Saturday 9 November 2024
Muuse Faki wuxuu xilka guddoonka Guddiga Midawga Afrika bannayn doonaa Febraayo 2025. Waxa ay tahay in uu beddelo muwaaddin ka soo jeeda dalalka Afrikada Bari, kuwaas oo—Kiiniya ilaa Komoroos—musharraxiintu isa soo tarayaan.
Faallada Bahda Geeska
Qoraalkan waxa lagu falanqaynayaa doorashada la filayo in loo qabto musharrixiinta Guddoonka Guddiga Midawga Afrika, oo ah haayadda maamusha ee sharci ahaanna metesha hawlaha maalinlaha ah ee ururkan qaaraddu ku midaysan tahay. Masuulka xilkan haya, Muuse Faki, oo ka soo jeeda dalka Jaad, wuxuu xilku kaga eg yahay bisha Febraayo 2025. Ilaa haddana waxa tartankan soo xeraystay dalalka Kiiniya, Jabbuuti, Soomaaliya, iyo Komoroos, oo dhammaantood ku yaalla mandiqadda Afrikada Bari, oo doorkan kootada doorashadan loo xidhay. Haddaba, qoraalkan oo uu qoray Noé Hochet-Bodin oo jariiradda Faransiiska ee Le Monde uga soo warrama Afrikada Bari, waxa ku jira diblomaasi aan la magacdhebin oo Midawga Afrika ka tirsan, kuna sugan magaalada Addis Ababa, oo ra’yigiisa ka dhiibanaya musharraxa Soomaaliya, oo sidoo kale ah haweenayda keli ah ee tartanka ku jirta, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan. Waxa uu ku doodayaa in fursaddeedu ay aad u yar tahay, taas oo aannu la qabno, wuxuu se ku sababaynayaa in dalka ay ka socotaa uu fashilan yahay sidaas darteed aanay cidina dooranayn “musharrax Soomaali ah.” Laakiin waxay nala tahay in arrintu intaa ka qoto dheer tahay. Soomaaliya waxa ka soo jeeda mudane Maxamed Cabdi Waare oo hadda ah kuxigeenka Xoghayaha Fulinta ee urur-goboleedka IGAD, taasna ka ma ay hor istaagin in uu ka soo jeedo “dal fashilan.”
Waxa ay nala tahay in sababta aanay fursad buuran u haysanin marwo Foosiya Yuusuf ay la xidhiidho guurguurka siyaasadeed iyo danaha is hirdinaya. Waxa la og yahay in Soomaaliya ay gobolka Afrikada Bari (iyo guud ahaan Afrikaba) uga sharraxan tahay xubinta ay mandiqaddani ku yeelanayso Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ee 2025-2026, taas oo musharraxnimadeeda lagu meelmariyay shir Midawga Afrika uga qabsoomay Addis Ababa badhtamihii Febraayo 2024. Waxa u danbaysay Jannaayo 1971 oo ay soo gashay. Waa xubnaha aan joogtada ahayn ee tobanka ah ee Golaha Ammaanka, oo muddadiiba mar dalal kala duwani soo galaan, halka shanta kale ay yihiin kuwo aan bannayn booska tan iyo intii Golaha la asaasay bishii Oktoobar 1945. Haddaba, waxa dhici karta in Soomaaliya ay diblomaasiyad ahaan ku adkaato in ay xasilasato labo boos oo sidan muhiimad u leh (Kursiga Golaha Ammaanka iyo kan Guddoonka Guddiga Midawga Afrika) oo labaduba dhex yaalla dalalka Afrikada Bari.
Sida aannu fahansannahay, waxa muuqata in Soomaaliya ay dooratay in ay culayska saarto kursiga Niyuu Yoog yaalla, oo kan Addis Ababa aanay mudnaan weyn siin doonin. Taasna meelaha laga dareemi karo waxa ka mid ah in madaxda dawladda Soomaaliya aanay ilaa hadda dedaal diblomaasiyadeed oo xooggan saarin in ay marwo Foosiya uga dhex ololeeyaan dalalka codkooda lagu kala baxayo ee qaaradda guud ahaan, gaar ahaan kuwa Afrikada Bari ee tartanku dhex yaallo. Dabayaaqadii bishii Meey ayay Foosiya Yuusuf lafteedu barteeda X/Tiwiitar ku soo qortay tibaax muujinaysa in culays uu shakhsi ahaan soo foodsaaray, lagana yaabo in ay tartanka ka hadho, iyadoo dadweynaha inta ay taageeradooda uga mahadcelisay u ballanqaadday in ay sida wax u jiraan la wadaagi doonto sidaa darteedna ay tahay in “laga warsugo.” (Ilaa hadda oo qoraalkani soo baxayo war rasmi ah ka ma aynaan helin dhanka Foosiya iyo dhinaca Soomaaliya midna). Intaas marka aynu isla garanno, waxa aannu akhristayaasha uga kala baxaynaa qoraalkan oo sidiisa kale qiime siyaasadeed iyo mid falanqayneedba leh oo wax weyn uga ifin kara halka la isla marayo.
— Bahda Geeska
Waxa si rasmi ah u furmay tartanka loogu jiro ciddii beddeli lahayd Muuse Faki Maxamed oo reer Jaad ah, xilka guddoomiyaha guddiga Midawga Afrikana bannayn doona Febraayo 2025. Musharraxiinta jagadan, oo haysta ilaa Ogos lixdeeda si ay araajida u soo xeraystaan, waa in ay ka soo jeedaan dalalka Afrikada Bari, arrinkan oo ka mid ah qorshe xilka meerto ka dhigayay oo ka mid ahaa dibuhabaynta haayadaha Midawga Afrika. Waa qorshe tan iyo 2018 dhaqangal ahaa, qof dalalkaas ka soo jeedana u oggolaanaya in uu Guddiga MA hoggaamiyo ilaa sannadka 2029.
Guddoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, oo ah madaxa laanta fulinta iyo wakiilka sharci ee ururku, waxa loogu talagalay in uu noqdo quwadda riixaysa jahada ay qaaradda foolka saaryaso, gaar ahaan marka ay timaaddo furdaaminta dhiillooyinka amni iyo mawduuca isdhexgalka dhaqaale ee qaaradda iyadoo lagu jaangoynayo aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika ee mustaqbalka. Taas oo ah kaalin uu Guddigu mar kasta muujisto in ay xaddidan tahay, ayna ugu wacan tahay caqabado maaliyadeed iyo karaankii lagu hirgelin lahaa go’aannada oo aan xoogganayn.
Doorashadii u danbaysay, oo dhacday 2017, Kiiniya ayaa sigtay jagadan. Laakiin markan, waxay wadataa ciddii u qaban lahayd: Rayla Odhinga, mucaaradka weyn ee shanta jeer waayay doorashada madaxnimada dalkiisa. Si uu u guulaysto ayuu madaxweyne Wilyam Ruuto uga soo ololeeyay, ballanqaadna uga soo helay, madaxda Yugaandha, Yuweeri Musafani, iyo Ruwaanda, Baawl Kagaame. Laakiin musharraxnimadiisu qaaradda walaac bay ku furaysaa, iyadoo aanay badiyaa dhicin in dalalka waaweyn iyo shakhsiyadaha culculus—inta badan lagu kala qaybsan yahay—ay cod la isku raaco helaan marka la dooranayo madaxa ururka Afrika.
Intaa waxa dheer, musharraxnimada Odhinga waxa qayb ahaan loo arkaa in ay Wilyam Ruuto ka tahay tab uu isaga takhallusayo mucaaradkiisa ugu weyn, ee aanay kaba ahayn wax ay dani ugu jirto ururka Afrika. Bishii Meey afarteedii, ayuu Odhinga—oo 79-jir ah—qudhiisu carrabaabay in aanu marna doonayn in uu kaalintiisa siyaasadeed ee gudaha Kiiniya ka dhaqaaqo haddii uu noqdo madaxa MA: “Diyaarad baan qaadan, oo Addis Ababa waxaan u shaqo tegi Isniinta ilaa Jimcaha, maalmaha fasaxa toddobaadkana Kiiniya ayaan ku soo laaban si aan arrimaha gudaha ee taagan wax uga qabto.”
Saddex dal oo kale ayaa si rasmi ah jagadan u soo xeraystay: Jabbuuti, Komoroos, iyo Soomaaliya.
Maxamuud Cali Yuusuf, oo labaatan sannadood hoggaaminayay diblomaasiyadda Jabbuuti, ayaa u eg in uu yahay qofka sida ugu adag ay Rayla Odhinga u wada tartami doonaan. Jabbuuti waxay isku hallaynaysaa wasiirkeedan waaya’aragga ah ee luuqadaha badan ku hadlaa in uu “dhidibbada u sii aroorin doono kaalinteeda udubdhexaadka ah ee ay ka qaadato diblomaasiyadda gobolka iyo Afrikaba,” sida lagu sheegay war-saxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay. Jabbuuti waxay had iyo goor isku daydaa in ay Geeska Afrika ka ciyaarto kaalin dhexdhexaadin ah, iyadoo dhawaanahan ku mashquulsanayd wada-hadashiinta Soomaaliya iyo Itoobbiya oo xiisadi ka dhex qaraxday ka dhalatay damaca Addis Ababa eek u aaddan gaadhidda badda. Mandiqaddan oo ah meel qalalaasaha la deris ah ayuu dalkan yar ee dadkiisuba aanu halka milyan dhamayni ka yahay ka keliya ee xasillooni la sheegi karo haysta.
Maxamuud Cali Yuusuf “wuxuu xoqan karaa kaadhka Faransiisnimada iyo kan Carabnimada si loo doorto,” ayuu sheegay diblomaasi Afrikada Bari ka soo jeeda oo MA jooga, jecelna in aan magaciisa la xusin. Laakiin sida ilo-xogeedyo dawladda Jabbuuti aannu ka hellay, maaddaama Midawga Afriki uu laalay xubinnimadii shan dal oo Af Faransiiska ku hadla iyo Soodaan – oo dhammaantood inqilaabyo ka dhaceen – taasi waxay wiiqi kartaa rabitaanka dalka yar ee Geeska Afrika ku yaal oo looga baahan yahay saddex-daloolow labo dalool codadka qaaradda si uu booska ugu guulaysto.
Waddanka Komoroos, oo isaguna ah dal kale oo Faransiis lagaga hadlo dadweynihiisuna ka yar yihiin hal milyan, ayaa u hanqal taagaya in uu madaxnimada Guddiga qabto dhawr bilood uun ka dib markii dalku ka degay madaxnimada shirweynaha Afrika oo uu 2023 hayey madaxweynaha Komoroos, Azali Asumaani. Jagadan cusub waxay gasiiraddan weyni u soo xushay wasiirkeedii hore ee arrimaha debadda, Maxamed Al-Amiin Soweef, oo iminka ah ergayga gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabbilsan ciidammada nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.
Waayahan dhiillada iyo qalalaasuhu hadheeyeen ee qaaradda, diblomaasigan 61-jirka ahi wuxuu kaga gaashaantay in uu xoogga saaro nabadgelyada iyo amniga. Wuxuu hore u soo noqday madaxa Hawlgalkii UNAMID (oo Midawga Afrika iyo Qarammada Midoobay isaga kaashadeen Daarfuur) iyo MINUSMA (Hawlgalkii QM ee Maali). “Qaaraddu waxay mudnaan siin doontaa xasilinta Geeska Afrika, maxaa yeelay xaaladda Badda Cas ayaa khatar gelinaysa amniga caalamka,” ayuu u sheegay jariiradda Le Monde. Sidaas oo ay tahay, marka gudaha loo soo galo luuqyada awooddu isku weydaarato ee Midawga Afrika, waxa caad saaran yahay karaanka uu Komoroos u yeelan karo in uu isku dubarito olole heer qaaradeed ah oo uu cod ku helo.
Waxa raggaas wajihi doonta Foosiya Yuusuf Aadan, oo ah haweenay keli ah ee tartankan ku jirta, toban sannadood ka horna ahayd Wasiirka Arrimaha Debadda ee Soomaaliya. Fursadda ay ku soo bixi kartaa ma buurn. “Musharrax Soomaali ah la ma dooran karo, waa wax aan macquulba ahayn; waayo Soomaaliya weli waa dal fashilan,” ayuu sheegay diblomaasi ka hawlagala Midawga Afrika oo saldhiggiisu Addis Ababa yahay.