Thursday 14 November 2024
Sadhadii Koroonuhu waxay ka tagtay cidhibxumooyin caafimaad, amni, dhaqaale iyo bulsheed oo dalalka dunidu aanay muddo yar kaga soo kaban karin. Sadhadani waxay qaawisay tabaha iyo xeeladaha amni ee ay dalalku qaateen, oo aan waxba ka tarin sidii ay ula macaamileen maaddaama uu kediso ahaa, isla markaana uu meesha ka maqnaa iskaashigii iyo isku-xidhnaantii waddamada looga baahnaa iyo isbahaysigii lagu wajihi lahaa. Intaa waxa dheer, waxa maqan tabihii gaarka ahaa ee wax lagaga qaban lahaa cudurrada iyo sadhooyinka caynkan ah, iyo qaddiyadaha la xidhiidha xuquuqda insaanka iyo dhawrista karaamada dadka, taas oo si weyn uga duwan sida loogu diyaarsan yahay halisaha dagaallada militari ee dalalka ku iman kara oo mudnaan weyn la siiyo iyadoo loo jaro qoondo miisaaniyadeed oo badan sidii looga gaashaaman lahaa ee la isu hubayn lahaa.
Waayihii ay sadhadani ku faaftay waxay dhashay in la dejisto siyaasado amni oo ballaadhan, maxaa yeelay waxa loo arkay in amniga qaranka ee dalalku aanu maanta u nuglayn uun khatarihii la arki jiray sida dagaallada, falalka argagaxiso, denbiyada abaabulan…iyo guud ahaan waxa la isku dhaho awoodda culus. Taa beddelkeeda, arrintani waxay si ama si kale u shirrabtay kartida iyo tabaabushaha waddamadu ay ku diyaarsan karaan istaraatajiyado caafimaadka, amniga, waxbarashada iyo sugidda maceeshadda ah. Taasina waxay su’aal ku hadhaysay aayaha uu ku danbayn karo fahanbixinta aynu u naqaan “amniga qaranka” iyo “gaashaandhigga,” marka lala eego caqabadaha heer gobol iyo heer caalamba maanta oogan. Ma waxay arrini ku soo ururaysaa khatarihii amniga ee la yaqaannay? Mise waxa soo hoosgelaya khataro kale, oo u baahan xayndaab lagaga gaashaanto oo ballaadhan, sida sugidda caafimaadka, maceeshadda, xogta iyo dhaqaalaha? Miyaan la joogin xilligii mudnaanta waddamada la kala hormaysiin lahaa, oo ay dib ugu laaban lahaayeen istaraatajiyadooda kala gedgeddisan ee ay ku gaadhi karaan sugnaan dhammays ah?
Tiirarka amniga qaranka ee dal kastaa ku joogaa waa in uu ilaaliyo muwaaddiniinta, dhulka, dhaqaalaha iyo danihiisa kala duwan, iyada oo ay ku kala tagsan yihiin karaanka iyo sida ay taa u wajahayaan. Sidaa awgeed, halbeegga tusaha amniga qaranka waxa lala xidhiidhiyaa awoodda ay dawladi u leedahay in ay xalal u hesho dhiillooyinka iyo aafooyinka soo foodsaara, iyadoo ujeeddadu tahay in ay sugnaan ballaadhan hesho. Kolkaas, safmarkii wuxuu keenay in dib loogu noqdo mudnaanihii hore u jiray oo khataraha dal ka hor iman kara dib loo qiimeeyo, taas oo ku qasabtay in ay dalalku ka gudbaan qeexitaankii soojireenka ahaa ee amniga oo arrinta dhinacyo badan ka fiiriyaan, iyadoo lala eegayo caqabadaha caalamiga ah ee hadda taagan.
Falanqayntii soojireenka ahayd waxay ahayd in amniguba uu la micne yahay yaraynta khataraha militari iyo si wax-ku-ool ah loo baajiyo dagaal dalalka dhex mara. Sannadihii 1990nadii, falanqeeyayaasha qaarkood ayaa iyaga oo ka falcelinaya xasuuqyadii ka dhacay Afrika ama waddamada Balkaniga iyo dhiillooyinka kala duwan ee insaanka la soo gudboonaaday, waxay ballaadhiyeen aagga ay cilmibaadhista amnigu taabanayso, dabadeed waxa fahanbixinnadii jiray ku soo kordhay “amniga insaanka” wax loo baxshay oo diiradda lagus aarayo bedqabka guud ee qofafka ka tirsan bulshada. Dabadeed saynisyahannada iyo cilmibaadhayaashu waxay bilaabeen in ay qiimeeyaan amniga iyo sugnaanta iyaga oo isku daraya qodobbada caafimaadka, eelka doorsoonka cimilada, sugnaanta maceeshadda iyo sugnaanta tamarta, oo u wada baahan in lagu daro qorshaynta amniga qaranka oo ilaa hadda inta badan ku salaysan laguna eego indho gaboobay oo abaaday.
Xaaladda waxa uga sii daray cawaaqibta uu dagaalka Ruushka iyo Yugrayn ku reebay amniga qaranka waddamo badan oo dunida ah, Geeska Afrikina ka mid yahay. Labadan dal ee dagaallamayaa maceeshad iyo tamar ayay dhoofin jireen ay ka faa’idaysan jireen waddamo badan oo kuwa horumaray iyo kuwa oo soo korayaba isugu jira. Tamarta iyo maceeshaddu maanta danaynta caalamka qayb weyn bay ku leeyihiin, waxana ugu wacan qalalaasaha ay geliyeen meelo badan oo dunida ah, oo Geeska Afriki ka mid yahay.
Sicirkii maceeshadda, gaar ahaan qammadiga, ayaa cirka isku shareeray, maxaa yeelay Ruushka iyo Yugrayn waa dalalka ugu waaweyn ee dalaggaas dhoofiya. Waxa sidoo kale qaaliyoobay shidaalka, oo ay kiciyeen duruufaha jira ee ka dabqaadanaya xaqiiqada ah in dagaalku uu weli socdo. Taasina waxay eel dhinacyo badan oo riiqdiisu dheeraato kaga tegayaan mandiqadda, siiba marka lagu xisaabtamo in Ruushku uu ka mid yahay quwadaha dunida eek u baratamaya Geeska Afrika oo isku garbinayaan Shiinaha iyo Maraykanka.
Kadeedka dalalka Geeska Afrika haystaa waxay ku sii siyaadiyeen culays ku aaddan sidii ay maceeshad ku heli lahaayeen, oo waxa kala daadiyay sadhadii Koroonaha iyo dagaalka Ruushka iyo Yugrayn eelkiisa, maaddaama weliba labadan waddan ee is dagaallayaa ay soo saaraan dalagyo uu qammadigu ka mid yahay. Ruushku waa dalka kowaad ee qammadiga dhoofiya dunidaba, waxana 2023/24 keligii ku soo hagaagaysa 18%, Yugraynna waa dalka lixaad oo 10% ayay dhoofisaa. Marka la isku daro, labadan waddan waxay 80% ka yihiin dhoofinta galleyda, heedda, iniinyaha reebsiidhka (rapeseed), iyo saliidda gabbaldayaha tan iyo 2018, halka Ruushku uu safka hore kaga jiro dalalka dhoofiya bacrimiyayaasha naydarojiinta, botaasiyamta iyo fosforasta. Marka waaqicaa lagu dhereriyana, Soomaaliya 90% qammadiga ay soo dejisataa wuxuu uga yimaadda Ruushka iyo Yugrayn.
Dalal ay ka mid yihiin Kiiniya, Itoobbiya iyo Soomaaliya ayay soo wajahday dhibaatooyin maceeshadda ah oo waaweyni, taas oo dadkooda ku qasabtay in ay quutal-daruuriga maalinlaha ah u raadsadaan habab si ama si kale caafimaadqabkooda u daran. Sannaddii 2022, Agaasimaha Fulinta ee Barnaamishka Cunnada Adduunka, David Beasley, ayaa soo booqday Soomaaliya oo la ildarnayd abaar, gaar ahaan koonfurta magaalada Baardheere oo uu kula kulmay qoysas—isugu jira rag, dumar iyo dhallaan ay nafaqadarro dishootay—oo ku qasbanaaday in ay guryahoodii ka hayaamaan oo masaafo badan jaraan iyaga oo gargaar raadinaya. Intaa uu safarka ku joogay, wuxuu diiradda saaray in ay jiraan dad 7 malyuun oo qof ka badan oo nafaqadarro la soo gudboonaatay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in “adduunka laga rabo in uu hadda tallaabo qaado si dadka nugul looga badbaadiyo khatarta Geeska Afrika ku meeraysa ee macaluusha. Waa in aynu wixii karaankeenna ahba meel isugu keenno oo aynu cidda u baahan la gaadhno, dadkana ka badbaadinno in ay gaadhaan heerka daran ee gaajada iyo macaluusha.” Taas oo ka dhignayd in ay jiraan wax sii joogtaynaya abaaraha iyo oodalulka iyo cidhibxumada ay kaga tagto beerashada iyo raacashada; sida Barnaamishka Cunnada Adduunku xaqiijiyay sannaddii 2022, 213 kun oo qof ayaa ku jira duruufo u eg macaluul.
Waxyaabaha arrinta uga sii darayaa waa in sannado badan roobkii la waayay, taas oo ahayd wax aanu gobolku arag muddo 40 sannadood ah. Waa ta keentay in goobo badan oo mandiqadda ah ay xaaluf iyo abaaro darani halakeeyeen (waxa ka mid ah bariga iyo koonfurta Itoobbiya, bariga iyo waqooyiga Kiiniya, iyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya). Bangiga Adduunku wuxuu ku qiyaasay in 12 ilaa 22 malyuun oo reerguuraa ahi ay Geeska Afrika oo keli ah ku nool yihiin, taas oo ka dhigaysa dadka ugu badan ee ku dhaqan dhulka oommanaha iyo oommana-xigeenka ah oo 60% ka ah gobolka oo dhan. Abaartii ku dhufatay—ilaa haddana barriinsatay—Geeska Afrika waxay galaafatay qiyaastii 13 milyan oo neef intii u dhexaysay 2020 ilaa 2022, taas oo ay ugu wacan tahay biyo iyo baad la’aan, xoolaraacatadiina uu la soo gudboonaaday culays xagga haynta ah oo khatar geliyayba in ay sii noolaadaan, sida uu qabo Cyril Ferrand, oo ah madaxa barnaamishka adkaysiga ee Ururuka Cuntada iyo Beeraha ee Afrikada Bari.
Toddobo malyuun oo carruur ah ayaa nafaqadarro la ildaran, oo ay ka mid yihiin 1.7 milyan oo nafaqadarro kusoobooddo ahi hayso, sida ay 2022 xaqiijisay haayadda carruurta UNICEF. Waxa intaa dheer, 7 dal—Jabbuuti, Itoobbiya, Kiiniya, Soomaaliya, Soodaanta Koonfureed, Soodaan, iyo Yugaandha—ayay ka dillaaceen cudurrada faafa iyo sadhooyinka ay ka mid yihiin jadeecada, shuban-biyoodka, iyo duumada, iyadoo xaaladdu tahay meel aanay fayadhawrkii habboonaa jirin, tas’hiilaadka fayadhawrkuna uu liito.
Dhibaatada nafaqadarradu waxay dadka ku riixdaa barakac iyo hayaan ay ku baadigoobayaan nolol-maalmeed hagaagsan iyo sidoo kale daaq. Helitaanka maceeshadda iyo adeegyada caafimaadka oo liita dartii ayaa horseedi kara koror ku yimaadda cudurrada faafa, maaddaama biyihii cabbitaanka ku habboonaa iyo cuntaduba ay mudnaanta kowaad u yihiin kahortagga sadhooyinka daran iyo dhimashada carruurta. Ururka Caafimaadka Adduunku, wuxuu isaga oo arrintaa ka jawaabaya, abaabulay bishii Maarso 10, 2023 in la ururiyo qaadhaan 178 milyan oo doolarka Maraykanka ah si loo taageero kaalmada dadnimo ee toddobada dal ee arrimahani ka saameeyeen Geeska Afrika ee kor ku xusan.
Horraantii 2023, Komishineerka Sare ee Qarammada Midoobay u qaabbilsan Qaxootigu wuxuu xaqiijiyay in qiyaastii 100,000 oo qaxooti ahi ay gaadheen meelo durdurugsan oo Itoobbiya ka tirsan oo abaaruhu saameeyeen, iyaga oo ka firxanaya dagaalkii Laascaanood, badidooduna ay ahaayeen haween, dhallaan iyo duqayti. Qiyaastii 30 malyuun oo baracayaal, qaxooti iyo magangelya-doon ah ayaa Afrika guud ahaan ku filiqsan, gaar ahaan Afrikada Bari, Geeska Afrika iyo mandiqadda Harada Weyn, oo malaayiin dad ahi ay guryahoodii uga soo hayaameen khilaafyo, aafooyin cimilada la xiriira, iyo cunfi ka aloosan. Dabayaaqadii 2021, gobolku wuxuu martigeliyay 4.9 malyuun oo qaxooti iyo magangelya-doon ah iyo 12 malyuun oo barakacayaal ah, halka in ka badan 80,000 oo qofi ay gaadheen xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee Kiiniya sannaddii 2022, iyagoo ka soo cararay amnidarrada jiitantay ee Soomaaliya iyo abaartii ugu darnayd muddo tobannaan sannadood ah ee geyiga ku dhufata.
Bayaan uu urur-goboleedka IGAD soo saaray Juun 2023, ayaa lagu sheegay dhawr hadaf oo la doonayo in la gaadho oo hoos imanaya qorshaha mandiqadda loogu raadinayo nabad iyo amni—murannada xuduudaha ee Itoobbiya iyo Soodaan; dhiillada Soodaan; mushkiladda gobolka Tigreega—iyadoo hoosta laga xarriiqay in xasilloonidarradu ay toos u saamayso gobolka oo markiisii horaba la ciirciirayay caqabado badan oo ay nafaqadarro iyo maceeshad-xumo ka mid yihiin.
Masuuliyad weyn ayaa IGAD ka saaran in ay dib u habayso mudnaanteeda si ay arrinta sugnaanshaha maceeshadda u soo kormariso, toos iyo dadabba, gaar ahaan maaddaama dadyawga Geeska Afriki ay la daalaadhacayaan sidii ay u heli lahaayeen cuntada iyo cabbitaanka daruuriga u ah ilaalinta karaamada ugu yar ee ay u qalmaan. Waxyaabaha arrinta uga sii darayaa, marka ay timaaddo nafaqadarrada iyo maceeshad-xumadu, waa kororka khilaafyada iyo aafooyinka doorsoonka cimilada, oo lagu daray xasilloonidarrada xaaladda dhaqaalaha, oo lagu sii daray wixii ka dhashay sadhadii Koroonaha iyo dagaalka Ruushka iyo Yugrayn. In caqabadahaas wax laga qabtaana waxay ku xidhan yihiin hadba iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhex marta dalalka gobolka, si muwaaddiniintoodu u hesho nolol sharfan. Sidaa awgeed, waxa lamahuraan ah in “xaqa maceeshadda” lagu dul dhiso sugidda sugnaansho maceeshadeed oo waara ooh adda iyo hadhowba lagu naaloodo.