Skip to main content

Monday 16 September 2024

Waraysi

"Soomaalida qaar waxaan u ahay mid u taagan wax kastoo ka dhan ah Soomaalinimada.”

3 June, 2024
Image
Nuruddin Farah
Share

Markaan kasoo degay dhaweeyaha i keenay sakad dabaqyo gaagaaban oo ku taal Cape Town, dabaqyo leh nashqad shaxano iyo sagsaag ah (art deco), waxay ishaydu ku dhacday Nuuradiin Faarax oo kor iga soo qooraansanaya, halkan ayaa uu kalidii ku noolyahay oo aan ku ballansanahay in uu iigu qado kariyo. “waan soo degayaaye i sug.” Ayuu cod hoose iigu baaqay.

Cabbaar yar kadib ninkaan afaafka kula kulmay waa duq daalay, balse wali qotonkiisu qumaati yahay, oo leh joog haybadi ka muuqato. Wuxuu ku labisan yahay shiingee waafi ah, shaadh waaraad ah, iyo buudh maas ah oo fudud, cidhib aan lahayn.

Waxaan watay shandad culus, wuxuu ii soo bandhigay gacan kaalmo, si ixtiraam leh ayaan ugu gacan saydhay. Ka dib markaan jaranjarooyinka saddexda dabaq ah fananay, ee aan kor soo gaadhnay ayuu ii hagay albaab ahaa irrida hoygiisa, waxa uu ka koobnaa maktabad, jiko, qol hurdo iyo qol yar oo dheeraad ah oo hadda hagaajintiisa iyo qurxintiisa faraha laga qaaday. Hoygiisu waa mid kooban oo isdhex daadsan.

Qoraaga oo hadda jira todobaatan iyo todoba gu’, wuxuu hawlaha curinta iyo qoraalka ku jiray muddo ku dhaw lixdan sanno, muddadaas oo uu ku mutaystay inuu ka mid noqday qoraayada foolaadka ah ee dunida, iyo mid sannad kasta u sharaxan abaalmarinta Noobasha suugaanta.

Xidhiidhka murugsan ee uu dalkiisa hooyo la leeyahay waa mid uu kala siman yahay kuwo badan oo musaafuris kaga maqan dalalkooda. Nuuradiin Faarax waa libaraali aan la soo marsiin karin islaamka xagjirka ah ee Soomaaliya harqiyay, waa mid ku adadag u madaxbanaanaanta shaqsiga ah ee falka iyo fekerka, oo neceb in qofka lagu qasbo ama uu isagu cid kale ku raalli galiyo fal ama feker uusan ku iimaan qabin. Nuuradiin waa mid kusoo noolaaday 13 dal, balse, hal dal oo kali ah ka fekera: Soomaaliya.

“Soomaalinimada ayaa ah waxa hayaankayga hore u waday,” ayuu ii sheegay kolkaan saldhignay hoygiisa ay isdul tubnaayeen buug iyo xasuusaha Muqdishadii tagtada ku libidhay.

“xidhiidh yaab leh ayaan Soomaaliya la leeyahay, Soomaalida qaar waxaan u ahay mid u taagan wax kastoo ka dhan ah Soomaalinimada, sababtuna waxay tahay sidaan u fekero, sidaan wax u qoro iyo sidaan uga warramo iyaga. Giriigu adduunka waxay u qaybiyeen Giriig iyo cawaan (barbarians). Anna Soomaali iyo ajaanib."

Nuuradiin Faarax oo Baydhabo ku dhashay 1945, wuxuu ugu horayntii musaafuriska ku qasbanaaday 1976. Marka uu isagoo damacsan inuu kasoo noqdo bandhig buug oo uu Talyaaniga ku marayay walaalkii soo wacay si uu ugu qaban qaabiyo gaadhiga madaarka ka soo dooni lahaa kolka uu soo dhoofo. “warba ma haysid shaw,” ayuu walaalkii yidhi. “War maxay ah?” Ayaan idhi. Markaas ayuu ii sheegay in hadii aan Soomaaliya kusoo laabto xabsiga la ii taxaabi doono muddo aan ka yareyn 30 sanno.”

Buuggiisa (Naked Needle) oo ah sheeko-faneediisa labaad ayuu Nuuradiin ku galay denbiga inuu sarbeebo suugaaneed ku jareexeeyay hogaamiyihii kelitaliyaha ahaa ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre. Sheeko-faneediisii u horaysay (Feedh-qaloocan) lafteedu dood ayay dhalisay. Waxay ku saabsan tahay gabadh da’ yar oo Soomaaliyeed oo ka baxsanaysa guurka oday duq ah oo lagu dari rabay. Nuuradiin markuu yaqiinsaday in aanuu dalkiisa dib ugu laaban karin wuxuu hanti haystay $150, dibna uma laaban muddo ka badan 20 sanno.

Wuxuu isku maqiiqay jiko yar oo dhawr dhari iska ag karayaan. Maqliga istoofka duuga ah saaran waxaa ku jira kaluun seefle solan. “inaad waxoogaa shigni ah iska xajin kartaan filayaa?” ayuu i warsaday, isagoo shigni ku iidaamaya kaluunkii. 

“waa inaan wax yar isu geygeysanaa,” ayuu ku tilmaamay qadaduu sida muuqata goor hore sii diyaariyay, wuxuu uga dan lahaa uun inaan hadalku joogsan. Laba dhari oo mid uu ku jiro badar daango, kan kalena boqoshaa iyo basal laysku shiilay ayuu walaaqay oo hadba mid mikroweyfka galiyay. Waxa dhinac yaalay caleen saladh balaadhan oo lagu iidaamay saliid saytuun iyo khal.

Inaan ka xumahay intaan kadeeday ayaan u sheegay, “dhib ma leh, eedna kuma lihid,” ayuu ku jawaabay isagoo ereyadiisa miisaamaya.

Waxaan go’aansanay inaan ku cuntayno qolkii yaraa ee qormada cusub ahaa, miis yar oo aanay waxba saarnayn ayaan kursi garab yaalay fadhiistay, isna gambadh dheer ayuu soo riixday.

Waayn cas ma rabtaa? Yaa u sheega in akhristayaashayadu qadariyaan koob ama laba qadada layskaga dejiyo. “kol haddii aad barqadii koob waayn ah qac ka siiso,” ayuu yidhi isagoo dhallo dheer oo waayn cas ah ku qulaaminaya laba koob, “maalintuba sidaas ayay kugu daysay.” 

Sida ay u badan yihiin dhawr iyo tobanka (15) sheeko-faneed ee Nuuradiin waxay ka dhacayaan Soomaaliya, laakiin taxanihiisa saddexleyda ah ee u danbeeyay waxay ku saabsan yihiin Soomaalida qurbaha oo waxay ka kala dhacayaan Nayroobi, Oslo iyo kan uu hadda gacanta ku hayo – oo Cape Town ku salaysan. Waxaan weydiiyay waxa dadka qaar u saamaxa in ay la jaanqaadaan nolosha Meesha ay ku noolyihiin, halka kuwo kalena la kadeedmaan dhexgalka bulshadaa ku cusub.

Buuggiisa (North of Dawn) oo la daabacay 2018, lammaane Soomaali ah oo noqday Noorwiij ilbax ah, ayaa wiilkoodu Alshabaab ku biirayaa oo Soomaaliya ku noqonayaa. Naag Soomaaliyad ah ayaa waxdad noqonaysa oo diidaysa ku jeeni qaarashada suunka-amaanka, iyadoo ku sheegaysa xidhashadiisu in ay iimaan la’aan tahay, ruuxuna dhinto uun markuu alle u qaddaro. Naag kale oo iyana Soomaaliyad ah ayaa ku nool Talyaaniga, waxay leedahay saddex mucaashaq oo saddex dal kala jooga, mid kastaana u guddo rabitaanadeeda kala duduwan, mid waxay ku jeceshay aqoontiisa, mid quruxdiisa midna quwadiisa shahwadeed. Shaqsiyaadka qaar ee sheekada ayaa ah kuwo khaniisyo ah. Maxaa haddaba keenay siyaalaha kala duwan ee looga falcelinayo soo jiidashada – amaba foolxumada- libaaraaliyadda reer galbeedka? 

Legdankan qiyam ee qoyska ka dhex oogani waa mid ka turjumaya loollanka guud ee bulshada ka dhex aloosan. Waana waxa udub dhexaadka u ah qoraalladiisa. “Soomaalidu waa ummad madaxa iskula jirta goor iyo ayaan, waxay kugu amrayaan waxay tahay inaad suubiso, taasina maaha mid la aqbali karo.” Ayuu yidhi, “waxa isweydiinta mudani waxa weeye sida loo wada noolaanayo marka inaadeerkaa yahay midaan meel aan masaajid aheyn madaxa galin abidkii, oo aan adigana kaa aqbalayn sidaa si aan ahayn in aad yeesho, midaan kaa yeelayn in aad marar koob waayn ah isku diirisid, oo aan kaa yeelayn  marar in aad u daawasho tagto farshaxanka dhismayaasha kiniisadaha?

“Qoys walba oo Soomaali ahi wuxuu leeyay oday,” ayuu yidhi isagoo afka gashaday qaado boqoshaa ah oo liin dhanaan dhadhankiisa buuxisay. Baahi darran ayaa aniga i haysay oo cunada waan ku qamaamay, kolba intaan su’aal ku tuuro ayaan suxuunta quusayay.

“Hogaanka aabbuhu haddaanuu jirrin hooyadaa buuxisa,” wuu sii waday. “Soomaalida ruuxba goonidii aragti iyo cod u gaar ah uma laha. Qofku wuxuu adeecaa waayeelka. Wuxuu raacaa tilmaamaha diinta. Si’aragiisa oo dhan cid kale ayuu u daba fadhiistaa oo waa mid gabi ahaanba cid kale u dabran.” Ayuu yidhi isagoo farageeto kor u haya.

“halkaan u socdaa waxay tahay, ruux walbaa isaga oo xor ah ayuu aduunka yimid, sidaa daraadeed waa in uu sidaa ku nagaadaa. Tabtaas ayaan qabaa anigu, wax kastoo dabraya aragtida iyo sharafta shaqsiyaadku waa kalitalisnimo.”

Nuuradiin wuxuu isku tilmaamay “calmaani xagjir ah” waxa uuna badanka wax ka qoraa Afrikaan calmaani ah oo danahooda isaga foogan. Jabaaniis shirkad daabacaada leh ayaa mar u sheegay in aanay turjumayn buugtiisa, maadaama ayna lahayn dhadhan Afrikaanimo. “Gurbaanadaa ku yar qiyaastii” ayuu si jeesjees u yidhi. Uma sadcaalo dalalkaan turjumin buugtiisa.

Aragtidiisa nabadaynta qoyska, beelaha, iyo dalalka isdagaalsani waa in maanfurnaan iyo dulqaad lala yimaado. “ixtiraam weyn ayaan u hayaa diinta iyo cidii ku dhaqanta ee aaminsanba, balse, ma ogoli in ay cidna aniga igu sanduleyso” ayuu yidhi. “ruuxaan aragtiyahayga dulqaad u yeelan karin, anna tiisu i mari mayso,”

“ma fahantay halkaan u socdo? Dulqaadkaygu waa mid heer sareeya, waxa kaliyeen u dulqaadan karin waa qof rabs in uu tiisa i marsiiyo.”

Nuuradiin qoyskiisu waxay Soomaaliya ka guureen oo deegaanka Soomaalida ee Itoobiya dageen markuu jiray 18 bilood. Aabbihii ayaa turjumaan u ahaa badhasaabkii Biritishka, hooyadiina waxay aheyd mid maansoota, oo buraanbur aroosyada ka marisa. “hooyaday maansayahanad caan ah ayay ahaan lahayd haddii aannay ku mashquulsanaan lahayn caruurteeda 10-ka ah,” ayuu isagoo ka xun yidhi, wuxuuna ku daray in noloshiisa u banbaxsan qoraalku tahay maamuuska hibbadeedii daahsooneyd. “Hooyaday waxbarasho toos ah may helin, se waxay aheyd mid ku xeeldheer suugaan afeedda.”

Isagoo siddeed jir ah ayaa curintiisii koowaadi bilatay. Aroos jaarka ah ayay buraanbur u tirisay hooyadii, balse, waxay haleeli weyday in ay u tagto oo gudoonsiiso. Wiilkeeda ayay u marisay oo fartay in uu gaadhsiiyo. “waxaan dhexda kubad sii baacsadaba, baydadka qaar ayaan ilaabay oo kuwo u eeg ayaan ku buuxiyay. Kolkay hooyaday ogaatay ayay tidhi kuwaan ku faray ma aha kuwaasi. Waxaan u sheegay in aan ilaabbay oo aan kuwo kale ku buuxiyay. In ay toosan yihiin ayaan weydiiyay? Haa ayay tidhi.”

Taas ayay aheyd dhiirigalintuu u baahnaa. Ilaa hadda kor ayuu ugu dhawaaqaa ereyaduu waraaq ku xariiqo, isagoo ku qoraya midabo kala duwan, intaanuu ku biirin qoraal rasmi ah. “wanaagga kali noolaanshahu waxay tahay cidna moodi mayso in aan waashay kolkaan ku hadaaqayo tiraabtaan qoray.” Wuu dhoola cadeeyay.

Si ka duwan hooyadii isagu wuxuu helay waxbarasho wanaagsan. Wuxuu ka hadlay tacajabka ah in wiilasha uun dugsiga lagu daro, gabdhahana la reebo. Wuxuu bartay Af Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo mar danbe oo walaalkii oo dugsi Talyaani ah wax ka baranayay uu bilaabay inuu baro af Talyaaniga. Walaalkii oo aan hadda aduunka inala joogin ayaa baray suugaanta iyo Dostayaskiba.

Waxaa halkaa ka dhashay jacayl ba’an oo uu buugta u qaaday, mar walba in ay ag dhoobnaadaan ayuu jeclaystaa. Marbaa isagoo Niyuuyook jooga, oo ku gudo jira gebogabaynta sheeko-faneed uu waday, ayuu arkay isagoo dhex jooga qol ka arradan buug. “waxaan xasuustaa inaan idhi sidan kuma shaqayn karo.” Wakiilkiisa ayaa markaa u soo ururiyay 150 buug si ay cuqdadaasi u burto.

Waa sababtaanuu Soomaaliya gudaheeda wax ugu qori karin, ayuu yidhi isagoo kaftan dhabaaleynaya, “in aad buntuq soo gadato iyo in aad buug sheeko-faneed ah gadato waxaa sahlan in aad buntuq gadato.”

Buugtu nolol gooni u ah ayay noolaadaan, ayuu yidhi. “dadka kale ayay la hadlaan, buugta kalena wey la sheekaystaan, buugtu wey wada doodaan, akhristayaashuna waa cida ogaata doodaha iyo sheekada dhex marta buugta.”

Waa sababtuu ugu dooday in ay tahay in uu jidka u baneeyo buugga uu qoraalkiisa ka dhamaado, si uu aduunka isaga meeleeyo. “Buugtayda waanu kala xidhiidh furanaa oo dadkooda ayay samaystaan. Waxaaba la helayaa dad iiga jacayl badan buugtayda.”

Waxaan weydiiyay wuxuu qabto inta buugtiisa aduunka wareegayso ee dad kala duwan la kulmayso. “Dee, mid kalaan qorayaa,” wuu qosol dilaacay.

Wuxuu u talaabsaday dhanka jikada, wuxuu la soo laabtay dhallo kale oo waayn ah, koobkaygii buu gingimay. 

Ujeedada Nuuradiin hadday aheyd inuu ka dheeraado xukunka iyo xayndaabka qoyskiisa, wuu ku guuleystay inkastoo oo uu xidhiidh la leeyahay saddexda dumar ah ee walaalihii ka nool.

Laba guur ayuu soo maray, xaaskiisii u danbaysay oo aheyd qoraa Nayjeeriyaan ah, waxay labadooda caruur ah kula nooshahay Kalifoorniya.

Hadda kalidii ayuu degan yahay. Sannadkiiba mar ayuu muxaadarooyin kasoo bixiyaa jaamacad Bard college Niyuuyook oo uu ka yahay bare-sare oo suugaaneed. In kastoo uu saaxiibo ku leeyahay Cape Town, haddana maalmo dhan ayuu hoygiisa ku qarsoonaan karaa iyadoon cidna carqaladayn.

Gabadh afraad oo ay walaalo ahaayeen, taas oo u shaqayn jirtay UNICEF – laanteeda Afgaanistaan ayaa Daalibaan dishay, kadib markii ay soo weerareen makhaayad ay ka qadaynaysay. Buuggiisa (Hidding in Plain Sight) oo qayb ka ah taxanihiisa u danbeeyay ayuu ku sawiray dhacdo taas u eeg. Nin Soomaali ah oo Qaramad Midoobay xafiiskooda Muqdisho ka shaqeeya ayaa helaya warqad ay ku qoran tahay “deth” ka dibna qarax ayaa qurub qurub u jarjaraya.

Buuggan (Hiding in Plain Sight) oo soo baxay 2014, waxa uu qoray ka hor intaan walaashiis dhiman, balse, soo bixidiisu geerideeda wuu ka danbeeyay. “waxay ila aheyd inaan anigu u saadaaliyay geeridaas walaashay,” ayuu yidhi isagoo murugaysan.

Qadadii kolkaan laastay ayuu i weydiiyay in aan canbe iyo bun rabo. Kijadaan u wareegnay, wuxuu bilaabay dubista bun Kiiniya kasoo go’ay, isla markaana wuxuu dhanbalo u kala gooyay canbihii, oo wuxuu ka sugay lafihii. Canbuhu wuxuu kasoo go’ay Durbaan, kii u wacnaa ee aan abid cuno ayuu ahaa.

Nuuradiin wuxuu kusoo noolaaday Hindiya, Biritayn, Germalka, Iswiidhan iyo Ameerika. Balse wuxuu ku xasilay oo naftiisu ku degtay Afrika, wuxuu kusoo noolaaday Gaambiya, Kiiniya, Nayjeeriya, Yugaandha, Soodaan iyo hadda oo uu degan yahay dalka Koonfur Afrika, “waan ku badhaadhay dhamaan meelahaan kusoo noolaaday,” ayuu yidhi isagoo ka raali ah guulaha uu ka gaadhay noloshiisa reer guuraanimo.

Waxaan ku laabanay qodobka Soomaaliya oo mar walba dib noo soo cufasjiidanaya. Wuxuu soo xasuustay Muqdishadii 1960-kii iyo horaantii 1970-nadii, way ka gedisneyd tan maanta ee sannadihii badnaa ee dagaalka sokeeye wada haaraha ka yeelay, ee weerarada Al shabaab halakeeyeen, islaamka xagjirka ahina cadaadiyay. Muqdishada xasuustiisu waa mid kulansatay ajaanib kala duwan oo qarniyo kala danbeeyay soo cagadhigtay – Carab, Turki, Beershiyaan, Saansibaari, Talyaani – kuwaas oo mid kastaa summadiisa ku biirshay dhismayaasha magaaladan badda kulaasha ee ashqaraarka leh.

“waxaan xasuustaa Muqdishadii nabdooneyd ee aad daakiraada habeenkii u kala tamashleyn kartay degmooyinkeeda iyadoon bisadi bisad hirdin,” ayuu yidhi Nuuradiin. Dhallintu iyagoo wiilal iyo gabdho ah ayay baadhi isku raacayeen oo hadday tagsi waayaan wada dhaxayeen, gurina wada seexanayeen iyadoo la kala amaan qabo. “Soomaaliyadaas ayaan xasuustaa, taas oo ay macquul aheyd suureysashada duni saaloon.”

Dharaarahaas dumarku guntiino ayay xidhan jireen, markaasuu naasku dacal ka muuqan jiray. Hadda intay isdadaan, ayuu yidhi, ayaa ragiina shahwadi madax martay.

Waxay u muuqataa inuu qodobkan si daandaansi leh uga hadlo si uu dad gaar ah u dareen galiyo. Sheeko-faneedyadiisa dumarka xijaaban wuxuu ku sheegaa inay yihiin kuwo “teendho gashan” (body tent) kuwa dharka fudud xidhana kuwo “arraga koowaad lagu dhagxin lahaa”. Muxuu ka leeyay ereygii cunsuriga ahaa ee Booris Joonsan ku tilmaamay xijaabka “letterbox”. Isagoo qoslaya ayuu yidhi “dee anigu Soomaali baan ahay oo way ii banaan tahay inaan waxaa dhahaa.”

Hadii Soomaaliyadan cusubi tahay mid aanuu aqoonsan karin, ma soo noqon kartaa Soomaaliyadaa libaraalka aheyd? “Way soo laaban doontaa,” ayuu si kalsooni leh ugu jawaabay. “Markay jiilkan aan calmaaniga aheyni tagaan. Jiil kastaa isbeddel hor leh ayuu wataa. Waxaa jirtay mar aan Soomaaliya joogay oo aan u haystay dadkoo dhami in ay ila mid yihiin. Waxaa imaan doonta mar ay mar kale sidaa iyo si ka wacan noqon doonto.”

 

Waraysigan turjumaadiisa waxa aan hore u baahinay Maarso 2023, asalkiisa oo ingiriisi ah halkan ka eeg. waxa turjumay Maxamed Buux.