ahayd, maxaa yeelay labada nin ba waan aqaanay. Cudbi maalintaas ayay moodaysay in naxdin iyo calool xumo oo dhami u dhammaatay, xalaaddan Axmed ku suganyahay, ee geeri iyo nolol aan midnaba ahayn baa se maanta u ga sii daran, shaki la’aan. Waa jiilkii saddexaad oo xabbadi salfato. Is la xabbaddaas uun ayay aabbihii iyo awawgiiba ku baxeen, sababta iyo duruufahoodu haba ka la duwanaadeen. 

Addis ayaan Cudbi ku la kulmay horraantii May, ee 2023ka. Waa ka xumaaday dhab ahaan xaaladda ay ii ga warrantay, in aanan waxba u qaban karayn na waa ka sii xumaaday. Waxa ay ii sheegtay in Axmed uu carruur badan dhalay, badankoodu na aad u yaryaryihiin. Mar uu Xasan Yoonis ahaa taliyaha ciidanka wakhtigii Cigaal, ayuu Cudbi gunno u qoray, waxaanu u gu ballan qaaday in wiilka marka uu weynaado ciidanka loo qori doono. Sidaas baa Axmed oo markaas uun guursaday ciidanka loo qoray, dagaal uu galo iyo xabbad uu rido na tan Laascaanood baa u gu horraysay. Cudbi waxa ay i gu tidhi, intii xabbaddu qaraxday ba, wadnahaygu ma garrayn. Tobanaan jeer baan u sheegay in uu meeshaas iskaga yimaaddo, ma se yeelin. Mar walba waxa uu i gu odhan jiray, ayay hooyo Cudbi tidhi, oo intii yarayd ee aan carruurta siinaayay saw la i ga goosan maayo? 

Si kastaba, Cudbi iyo Axmed qisadoodu waa mid xanuunkeeda leh. Sida aan geeridayda u hubo, ayaan u hubaa tobanaan iyo boqollaal xaaladood oo taas la jaad ah, ama ka sii darani in ay jiraan labada dhinacba. Xabbad xun oo daxalaysatay, oo ka dhacaysa qori xun oo daxalaystay, oo beri hore dunidu ka baxday, oo ay is ku ridayaan wiilal yaryar oo aan si dhab ah u garanayn waxa ay is ku dilayaan, kuwii dabka geliyay na aanay muraad ka lahayn, xaqiiqada taas ah ee Axmed oo kale ayaa ka soo baxda. Carruurtii uu dartood halista u galay, inta noloshiisa ka hadhay ayay kaadida jiifka ka ga qaadi doonaan, qof ilaahay abuurtay oo ka war qabi doona xaaladdiisu na ma jiro, marka la ga reebo qoyskiisa. 

Geesta kale, kuwii Axmed dagaalka geliyay, iyaka iyo wiilashooda oo aad u barwaaqaysani hadba huteel Hargeysa ah ayay ka cunaan raashin qaali ah, marka ay dhergaan na, dibbirada ayay hadba meel la jiifsadaan. Axmed oo kale iyo kuwa goobahaas nafwaaga ku halligma, marka ay saxaafadda la hadlayaan waxa ay u gu yeedhaan halgamayaal ciidda difaacaaya, laakiin se taasi waa afgobaadsi uun. Ragga dhimanaaya, kuwa naafoobaaya iyo saamaynta ay taasi qoysaskooda ku leedahay, agtooda wax micno ah ka ma laha. Halhays afafka ajnebiga la ga soo guuriyay oo ah ‘Life is not fair’, ayaa jira, micnihiisu na yahay noloshu caddaalad ma laha. Marka aad aragtid nin hadh iyo habeen dagaal u ololaynaaya, oo fagaare kasta ka ga baaqaaya, laakiin aanay isaga iyo carruurtiisa marnaba wax dhibaato ahi ka soo gaadhayn, xarriiq yar na ha ahaatee, oo haddana dagaaladaas uu shidaayo ay rag sidaas Axmed ahi had iyo goor ku halligmayaan, baan idhaahdaa, haa, waa run: noloshu caddaalad ma laha!

 

Fiiro gaar ah: Axmed, Cudbi iyo Warsame, ma aha magacdoodii dhabta ahaa. Qisada inankooda iyo qoyska guud ahaan in aan si aad u faahfaahsan wax u ga qoro oo baahiyo ma ay ii fasixin, sababtaas baanan magacdooda u beddelay. Waa Maxamed Haaruun oo ku leh ku mahadsanid wakhtiga aad sheekadan gaaban u hurtay.

 

Qoraallada kale ee qoraaga