Thursday 21 November 2024
—Warsan Shire, maansada Home
Galbeedka, siiba UK iyo USA, waxa ka socda dhaqdhaqaaq xooggan oo lid ku ah qaxoontiga, tahriibayaasha iyo soogalootiga kaas oo gaadhay heer dadka qaar dhahaan waxa uu samada ku sii shareeray cudurka dadka qaar haya ee shisheeye-nacaybka ah. Haddaba, bal aynnu laba dhacdo ka soo qaadano dhaqdhaqaaqyadaas: Dooddii xalay dhexmartaya labada murashax madaxwayne ee Maraykanka, Kamaala Haaris iyo Doonal Taraam, wax yaabihii ay ka doodeen waxa ka mid ah qodob ay in badan aad ugu ololeenayaan Xisbiga Jumhuuriga ah ee Taraam murashaxa u yahay oo ah in dadka sharcidarrada ku soo galay Maraykanka dib loogu celiyo dalalkoodii. Waayo, sida uu maalin dhawayd yidhi murashaxa madaxwayne-ku-xigeen ee Taraam, JB Vance, ee uu xalayna dooddii ABC News soo qabanqaabisay ku celiyay Taraam, in ay Tahriibayaashii reer Haiti ee Ohaayo ay cuneen bisadihii iyo shinbirihii, sidaa awgeed ay tahay in dib loogu celiyo dalalkoodii—waxa u sawirmatay, malaha, in waxa xiga ee ay cunayaan in ay tahay dadka!
Marka laga yimaaddo in la beeniyay dhacdadaas, haddana waxa ay noqotay mid falcelin badan hesha. Dhacdada labaad waa toddobaadyo ka hor iyo Biritayn. Waa rabshado ay kiciyeen dad ka soo horjeeda dadka magangalyoraadiska ah ee ku sugan dalkaas, taas oo keentay in lagu weerayay albeerkooyin ay deganaayeen iyo masaajid isla markaana la gubay maktabad-dadwayne oo dad dhibaato ku soo gaadhay, iyo, si guud, siyaasadda Xisbiga Shaqaalaha ee dalkaas ee ku wajahan in dadka maganalyoraadiska ah loo daabulo Ruwaando oo halkaas lagu hayo isla markaana dawladda Biritayn ku bixiso malaayiin doolar hawshooda.
Marka aynnu ka nimaadno dhaqdhaqaaqyadaas iyo kuwo ka sii horreeyay oo Yurub ka jiray, aynnu u nimaadno buugga aynnu rabno in aynnu ka hadalno iyo waxa ka khuseeya arrimahaas aynnu kor ku soo xusnay. Judhii aan arkay cinwaanka buuggan Ismaacil Caynaashe, oo ah saxafi iyo qoraa in ka badan tobaneeyo sano wax ka qorayay qaxoontiga, tahriibayaasha iyo fanka, ee Starangers (Tate Publishihg, 2023) waxa igu soo dhacay—dad badanba laga yaabo in u ku soo dhaco—buuggii Albert Camus ee The Stranger, wax badan se ma wadaagaan aan ka ahayn magacyada iyo in ay labaduba ku abtirsadaan geedka wayn ee fanka. Haddaba, muxuu yahay buuggani? Hagaag, “Buugani kama warramayo isla falgalka fanka iyo tahriibayaasha e, waxa uu abbaarayaa aragtida soogalootiga (oo aan “Strangers” ku turjumay), isaga oo aan soogalootiga ku qeexayn saaxiibbo ee u arka cid aynaan garanayn, taas oo aan ku qasbanayn in ay noqoto shisheeye ama dad aynaan garanayn oo raba in ay ina handadaan..laakiin waxa ay soogalootigaasi noqon karaan marti ama booqde—qof ay tahay in aynaan ka cabsan ama ka giigin, oo laga yaabo in ay u baahan tahay caawimaad, dareen-nax, naxariis iyo dadnnimo,” ayuu Ismaaciil inoogu qeexayaa abaarta buuggan (b. 13-14) isaga oo inoogu dhex ladhaya dabuubtaas tiro sawirro ah oo ka mid ah hawl faneed oo ay si fanaysan oo heersare ah u asleen fannaaniin loo arko in ay tahriibayaal iyo soogalooti yihiin.
Waxa uu qoraaga buuggani isku deyayaa in uu xagal aan aad hore looga eegi jirin arrimaha qaxoontiga, barakacayaasha, tahriibayaasha, magangalyoraadiska iyo soogalootiga ka eego, taas oo aan ahay xagasha dunida badankeeda laga adeegsado ee ah in la wadaago macluumaad qallalan oo u badan tirakoobyo la xidhiidha dadkaas, goobaha ay ka yimaaddeen iyo heerkooda hayn oo, dhanka kale, ka madhan dadkaas dareennadooda, sheekooyinkooda iyo quruxda fanka ay xanbaarsan yihiin in la isla wadaago, iyada oo la adegsanayo qalabada dadka xoreeya ee wada’ahaansiiya. Qodobkan si uu u sii faahfaahiyo oo FAR WAAWAYN ugu dhigo, waxa uu qoraaga buuggani isku dayayaa in uu u taariikheeyo xidhiidhka fanka iyo soogalootiga ka dhexeeya oo waxa uu buugga ku furfuranayaa fan-aslihii William Hogarth iyo booqashadii uu Faransiiska ku tegay, 1748, kolkii uu ka soo laabtay, xadhigii ay kula kaceen Booliska Faransiisku iyaga oo u sababaynaya in uu basaas yahay; dabadeed kolkii uu halkaa ka soo baxay sawirkii faneed ee uu ka aslay tuhunkaa shisheeyo-nacayb iyo isasarraysiin oo uu ka reebay ee uu ugu magacdaray “Ganjeelkii Kalay”, oo ilaa maanta ah Ganjeelka Biritayn iyo Yurubta kale, iyo wixii ka gadaaleeya. Sidoo kalena ahaa, waagaas, Ganjeelka laga suuraysan karay dadka kale iyo dunidooda.
Waxa uu qoraaga buuggani kula doodaya dadka iyo dalalka loo tahriibaba—siiba reer Galbeedka—in aanay awgiyaalo siyaasadeed, diineed, dhaqaaleed, iyo kuwa midaba aanay ku eegin dadkaas e, lagu eego awkiyaale dhaqan iyo fan. Tusaale waxa uu u soo qaadanaya sawirrada faneed ee Imani mid ka mid ah (b.25) iyo iskudaygeeda ah in ay muujiso jiritaanka xidhiidh aan awood badnayn oo mar la rabay in xidhiidh lagaga dhexaysiiyo Yurubiyaanka iyo Qurbajoogta Madawga iyo sida qaarkoodba kuwa kale u arki lahaayeen haddii la isku dayo in sawirrada faneed ee Ilaahyadii Roomaanka laga aslay lagu beddelo wiilka cad ee waynka sita wiil madaw. Maxaa soo bixi lahaa? Sidee se loo arki lahaa? Iskudaygaas Imani waxa ay uga gol lahayd in ay dunida tusto sida fanku u beddeli karo metelaadda iyo aragtiyaha bulsho-siyaasadeed ee la kala haysto.
Dhanka kale, waxa uu qoraagu leeyahay haddii awkiyaalaha hore la adeegsado waxa ka dhalanaya foolxumooyin badan oo ay ka mid tahay cunsuriyad, fadqalalo, rabshado iyo xiisado kale oo aan la mahadin, sida horaba ay uga dhacay dunida meelo badan. Tusaale aynnu u soo qaadano mudaharaadayaal midigta-fog ah oo Waqooyiga Ayrlaan ahi in ay bishii lixaad ee sannadkan rabshado ka kiciyeen halkaas oo ay gubeen gaadhi boolis iyaga oo ka gadoodsan tahriibayaasha halkaas ku nool iyo inta kale ee sida bilaa qorshaha ah ugu soo qulqulaysa, halka dhacadaas oo kalana koonfurta Iglan hore uga dhacday oo ay iyana ku gubeen bakhaar uu lahaa nin Bashiir magaciisa lagu sheegay.
Sidaa marka ay tahay, waxa uu ku garramayaa Ismaaciil, oo dadyawgaas ugu caqlicelinayaa, marka koowaadba, odhaahdii Ian Sanjay Patel ee ahayd “Halkan baannu joognaa, waayo adigiibaa halkii jooga” oo ah khidaab gumaysiga iyo dalalkan Gumaystaha ee hadda lagu qaxayo lagu la hadlo oo loogu sheegayo in la isdabamaray ee aanay belo wayni jidhin. Mar labaadnakana, waxa uu qoraagu dadkaas xasuusinayaa in aanay iyagu ahayn dalalka qudha ee qaxoonti, barakacayaal, tahriibayaal iyo dad magangalyoraadis ah haya e, dalal kale oo Afrika iyo Eeshiyaba ku yaallaa ay hayaan malaayiin dadkaas ah, taas oo aynnu tusaale u soo qaadan karno dalka yar ee Lubnaan iyo inta qaxoonti ee uu hayo, sidoo kalana Itoobiya, Yugaandha iyo Kiiniya.
Dhanka kale, Ismaaciil waxa uu carrabaabayaa in mawduucan hadda laga hadlo oo weliba laga eego xagashan cusub, waxa ay, si guud, dunida uga dhigan tahay, Soomaalidana, si gaar ah. Ugu horrayn waxa uu leeyahay, caalami ahaan maadaama la la tacaalayo qodobo la xidhiidha Tahriibayaasha, Isbeddelka Cimilada iyo Saboolnnimada, oo sanadahan danbe markhaati laga ahaa sida ay fara baas dunida ugu hayaan ee malaayiin qaxoonti ah oo Yukrayn, Itoobiya, Suudaan, Siiriya iyo Afgaanistaan ka qaxay in ay muhiimad gaar ah taasi siinayso in bal sidan loo eegayo arinkan tahriibayaasha, qaxoontiga, barakacayaasha, iyo magangalyoraadiska oo wax laga beddelo, taas oo hore u keentay in dadkaas loo adeegsado luuqad dadnimtir, nacayb, takoor, iyo hoos-u-eegis ah oo aanay, iinsaan ahaan, dadkaasi mudnayn.
Waxa uu Ismaaciil ku doodayaa in taa lidkeeda qof kastaa mudan yahay. Kolka uu qodobkaa hoos uga soo dego, Ismaaciil, waxa uu innagu baraarujinayaa, Somaali ahaan, oo shisheeyahana u sheegayaa jiritaanka erayga “Buufis” la dhaho iyo macnaha uu isaga u leeyahay iyo Soomaali kaleba. Haa, macnahaasi waa in baro nabad ah oo aan masiibooyinka dabiiciga ah iyo qaar ka mid ah kuwa dadsameega ah, sida dagaal sokeeye, faqri jiitama, iyo colaad kale oo dabadheeraata, oo qudhi, aanay qof ku qasbin in uu ka tacabiro dhulkiisa e, marar badan uu qofku u tahriibo ama magangalyoraadis u noqdo keliya in uu rabo baro uu u baxsado oo uu ka heli karo rejo wacan oo uu nolosha ku sii wato oo uu dalkiisa iyo dadkiisaba hadhaw wax ga soo tari karo oo siisa fursadaha uu dalkiisa ka raadinayay ee uu ka waayay. Waayo, ayuu leeyahay Ismaaciil, “Haybaddu malaha dhalasho” dal. Ama haddii aynnu soo dhawaynno fahanka, oo soo xiganno meerisxayirkiii Cabdicasiis Aw Guudcadde ku sameeyey meerisyadii Cabdibashiir Indhobuur ee ahaa, “Haybad waxaad ku leedahay/dalkii hagaagsan.”
Waxa aynnu tusaale u soo qaadan karnaa, dadka haybaddii ay ku lahaayeen dalkoodii hooyo ka waayay ee iyaga oo taa goobaya oo ku raadjooga meel ay ka helayaan ku naf waayay doonidii ka baxday Soomaaliya bishii Juun ee sannadkii hore iyada oo sida boqolaal Soomaali, Itoobiyaan iyo dadyawga kale ee Bariga Afrika dega in iyada oo ku sii jeedda Sucuudiga ay ku qallibantay aaga badeed ee Shabwah ee bariga Yeman oo halkaa ay ku dhinteen tobaneeyo carruur iyo dumar ah qaar kale oo badana lagu la’yahay ilaa maantadan. Waxa kale oo iyana xusid mudna in aynnu halkan ku soo qaadano kiskii Saamiya Yuusuf Cumar ama kummaanka qof sida Saamiya ku dhintay badda Midhitareeniyaanka ee xataa maydkoodii la diiday in carrada halkii ay u socdeen lagu aaso, tusaale waxa aynnu u soo qaadan karnaa fan aslihii Iskotishka ahaa ee David Wilkie (b. 36) ama ba dirqiga iyo tu baas ku bedbaaday sida kiisa saxafi Ilyaas Maxamed Cilmi.
Haddaba, si looga baxsado in dadkaas nololraadiska ah la sii rafaadiyo, talada uu hayo qoraagani waa in buundada dadkaas iyo kuwa diiddan isku xidhi kartaa ay tahay fanka oo ay tahriibayaashu dadkan ay u soo tahriibeen uga warrami karaan halgankoodii, sheekadooda jaadgooniga ah ee nololeed, dhaqankooda, shakhsiyaddooda iyo waxa ay tabayaan ee jacayl ah, ee xaqiijinta riyooyinkooda ah. Buundadaas dhisiddeeda iyo muhiimaddeeda ayuu qoraagu isaga oo aad u yaqiinsan tibaaxayaa , oo, bilmetel, waxa uu sheegay in markasta oo uu isdhaho mareegaha internaydka ka raadi sawir faneed ku saabsan Soomaalida qaxoontiga iyo tahriibayaasha ah in uu la kulmayay oo keliya sawirro gaajo, macaluul iyo rafaad uun ka muuqdo oo aan ka turjumay intaa wax ka shisheeya, marka laga reebo sawirka quruxda badan ee Mustafe Siciid qaaday ee uu qoraaguna soo xiganayo (b.16), kaas oo si fanaynsan oo arag-ku-dheg leh oo dadnnimo tif ka tahay inoogu sheegaya waxa fanku uga dhigan yahay tahriibayaasha iyo qaxoontiga.
Sidoo kale waxa aynnu taas si wacan uga dheehan karnaa sawirka ugu danbeeya buugga ee ay Kate Stanworth qaadday (b. 47) iyo gashaantimahaa laamiga tuban ee sida soo jiidashada iyo ashqaraarka leh u lebbisani waxa ay inoo sheegayaan iyo waxa aynu foolashooda ka akhrisan karno—ileen ‘waraa fool ku yaal’ e—oo noqon kara in ay caruusad iyo malxiisado yihiin oo isu diyaarinayaan gaaf in ay ka soo tumaan. Gebagabadii, sadarka ay Asma Jaamac ku ballaysimayso furfurista maansada Momtaza Mehri ee R.M leeyahay waxa uu inoo sheegayaa in “Goobaha oo dhami yihiin gumeelgaadh” oo laga ba yaabo qofkaas aad sharaysanayso in uu baradaada joogaa in uu ku dhaafo oo ku soo lugo’ay goobtaadan e, inta uu ka meelgaadhayo ujeedkiisa in aad u samirto oo gobannimo ku soorta, inta ay u hirgelayso. Dhanka kale, waxa aad moodaa in uu qoraago naqdinayo dadka ku dooda meerisya heestii Faysal Cumar Mushteeg ee ah:
Ha derderin carrada,
Ha duulin,
Ha degdegin,
Iska joog,
Na la joog.
Dalka lama necbaado
Dibadaha lama jeclaadee!
Oo uu ku leeyahay, nacayb iyo jacayl dooddu ma aha e, waa in qofku dalka ka samaysan karo meel uu joogaba (b. 26) oo weliba barakooyin badan uga heli karo (b.38) sida kiiska sawirqaadadii Gaanbiyaanka ahayd ee Khadiija Saye (b.40). Waxa uu ku soo afmeerayaa qoraagu buugga baaq dadnnimo oo uu qoraagu u dirayo saxaafadda iyo fannaaniinta dunida oo dhan oo kaga codsanayo in ay xagashan la fiiriyaan oo iskudayaan in ay qalabada dadnnimo ee fanka iyo dhaqanka adeegsadaan si ay mushkiladda tahriibayaasha uga warramaan oo xalkeeda qayb uga noqdaan.